Sakaryaah 7:3
iyo inay la hadlaan wadaaddadii guriga Rabbiga ciidammada, iyo nebiyadii, oo ay ku yidhaahdaan, Miyaan bisha shanaad ooyaa, oo miyaan gooni iska dhigaa sidii aan yeeli jiray sannadahan badan oo dhan?
iyo inay la hadlaan wadaaddadii guriga Rabbiga ciidammada, iyo nebiyadii, oo ay ku yidhaahdaan, Miyaan bisha shanaad ooyaa, oo miyaan gooni iska dhigaa sidii aan yeeli jiray sannadahan badan oo dhan?
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
4Oo haddana waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga oo wuxuu igu yidhi,
5Waxaad la hadashaa dadka dalka deggan oo dhan iyo wadaaddadaba, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad soomi jirteen oo aad barooran jirteen bisha shanaad iyo bisha toddobaad, oo ah toddobaatankan sannadood, miyaad innaba aniga ii soomi jirteen?
1¶ Oo Boqor Daariyus sannaddiisii afraad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Sekaryaah maalintii afraad oo bisha sagaalaad, taasoo ah bisha Kislee'u.
2Haddaba reer Beytel waxay soo direen Shareser iyo Regem Meleg iyo raggoodiiba inay Rabbiga baryaan,
3Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Jidadkiinna iyo falimihiinnaba hagaajiya, oo anna waan idinka yeeli doonaa inaad meeshan degganaataan.
3Oo iyana waxay igu yidhaahdeen, Kuwii maxaabiista ka hadhay oo gobolkii jira waxay ku jiraan dhibaato weyn iyo ceeb; oo derbigii Yeruusaalemna waa la dumiyey, oo irdaheediina dab baa lagu gubay.
4Oo markaan erayadaas maqlay ayaan meel fadhiistay oo ooyay, oo intii ayaamo ah ayaan baroortay; waanan soomay, oo waxaan ku tukaday Ilaaha samada hortiisa,
3Oo wuxuu kaloo isaga u yimid wakhtigii Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah uu dalka Yahuudah boqor ka ahaa, iyo ilaa sannaddii kow iyo tobnaad ee Sidqiyaah ina Yoosiyaah uu dalka Yahuudah boqor ka ahaa, iyo ilaa waagii Yeruusaalem maxaabbiisahaanta loo kaxaystay bishii shanaad.
18¶ Oo waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga ciidammada, isagoo leh,
19Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Soonkii bisha afraad iyo soonkii bisha shanaad iyo soonkii bisha toddobaad iyo soonkii bisha tobnaadba waxay dadka dalka Yahuudah u noqon doonaan farxad iyo rayrayn iyo iido lagu rayreeyo, haddaba sidaas daraaddeed jeclaada runta iyo nabadda.
17¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Aad u fiirsada, oo u yeedha naagaha baroorta ha yimaadeene, waxaad u cid dirtaan naagaha aad baroorta u yaqaan ha yimaadeene.
18Oo iyagu ha soo dhaqsadeen, oo aad ha noogu baroorteen, si ay indhahayaga ilmo uga soo daadato oo ay biyona uga soo butaacaan.
1¶ Oo markii bishii toddobaad la gaadhay, oo ay reer binu Israa'iilna iska degganaayeen magaalooyinkoodii, ayaa dadkii oo dhammu ugu soo wada urureen Yeruusaalem sidii nin keliya.
1¶ Oo sannaddii toddobaad, bisheedii shanaad, maalinteedii tobnaad ayaa odayaashii reer binu Israa'iil qaarkood u yimaadeen inay Rabbiga wax weyddiistaan, oo hortayday fadhiisteen.
9¶ Oo haddana waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga oo leh,
16Oo weliba wadaaddada iyo dadkan oo dhanba, waan la hadlay oo waxaan ku idhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Innaba ha maqlina erayadii nebiyadiinna wax idiin sii sheega, oo idinku yidhaahda, Bal ogaada, weelashii guriga Rabbiga mar dhow baa Baabuloon laga soo celin doonaa, waayo, iyagu been bay idiin sii sheegaan.
17Wadaaddada midiidinnada Rabbiga ahu balbalada iyo meesha allabariga dhexdooda ha ku ooyeen, oo iyagu ha yidhaahdeen, Rabbiyow, dadkaaga u tudh, oo dadka dhaxalkaaga ah wax la caayo ha ka dhigin oo yaanay quruumuhu iyaga u taline. Waayo, bal maxaa dadyowga dhexdooda looga odhan doonaa, Bal meeh Ilaahooda?
