11Oo labadoodiiba waxay isu muujiyeen ciidankii reer Falastiin; markaasay kuwii reer Falastiin waxay yidhaahdeen, Bal eega Cibraaniyadii waxay ka soo baxayaan godadkii ay ku dhuunteene.
12Oo raggii ciidanku waxay Yoonaataan iyo kii hubkiisa u siday ugu jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Soo fuula, wax baannu idin tusaynaaye. Markaasaa Yoonaataan wuxuu ku yidhi kii hubkiisa u siday, Iga soo daba fuul, waayo, Rabbigu wuxuu iyaga soo geliyey gacanta reer binu Israa'iil.
13Markaasaa Yoonaataan buurtii fantay, kii hubkiisa u sidayna wuu daba socday, oo kuwii reer Falastiinna way ku hor dhaceen Yoonaataan, kii hubkiisa u sidayna wuu ka daba laayay.
14Yoonaataan iyo kii hubkiisa u siday intii ugu horraysay oo ay laayeen waxay ahayd in ku dhow labaatan nin oo ay ku laayeen goob nus tacab ah.