10Markaasay boqorkii siisay boqol iyo labaatan talanti oo dahab ah, iyo uunsi faro badan, iyo dhagaxyo qaali ah; uma iman uunsi dambe oo u badan sidii kii boqoradda Shebaa ay siisay Boqor Sulaymaan.
11Oo Xiiraam doonniyihiisii Oofir dahab ka keenay, waxay kaloo Oofir ka keeneen geedo almuug ah oo badan, iyo dhagaxyo qaali ah.
12Oo boqorkiina geedihii almuugga ahaa ayuu tiirar uga dhigay gurigii Rabbiga, iyo gurigii boqorka, oo wuxuu kaloo nimankii gabayaaga ahaa uga sameeyey kataarado iyo shareerado; oo ilaa maantadan la joogo geedo almuug ah oo kuwaas oo kale ah ma iman, lamana arkin.
13Oo Boqor Sulaymaanna wuxuu boqoraddii Shebaa siiyey wax alla wixii ay doonaysay oo dhan oo ay weyddiisatay, oo ayan ku jirin wixii uu Sulaymaan u siiyey sharafta boqornimadiisa, markaasay noqotay oo dalkeedii tagtay iyadii iyo addoommadeediiba.