2 Boqorradii 19:28

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Cadhadaadii aad ii cadhootay, Iyo islaweynaantaadii waxay soo gaadheen dhegahayga, Oo sidaas daraaddeed sanka waxaan kaa sudhi doonaa qabatadayda, Bushimahaagana waxaan gelin doonaa xakamahayga, Oo waxaan kugu celin doonaa jidkii aad ku timid.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yex 29:4 : 4 Laakiinse qabatooyin baan camanka kaa soo sudhi doonaa, oo kalluunka webiyaashaadana waxaan ka dhigi doonaa inuu qolfahaaga ku dhego, oo webiyaashaadaan kaa soo bixin doonaa adiga iyo kalluunka webiyaashaada ee qolfahaaga ku wada dhegi doona oo dhan.
  • 2 Boq 19:33 : 33 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Jidkuu ku yimid ayuu ku noqon doonaa, oo magaaladan iman maayo.
  • Yex 38:4 : 4 Dib baan kuu soo celin doonaa, oo qabatooyin baan daamanka kaa sudhi doonaa, waanan soo bixin doonaa adiga, iyo ciidankaaga oo dhan, fardaha iyo fardooleydaba, iyagoo kulligood dhar dagaaleed xidhan, oo ah ciidan faro badan oo gaashaammo waaweyn iyo gaashaammo yaryar sita, oo kulligood seef sita,
  • Aam 4:2 : 2 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu ku dhaartay quduusnimadiisa, isagoo leh, Bal eega, waxaa iman doona wakhti laydinkula tegi doona qabatooyin, oo jillaabbo baa lagu qabsan doonaa kuwiinna hadhay.
  • Ayuub 41:2 : 2 Ma sankiisaad xadhig ku xidhi kartaa? Mase daankiisaad jillaab ku duleelin kartaa?
  • Sab 2:1-5 : 1 Bal quruumuhu maxay u cadhoodaan, Dadkuna maxay ugu fikiraan wax aan waxba ahayn? 2 Boqorrada dhulku col bay u taagan yihiin, Taliyayaashuna waxay u wada tashadaan Rabbiga iyo Masiixiisa, iyagoo leh, 3 Silsiladahooda aan gooyno Oo xadhkahoodana aan iska fogayno. 4 Kan samada fadhiyaa wuu qosli doonaa, Oo Sayidku iyaga wuu ku majaajiloon doonaa. 5 Markaasuu isagoo cadhaysan iyaga la hadli doonaa, Oo wuxuu iyaga ku dhibi doonaa dhirifkiisa isagoo leh,
  • Sab 7:6 : 6 Rabbiyow, cadhadaada la kac, Oo ku kac dhirifka cadaawayaashayda, Aniga daraadday u sara joogso, waayo, waxaad amartay xukun.
  • Sab 10:13-14 : 13 Bal kii shar lahu muxuu Ilaah u quudhsadaa? Oo muxuu qalbigiisa uga leeyahay, Adigu waxba i weyddiisan maysid? 14 Waxaas baad aragtay, waayo, waad u jeeddaa belaayada iyo xanaaqa, inaad gacantaada ku aargudatid aawadeed, Miskiinku adiguu isu kaa dhiibaa, Waayo, adigu waxaad tahay agoonka kaalmeeyihiisa.
  • Sab 32:9 : 9 Ha noqonina sida faraska ama baqalka aan garaadka lahayn, Kuwaasoo hoggaankoodu yahay xakame iyo birtiisa in lagu hayo, Haddii kalese innaba kuu soo dhowaan maayaan.
  • Sab 46:6 : 6 Quruumihii way cabaadeen, oo boqortooyooyinkiina way dhaqdhaqaaqeen, Codkiisii buu ku hadlay, oo dhulkii baa dhalaalay.
  • Sab 65:7 : 7 Wuxuu aamusiiyaa guuxa badaha, iyo guuxa hirarkooda, Iyo dadyowga buuqooda.
  • Sab 74:4 : 4 Cadaawayaashaadii waxay ka qayliyeen shirkaaga dhexdiisa, Oo waxay calaamad ahaan u qotonsadeen calammadoodii.
  • Sab 74:23 : 23 Ha illoobin codka cadaawayaashaada, Kuwa kugu kaca buuqoodu had iyo goorba wuu soo kacaa.
  • Sab 83:2 : 2 Waayo, bal eeg, cadaawayaashaadu way buuqaan, Oo kuwii ku nebcaana madaxay kor u qaadeen.
  • Sab 93:3-4 : 3 Rabbiyow, webiyadii kor bay u kaceen, Webiyadii codkooday kor u qaadeen, Oo webiyadii waxay kor u qaadeen hirarkoodii. 4 Biyaha badan codkooda, Iyo mawjadaha badda oo waaweynba Waxaa ka sii xoog badan Rabbiga sare.
  • Ish 30:28 : 28 Oo neeftiisuna waa sida durdur wax qarqinaya, oo xataa tan iyo qoorta gaadhaya, inuu quruumaha ku kala shaandheeyo shaandho halaag ah, oo dadka afkiisana waxaa ku jiri doona xakame qalda.
  • Yex 19:9 : 9 Oo intay qabatooyin ku qabteen ayay khafas ku rideen, oo boqorkii Baabuloon bay u keeneen, oo waxay ku rideen qalcado xoog badan si aan codkiisa mar dambe buuraha reer binu Israa'iil looga maqlin.
  • Luuk 6:11 : 11 Markaasay aad u cadhoodeen, oo waxay ka wada hadleen waxay Ciise ku samayn lahaayeen.
  • Yoox 15:18 : 18 ¶ Dunidu hadday idin nebcaato, waad garanaysaan inay hortiin i nebcaatay.
  • Yoox 15:23-24 : 23 Kii i neceb, waxaa kaluu neceb yahay Aabbahay. 24 Haddaanan dhexdooda ku samayn shuqullada aan nin kale samayn, dembi ma ay lahaadeen, haddase aniga iyo Aabbahayba way na arkeen oo na nebcaadeen.
  • Fal 7:51 : 51 ¶ Idinkan madaxa adag oo aan qalbiga iyo dhegaha laga gudinow, weligiinba Ruuxa Quduuska ah waad hor joogsataan. Sidii awowayaashiin yeeli jireen oo kale ayaad idinna yeeshaan.
  • 2 Boq 19:36-37 : 36 Markaasaa Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur intuu tegey Nineweh ku noqday oo degay. 37 Oo markuu wax ku caabudayay gurigii ilaahiis Nisrog ayay Adrammeleg iyo Shareser isagii seef ku dileen; markaasay u carareen dalkii Araarad. Oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Eesar Xaddoon.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ish 37:28-29
    2 aayado
    97%

