1 Samuu'eel 5:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo haddana markay subaxdii dambe aroor hore kaceen, waxay arkeen Daagoon oo wejiga ugu dhacay sanduuqii Rabbiga hortiisa; oo Daagoon madaxiisii iyo labadiisii gacmoodba way ka go'naayeen oo waxay ku dhaceen marinka, oo Daagoon waxaa u hadhay gumudkii oo keliya.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Miik 1:7 : 7 Taswiiraheeda xardhan oo dhan waa la wada burburin doonaa, oo kirooyinkeeda oo dhanna dab baa lagu gubi doonaa, oo sanamyadeeda oo dhanna waan wada baabbi'in doonaa, waayo, iyadu waxay ku soo urursatay dhillo kiradeed, oo kulligoodna waxay dib ugu noqon doonaan dhillo kiradeed.
  • Yer 50:2 : 2 ¶ Quruumaha ka dhex sheega, oo naadiya, oo calan kor u taaga. Naadiya, oo ha qarinina, oo waxaad tidhaahdaan, Baabuloon waa la qabsaday, Beel waa la ceebeeyey, Merodag waa la burburiyey, taswiiraheedii waa la ceebeeyey, oo sanamyadeediina waa la burburiyey.
  • Yex 6:4-6 : 4 Meelihiinna allabariguna cidla bay wada noqon doonaan, oo sanamyadiinna qorraxdana waa la wada burburin doonaa, oo raggiinna la laayayna sanamyadiinna waan ku soo hor tuuri doonaa. 5 Oo meydadka reer binu Israa'iil waxaan hor dhigi doonaa sanamyadooda, oo lafihiinnana waxaan ku kala firdhin doonaa meelihiinna allabariga hareerahooda. 6 Oo meel alla meeshaad deggan tihiinba magaalooyinka waa laga dumin doonaa, oo meelaha sarsarena cidla bay wada noqon doonaan, si ay meelihiinna allabarigu u burburaan oo ay cidla u noqdaan, oo ay sanamyadiinnuna jajabaan oo ay u wada dhammaadaan, oo sanamyadiinna qorraxdana loo wada jaro, oo shuqulladiinnana loo wada tirtiro.
  • Daan 11:8 : 8 Oo weliba wuxuu xagga Masar qaadan doonaa ilaahyadooda, iyo sanamyadooda la shubay, iyo weelashoodii wanaagsanaa ee laga sameeyey lacagta iyo dahabka, oo intii dhawr sannadood ah ayuu ka hadhi doonaa boqorka woqooyi.
  • Ish 2:18-19 : 18 Oo sanamyaduna dhammaantood way wada baabbi'i doonaan. 19 Markii Rabbigu u soo sara joogsado inuu dhulka si xun u gariiriyo ayay dadku cabsida Rabbiga iyo sharafta haybaddiisa ka geli doonaan qorrofyada dhagaxyada, iyo godadka dhulka.
  • Ish 27:9 : 9 Haddaba sidaas daraaddeed xumaanta reer Yacquub tanaa lagu kafaaraggudi doonaa, oo tanuna waa midhihii qaadidda dembigiisa oo dhan, markuu dhagaxyada meesha allabariga oo dhan ka wada dhigo sida dhagaxyada nuuradda ah oo la burburiyo oo kale, si aanay geedaha Asheeraah iyo sanamyada qorraxduna mar dambe u soo kicin.
  • Yer 10:11 : 11 ¶ Waxaad iyaga ku tidhaahdaan, Ilaahyadii aan samooyinka iyo dhulka samayninu way ka wada baabbi'i doonaan dhulka dushiisa iyo samooyinka hoostooda.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1 Sam 5:1-3
    3 aayado
    92%

    1¶ Haddaba reer Falastiin way qaateen sanduuqii Ilaah, oo waxay ka keeneen Ebenceser, oo geeyeen Ashdood.

    2Markaasay reer Falastiin sanduuqii Ilaah qaateen, oo intay geliyeen gurigii Daagoon ayay ag qotomiyeen Daagoon.

    3Oo maalintii dambe markii kuwii reer Ashdood aroor hore kaceen waxay arkeen Daagoon oo wejiga ugu dhacay sanduuqii Rabbiga hortiisa. Markaasay Daagoon qaadeen oo meeshiisii qotomiyeen.

  • 1 Sam 5:5-11
    7 aayado
    87%

    5Taas aawadeed Daagoon wadaaddadiisii, ama dad kaleto oo Daagoon gurigiisa soo galaba, midna kuma joogsado marinkii guriga Daagoon oo Ashdood ku yiil ilaa maantadan la joogo.

