2 Taariikhdii 30:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Maxaa yeelay, dad badan, xataa kuwa badan oo ahaa reer Efrayim iyo reer Manaseh iyo reer Isaakaar iyo reer Sebulun ayan isnadiifin oo weliba waxay wax uga cuneen neefafka Kormaridda si ka duwan sidii qornayd. Waayo, Xisqiyaah ayaa iyaga u duceeyey oo yidhi, Rabbiga wanaagsanu ha cafiyo ku alla kii

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 20:7 : 7 Haddaba ninka naagtiisa u celi, waayo, isagu waa nebi, wuuna kuu ducayn doonaa, waanad noolaan doontaa. Haddaadan iyada celinna, ogow hubaal waad dhiman doontaa, adiga iyo waxaaga oo dhammuba.
  • Bil 20:17 : 17 Ibraahimna Ilaah buu baryay, markaasaa Ilaah bogsiiyey Abimeleg, iyo naagtiisii, iyo gabdhihii midiidinyada u ahaa; waxayna dhaleen carruur.
  • Bax 12:43-51 : 43 ¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse iyo Haaruun ku yidhi, Kanu waa amarkii iidda Kormaridda; shisheeyuhuna yuusan wax ka cunin; 44 laakiinse nin kasta addoonkiisa uu lacagta ku iibsaday, markaad guddo dabadeed waa inuu wax ka cunaa. 45 Kii qariib ah iyo midiidinka la soo kiraystay toona midkoodna waa inuusan wax ka cunin. 46 Oo waa in isku guri lagu cuno; oo waa inaadan hilibka waxba dibadda uga bixin; lafna waa inaydnaan ka jebin. 47 Oo shirka reer binu Israa'iil oo dhammu waa inuu dhawro. 48 Oo haddii mid qariib ahu idinla dego, oo uu doonayo inuu Rabbiga u dhawro iidda Kormaridda, de waa in intiisa lab oo dhan la wada gudaa, oo markaas ha soo dhowaado oo ha dhawro, oo markaas wuxuu noqon doonaa sidii mid dalka ku dhashay; laakiinse qof buuryoqab ahu waa inuusan wax ka cunin. 49 Kan waddanka ku dhashay iyo kan qariibka ah oo idin dhex degganu waa inay isku sharci ahaadaan. 50 Sidaasay reer binu Israa'iil oo dhammu yeeleen; sidii Rabbigu Muuse iyo Haaruun ku amray ayay yeeleen. 51 Oo isla maalintaasaa Rabbigu reer binu Israa'iil uga bixiyey dalkii Masar, siday guutooyinkoodii ahaayeen.
  • Bax 34:6-9 : 6 Kolkaasaa Rabbigu hortiisa maray oo naadiyey isagoo leh, Waxaan ahay Rabbiga, Rabbiga, oo ah Ilaah raxmad iyo roonaan badan, oo cadho u gaabiya, oo naxariis iyo run badan, 7 oo kumankun u naxariista, oo xumaanta iyo xadgudubka iyo dembiga dhaafa, laakiin aan sinaba u caddayn in kan dembiga galay aanu eed lahayn; oo xumaantii awowayaasha soo gaadhsiiya carruurtooda iyo carruurta carruurtooda tan iyo farcanka saddexaad iyo kan afraadba. 8 Markaasaa Muuse intuu dhaqsaday u sujuuday oo caabuday. 9 Kolkaasuu wuxuu yidhi, Haddaba, Rabbiyow, haddii aad raalli iga tahay, waan ku baryayaaye, Rabbiyow, bal na dhex soco oo naga cafi xumaantayada iyo dembigayaga, waayo dadkanu waa dad madax adag, ee annaga dhaxal ahaan noo qaado.
  • Tir 9:10-14 : 10 Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii nin idinka mid ah amase farcankiinna ka mid ahu uu ku nijaasoobo sabab meyd ka timid, amase hadduu sodcaal dheer ku jiro, weli waa inuu Rabbiga u dhawraa Iidda Kormaridda. 11 Bishii labaad maalinteeda afar iyo tobnaad markay fiidka tahay waa inay dhawraan oo ay kibis aan khamiir lahayn iyo caleemo qadhaadh cunaan. 12 Waa inayan waxba ka reebin ilaa subaxda, oo ayan lafahana mid ka jebin. Waa inay u dhawraan sida qaynuunka Iidda Kormaridda yahay oo dhan. 13 Laakiinse ninkii daahir ah oo aan sodcaal ku jirin oo ka hadha inuu dhawro Iidda Kormaridda, qofkaasu waa ka go'i doonaa dadkiisa, maxaa yeelay, wuxuusan bixin qurbaankii Rabbiga xilligiisii la amray, oo ninkaasu dembigiisuu qaadan doonaa. 14 Oo haddii nin qalaad dhexdiinna deggan yahay, oo uu doonayo inuu Rabbiga u dhawro Iidda Kormaridda, waa inuu u sameeyaa sida ay Iidda Kormaridda qaynuunkeeda iyo amarkeedu yihiin, oo kii qalaad iyo kii dalka ku dhashayba waa inaad isku qaynuun u lahaataan.