    28Laakiinse waan aqaan fadhigaaga, iyo bixiddaada, iyo soo geliddaada, iyo cadhadaadii aad ii cadhootayba.

    29Cadhadaadii aad ii cadhootay Iyo islaweynaantaadii waxay soo gaadheen dhegahayga, Oo sidaas daraaddeed sanka waxaan kaa sudhi doonaa qabatadayda, Bushimahaagana waxaan gelin doonaa xakamahayga, Oo waxaan kugu celin doonaa jidkii aad ku timid.

  • 27Laakiinse waan aqaan fadhigaaga, Iyo bixiddaada, iyo soo geliddaada, Iyo cadhadaadii aad ii cadhootayba.

  • 4Dib baan kuu soo celin doonaa, oo qabatooyin baan daamanka kaa sudhi doonaa, waanan soo bixin doonaa adiga, iyo ciidankaaga oo dhan, fardaha iyo fardooleydaba, iyagoo kulligood dhar dagaaleed xidhan, oo ah ciidan faro badan oo gaashaammo waaweyn iyo gaashaammo yaryar sita, oo kulligood seef sita,

  • 4Laakiinse qabatooyin baan camanka kaa soo sudhi doonaa, oo kalluunka webiyaashaadana waxaan ka dhigi doonaa inuu qolfahaaga ku dhego, oo webiyaashaadaan kaa soo bixin doonaa adiga iyo kalluunka webiyaashaada ee qolfahaaga ku wada dhegi doona oo dhan.

  • 2Ma sankiisaad xadhig ku xidhi kartaa? Mase daankiisaad jillaab ku duleelin kartaa?

  • 18Jidkaaga iyo falimahaaga ayaa waxyaalahan kuu keenay, tanu waa belaayadaada, wayna qadhaadh tahay, oo waxay gaadhaysaa xataa ilaa qalbigaaga.

  • 28Oo neeftiisuna waa sida durdur wax qarqinaya, oo xataa tan iyo qoorta gaadhaya, inuu quruumaha ku kala shaandheeyo shaandho halaag ah, oo dadka afkiisana waxaa ku jiri doona xakame qalda.

  • Yex 21:30-31
    2 aayado
    73%

    30Galkeedii ha ku noqoto. Anigu waxaan kugu xukumi doonaa meeshii lagugu abuuray iyo dalkii aad ku dhalatay.

    31Oo waxaan kugu soo kor shubi doonaa dhirifkayga, oo dabkii cadhadayda ayaan kugu soo afuufi doonaa, oo waxaan gacanta kuugu ridi doonaa niman doqonna ah oo aad waxbaabbi'inta u yaqaan.

  • 11Ilaah baa xadhiggaygii debciyey, wuuna i dhibay, Oo taas aawadeed iyagu hortayda iskuma celiyaan.

