1 Korintos 15:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasuu Keeyfas u muuqday, markii dambena laba iyo tobankii.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mark 16:14 : 14 ¶ Dabadeed wuxuu u muuqday koob-iyo-tobankii goortay cunto u fadhiyeen. Wuuna u canaantay rumaysaddarradooda iyo qalbi engegnaantooda, waayo, ma ayna rumaysan kuwii isaga arkay goortuu sara kacay dabadeed.
  • Fal 10:41 : 41 uma muujin dadka oo dhan, laakiin wuxuu u muujiyey markhaatiyaashii Ilaah hore u doortay, xataa annaga oo isaga wax la cunnay oo la cabnay markuu kuwii dhintay ka soo sara kacay dabadeed.
  • 1 Kor 1:12 : 12 Tan waxaan ula jeedaa midkiin inuu leeyahay, Waxaan ka mid ahay kuwa Bawlos; mid kalena, Kuwa Abolloos; mid kalena, Kuwa Keeyfas; mid kalena, Kuwa Masiix.
  • 1 Kor 3:22 : 22 ha ahaadeen ama Bawlos, ama Abolloos, ama Keeyfas, ama dunida, ama nolosha, ama dhimashada, ama waxyaalaha haatan jooga, ama waxyaalaha iman doona, dhammaan idinkaa leh.
  • 1 Kor 9:5 : 5 Miyaannan jid u lahayn inaannu haweenay walaal ah kaxaysanno sida rasuullada kale iyo walaalaha Rabbiga iyo Keeyfas ay sameeyaan?
  • Luuk 24:34-49 : 34 iyagoo leh, Hubaal Sayidku waa sara kacay, oo wuxuu u muuqday Simoon. 35 Iyaguna waxay ka warrameen wixii jidka ka dhacay iyo siday isaga ugu garteen kala jejebintii kibista. 36 ¶ Intay waxyaalahaas ku hadlayeen, isaga qudhiisa ayaa dhexdooda taagnaa, oo wuxuu ku yidhi, Nabadi ha idinla jirto. 37 Laakiin way argaggexeen oo cabsadeen, waxayna u maleeyeen inay ruuxaan arkeen. 38 Markaasuu ku yidhi, Maxaad u naxaysaan? Fikirro maxay qalbigiinna uga kacayaan? 39 Gacmahayga iyo cagahayga arka inaan anigu isagii ahay, i taabta oo arka, waayo, ruuxaan jiidh iyo lafo ma leh sidaad igu arkaysaan inaan leeyahay. 40 Goortuu waxaas yidhi, ayuu tusay gacmihiisa iyo cagihiisa. 41 Intay yaabsanaayeen iyagoo aan weli rumaysan farxad aawadeed, wuxuu ku yidhi, Halkan wax la cuno ma ku haysaan? 42 Kolkaasay waxay siiyeen in kalluun duban ah. 43 Markaasuu qaaday oo hortooda ku cunay. 44 ¶ Wuxuu ku yidhi, Kuwani waa hadalladaydii aan idinkula hadlay intii aan weli idinla jiray. Waa inay noqdaan wax walba oo sharciga Muuse iyo nebiyadii iyo sabuurrada laygaga qoray oo igu saabsanaa. 45 Markaasuu garashadooda u furay si ay u gartaan Qorniinka. 46 Wuxuuna ku yidhi, Sidaasay u qoran tahay, Waa inuu Masiixu silco, oo uu maalinta saddexaad kuwa dhintay ka soo sara kaco, 47 iyo in toobaddii iyo dembidhaafka magiciisa lagu wacdiyo quruumaha oo dhan oo laga bilaabo Yeruusaalem. 48 Idinkuna waxyaalahaas ayaad markhaati ka tihiin. 49 Oo bal eega, waxaan idiin soo dirayaa ballankii Aabbahay, laakiin magaalada jooga ilaa xoog laydinka huwiyo xagga sare.
  • Yoox 1:42 : 42 Markaasuu wuxuu u geeyey Ciise. Ciisena intuu eegay ayuu wuxuu ku yidhi, Adigu waxaad tahay Simoon ina Yoonis. Waxaa lagu odhan doonaa Keeyfas (oo fasirkiisu yahay Butros).