    6¶ Laakiinse gacantii Rabbigu way ku cuslayd reer Ashdood, wuuna baabbi'iyey iyagii, oo wuxuu kasoobaxyo ku soo daayay Ashdood iyo xuduudkeeda oo dhanba.

    7Oo dadkii reer Ashdood markay arkeen inay saas tahay ayay yidhaahdeen, Sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil waa inaanu ina dhex oollin; waayo, gacantiisii aad bay inoogu adag tahay, innaga iyo ilaaheenna Daagoonba.

    8Sidaas daraaddeed waxay u cid dirteen oo soo urursadeen madaxdii reer Falastiin oo dhan, oo waxay yidhaahdeen, War maxaynu ku samaynaa sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil? Oo iyana waxay ugu jawaabeen, Sanduuqii Ilaaha reer binu Israa'iil ha lagu soo wareejiyo Gad. Oo iyana sanduuqii Ilaaha reer binu Israa'iil halkaasay ku soo wareejiyeen.

    9Oo sidaasay ahaatay markii ay qaadeen dabadeed inay gacantii Rabbigu gees ka ahayd magaaladii, oo wuxuu ku riday naxdin weyn; oo dadkii magaaladana wax buu ku dhuftay yar iyo weynba, oo kulligoodna kasoobaxyo ayaa ka soo wada baxay.

    10Sidaas daraaddeed waxay sanduuqii Ilaah u direen xagga Ceqroon. Oo markii sanduuqii Ilaah Ceqroon yimid ayay reer Ceqroon wada qayliyeen, oo yidhaahdeen, Sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil waxay inoogu keeneen inay ina laayaan innaga iyo dadkeennaba.

    11Sidaas daraaddeed way u cid dirteen oo soo wada urursadeen madaxdii reer Falastiin oo dhan, oo waxay ku yidhaahdeen, Sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil inaga fogeeya, oo iska daaya, meeshiisii haddana ha tagee, oo innaga iyo dadkeennaba yuu ina layne; waayo, magaalada waxaa kulligeed ku dhex jiray naxdinta dhimashada, oo halkaasna gacanta Ilaah waa ku cuslayd.

  • 75%

    9Markaasay furteen oo waxay qaateen madaxiisii iyo hubkiisii, oo waxay u cid direen dalkii reer Falastiin oo ku wareegsanaa inay u wargeeyaan sanamyadooda iyo dadkiiba.

    10Oo hubkiisiina gurigii ilaahyadooda ayay dhigeen, oo madaxiisiina waxay ku dhejiyeen gurigii Daagoon.

  • 71%

    9Oo markay yimaadeen meeshii hadhuudhka lagu tumi jiray oo Kiidon ayaa Cuusaa gacanta fidiyey si uu u qabto sanduuqii, waayo, dibidii sidday ayaa turunturootay.

    10Markaasaa Rabbigu aad ugu cadhooday Cuusaa, wuuna dilay, maxaa yeelay, isagu wuxuu gacanta ku fidiyey sanduuqa, oo halkaasuu ku dhintay Ilaah hortiisa.

  • 6Oo markay yimaadeen meeshii hadhuudhka lagu tumi jiray oo Naakoon ayaa Cuusaah gacanta ku fidiyey sanduuqii Ilaah, wuuna qabtay; maxaa yeelay, dibidii sidday ayaa turunturootay.

  • 69%

    23¶ Markaasay amiirradii reer Falastiin isu soo urursadeen inay allabari weyn u bixiyaan ilaahood oo ahaa Daagoon, iyo inay reyreeyaan; waayo, waxay isku yidhaahdeen, Cadowgeennii Samsoon ahaa waxaa gacanteenna soo geliyey ilaaheen.

    24Oo dadkiina markay isagii arkeen ayay ilaahood ammaaneen; waayo, waxay yidhaahdeen, Ilaaheen wuxuu gacanteenna soo geliyey kii ahaa cadowgeennii iyo kii dalkeenna baabbi'in jiray oo layn jiray kuwo badan oo inaga mid ah.

  • 3Oo markay dadkii xeradii yimaadeen ayay odayaashii reer binu Israa'iil yidhaahdeen, Maanta maxaa Rabbigu inoogu laayay reer Falastiin hortooda? Haddaba sanduuqii axdiga Rabbiga aynu Shiiloh ka soo qaadanno oo dhexdeenna ha yimaado, inuu inaga badbaadiyo gacanta cadaawayaasheenna.

  • 8Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan Ashdood ka wada baabbi'in doonaa dadka deggan, oo weliba kan haysta usha boqornimada ayaan reer Ashqeloon ka gooyn doonaa, oo waxaan gacantayda ku soo jeedin doonaa reer Ceqroon, oo kuwa reer Falastiin ka hadhayna way wada baabbi'i doonaan.

