1 Samuu'eel 29:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse amiirradii reer Falastiin aad bay ugu cadhoodeen, markaasay amiirradii reer Falastiin ku yidhaahdeen, War ninkan celi, si uu ugu noqdo meeshiisii aad u dooratay, oo yuusan dagaalka noo raacin, waaba intaasoo intaannu dagaalka ku jirno uu col noo noqdaa, waayo, ninkanu bal muxuu sayidkiisii kula heshiin karaa? Sow ma aha nimankan madaxyadooda?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Sam 14:21 : 21 Oo Cibraaniyadii markii hore la jiray reer Falastiin, oo intay raaceen xerada la galay, iyagoo dalka ku wareegsan ka yimid, xataa iyana way soo jeesteen, oo waxay ku darmadeen reer binu Israa'iilkii la jiray Saa'uul iyo Yoonaataan.
  • 1 Taar 12:19 : 19 Oo weliba reer Manasehna qaar baa Daa'uud geestiisa soo maray markuu raacay reer Falastiin oo Saa'uul dagaal ugu yimid, laakiinse iyagii ma ay caawiyin, waayo, saraakiishii reer Falastiin talay isagii ku eryeen, oo waxay isyidhaahdeen, Isagu intuu madaxyadeenna khatar geliyo ayuu sayidkiisii Saa'uul garab geli doonaa.
  • Luuk 16:8 : 8 Sayidkiisii ayaa wakiilkii xaqa darnaa faaniyey, waayo, si caqli leh ayuu u sameeyey, waayo, wiilashii wakhtigan waxay wiilasha iftiinka kaga caqli badan yihiin waxa qarnigooda ku saabsan.
  • 1 Sam 27:6 : 6 Maalintaasaa Aakiish siiyey Siiqlag, oo sidaas aawadeed Siiqlag ilaa maanta waxaa iska leh boqorrada dalka Yahuudah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1 Sam 29:2-3
    2 aayado
    84%

    2Oo saraakiishii reer Falastiinna way soo gudbeen iyagoo ah boqol boqol iyo kun kun, oo Daa'uud iyo raggiisiina iyagoo Aakiish la socda ayay soo daba galeen.

    3Markaasaa amiirradii reer Falastiin waxay yidhaahdeen, Kuwan Cibraaniyada ahu maxay halkan ka samaynayaan? Aakiishna wuxuu amiirradii reer Falastiin ku yidhi, War kanu sow ma aha Daa'uud oo ahaa addoonkii boqorka reer binu Israa'iil ee Saa'uul ah, oo ila joogay maalmahan iyo sannadahanba, oo aanan innaba xumaan ka helin tan iyo maalintii uu ii yimid ilaa maantadan?

  • 83%

    5Kanu sow ma aha Daa'uud kii ay gabay isugu celceliyeen, iyagoo cayaaraya, oo leh, Saa'uul wuxuu laayay kumanyaalkiisii, Daa'uudna wuxuu laayay tobanyaalkiisii kun?

    6Markaasaa Aakiish Daa'uud u yeedhay, oo ku yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye, adigu waad qummanayd, oo markaynu ciidanka dhex soconnay siibixiddaada iyo soogeliddaaduba hortayda way ku wanaagsanaayeen, waayo, ilaa maalintii aad ii timid iyo maantadan la joogo innaba xumaan kuguma aanan arkin; habase yeeshee saraakiishu raalli kaama aha.

    7Sidaas daraaddeed iska noqo, oo nabad ku tag, yaadan saraakiisha reer Falastiin calool xumayne.

    8Markaasaa Daa'uud wuxuu Aakiish ku yidhi, War maxaan sameeyey? Oo xumaanmaad igu aragtay anoo addoonkaaga ah intii aan kula joogay iyo ilaa maantadan, oo maxaa laygu diiday si aanan u tegin oo aanan ula diririn cadaawayaashaada, boqorow sayidkaygiiyow?

    9Markaasaa Aakiish Daa'uud ugu jawaabay, Anigu waan ogahay inaad hortayda ku wanaagsan tahay, oo waxaad iila mid tahay malaa'ig Ilaah, habase yeeshee amiirradii reer Falastiin waxay yidhaahdeen, Isagu dagaalka noo raaci maayo.