  • Yoox 20:19-26 : 19 ¶ Haddaba maalintaas markay makhribkii ahayd, ayaantii u horraysay ee toddobaadka, oo ay albaabbadu xidhnaayeen meeshay xertu joogtay cabsida ay Yuhuudda ka cabsadeen aawadeed, ayaa Ciise yimid oo isdhex taagay, oo wuxuu ku yidhi, Nabadi ha idinla jirto. 20 Oo markuu waxaas yidhi, wuxuu iyagii tusay gacmihiisii iyo dhinaciisii. Sidaa daraaddeed xertii waa ku farxeen markay Sayidkii arkeen. 21 Haddaba Ciise ayaa mar kale ku yidhi, Nabadi ha idinla jirto. Sida Aabbuhu ii soo diray ayaan anna idiin dirayaa. 22 Oo markuu waxaas yidhi ayuu ku neefsaday oo ku yidhi, Aqbala Ruuxa Quduuskaa. 23 Nin alla ninkaad dembiyadiisa cafidaan way cafiyan yihiin, nin alla ninkaad dembiyadiisa ku celisaan way ceshan yihiin. 24 ¶ Laakiin Toomas mid laba iyo tobanka ka mid ah oo Didumos la odhan jiray lama joogin markuu Ciise yimid. 25 Haddaba xertii kale ayaa ku tidhi, Waxaannu aragnay Sayidkii. Laakiin wuxuu ku yidhi, Haddaanan gacmihiisa ku arkin calaamadii musmaarrada, oo aanan fartayda gelin nabarkii musmaarrada, oo aanan gacantayda gelin dhinaciisa, rumaysanba maayo. 26 ¶ Oo siddeed maalmood dabadeed xertiisii gudaha ayay mar labaad wada joogeen, oo Toomasna waa la joogay. Markaasaa Ciise yimid, albaabbadii oo xidhan, oo intuu isdhex taagay ayuu ku yidhi, Nabadi ha idinla jirto.
  • Fal 1:2-9 : 2 ilaa maalintii sare loo qaaday isaga oo ka dambaysay wakhtiguu Ruuxa Quduuskaa ku amray rasuulladii uu doortay. 3 Markuu xanuunsaday dabadeed, iyagii ayuu isagoo nool waxyaalo badan oo la hubo isugu muujiyey, oo muddo afartan maalmood ah ayuu iyagii u muuqday, oo kala hadlay waxyaalaha ku saabsan boqortooyada Ilaah. 4 Oo intuu iyagii la shiray, ayuu wuxuu kula dardaarmay, oo ku yidhi, Yeruusaalem ha ka tegina, laakiinse suga ballankii Aabbaha oo aad iga maqasheen, 5 waayo, runtii Yooxanaa wuxuu dadka ku baabtiisay biyo, laakiinse waxaa laydinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah maalmo aan badnayn dabadood. 6 ¶ Sidaas daraaddeed markay isu yimaadeen, ayay weyddiiyeen isaga oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbow, ma haddeer baad boqortooyada u soo celinaysaa Israa'iil? 7 Markaasuu iyaga ku yidhi, Dantiinna ma aha inaad ogaataan wakhtiyada iyo xilliyada uu Aabbuhu amarkiisa kaga dhigay. 8 Laakiinse waxaad heli doontaan xoog markii Ruuxa Quduuska ahi idinku soo dego; oo markhaatiyaal ayaad iiga noqon doontaan Yeruusaalem, iyo Yahuudiya oo dhan, iyo Samaariya, iyo meesha dunida ugu fog. 9 Oo kolkuu waxyaalahaas yidhi dabadeed, iyagoo eegaya, ayaa sare loo qaaday isagii, oo daruur baa indhahoodii ka qarisay. 10 Oo intuu sii socday, iyagoo samada aad u fiirinaya, ayaa waxaa isa soo ag taagay laba nin oo dhar cadcad qaba, 11 oo waxay ku yidhaahdeen, Nimankiinan reer Galiliyow, maxaad la taagan tihiin oo aad samada u eegaysaan? Ciisahan samada laydiinka sare qaaday, sidaad u aragteen isagoo samada u socda oo kale ayuu u iman doonaa. 12 ¶ Markaasay Yeruusaalem ku noqdeen iyagoo ka yimid buurtii Saytuun la odhan jiray, oo u dhowayd Yeruusaalem, oo u jirtay maalin sabtiyeed socodkeed. 13 Oo markay magaaladii galeen, waxay aadeen qolladdii sare, meeshay joogi jireen Butros iyo Yooxanaa iyo Yacquub iyo Andaros, iyo Filibos iyo Toomas, iyo Bartolomayos, iyo Matayos, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Simoon Qiiroleh, iyo Yuudas ina Yacquub. 14 Kuwaas oo dhammu, iyagoo isku wada qalbi ah, ayay ku sii adkaysteen tukasho, iyaga iyo dumarka, iyo Maryan oo ahayd Ciise hooyadiis, iyo walaalihiis.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1 Kor 15:6-8
    3 aayado
    88%

