2 Samuu'eel 12:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaa ninkii taajirka ahaa u yimid nin socoto ah, markaasuu ka lexejeclaystay idihiisii iyo lo'diisii inuu uga loogo ninkii socotada ahaa ee u yimid, laakiinse wuxuu soo qabtay nayshii ninka miskiinka ahaa, wuuna u qalay ninkii u yimid.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 18:2-7 : 2 Oo indhihiisii buu kor u taagay oo eegay, oo wuxuu arkay saddex nin oo hortiisa taagan: oo kolkuu arkay, ayuu ka orday iriddii teendhada inuu ka hor tago iyagii, kolkaasuu dhulka ku sujuuday, 3 oo wuxuu yidhi, Sayidkaygiiyow, haddaad raalli iga tahay, ha i dhaafin anigoo addoonkaaga ah. 4 Biyo yar ha laydiin keeno, oo cagamaydha, oo geedka hoostiisa ku nasta: 5 oo waxaan idiin keeni doonaa wuxoogaa cunto ah, ee raaxaysta; waayo, waxaad u timaadeen addoonkiinna; markaas ka dib waad tegi doontaan. Oo waxay ku yidhaahdeen, Yeel sidaad tidhi. 6 Ibraahimna dhaqsuu u galay teendhadii, oo Saarah u tegey, oo wuxuu ku yidhi, Saddex koombo oo bur ah degdeg u diyaari, oo cajiin, oo kibis ka samee. 7 Oo Ibraahim xagga lo'dii buu ku orday, oo wuxuu soo kaxeeyey dibi yar oo dhaylo ah oo wanaagsan, oo wuxuu u dhiibay nin dhallinyaro ah, isaguna dhaqsuu u diyaariyey.
  • 2 Sam 11:3-4 : 3 Markaasaa Daa'uud cid naagtii soo haybsata diray. Oo waxaa la yidhi, War sow tanu ma aha Batshebac ina Eliicaam, oo uu Uuriyaah kii reer Xeed qabo? 4 Markaasaa Daa'uud wargeeyayaal u diray, wuuna soo kaxaystay; markaasay u soo gashay, wuuna la seexday, (waayo, waxay iska daahirisay nijaasteedii); dabadeedna gurigeedii bay ku noqotay.
  • Yac 1:14 : 14 Mid kasta waxaa jirraba damaciisa sharka ah isagoo la jiidanayo oo la sasabayo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 2 Sam 12:1-3
    3 aayado
    86%

    1¶ Dabadeedna Rabbigu wuxuu Daa'uud u soo diray Naataan. Isna waa u yimid oo ku yidhi, Waxaa jiray laba nin oo isku magaalo degganaa; midkood wuxuu ahaa taajir, midka kalena miskiin.

    2Ninkii taajirka ahaa wuxuu lahaa ido iyo lo' aad u badan,

    3laakiinse ninkii miskiinka ahaa waxba ma lahayn, nayl yar mooyaane, taasoo uu mar hore soo iibsaday oo uu korsaday; waxayna la kortay isagii iyo carruurtiisii, oo wax bay ka cuntay cuntadiisii, oo koobkiisay wax kula cabtay, oo laabtiisay ku jiifsatay, waxayna u ahayd sidii gabadhiisii oo kale.

  • 2 Sam 12:5-6
    2 aayado
    79%

    5Markaasaa Daa'uud aad ugu cadhooday ninkii; oo wuxuu Naataan ku yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartay, ninkii waxakan sameeyey wuxuu istaahilaa dhimasho,

    6oo nayshiina waa inuu afar jibbaar u gudaa, maxaa yeelay, waxan buu sameeyey wuuna naxariisan waayay.

  • 4oo haddii qoys uusan wada qaadan karin wan, de markaas waa in isaga iyo deriskiisa oo ah kan qoyskiisa ku xiga ay mid wada qaataan oo ay u qaybsadaan sida tirada dadku tahay; nin walba sida cuntadiisu tahay waa inaad u tirisaan kalaqaybinta wanka.

  • 71%

    19¶ Waxaa jiri jiray nin hodan ah oo dhar gududan oo jilicsan sidan jiray, maalin walbana barwaaqo aad buu ugu farxi jiray.

    20Oo waxaa albaabkiisa la dhigi jiray miskiin Laasaros la odhan jiray, isagoo boogo miidhan leh,

    21oo doonaya in la siiyo jajabkii miiska ninkii hodanka ahaa ka dhacay. Eeyduna way iman jireen oo boogihiisa leefleefi jireen.