  • 25Oo waxaan kugu soo dayn doonaa xanaaqayga masayrka ah, oo iyaguna cadho bay kugula macaamiloon doonaan. Waxay kaa gooyn doonaan sanka iyo dhegaha, oo intii kaa hadhaana seef bay ku dhici doontaa. Waxayna kaxaysan doonaan wiilashaada iyo gabdhahaagaba, oo intii kaa hadhana dab baa baabbi'in doona.

  • 19¶ Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad soo noqotid, waan ku soo celin doonaa, oo hortaydaad istaagi doontaa. Oo haddaad waxyaalaha qaaliga ah nijaasta ka soocdidna waxaad noqon doontaa sida afkayga oo kale. Iyagu waa inay kuu soo noqdaan, laakiinse adigu waa inaadan xaggooda u noqon.

  • 2Sayidka Rabbiga ahu wuxuu ku dhaartay quduusnimadiisa, isagoo leh, Bal eega, waxaa iman doona wakhti laydinkula tegi doona qabatooyin, oo jillaabbo baa lagu qabsan doonaa kuwiinna hadhay.

  • 20Oo korkiisaan ku kala bixin doonaa shabaggayga, oo isagaa dabinkayga lagu soo qaban doonaa, oo Baabuloon waan keeni doonaa, oo xadgudubkii uu igu xadgudbay aawadiis ayaan isaga halkaas kula xaajoon doonaa.

  • 43Adigu wakhtigii yaraantaada sooma aadan xusuusan, laakiinse waxyaalahaas oo dhan waad igaga xanaajisay, oo sidaas daraaddeed ayaan jidkaaga madaxaaga kaga abaalmarin doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay, oo sharkaas waxyaalahaaga karaahiyada ah oo dhan kuma aad sii dari doontid.

  • 14Oo waxaan ka dhigi doonaa inaad cadaawayaashaada ula gudubtid dal aadan innaba aqoonin, waayo, waxaa xanaaqaygii ka ololay dab idin gubi doona.

  • 18Laakiinse wakhtiga Juuj uu dalka reer binu Israa'iil ku soo kici doono ayaan aad iyo aad u cadhoon doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • 6Haddaba bal eeg, anigu jidkaaga waxaan ku awdi doonaa qodxan, oo deyr baan iyada hor dhigi doonaa, si ayan dhabbaheedii u helin.

  • 19Haddaba xumaantaada ayaa ku edbin doonta, oo dibunoqoshadaada ayaa ku canaanan doonta. Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haddaba bal ogow oo arag inay tahay wax shar ah oo qadhaadh inaad iga tagtay anigoo Rabbiga Ilaahaaga ah, iyo inaadan iga cabsan.

  • Ish 22:18-19
    2 aayado
    71%

    18Oo hubaal sida kubbad oo kale ayuu kugu wadhfin doonaa dhul weyn oo ballaadhan, oo halkaasaad ku dhiman doontaa, oo gaadhifardoodyadii sharaftaaduna halkaasay joogi doonaan, adigoo ah ceebta gurigii sayidkaaga.

    19Oo waxaan kaa eryi doonaa derejadaada, oo jagada aad joogtona isagaa kaa soo dejin doona.

  • 21Hubaal waan idin soo ururin doonaa oo waxaan idinku soo afuufi doonaa dabka cadhadayda, oo idinkuna dhexdiisaad ku dhalaali doontaan.

  • 17Xumaantii hunguriweynaantiisa aawadeed ayaan u cadhooday oo aan wax ugu dhuftay. Waan isqariyey oo waan cadhooday, oo isna wuu ku sii leexday xagga jidkii qalbigiisa.

  • 10Sababtuna waa dhirifkaagii iyo cadhadaadii aawadood, Waayo, kor baad ii qaadday, dabadeedna waad i xoortay.

  • 21Markaad barwaaqaysnayd waan kula hadlay, laakiinse waxaad tidhi, Innaba ku maqli maayo. Oo tan iyo yaraantaadiina sidaasaad ahayd, oo codkaygana ma aadan addeecin.

  • Yex 39:2-3
    2 aayado
    70%

    2Dib baan kuu soo celin doonaa, waanan ku soo kaxaysan doonaa, oo waxaan kaa soo kicin doonaa meelaha woqooyi ugu shisheeya, oo buuraha reer binu Israa'iil ayaan ku keeni doonaa.

    3Oo qaansadaada gacantaada bidix waan ka tuuri doonaa, oo fallaadhahaagana gacantaada midig baan ka ridi doonaa.

  • 18Sida xaqiiqada ah waxaan maqlay Efrayim oo ku barooranaya, Adigu waad i edbisay, oo waxaa la ii edbiyey sidii dibi layli ah oo aan harqoodka u baran. I soo celi, oo aniguna waan soo noqon doonaa, waayo, Rabbiga Ilaahayga ah ayaad tahay.