    6Markaasuu wuxuu mar keliya u muuqday kuwo ka badan shan boqol oo walaalo ah, kuwo weli intoodii badnayd ay hadda joogto, laakiin qaar baa dhintay.

    7Gortaasuu Yacquub u muuqday, markaas rasuullada oo dhan.

    8Markii ugu dambaysayna aniga oo dhicis oo kale ah, ayuu ii muuqday.

  • 1 Kor 15:3-4
    2 aayado
    79%

    3Waayo, markii ugu horraysay waxaan idiin dhiibay waxaan aniguba helay, oo waxa weeye, Masiixu wuxuu u dhintay dembiyadeenna sida Qorniinku leeyahay,

    4waa la aasay isaga, oo maalintii saddexaad ayaa la sara kiciyey, sida Qorniinku leeyahay.

  • Fal 13:30-31
    2 aayado
    77%

    30Laakiin Ilaah baa ka sara kiciyey kuwii dhintay,

    31oo maalmo badan waxaa isagii arkay kuwii kala yimid Galili ilaa Yeruusaalem kuwaasoo hadda ah markhaati furayaashiisii xagga dadka.

  • Fal 1:2-3
    2 aayado
    76%

    2ilaa maalintii sare loo qaaday isaga oo ka dambaysay wakhtiguu Ruuxa Quduuskaa ku amray rasuulladii uu doortay.

    3Markuu xanuunsaday dabadeed, iyagii ayuu isagoo nool waxyaalo badan oo la hubo isugu muujiyey, oo muddo afartan maalmood ah ayuu iyagii u muuqday, oo kala hadlay waxyaalaha ku saabsan boqortooyada Ilaah.

  • Gal 1:18-19
    2 aayado
    75%

    18¶ Kolkaasaan saddex sannadood dabadeed Yeruusaalem aaday inaan Keeyfas soo barto, oo shan iyo toban maalmood ayaan la joogay isagii.

    19Laakiin rasuulladii kale midna kama arag, Yacquub oo ah Sayidka walaalkiis mooyaane.

  • 73%

    33Saacaddaas qudheeda ayay kaceen oo Yeruusaalem ku noqdeen, waxayna arkeen koob-iyo-tobankii iyo kuwii la jiray oo isu ururay,

    34iyagoo leh, Hubaal Sayidku waa sara kacay, oo wuxuu u muuqday Simoon.

    35Iyaguna waxay ka warrameen wixii jidka ka dhacay iyo siday isaga ugu garteen kala jejebintii kibista.

  • 73%

    11Iyaguna goortay maqleen inuu nool yahay oo ay aragtay, way rumaysan waayeen.

    12¶ Waxan dabadeed isagoo suurad kale ah ayuu u muuqday laba iyaga ah iyagoo sii socda oo beeraha tegaya.

  • 73%

    11Haddaba ha ahaato aniga ama iyaga, sidaasaannu u wacdinnaa oo idinna u rumaysateen.

    12¶ Haddii dadka lagu wacdiyey in Masiixa kuwii dhintay laga sara kiciyey, sidee baa qaarkiin u yidhaahdaa, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto?

    13Haddaanay jirin sarakicidda kuwii dhintay, Masiixana lama sara kicin.

    14Oo haddaan Masiixa la sara kicin, markaas wacdigayagu waa khasaare, rumaysadkiinnuna waa khasaare.

    15Waxaa la arkayaa inaannu markhaatiyaal been ah ka nahay xagga Ilaah, waayo, waxaannu u marag furnay inuu Masiixa sara kiciyey, kan aanu sara kicin haddii aan kuwii dhintay la sara kicin.

    16Haddii aan kuwii dhintay la sara kicin, Masiixana lama sara kicin.

    17Oo haddii aan Masiixa la sara kicin, rumaysadkiinnu waa khasaare, oo weli dembiyadiinna ayaad ku jirtaan.

    18Oo weliba kuwii Masiixa rumaysnaa oo dhintayna, way halligmeen.

  • 14¶ Dabadeed wuxuu u muuqday koob-iyo-tobankii goortay cunto u fadhiyeen. Wuuna u canaantay rumaysaddarradooda iyo qalbi engegnaantooda, waayo, ma ayna rumaysan kuwii isaga arkay goortuu sara kacay dabadeed.