  • 68%

    15Markaasay kuwii reer Laawi soo dejiyeen sanduuqii Rabbiga, iyo sanduuqii isaga la jirayba ee alaabta dahabka ahu ku jirtay, oo waxay kor saareen dhagaxii weynaa; oo isla maalintaas ayaa dadkii reer Beytshemesh Rabbiga u bixiyeen qurbaanno la gubo iyo allabaryo.

    16Oo shantii madaxda ahayd oo reer Falastiinna markay arkeen ayay isla maalintaas Ceqroon ku noqdeen.

  • 9Oo bal eega, haddii uu aado xagga xuduudkiisa iyo ilaa Beytshemesh, de markaas isagaa xumaantan weyn inagu sameeyey; haddii kalese waxaannu ogaanaynaa inaanay gacantiisii ahayn waxa ina laayay, ee uu ahaa wax iskaga keen dhacay.

  • 1 Sam 4:5-8
    4 aayado
    67%

    5Oo markii sanduuqii axdiga Rabbigu soo galay xeradii ayaa reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ku qayliyeen qaylo weyn ee dhulku la gariiray.

    6Oo reer Falastiinna markay maqleen dhawaaqii qaylada ayay yidhaahdeen, Dhawaaqa qaylada weyn ee xeradii Cibraaniyadii ka baxaya micnihiisu waa maxay? Markaasay garteen inuu sanduuqii Rabbigu xeradii dhex yimid.

    7Oo reer Falastiinna way cabsadeen, oo waxay yidhaahdeen, Ilaah baa xeradii soo galay. Oo haddana waxay yidhaahdeen, Hoog baa inagu dhacay! Waayo, hadda ka hor waxan oo kale lama arag.

    8Hoog baa inagu dhacaye! Bal yaa inaga samatabbixin doona ilaahyadan xoogga weyn gacantooda? Kuwanu waa ilaahyadii Masriyiinta ku laayay cidlada ee ku soo daayay belaayooyin cayn kasta ah.

  • 11oo sanduuqii Rabbiga iyo sanduuqii ay ku jireen jiirarkii dahabka ahaa iyo taswiirtii kasoobaxyada waxay saareen gaadhigii.

  • 2 Taar 5:8-9
    2 aayado
    67%

    8Waayo, keruubiimtu baalashoodii way ku kor fidiyeen meeshii sanduuqa, oo ku qariyeen sanduuqii iyo ulihiisiiba.

    9Oo uluhuna aad bay u dhaadheeraayeen, sidaas daraaddeed dabadooda waxaa laga arki jiray sanduuqii ka horreeya meesha ugu wada quduusan, laakiinse dibadda kama ay muuqan; oo halkaasuu yaal ilaa maantadan.

  • 1 Sam 6:1-5
    5 aayado
    67%

    1¶ Oo sanduuqii Rabbiguna wuxuu waddankii reer Falastiin yiil toddoba bilood.

    2Markaas reer Falastiin waxay u yeedheen wadaaddadii iyo kuwii wax sheegi jiray, oo waxay ku yidhaahdeen, Sanduuqa Rabbiga maxaannu ku samaynaa? Bal noo sheega waxaannu ugu dirno meeshiisii.

    3Kolkaasay iyana waxay yidhaahdeen, Haddaad diraysaan sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil, isagoo madhan ha dirina; laakiinse si walba qurbaan xadgudub u celiya; oo dabadeedna waad bogsan doontaan, oo waxaad ogaan doontaan sababta gacantiisu idinkaga dhaqaaqi weyday.

    4Oo markaasay yidhaahdeen, Qurbaanka xadgudubka ee aannu u celin doonaa muxuu noqon doonaa? Oo iyana waxay yidhaahdeen, Madaxda reer Falastiin inta tiradoodu tahay oo dhammu ha bixiyeen shan kasoobax oo dahab ah, iyo shan jiir oo dahab ah; waayo, idinka iyo madaxdiinnaba isku belaayaa idinku wada dhacday.

    5Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad samaysaan kasoobaxyadiinnii taswiirtooda, iyo jiirarkii dalkiinna kharribay taswiirtood; oo waa inaad ammaantaan Ilaaha reer binu Israa'iil; waayo, waxaa suurtowda inuu gacantiisa idinka qaado, idinka, iyo ilaahyadiinna, iyo dalkiinnaba.

  • 66%

    48Oo markii kii reer Falastiin soo kacay oo uu u soo dhowaaday inuu Daa'uud ka hor tago, ayaa Daa'uud soo dhaqsaday oo ku soo orday xaggii ciidanka inuu ka hor tago kii reer Falastiin.