    22Waxaa dhacay inuu miskiinkii dhintay, oo malaa'igahu waxay u qaadeen laabtii Ibraahim. Ninkii hodanka ahaana waa dhintay, waana la aasay.

  • 11Haddaba miyaan qaadaa kibistayda, iyo biyahayga, iyo hilibkayga aan u qalay kuwa idaha ii xiiraya, oo miyaan siiyaa niman aanan aqoon meel ay ka yimaadeen?

  • 21Markaasaa addoonkii yimid, oo waxaas ayuu sayidkiisii u sheegay. Kolkaasaa sayidkii gurigu cadhooday, oo wuxuu addoonkiisii ku yidhi, Dhaqso jidadka iyo surimmada magaalada u bax oo soo kaxee masaakiinta iyo kuwa laxaadka la' iyo indhoolayaasha iyo curyaannada.

  • 69%

    32Sidaas oo kalena nin reer Laawi ah goortuu meeshaas yimid oo arkay, ayuu dhinaca kale maray.

    33Laakiin nin reer Samaariya ah intuu socday ayuu meeshiisa yimid, oo markuu arkay ayuu u naxariistay.

    34Wuuna u dhowaaday, oo nabrihiisii ka duudduubay, oo saliid iyo khamri ku shubay, markaasuu saaray neefkiisii, oo hudheel geeyey, waana u dadaalay.

    35Maalintii dambe wuxuu soo bixiyey laba dinaar, oo siiyey ninkii hudheelkii lahaa, oo ku yidhi, U dadaal, oo wixii dambe oo kaaga baxa, soo noqodkayga ayaan kuu celin doonaa.

    36Saddexdaas kee bay kula tahay inuu deris u ahaa kii tuugagga ku dhex dhacay?

  • 1¶ Haddana wuxuu xertii ku yidhi, Waxaa jiri jiray nin hodan ah oo wakiil lahaa, kan loogu ashtakeeyey inuu alaabtiisa khasaarinayay.

  • 30Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Nin baa Yeruusaalem ka soo degayay oo Yerixoo ku socday; wuxuuna ku dhex dhacay tuugag, oo intay dharka ka furteen oo garaaceen ayay ka tageen oo daayeen isagoo bestiis ah.

  • 16Markaasuu masaal kula hadlay oo ku yidhi, Nin hodan ah dhulkiisa ayaa wax badan bixiyey.

  • 3Idinku baruurtaad iska cuntaan, oo dhogortana waad xidhataan, oo jarkaad qalataan, laakiinse adhiga ma aad daajisaan.

  • 26Oo isna wuxuu isagii ku yidhi, War sow qalbigaygu kulama socon markii ninku gaadhifaraskiisii ka soo noqday inuu kaa hor yimaado? War haatan ma wakhti lacag la qaataa oo ma wakhti la qaataa dhar, iyo beero saytuun ah, iyo beero canab ah, iyo ido, iyo dibi, iyo niman addoommo ah, iyo naago addoommo ah?

  • 21Markaasuu gurigiisii geliyey, oo dameerihii cuntuu siiyey; oo iyana intay cago maydheen ayay wax cuneen oo cabbeen.

  • Mat 12:11-12
    2 aayado
    68%

    11Markaasuu wuxuu ku yidhi, Ninkiinnee baa lax leh oo hadday sabtida god ku dhacdo, aan soo qabanaynin oo aan soo bixinaynin?

    12Haddaba nin intee buu ka qiima badan yahay lax! Sidaa darteed waa xalaal in sabtida wanaag la sameeyo.

  • 21Haddaba Daa'uud wuxuu markaa ka hor yidhi, Hubaal waxtarla'aan baan u dhawrayay waxa ninkanu cidlada ku haysto oo dhan, si aan waxba uga maqnaan waxa uu leeyahay oo dhan, oo wanaaggii aan u falay shar buu iigu beddelay.

  • 2¶ Oo waxaa jiray nin reer Maacoon ahaa oo ay xoolihiisu Karmel joogeen, oo ninkaasuna aad buu u weynaa, oo wuxuu lahaa saddex kun oo ido ah iyo kun riyo ah, oo isna idihiisii ayuu Karmel ku xiirayay.