    10Haddaba aroor hore adiga iyo sayidkaaga addoommadiisii oo kula socdaaba kaca; oo aroortii markaad kacdaan oo waagu idiin baryo, taga.

    11Markaasaa Daa'uud iyo raggiisiiba aroor hore keceen, si ay subaxdii u tagaan, oo ay ugu noqdaan dalkii reer Falastiin. Oo kuwii reer Falastiinna kor bay ugu sii baxeen xagga Yesreceel.

  • 1 Sam 28:1-2
    2 aayado
    78%

    1¶ Oo wakhtigaas reer Falastiin ciidammadoodii oo dhan dagaal bay u soo urursadeen inay reer binu Israa'iil la diriraan. Aakiishna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Ogow inaad adiga iyo raggaaguba dagaalka ii raacaysaan.

    2Oo Daa'uudna wuxuu Aakiish ku yidhi, Hubaal waad ogaan doontaa waxa anoo addoonkaaga ah aan samayn doono. Oo Aakiishna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Taas aawadeed mid madaxayga weligii ilaaliya ayaan kaa dhigayaa.

  • 30¶ Markaasaa waxaa soo baxay amiirradii reer Falastiin; oo sidii ay marar badan u soo bixi jireen, ayaa Daa'uud ka sii guul badnaa addoommadii Saa'uul oo dhan; oo sidaas aawadeed magiciisii aad iyo aad buu caan u noqday.

  • 19Oo weliba reer Manasehna qaar baa Daa'uud geestiisa soo maray markuu raacay reer Falastiin oo Saa'uul dagaal ugu yimid, laakiinse iyagii ma ay caawiyin, waayo, saraakiishii reer Falastiin talay isagii ku eryeen, oo waxay isyidhaahdeen, Isagu intuu madaxyadeenna khatar geliyo ayuu sayidkiisii Saa'uul garab geli doonaa.

  • 57Oo markii Daa'uud ka soo noqday diliddii kii reer Falastiin ayaa Abneer kexeeyey oo Saa'uul hor keenay isagoo gacanta ku wata madaxii kii reer Falastiin.

  • 73%

    8Oo intuu soo istaagay ayuu ku qayliyey ciidammadii reer binu Israa'iil, oo ku yidhi, War maxaad ugu soo baxdeen oo aad dagaal isugu soo diyaariseen? Sow anigu ma ihi reer Falastiin, idinna ma ihidin addoommadii Saa'uul? Haddaba nin iska soo doorta, oo isna ha ii soo dhaadhaco.

    9Oo hadduu awoodo inuu ila diriro oo i dilo, markaas waxaan idiin noqonaynaa addoommadiinnii; laakiinse haddaan ka adkaado oo dilo isaga, markaas waxaad noo noqonaysaan addoommo oo waad noo adeegaysaan.

    10Oo kii reer Falastiin wuxuu yidhi, Ciidammada reer binu Israa'iilow, car, maanta ii soo dira nin ila dirira.

  • 73%

    11Oo Daa'uudna nolol kuma uu dayn nin iyo naag toona, inuu Gad keeno aawadeed, waayo, wuxuu isyidhi, Waaba intaasoo ay inagu sheekaystaan oo yidhaahdaan, Daa'uud saasuu yeelay, caadadiisuna saasay ahayd intuu duurka reer Falastiin degganaa oo dhan.

    12Aakiishna Daa'uud buu aaminay, oo wuxuu isyidhi, Isagu dadkiisii reer binu Israa'iil oo dhan wuu isku diray oo aad bay u karahsadeen isaga; sidaas daraaddeed isagu wuxuu ii ahaan doonaa addoon weligiisba.

  • 1 Sam 27:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu isyidhi, Maalin uun baan gacanta Saa'uul ku dhiman doonaa; haddaba wax iiga wanaagsan ma jiro inaan dalka reer Falastiin u baxsado mooyaane; oo Saa'uulna wuu iga quusan doonaa, oo mar dambe xuduudka reer binu Israa'iil oo dhan igama doondooni doono; oo saas ayaan gacantiisa kaga baxsan doonaa.

    2Markaasaa Daa'uud kacay oo gudbay, isagii iyo lixdii boqol oo nin ee isaga la joogay, oo waxay u yimaadeen Aakiish oo ahaa ina Maacoog, kaasoo ahaa boqorkii Gad.