  • Tir 14:18-20 : 18 Rabbigu cadho waa u gaabiyaa, oo waa naxariis badan yahay, oo xumaanta iyo xadgudubka wuu dhaafaa, oo sinaba uma caddeeyo in kan dembiga galay aanu eed lahayn, oo xumaantii awowayaashana wuxuu gaadhsiiyaa carruurtooda tan iyo farcanka saddexaad iyo kan afraad. 19 Haddaba waan ku baryayaaye, sida ay naxariistaadu u weyn tahay oo aad dadkan u cafiyi jirtay tan iyo dalkii Masar iyo ilaa haddeer dadkan xumaantooda saamax. 20 Markaasaa Rabbigu yidhi, Sidaad u tidhi, waan u saamaxay,
  • Tir 19:20 : 20 Laakiinse qofka nijaasta ah, oo aan isdaahirin, qofkaasu shirka dhexdiisa waa in laga gooyaa, maxaa yeelay, wuxuu nijaaseeyey Rabbiga meeshiisii quduuska ahayd, oo waa nijaas oo laguma rushayn biyaha nijaasta daahiriya.
  • 2 Taar 6:21 : 21 Bal maqal baryootankayga, anoo addoonkaaga ah, iyo kan dadkaaga reer binu Israa'iil markaannu meeshan xaggeeda u soo tukanayno. Kaas ka maqal meeshaad deggan tahay oo ah samada, oo markaad maqashid na cafi.
  • 2 Taar 30:11 : 11 Habase yeeshee qaar ah reer Aasheer iyo reer Manaseh iyo reer Sebulun ayaa is-hoosaysiiyey oo Yeruusaalem yimid.
  • 2 Taar 30:25 : 25 Oo shirkii dadkii Yahuudah oo dhan iyo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi, iyo shirkii dalka Israa'iil ka yimid oo dhan, iyo shisheeyayaashii dalka Israa'iil ka yimid oo dalka Yahuudah degganaaba way wada reyreeyeen.
  • Ayuub 42:8-9 : 8 Haddaba sidaas daraaddeed waxaad soo wadataan toddoba dibi iyo toddoba wan, oo waxaad u tagtaan addoonkayga Ayuub, oo waxaad nafsaddiinna daraaddeed u bixisaan qurbaan la gubo; oo addoonkayga Ayuub wuu idiin ducaynayaa, waayo, isagaan ka aqbalayaa, si aanan idinkula macaamiloon sidii nacasnimadiinnii ahayd, waayo, idinku wixii xaqa ahaa igama aydaan sheegin sidii addoonkayga Ayuub uu yeelay oo kale. 9 Sidaas daraaddeed Eliifas oo ahaa reer Teemaan, iyo Bildad oo ahaa reer Shuuxii, iyo Soofar oo ahaa reer Nacamaatii way tageen oo waxay u sameeyeen sidii Rabbigu ku amray, oo Rabbiguna Ayuub wuu aqbalay.
  • Sab 25:8 : 8 Rabbigu waa wanaagsan yahay, waana qumman yahay, Sidaas daraaddeed wuxuu dembilayaasha ku hanuunin doonaa jidka.
  • Sab 36:5 : 5 Rabbiyow, raxmaddaadu samooyinkay ku jirtaa, Aaminnimadaaduna daruurahay gaadhaa.
  • Sab 86:5 : 5 Waayo, Sayidow, waad wanaagsan tahay, oo waxaad diyaar u tahay inaad dembidhaafto, Waanad u naxariis badan tahay kuwa ku barya oo dhan.
  • Sab 119:68 : 68 Waad wanaagsan tahay, oo wanaag baad samaysaa, Haddaba qaynuunnadaada i bar.
  • Daan 9:19 : 19 Sayidow, na maqal; Sayidow, na cafi; Sayidow, na dhegayso oo yeel; ha raagin; aawadaa baan kugu baryaynaa Ilaahayow, maxaa yeelay magaaladaada iyo dadkaagaba waxaa loogu yeedhay magacaaga.
  • 1 Kor 11:28 : 28 Nin kastaa ha is-imtixaamo, oo sidaas kibista wax ha uga cuno, oo koobka ha uga cabbo.
  • Yac 5:15-16 : 15 Ducadii rumaysad lahu way bogsiin doontaa kii buka, oo Rabbigu waa sara kicin doonaa, oo hadduu dembaabay waa loo dembidhaafi doonaa. 16 Midkiinba midka kale dembiyadiisa ha u qirto oo ha u duceeyo si aad u bogsataan. Nin xaq ah baryadiisa shaqaysa wax badan bay kartaa.
  • 1 Yoox 5:16 : 16 Haddii qof uun arko walaalkii oo samaynaya dembi aan xagga dhimashada ahayn, waa inuu Ilaah baryo; isaguna noloshuu siin doonaa kuwa samaynaya dembi aan xagga dhimashada ahayn. Waxaa jira dembi xagga dhimashada ah. Oo anigu odhan maayo, Kaas ha ka tukado.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 17Oo waxaa jiray kuwo badan oo shirka ka mid ahaa oo aan isdaahirin, sidaas daraaddeed reer Laawi shuqulkoodu wuxuu ahaa inay neefafka Kormaridda u gowracaan mid alla midkii aan nadiif ahayn, si ay iyaga Rabbiga ugu daahiriyaan.