  • Fal 10:40-41
    2 aayado
    72%

    40Isaga Ilaah baa maalintii saddexaad sara kiciyey, oo bayaan u muujiyey,

    41uma muujin dadka oo dhan, laakiin wuxuu u muujiyey markhaatiyaashii Ilaah hore u doortay, xataa annaga oo isaga wax la cunnay oo la cabnay markuu kuwii dhintay ka soo sara kacay dabadeed.

  • 7Laakiin taga, oo waxaad ku tidhaahdaan xertiisii iyo Butros, Wuu idin hor marayaa ilaa Galili. Halkaasna waad ku arki doontaan, siduu idinku yidhi.

  • 14Taasu waa markii saddexaad oo Ciise xertii isu muujiyey markii uu kuwa dhintay ka soo sara kacay dabadeed.

  • 20¶ Laakiinse haatan Masiixa ayaa kuwii dhintay laga sara kiciyey, isagoo ah midhaha ugu horreeya ee kuwa dhintay.

  • 70%

    23Goortii ay meydkiisii waayeen ayay yimaadeen iyagoo leh, Waxaannu weliba aragnay muuqad malaa'igo kuwa yidhi, Wuu nool yahay.

    24Qaarkood oo nala joogay ayaa xabaashii tegey, oo waxay arkeen sidii dumarku yidhi, laakiin isagase ma ay arkin.

  • 15¶ Oo wakhtigaas ayaa Butros walaalaha dhexdooda istaagay (oo waxaa wada jiray dad badan oo qiyaastoodu ahayd boqol iyo labaatan); markaasuu yidhi,

  • 15Isagu wuxuu u dhintay dhammaan in kuwa nooli aanay u sii noolaan nafsaddooda laakiin ay u sii noolaadaan kan aawadood u dhintay oo u sara kacay.

  • 1¶ Waxyaalahaas dabadeed Ciise ayaa mar kale xertii isugu muujiyey Bad Tiberiyas agteeda. Oo sidatan ayuu isu tusay.

  • 21Haddaba nimankii inala socday wakhti kasta intuu Rabbi Ciise ina soo dhex galay, inagana dhex baxay,

  • 40Goortuu waxaas yidhi, ayuu tusay gacmihiisa iyo cagihiisa.

  • 32Ciisahan Ilaah baa sara kiciyey, annagoo dhammuna markhaatiyaal baan ka wada nahay.

  • 7Dhaqso u taga, oo waxaad xertiisii ku tidhaahdaan, Kuwii dhintay ayuu ka soo sara kacay, oo wuu idin hor marayaa ilaa Galili. Halkaasna waad ku arki doontaan. Bal eega, waan idiin sheegaye.

  • 16¶ Annagu ma aannu raacin sheekooyin khiyaano lagu hindisay, markii aannu idin ogeysiinnay xoogga iyo imaatinka Rabbigeenna Ciise Masiix, laakiinse waxaannu ahayn markhaatiyaal indhaha ku arkay weynaantiisa.

  • 20Oo markuu waxaas yidhi, wuxuu iyagii tusay gacmihiisii iyo dhinaciisii. Sidaa daraaddeed xertii waa ku farxeen markay Sayidkii arkeen.

  • 6Haddana Simoon Butros oo daba socday baa yimid, markaasuu xabaashii galay, oo wuxuu arkay maryihii oo yaal

  • 5Waxaan u malaynayaa inaanan sina uga liidan rasuulladaas ugu waaweyn.

  • 13Oo markay magaaladii galeen, waxay aadeen qolladdii sare, meeshay joogi jireen Butros iyo Yooxanaa iyo Yacquub iyo Andaros, iyo Filibos iyo Toomas, iyo Bartolomayos, iyo Matayos, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Simoon Qiiroleh, iyo Yuudas ina Yacquub.

  • 18Maryan tii reer Magdala ayaa timid oo xertii ku tidhi, Waxaan arkay Sayidkii, oo waxay u sheegtay inuu waxyaalahaas iyada ku yidhi.

  • 23laakiin mid kasta markiisa, Masiixa midhaha ugu horreeya, markaas kuwa Masiixana wakhtiga imaatinkiisa.

  • 28Laakiin markii kuwii dhintay layga sara kiciyo dabadeed ayaan Galili hortiin tegi doonaa.

  • 5sidaas oo kalaan, innagoo badan, Masiixa isku jidh ku nahay, oo midba midka kale waa xubnihiisii.

  • 15Markaasuu wuxuu ku yidhi, Idinkuse yaad igu sheegtaan?

  • 53Sarakiciddiisa dabadeed ayay xabaalaha ka soo baxeen, oo waxay galeen magaalada quduuska ah, oo waxay u muuqdeen dad badan.