  • 7oo uusan cidna dulmin, laakiinse uu kii wax ka deyntay rahaamaddiisii u celiyey, oo uusan waxba xoog ku boobin, oo uu cuntadiisiina mid gaajaysan siiyey, oo uu kii qaawanna dhar huwiyey,

  • 8Oo taas bal raggaaga dhallinyarada ah weyddii, oo way kuu sheegi doonaan. Taas aawadeed ragga dhallinyarada ah raalli ka ahow, waayo, maalin wanaagsan baannu kuu nimid, haddaba waan ku baryayaaye wax alla wixii gacantaada ku jira soo sii addoommadaada iyo anoo ah inankaaga Daa'uud.

  • 10Nin xaq ahu waa u tudhaa neefkiisa, Laakiinse kuwa sharka leh naxdintoodu waa naxariisla'aan oo keliya.

  • 17Oo markaasay baraarku daaqsintooda ikhtiyaar u daaqi doonaan, oo kuwii barwaaqaysnaana meelahooda baabba'ay waxaa cuni doona shisheeyayaal.

  • 1¶ Haddii nin dibi ama lax xado, oo uu qasho ama iibiyo, waa inuu shan dibi dibigii ku magdhabo, laxdiina afar laxaad.

  • 16Kii miskiinka u dulma inuu maal korodhsado, Iyo kii taajirka wax siiyaaba hubaal way baahnaan doonaan.

  • 6waayo, saaxiibkay ayaa safar iiga yimid, oo waxaan hor dhigo ma hayo.

  • 4¶ Rabbiga Ilaahayga ahu wuxuu yidhi, Daaji idaha la qalayo.

  • 16ama uusan cidnaba dulmin, oo uusan rahaamadda qaadan, oo uusan waxba xoog ku boobin, laakiinse uu cuntadiisa kii gaajaysan siiyey, oo kii qaawanna dhar huwiyey,

  • 23Markaasaa ninkii guriga lahaa dibadda ugu baxay oo ku yidhi, Maya, walaalahayow, waan idin baryayaaye, ha samaynina wax sidaas u shar ah, maxaa yeelay, ninkanu gurigayguu galay ee ha ku samaynina xumaantan.

  • 4Oo isla habeenkaas Rabbiga eraygiisii baa Naataan u yimid oo ku yidhi,

  • 4oo sariiro foolmaroodi ah ku jiifsada, oo gogosha isku kala bixiya, oo cuna baraarka idaha iyo weylaha edegga ku dhex jira,

  • 16Oo haddii ninku ku yidhaahdo, Marka hore baruurta hubaal waa la gubayaa, dabadeedse intii naftaadu jeceshahay qaado; markaas wuxuu ku odhan jiray, Maya, saas ma aha, laakiinse haatan i sii, haddii kalese, xoog baan ku qaadan doonaa.

  • 4Oo Daa'uud oo cidlada joogay ayaa maqlay in Naabaal idihiisii xiirayo.

  • 5¶ Haddii nin beer canab ah ama beer kale xoolo daajiyo, oo uu neefkiisa ku sii daayo si uu nin kale beertiis u daaqo, de markaas waa inuu meesha beertiisa ugu wanaagsan iyo meesha beertiisa canabka ah ugu wanaagsan ugu magdhabaa.

  • 7Kii daallanaana ma aadan siin biyo uu cabbo, Oo kii gaajaysnaana cunto baad ka hagratay.

  • 10¶ Haddii nin deriskiisa ammaano ugu dhiibto dameer ama dibi, ama lax amase neef uun, markaas hadduu dhinto, ama wax gaadhaan, ama la kaxaysto iyadoo aan la arkayn,

  • 12¶ Wuxuuna ku yidhi kii u yeedhay, Goortaad qado ama casho samayso, ha u yeedhin saaxiibbadaada ama walaalahaa ama xigaalkaa ama derisyadaada hodanka ah, waaba intaasoo iyaguna ay markooda kuu yeedhaan, oo ay abaalgud kugu noqotaa.

  • 39Oo markii boqorkii soo ag maray ayuu boqorkii u qayliyey, oo wuxuu ku yidhi, Anigoo addoonkaaga ahu waxaan dhex galay dagaalkii, oo bal eeg nin baa igu soo leexday, nin buuna ii keenay, oo wuxuu igu yidhi, Ninkan dhawr; oo si kastaba ha noqotee haddii hadhow la waayo, naftaadaa loo qisaasayaa, ama haddii kaleto waxaad bixin doontaa talanti lacag ah.