  • 80%

    19qalbigiisa u diyaariya inuu doondoono Ilaaha ah Rabbiga oo ah Ilaahii awowayaashiis in kastoo uusan isu nadiifin sidii ay ahayd isdaahirintii meesha quduuska ah.

    20Oo Rabbiguna wuu maqlay Xisqiyaah, dadkiina wuu bogsiiyey.

  • 79%

    1¶ Markaasaa Xisqiyaah u cid diray dadka Israa'iil oo dhan iyo dadka Yahuudah, oo haddana wuxuu warqado u qoray reer Efrayim iyo reer Manaseh, inay dhammaantood wada yimaadaan guriga Rabbiga oo Yeruusaalem ku yaal, si ay Iiddii Kormaridda ugu sameeyaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

    2Waayo, boqorka, iyo amiirradiisii, iyo shirkii Yeruusaalem joogay oo dhammu waxay ku arrinsadeen inay Iiddii Kormaridda sameeyaan bishii labaad.

    3Maxaa yeelay, iyagu wakhtigaas ma ay samayn karin, waayo, wadaaddadii tiro hawsha ku filanu isma ay daahirin, oo dadkiina Yeruusaalem kuma ay soo wada ururin.

  • 5Sidaas daraaddeed waxay amar ku soo saareen in lagu naadiyo dalka reer binu Israa'iil oo dhan, tan iyo Bi'ir Shebac iyo ilaa Daan, inay wada yimaadaan oo ay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil Iidda Kormaridda Yeruusaalem ugu sameeyaan, waayo, wakhti dheer looma samayn sida qoran.

  • 13Laakiinse ninkii daahir ah oo aan sodcaal ku jirin oo ka hadha inuu dhawro Iidda Kormaridda, qofkaasu waa ka go'i doonaa dadkiisa, maxaa yeelay, wuxuusan bixin qurbaankii Rabbiga xilligiisii la amray, oo ninkaasu dembigiisuu qaadan doonaa.