  • 72%

    25Oo raggii reer binu Israa'iilna waxay yidhaahdeen, War ma aragteen ninkan soo baxay? Hubaal wuxuu u soo baxay inuu reer binu Israa'iil careeyo; oo waxay noqon doontaa in ninkii isaga dila uu boqorku taajir ka dhigi doono oo maal badan siin doono; gabadhiisuuna siin doonaa, oo reerka aabbihiisna ku dhex xorayn doonaa reer binu Israa'iil.

    26Markaasaa Daa'uud raggii dhinaciisa taagnaa la hadlay, oo ku yidhi, Ninkii dila midkan reer Falastiin, oo ceebta ka qaada reer binu Israa'iil, maxaa lagu samayn doonaa? Oo bal yuu yahay buuryoqabkan reer Falastiin ee Ilaaha nool ciidammadiisa caraysan karaa?

  • 72%

    24Oo Saa'uul addoommadiisiina way u soo sheegeen oo ku yidhaahdeen, Daa'uud sidaasuu u hadlay.

    25Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Sidan Daa'uud ku dhaha, Boqorku waxba yarad kaa dooni maayo, boqol buuryo oo reer Falastiin oo boqorka cadaawayaashiisa looga aarguto mooyaane. Haddaba Saa'uul wuxuu damcay inuu Daa'uud u gacangeliyo reer Falastiin.

  • 72%

    43Markaasaa kii reer Falastiin wuxuu Daa'uud ku yidhi, War anigu ma eey baan ahay waadiga ulo ii soo qaataye? Oo kii reer Falastiin Daa'uud buu ku habaaray magacyadii ilaahyadiisii.

    44Kii reer Falastiinna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Ii kaalay oo hilibkaagaan siin doonaa haadka hawada iyo dugaagga duurka.

  • 15Markaasaa Daa'uud wuxuu ku yidhi, Colkaas ma ii geeynaysaa? Isna wuxuu yidhi, Ilaah iigu dhaaro inaadan i dilayn, sayidkaygiina ii gacangelinayn, oo anna colkaas waan kuu geeynayaa.

  • 1 Sam 23:1-4
    4 aayado
    71%

    1¶ Markaasaa Daa'uud loo sheegay oo lagu yidhi, Reer Falastiin waxay la dirirayaan reer Qeciilaah iyagoo ka dhacaya meelihii hadhuudhka lagu tumi jiray.

    2Sidaas daraaddeed Daa'uud Rabbiguu wax weyddiistay oo yidhi, Miyaan tagaa oo kuwan reer Falastiin soo laayaa? Oo Rabbiguna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Tag, oo reer Falastiin soo laa, oo reer Qeciilaah soo badbaadi.

    3Markaasaa Daa'uud raggiisii waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, annagu halkan oo ah dalka Yahuudah ayaan ku cabsanaynaa, haddaba intee in le'eg bay nooga sii daran tahay haddaannu Qeciilaah tagno oo ciidanka reer Falastiin ku duulno?

    4Oo haddana mar kale ayaa Daa'uud Rabbiga wax weyddiistay. Markaasaa Rabbigu ugu jawaabay, Kac, oo ku dhaadhac Qeciilaah, waayo, reer Falastiin gacantaadaan soo gelin doonaa.

  • 8¶ Oo haddana mar kale waxaa dhacay dagaal. Markaasaa Daa'uud baxay oo la diriray reer Falastiin, oo intuu aad u laayay ayay ka hor carareen.

  • 17¶ Oo reer Falastiinna markay maqleen in Daa'uud loo subkay inuu boqor u ahaado reer binu Israa'iil ayay reer Falastiin oo dhammu u soo baxeen inay Daa'uud doondoonaan; oo Daa'uudna taas wuu maqlay, markaasuu dhufayskii hoos ugu dhaadhacay.

  • 15¶ Oo haddana reer Falastiin waxay la dirireen reer binu Israa'iil, markaasaa Daa'uud dhaadhacay isaga iyo addoommadiisii la socdayba, oo waxay la dirireen reer Falastiin; laakiinse Daa'uud wuu taag gabay.

  • 17Laakiinse Daa'uud waxaa caawiyey Abiishay oo ay Seruuyaah dhashay, oo intuu kii reer Falastiin wax ku dhuftay ayuu dilay. Markaasaa Daa'uud raggiisii dhaar u mareen, oo ku yidhaahdeen, Adigu mar dambe dagaal noola bixi maysid, yaadan laambadda reer binu Israa'iil bakhtiine.