1¶ Oo isla sannaddaasba, bilowgii boqornimadii Sidqiyaah uu boqorka ka ahaa dalka Yahuudah, sannaddii afraad bisheedii shanaad ayaa Xananyaah ina Casuur oo ahaa nebigii Gibecoon ka yimid igula hadlay guriga Rabbiga dhexdiisa iyadoo ay wada joogaan wadaaddadii iyo dadkii oo dhammu, oo wuxuu igu yidhi,
5Haddaba Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Jidadkiinna ka fiirsada.
7Haddaba Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Jidadkiinna ka fiirsada.
13¶ Kuwiinna wadaaddada ahow, joonyado guntada oo ooya, oo kuwiinna meesha allabariga ka adeegow, baroorta. Ilaahayga midiidinnadiisow, kaalaya oo habeenka oo dhan joonyado ku jiifa, waayo, qurbaankii hadhuudhka iyo qurbaankii cabniinkaba waa laga joojiyey gurigii Ilaahiinna.
18Laakiinse iyagu hadday nebiyo yihiin, iyo haddii eraygii Rabbigu uu iyaga la jiro, haatan Rabbiga ciidammada ha ka baryeen in weelasha ku hadhay guriga Rabbiga, iyo guriga boqorka dalka Yahuudah, iyo Yeruusaalem gudaheeduba ayan Baabuloon tegin.
6Markaasaa Cesraa ka kacay gurigii Ilaah hortiisa, oo wuxuu galay qolkii Yehooxaanaan oo ahaa ina Eliyaashiib, oo markuu halkaas yimid waxba kibis ma uu cunin, biyona ma uu cabbin, waayo, wuxuu u baroortay xadgudubkii ay sameeyeen dadkii maxaabiisnimada ka soo noqday.
7Markaasay ka dhex naadiyeen dalka reer Yahuudah iyo Yeruusaalem oo ogeysiis gaadhsiiyeen dadkii maxaabiisnimada ka soo noqday oo dhan inay dhammaantood Yeruusaalem ku soo wada ururaan.
6Laakiinse erayadaydii iyo qaynuunnadaydii aan nebiyadii addoommadayda ahaa ku soo amray, sow ma gaadhin awowayaashiin? Oo iyana intay soo noqdeen ayay yidhaahdeen, Rabbiga ciidammadu siduu ku fikiray inuu nagu sameeyo, siday jidadkayagu ahaayeen, iyo siday falimahayagu ahaayeen ayuu nagu sameeyey.
7¶ Boqor Daariyus sannaddiisii labaad, bisheedii kow iyo tobnaad, taasoo ah bisha Shebaad maalinteedii afar iyo labaatanaad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Sekaryaah oo ahaa ina Berekyaah ina Iddo oo nebigii ahaa, oo wuxuu ku yidhi,
7Oo wadaaddadii iyo nebiyadii iyo dadkii oo dhammuba waxay maqleen Yeremyaah oo erayadan gurigii Rabbiga kagaga dhex hadlaya,
8Oo wuxuu Yeruusaalem yimid boqorka sannaddiisii toddobaad, bisheedii shanaad.
3Oo Boqor Sidqiyaah wuxuu Nebi Yeremyaah u soo diray Yehuukal ina Shelemyaah, iyo Sefanyaah ina wadaadka Macaseeyaah, oo wuxuu ku soo yidhi, Bal Rabbiga Ilaaheenna ah noo bari.
3Haddaba sidaas daraaddeed waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Ii soo noqda, ayuu Rabbiga ciidammadu leeyahay, oo anna waan idiin soo noqonayaa, ayuu Rabbiga ciidammadu leeyahay.
9Markaasaa Nexemyaah oo taliyaha ahaa, iyo wadaadkii Cesraa oo karraaniga ahaa, iyo kuwii reer Laawi oo dadka wax bari jiray, waxay dadkii oo dhan ku wada yidhaahdeen, Maanta waxay Rabbiga Ilaahiinna ah u tahay maalin quduus ah, haddaba ha barooranina, hana ooyina, maxaa yeelay, dadkii oo dhammu way wada ooyeen markay maqleen erayadii sharciga.
29¶ Oo wadaadkii Sefanyaah ahaa ayaa warqaddaas ku akhriyey Nebi Yeremyaah hortiisa.
7Sow ma aha erayadii Rabbigu kaga dhex qayliyey nebiyadii hore, markii Yeruusaalem la degganaa oo ay barwaaqada ku dhex jirtay, oo la wada degganaa magaalooyinka hareeraheeda ku wareegsan iyo xagga koonfureed iyo bannaankaba?