  • 22Oo Xisqiyaahna wuxuu dhiirrigeliyey kuwii reer Laawi oo hawsha Rabbiga aad u yiqiin. Oo toddobadii maalmood ee iiddu socotayba wax bay cunayeen, iyagoo qurbaanno nabaadiino bixinaya, oo Rabbiga ah Ilaahii awowayaashood u mahadnaqaya.

  • 24Waayo, Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wuxuu shirkii u siiyey inay qurbaan ka dhigtaan kun dibi iyo toddoba kun oo ido ah, oo amiirradiina waxay shirkii siiyeen kun dibi iyo toban kun oo ido ah, oo wadaaddo tiro badanuna way isdaahiriyeen.

  • Cesr 6:20-21
    2 aayado
    70%

    20Waayo, wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi way iswada daahirsheen dhammaantood; oo giddigood daahir bay ahaayeen, markaasay neefkii Kormaridda u bireeyeen dadkii maxaabiisnimada ka soo noqday oo dhan, iyo wadaaddadii walaalahood ahaa, iyo naftoodiiba.

    21Oo waxaa cunay reer binu Israa'iil oo maxaabiisnimada ka soo noqday, iyo in alla intii naftooda gooni uga soocday nijaastii dadkii dalka degganaa inay doondoonaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil,

  • 70%

    30Oo weliba Boqor Xisqiyaah iyo amiirradii ayaa reer Laawi ku amreen inay Rabbiga ammaan ugu gabyaan erayadii Daa'uud iyo kuwii Aasaaf kii wax arkaha ahaa. Oo waxay ammaan ku gabyeen iyagoo faraxsan, oo intay madaxa foororiyeen ayay Ilaah caabudeen.

    31Markaasaa Xisqiyaah jawaabay oo yidhi, Hadda idinku waxaad quduus isaga dhigteen Rabbiga, haddaba soo dhowaada oo guriga Rabbiga waxaad soo gelisaan allabaryo iyo qurbaanno mahadnaqid ah. Kolkaasaa shirkii soo gesheen allabaryo iyo qurbaanno mahadnaqid ah, oo in alla intii qalbigoodu raalli ahaana waxay keeneen qurbaanno la gubo.

  • 18Markaasay Boqor Xisqiyaah ugu galeen gurigiisii boqornimada oo waxay ku yidhaahdeen, Waannu wada nadiifinnay gurigii Rabbiga oo dhan, iyo meeshii qurbaanka la gubo, iyo weelasheedii oo dhan, iyo miiskii la saari jiray kibistii tusniinta iyo weelashiisii oo dhanba.

  • 69%

    21¶ Markaasaa boqorkii dadkii oo dhan amray oo ku yidhi, Rabbiga Ilaahiinna ah u dhawra Iidda Kormaridda, siday ugu qoran tahay kitaabkan axdiga.

    22Hubaal Iiddaas Kormaridda oo kale lama dhawrin tan iyo wakhtiyadii xaakinnadu reer binu Israa'iil xukumi jireen, iyo wakhtiyadii boqorradii dalka Israa'iil oo dhan, iyo wakhtiyadii boqorradii dalka Yahuudah toona.

    23Laakiinse sannaddii siddeed iyo tobnaad oo Boqor Yoosiyaah ayaa Iiddaas Kormaridda Rabbiga loogu dhawray Yeruusaalem.

  • 15Oo Xisqiyaah wuxuu baryay Rabbiga, oo yidhi,

  • Tir 9:6-7
    2 aayado
    69%

    6Oo waxaa jiray niman ku nijaasoobay nin dhintay meydkiis oo aanay sidaas aawadeed karin inay maalintaas Iiddii Kormaridda dhawraan, oo maalintaasay yimaadeen Muuse iyo Haaruun hortooda.

    7Oo nimankaasu waxay isagii ku yidhaahdeen, Annagu waxaannu ku nijaasownay nin dhintay meydkiis. Haddaba maxaa nalooga celiyey inaannu reer binu Israa'iil la bixinno qurbaankii Rabbiga xilligii la amray?