  • 8¶ Oo reer Falastiinna markay maqleen in Daa'uud loo subkay inuu boqor u ahaado reer binu Israa'iil oo dhan ayay reer Falastiin oo dhammu u soo baxeen inay Daa'uud doondoonaan, oo Daa'uudna taas wuu maqlay, oo isna iyagii ayuu ku baxay.

  • 9Oo Daa'uudna wuxuu Saa'uul ku yidhi, War maxaad u maqashaa dadka warkiisa intay kugu yidhaahdaan, Daa'uud wuxuu doonayaa inuu wax ku yeelo?

  • 71%

    10¶ Markaasaa Daa'uud kacay, oo maalintaas wuxuu u cararay cabsi uu Saa'uul ka qabay aawadeed, oo wuxuu u tegey Aakiish oo boqorkii Gad ahaa.

    11Kolkaasaa addoommadii Aakiish waxay isagii ku yidhaahdeen, War sow kanu ma aha Daa'uud boqorkii dalka? Oo sow midkoodba midka kale gabay uguma celin iyagoo cayaaraya oo leh, Saa'uul wuxuu laayay kumanyaalkiisii, Daa'uudna wuxuu laayay tobanyaalkiisii kun?

    12¶ Oo Daa'uudna erayadaas qalbiguu ku haystay, oo aad buuna uga cabsanayay Aakiish oo ahaa boqorkii Gad.

  • 9Reer Falastiinow, xoog yeesha, oo raganimo isgeliya, yeydnan Cibraaniyada addoommo u noqone, sidii ay idiinku ahaayeen oo kale. Haddaba raganimo isgeliya oo dirira.

  • 54Markaasaa Daa'uud madaxii kii reer Falastiin qaaday, oo Yeruusaalem keenay, laakiinse hubkiisii teendhadiisuu dhigay.

  • 10Markaasaa Daa'uud Rabbiga wax weyddiiyey oo yidhi, Miyaan reer Falastiin ku kacaa? Miyaad ii soo gacangelinaysaa? Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Haah, ku kac, waayo, iyaga waan kuu soo gacangelinayaa.

  • 19Markaasaa Daa'uud Rabbiga wax weyddiiyey, oo yidhi, Miyaan reer Falastiin ku kacaa? Miyaad ii soo gacangelinaysaa? Markaasaa Rabbigu wuxuu Daa'uud ku yidhi, Haah, ku kac, waayo, hubaal reer Falastiin waan kuu soo gacangelinayaa.

  • 32Oo Daa'uudna wuxuu Saa'uul ku yidhi, Ninna yuusan u cabsan isaga aawadiis; anoo addoonkaaga ah ayaan u tegi doonaa oo la diriri doonaa midkan reer Falastiin.

  • 23Markaasaa Daa'uud wuxuu yidhi, Walaalahayow, waa inaydnaan saas ku samayn wixii Rabbigu ina siiyey, kaasoo ah kii ina badbaadiyey, oo weliba inoo soo gacangeliyey colkii ina soo weeraray.

  • 4Markaasaa Saa'uul waxaa loo soo sheegay in Daa'uud u cararay xagga Gad, oo isna mar dambe ma uusan doondoonin.

  • 23Oo intuu walaalihiis la hadlayay, bal eeg, waxaa soo baxay tiirrigii reer Falastiin ee Gad ka yimid, ee magiciisa Goli'ad la odhan jiray, isagoo ka soo dhex baxay safafkii reer Falastiin, oo wuxuu ku hadlay erayadiisii hore oo kale; Daa'uudna taas wuu maqlay.

  • 19Haddaba waan ku baryayaaye, boqorow sayidkaygiiyow, bal maqal erayadayda anoo addoonkaaga ah. Oo haddii Rabbigu igu kaa diray qurbaan ha aqbalo, laakiinse haddii waxa igu kaa diray ay binu-aadmi yihiin, Rabbiga hortiisa ha ku inkaarnaadeen, waayo, maanta way i eryeen si aanan u sii joogin dhaxalkii Rabbiga, oo waxay igu yidhaahdeen, Tag oo ilaahyo kale u adeeg.