8¶ Markaasaa eraygii Rabbigu u yimid Sekaryaah, isagoo leh,
7Waayo, bushimaha wadaadka waxaa waajib ku ah inay aqoonta dhawraan, oo waxaa ku habboon in sharciga afkiisa laga doono, waayo, isagu waa wargeeyihii Rabbiga ciidammada.
8¶ Haddaba markay yimaadeen guriga Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal sannaddii labaad bisheedii labaad ayay Serubaabel oo ahaa ina Salaatii'eel, iyo Yeeshuuca oo ahaa ina Yoosaadaaq, shuqulkii bilaabeen, iyaga iyo intii kale oo ahayd wadaaddadii walaalahood ahaa, iyo kuwii reer Laawi, iyo kulli intii maxaabiista ka soo baxday oo Yeruusaalem timid, oo kuwii reer Laawi intii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weyn ayay u doorteen inay shuqulkii guriga Rabbiga u sarreeyaan.
15¶ Oo iyaga waxaan ku soo wada ururiyey webiga u socda xagga Ahawaa, oo halkaasaannu degganayn saddex maalmood; markaasaan dadkii iyo wadaaddadii u fiirsaday, oo halkaasna kama aan helin mid reer Laawi ah.
5Markaas Nebi Yeremyaah baa la hadlay Nebi Xananyaah iyadoo ay wada joogaan wadaaddadii iyo dadkii guriga Rabbiga dhex taagnaa oo dhammu.
13Oo sidii uu u dhawaaqay oo iyana ay maqli waayeen, sidaas oo kalay u qayliyeen, oo anna ma aan maqlin, ayaa Rabbiga ciidammadu yidhi,
1¶ Bal eeg, waayahaas iyo wakhtigaas, markaan soo celin doono maxaabiistii dadka Yahuudah iyo reer Yeruusaalem,
9¶ Boqorkii dalka Yahuudah oo ahaa Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah sannaddiisii shanaad bisheedii sagaalaad waxaa dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhan iyo dadkii Yeruusaalem uga yimid magaalooyinka dalka Yahuudah oo dhan loogu dhawaaqay inay Rabbiga hortiisa ku soomaan.
13Oo weliba waxaa kaloo aad samaysaan tan: Meesha allabariga ee Rabbiga ayaad ku dul badisaan ilmo, iyo oohin, iyo taahid, sababtuna waa qurbaanka uusan innaba mar dambe dan ka lahayn, oo uusan raalli ka ahayn inuu gacantiinna ka aqbalo.
12Oo wadaaddadii badidood, iyo kuwii reer Laawi, iyo madaxdii qabiilooyinka oo ahaa odayaashii arkay gurigii hore ayaa aad u ooyay markay arkeen gurigan aasaaskiisii oo hortooda lagu dhigay, oo kuwo badanuna farxad bay la qayliyeen,
9Markaasaa raggii reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin oo dhammu intii saddex maalmood ah ku soo wada urureen Yeruusaalem, oo taasu waxay ahayd bishii sagaalaad maalinteedii labaatanaad, kolkaasaa dadkii oo dhammu wuxuu fadhiistay bannaankii guriga Ilaah hortiisa ahaa, iyagoo gariiraya xaalkan aawadiis iyo roobkii weynaa daraaddiis.
11Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haddaba wadaaddada waxaad weyddiisaan wax sharciga ku saabsan, oo waxaad ku tidhaahdaan,
5Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Reer Laawiyow, i maqla, oo haddeer isdaahiriya, oo waxaad kaloo daahirisaan guriga Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin, oo nijaastana ka bixiya meesha quduuska ah.
9oo wuxuu iyagii ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo aad iigu dirteen inaan baryootankiinna hortiisa geeyo wuxuu leeyahay,
6¶ Oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Erayadan oo dhan ka dhex naadi magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo jidadka Yeruusaalemba, oo waxaad tidhaahdaa, Axdigan erayadiisa dhegaysta oo yeela.
12Oo Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu maalintaas dadka ugu yeedhay oohin, iyo madax-xiirnaan, iyo dhar joonyad ah guntashadiisa.
16Haddaba Rabbiga ah Ilaaha ciidammada oo ah Sayidku wuxuu leeyahay, Dariiqyada oo dhan waxaa ka yeedhi doonta baroor, oo jidadka oo dhan waxaa laga odhan doonaa, Hoogay! Hoogay! Oo ninka beerreyda ah waxaa loogu yeedhi doonaa tacsi, oo kuwa baroorta aad u yaqaanna waxaa loogu yeedhi doonaa baroorasho.