  • 19Haddaba waan ku baryayaaye, sida ay naxariistaadu u weyn tahay oo aad dadkan u cafiyi jirtay tan iyo dalkii Masar iyo ilaa haddeer dadkan xumaantooda saamax.

  • 69%

    25Laakiinse Xisqiyaah wanaaggii isaga loo sameeyey mahad kama celin, waayo, qalbigiisa ayaa kibray, sidaas daraaddeed isagii iyo dalka Yahuudah iyo Yeruusaalemba cadho baa ku soo degtay.

    26Habase ahaatee Xisqiyaah wuu is-hoosaysiiyey oo kibirkii qalbigiisa wuu ka soo noqday isaga iyo dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhammuba, sidaa daraaddeed cadhadii Rabbigu iyaga kuma ay soo degin wakhtigii Xisqiyaah.

  • 20Markaasaa Boqor Xisqiyaah iyo Nebi Ishacyaah oo ahaa ina Aamoos u tukadeen xaalkan aawadiis, oo waxay qaylo gaadhsiyeen samada.

  • 15Markaasay neefafkii Iiddii Kormaridda qaleen bishii labaad maalinteedii afar iyo tobnaad, oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawina way yaxyaxeen, oo intay isdaahiriyeen ayay qurbaanno la gubo keeneen gurigii Rabbiga.

  • 19Haddaba Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, iyo dadka Yahuudah oo dhammu miyey isagii dileen? Oo miyuusan isagu Rabbiga ka cabsan, oo uusan Rabbiga baryin, oo Rabbiguna miyuusan ka soo noqon masiibadii uu iyaga kaga hadlay? Innagu masiibo weyn ayaynu nafteenna u soo jiidi lahayn haddaan isaga dilno.

  • 68%

    16Sidaasaa hawshii Rabbiga loo diyaariyey isku maalintaas in Iidda Kormaridda la dhawro iyo in qurbaannada la gubo lagu bixiyo meeshii allabariga ee Rabbiga, sidii uu ahaa amarkii Boqor Yoosiyaah.

    17Reer binu Israa'iil oo markaas joogayna wakhtigaasay dhawrayeen Iiddii Kormaridda iyo Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahaynba intii toddoba maalmood ah.

    18Oo Iiddaas Kormaridda mid la mid ah dalka Israa'iil laguma iidin tan iyo wakhtigii Nebi Samuu'eel, oo boqorradii reer binu Israa'iilna midkoodna ma uu iidin Iiddii Kormaridda siday u iideen Yoosiyaah, iyo wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo kulli dadka Yahuudah iyo dadka Israa'iil ee joogay oo dhan, iyo dadkii Yeruusaalem degganaaba.

  • 21Oo waxay keeneen toddoba dibi, iyo toddoba wan, iyo toddoba baraar ah, iyo toddoba orgi, inay qurbaan dembi u ahaadaan boqortooyada aawadeed iyo meesha quduuska ah aawadeed iyo dadka Yahuudah aawadood. Oo wuxuu wadaaddadii reer Haaruun ku amray inay xoolahaas ku bixiyaan meesha Rabbiga lagu baryo.

  • 17Miyuu nagu yar yahay dembigii Fecoor oo aannan iska nadiifin ilaa maantadan la joogo in kastoo ay belaayo ku soo degtay shirka Rabbiga,

  • 3Rabbiyow, waan ku baryayaaye, bal haatan xusuuso sidaan hortaada ugu socday runta iyo qalbi qumman, iyo sidaan u sameeyey waxa hortaada ku wanaagsan. Xisqiyaahna aad buu u ooyay.

  • 6Oo neefafka Kormaridda gowraca, oo quduus iska dhiga, oo walaalihiinna u diyaariya, si aad u samaysaan si waafaqsan Eraygii Rabbiga oo Muuse loo soo dhiibay.

  • 27¶ Oo dadka dhulka mid ka mid ahu hadduu kama' ku dembaabo, oo uu sameeyo wax ka mid ah waxyaalihii uu Rabbigu amray inaan la samayn, oo uu saas eed ku leeyahay,

  • 7Oo wadaadkuna waa inuu isaga kafaaraggud ugu sameeyaa Rabbiga hortiisa, oo isna waa laga cafiyi doonaa wixii uu sameeyey oo uu ku eedaysan yahay oo dhanba.