    49Markaasaa Daa'uud gacanta geliyey kolaygiisii, oo dhagax kala soo baxay, oo intuu wadhfiyey ayuu kii reer Falastiin wejiga kaga dhuftay, oo dhagaxiina wejigiisuu dalaq yidhi, markaasuu dhulka afgembi ugu dhacay.

  • 46Maanta Rabbigu gacantayduu ii soo kaa gelin doonaa; waanan ku dili doonaa, oo madaxaanan kaa gooyn doonaa; oo maanta meydka reer Falastiin ciidankooda waxaan siin doonaa haadka hawada, iyo dugaagga dhulka, si dunida oo dhammu ay u ogaato in Ilaah ku dhex jiro reer binu Israa'iil;

  • 18Oo markuu sanduuqii Ilaah wax uga sheegay, ayuu Ceelii dib uga dhacay kursigiisii iridda ag yiil, markaasuu qoorta ka jabay oo dhintay, waayo, wuxuu ahaa nin da' weyn oo culus. Oo wuxuu reer binu Israa'iil xukumi jiray afartan sannadood.

  • 11Oo sanduuqii Ilaahna waa la qaatay; oo Ceelii labadiisii wiil oo ahaa Hofnii iyo Fiinexaasna waa la dilay.

  • 2 Sam 6:9-10
    2 aayado
    66%

    9Oo Daa'uudna Rabbiga wuu ka baqay maalintaas, oo wuxuu isyidhi, Sanduuqa Rabbigu sidee buu iigu imanayaa?

    10Sidaas daraaddeed Daa'uud wuu diiday inuu wado sanduuqii Rabbiga oo uu geeyo magaaladii Daa'uud; laakiinse Daa'uud sanduuqii buu gees ugu leexshay gurigii Cobeed Edoom kii reer Gad.

  • 28Oo dadkii magaaladu markay aroor hore soo tooseen ayay arkeen in meeshii allabariga Bacal loogu bixin jiray ay dunsan tahay iyo in geedihii Asheeraah oo agteeda ku yiil ay salka ka go'an yihiin, iyo in dibigii labaad lagu dul bixiyey meeshii allabariga oo loo dhisay.

  • 10Wuu kacay, oo laayay reer Falastiin ilaa ay gacantii daashay, oo gacantii seeftii ku dhegtay; oo Rabbiguna maalintaas aad buu u guuleeyey, markaasaa dadkiina u soo noqdeen inay wax dhacaan oo keliya.

  • 4Oo meelihii Bacaliim allabariga loogu bixin jiray oo dhanna hortiisay ku dumiyeen, sanamyadii qorraxda ee iyaga ka sarreeyeyna wuu wada jaray, oo geedihii Asheeraah iyo sanamyadii xardhanaa, iyo sanamyadii shubka ahaana dhammaantood wuu wada burburiyey oo boodh ka dhigay, oo wuxuu ku dul firdhiyey qabuurihii kuwii allabariga u bixin jiray.

  • 18oo jiirarkii dahabka ahaana waxay tiro le'ekaayeen magaalooyinkii reer Falastiin oo shantii madaxda ahayd lahaayeen oo dhan, oo waa laga wada bixiyey magaalooyinkii deyrka lahaa iyo tuulooyinkii duurka ku yiilba iyo ilaa xataa dhagaxii weynaa ee ay dul saareen sanduuqii Rabbiga, kaasoo xataa ilaa maantadan la joogo dhex yaal beertii Yashuuca kii reer Beytshemesh.

  • 13Oo waxaan dhexdiinna ka baabbi'in doonaa taswiirahiinna xardhan iyo tiirarkiinna, oo mar dambe ma aad caabudi doontaan sancada gacmihiinna.

  • 20Markaasaa dadkii Beytshemesh waxay yidhaahdeen, Bal yaa awooda inuu hor istaago Rabbiga ah Ilaahan quduuska ah? Oo bal yuu nooga tegayaa?

  • 6Laakiinse Adonii Beseq waa cararay, oo iyana way eryoodeen, wayna qabteen isagii, oo waxay ka gooyeen suulashiisii gacmaha iyo kuwiisii lugaha.

  • 9Markaasay madaxii ka gooyeen, oo hubkiisiina way ka furteen, oo waxay u cid direen dalkii reer Falastiin oo ku wareegsanaa inay u wargeeyaan gurigii sanamyadooda iyo dadkiiba.

  • 22Oo waxay tidhi, Reer binu Israa'iil ammaantii way ka tagtay; maxaa yeelay, sanduuqii Ilaah waa la qaatay.