  • 4Waan ogaa inaad madax adag tihiin, iyo in qoortiinnu seed bir ah tahay, iyo in jaahiinnu naxaas yahay,

  • 13Oo haatan harqoodkiisa waan idinka jebin doonaa, oo jebbooyinka idinku xidhanna waan jebin doonaa.

  • 14Harqoodkii xadgudubyadayda gacantiisaa xidhay. Way isku xidhan yihiin oo qoortay ii saaran yihiin. Xooggayguu yareeyey. Sayidku wuxuu igu riday gacmihii kuwa aanan iska daafici karin.

  • 70%

    17Laakiinse xukunka kuwa sharka ah ayaa kaa buuxa, Oo garsoorid iyo caddaalad ayaa ku qabsada.

    18Iska jir yaanay cadho ku sasabin si aad wax u majaajilootid, Oo furashada weynaanteeduna yaanay ku leexin.

  • 28Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, waxaan kugu ridi doonaa gacantii kuwa aad neceb tahay, iyo gacantii kuwii ay nafsaddaadu ka go'day.

  • 8Oo taas daraaddeed ayaa cadhada Rabbigu ugu soo degtay dadka Yahuudah iyo Yeruusaalemba, oo Rabbiguna wuxuu iyagii geliyey rabshad iyo in laga yaabo oo lagu foodhyo, sida aad idinkuba indhihiinna ugu aragtaan.

  • 3Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Shabaggaygaan kugu dul fidin doonaa iyadoo dadyow badan ila jiraan, oo iyaguna shabaggaygay kugu soo bixin doonaan.

  • 7sidaas daraaddeed bal ogow waxaan kugu soo kicin doonaa shisheeyayaal oo ah kuwa cabsida leh ee quruumaha, oo iyaguna waxay seeftooda ula soo bixi doonaan inay quruxda xigmaddaada ku kharribaan, oo dhalaalkaagana way nijaasayn doonaan.

  • 31Sidaas daraaddeed dhirifkaygaan ku soo shubay, oo dabkii cadhadayda ayaan ku baabbi'iyey, oo jidkoodiina madaxoodaan kaga abaalmariyey, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • 26Sidaas daraaddeed darfaha dharkaagaan xaydi doonaa ilaa wejigaaga si ay ceebtaadu u muuqato aawadeed.

  • 5Oo aniga qudhaydu waxaan idinkula diriri doonaa gacan fidsan iyo cudud xoog badan, anoo xanaaqsan oo cadhaysan oo aad u dhirifsan.

  • 13Oo aad ruuxaaga Ilaah ugu soo jeedisaa, Oo erayo caynkaas ah aad afkaaga uga soo daysaa?

  • 6Rabbigu wuxuu leeyahay, Waad iga tagtay, oo dib baad u noqotay, sidaas daraaddeed gacantaydaan kugu soo fidiyey, waanan ku baabbi'iyey, waayo, inaan ciqaabiddaada ka noqdo waan ka daalay.

  • 6Oo wasakh baan korkaaga ku tuuri doonaa, oo ceeb baan ku saari doonaa, oo waxaan kaa dhigi doonaa wax lagu dhaygago.

  • 23Laakiinse waxaan gacanta u gelin doonaa kuwa ku dhiba, oo naftaada ku yidhi, Dhambacaadso aan kugu gudubnee, oo adna kuwii gudbayay ayaad dhabarkaagii uga dhigtay sida dhulka oo kale, iyo sida jidka oo kale.

  • 8Goor dhow baan cadhadayda kugu kor shubi doonaa, oo xanaaqaygaan kugu kor dhammaystiri doonaa, oo siday jidadkaagu ahaayeen ayaan kuu xukumi doonaa, oo waxaan kaa abaalmarin doonaa waxyaalahaagii karaahiyada ahaa oo dhan.

  • 17Ka xaqa daran daamankiisa waan jebin jiray, Oo wixii uu dhufsadana ilkihiisaan ka soo bixin jiray.

  • 20Laakiinse waan idinka fogayn doonaa ciidanka woqooyi, oo isaga waxaan ku eryi doonaa dal abaar iyo cidlo ah, oo qaybtiisa hore waxaan geeyn doonaa badda bari, oo qaybtiisa dambena waxaan geeyn doonaa badda galbeed, oo waxaa kor u soo bixi doona qudhunkiisa, oo uurkiisa xumuna wuu soo kici doonaa, maxaa yeelay, isagu wuxuu sameeyey waxyaalo waaweyn.

  • 9Magacayga aawadiis ayaan idiinka joogsan doonaa ammaantayda daraaddeed.

  • 30Waxyaalahaas waa lagugu samayn doonaa, maxaa yeelay, dhillanimo baad quruumaha la daba gashay, oo sanamyadooda waad ku nijaasowday.