  • 2¶ Oo Xisqiyaahna kooxihii wadaaddada iyo kuwii reer Laawiba wuxuu u doortay siday nin walba adeegiddiisu ahayd, oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawiba nin kastaba hawshiisii buu amray inay bixiyaan qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiinada, iyo inay adeegaan, oo ay mahadnaqaan, oo ay Ilaah ku ammaanaan xerada Rabbiga irdaheeda.

  • 12War Xisqiyaahaasu sow ma ahaa kii wada baabbi'iyey meelihiisii sarsare iyo meelihiisii allabarigaba, oo dadkii Yahuudah iyo Yeruusaalemna sow kuma uu amrin oo kuma odhan, Idinku waa inaad meel allabari oo keliya horteeda Ilaah ku caabuddaan, oo isla taas korkeedana waa inaad fooxa ku shiddaan?

  • 21Oo bisha kowaad maalinteeda afar iyo tobnaad waa inaad Iiddii Kormaridda iiddaan, taasoo ah iid toddoba maalmood ah, waana in la cunaa kibis aan khamiir lahayn.

  • 20Oo Xisqiyaah sidaasuu ku dhex yeelay dalkii Yahuudah oo dhan, oo wuxuu sameeyey wax wanaagsan oo ku qumman, daacadna ku ah Rabbiga Ilaahiisa ah hortiisa.

  • 13Oo sidii qaynuunku ahaa ayay neefafkii Kormaridda dab ugu dubeen, oo qurbaannadii quduuska ahaana waxay ku kariyeen dheryo iyo digsiyo iyo weelal kale oo waaweyn, oo intay qaadeen ayay haddiiba u geeyeen dadkii oo dhan.

  • 22Oo wadaadku waa inuu isaga kafaaraggud uga dhigaa wanka qurbaanka xadgudubka ah, oo waa inuu Rabbiga hortiisa ugu bixiyaa dembiguu dembaabay aawadiis, oo isagana waa laga cafiyi doonaa dembigii uu dembaabay.

  • 14Oo weliba kuwii wadaaddada sarsare ahaa iyo dadkiiba si weyn bay u xadgudbeen oo waxay wada sameeyeen karaahiyadii quruumuhu samayn jireen oo dhan, oo waxay nijaaseeyeen gurigii Rabbiga, ee uu isagu Yeruusaalem quduus kaga dhigay.

  • 17War maxaad qurbaanka dembiga ugu cuni weydeen meesha quduuska ah gudaheeda, maxaa yeelay, kaasu waa kan ugu wada quduusan, oo isagu wuxuu kaas idiin siiyey inaad qaaddaan xumaantii ururka oo aad iyaga Rabbiga hortiisa kafaaraggud ugu samaysaan?

  • 3Rabbiyow, waan ku baryayaaye, bal haatan xusuuso sidaan hortaada ugu socday runta iyo qalbi qumman, iyo sidaan u sameeyey waxa hortaada ku wanaagsan. Xisqiyaahna aad buu u ooyay.

  • 16Laakiinse hadduusan dharkiisa maydhin ama uusan jidhkiisa maydhin, markaasuu dembigiisa qaadan doonaa.

  • 15Haddaba Ilaahayaga ahow, oo dadkiisa gacanta xoogga leh Masar kaga soo bixiyayow, oo maanta ammaan isu soo jiidayow, waannu dembaabnay, oo wax shar ah baannu falnay.

  • 8Oo Xisqiyaah iyo amiirradiiba markay yimaadeen oo arkeen tuulmooyinkii, ayay Rabbiga ku mahadnaqeen, dadkiisii reer binu Israa'iilna way u duceeyeen.

  • 8Haddaba Rabbiyow, cafi dadkaaga reer binu Israa'iil oo aad soo furatay, oo hana u oggolaan in dhiig aan xaq qabinu uu saarnaado dadkaaga reer binu Israa'iil. Oo markaas iyaga waa loo kafaaro gudi doonaa dhiiggaas.

  • 42Annagu waannu xadgudubnay oo waannu caasiyownay, oo adiguna nama aad saamixin.