1 Samuu'eel 2:16

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo haddii ninku ku yidhaahdo, Marka hore baruurta hubaal waa la gubayaa, dabadeedse intii naftaadu jeceshahay qaado; markaas wuxuu ku odhan jiray, Maya, saas ma aha, laakiinse haatan i sii, haddii kalese, xoog baan ku qaadan doonaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Laaw 3:16 : 16 Oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga, waayo, waxaasu waa cuntadii qurbaankii dabka loogu sameeyo caraf udgoon. Xaydha oo dhan Rabbigaa iska leh.
  • Laaw 7:23-25 : 23 Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Idinku waa inaydaan cunin baruur lo'aad ama mid idaad amase mid riyood. 24 Oo neefkii iska dhinta baruurtiisa iyo neefkii dugaaggu bakhtiisto baruurtiisa toona waa inaydaan sinaba u cunin, laakiinse siyaalo kale waa loogu isticmaali karaa. 25 Waayo, qofkii cuna baruurtii neefka dadku u bixiyo qurbaan dab loogu sameeyo Rabbiga, qofka kaas cuna waa in dadkiisa laga gooyaa.
  • 1 But 5:2-3 : 2 Ilaaliya idaha Ilaah oo idin dhex jooga, idinkoo aan qasab ahaan u dhawrayn, laakiinse raalli ka ah sida Ilaah doonayo. 3 Oo weliba ha u dhawrina faa'iido ceeb ah daraaddeed, laakiinse ku dhawra maan diyaar ah, hana u xukumina sida idinkoo sayidyo u ah kuwaad u talisaan, laakiinse idaha masaallo u noqda.
  • Xaak 18:25 : 25 Markaasay reer Daan ku yidhaahdeen, War hoy, codkaaga yaan dhexdayada laga maqlin, waaba intaasoo ay ragga cadhaysanu ku dilaan, oo aad weydaa naftaada iyo nafta reerkaagaba.
  • Nex 5:15 : 15 Laakiinse taliyayaashii hore oo iga sii horreeyey dadka culays bay ku hayeen, oo waxay ka qaadan jireen cunto iyo khamri iyo weliba afartan sheqel oo lacag ah, oo xataa midiidinnadoodu dadka way xukumi jireen. Laakiinse anigu saas ma aan yeelin, maxaa yeelay, waxaan ka cabsadaa Ilaah.
  • Miik 2:1-2 : 1 ¶ Waxaa hoogay kuwa xumaanta ka fikira oo waxyaalaha sharka ah sariirahooda ku hindisa. Markii waagu beryo ayay sameeyaan, maxaa yeelay, taas gacantooda baa xoog u leh. 2 Oo waxay damcaan beero, kolkaasay xoog ku qabsadaan, oo waxay damcaan guryo oo way iska qaataan, oo waxay dulmaan nin iyo reerkiis, iyo xataa nin iyo dhaxalkiis.
  • Miik 3:5 : 5 Rabbigu sidaasuu kaga leeyahay nebiyada dadkayga qalda, oo qaniina oo haddana ku qayliya, Nabad, oo ku dhawaaqa in lala diriro ku alla kii aan afkooda wax ku ridin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 85%

    13Haddaba caadadii wadaaddadu dadka la lahaayeen waxay ahayd, in markii nin uun allabari bixiyo uu midiidinka wadaadku iman jiray, inta hilibka la karinayo, isagoo gacanta ku sita hilibqabato saddex farood leh,

    14oo wuxuu ku dhex mudi jiray daawihii, ama kidhligii, ama digsigii, ama dherigii, oo kulli wixii qabatadu ay soo qaaddoba wadaadku wuu qaadan jiray. Oo saasay reer binu Israa'iilkii Shiiloh yimid oo dhan ku sameeyeen.

    15Oo weliba intaan baruurta la gubin ayaa midiidinkii wadaadku iman jiray, oo wuxuu ku odhan jiray ninkii alla baryayay, Hilib wadaadka loo dubo keen, waayo, isagu kaa dooni maayo hilib karsan, mid ceedhin ah mooyaane.

  • 19Oo dibiga xaydhiisa oo dhanna waa inuu ka bixiyaa, oo meesha allabariga ku dul gubaa.

  • Laaw 3:14-16
    3 aayado
    73%

    14Oo isagu ha bixiyo qurbaankiisii, kaasoo ah qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo oo ah xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan,

    15iyo labada kelyood, iyo xaydha ku dul taal oo xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, dhammaantood kelyaha ha la qaado.

    16Oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga, waayo, waxaasu waa cuntadii qurbaankii dabka loogu sameeyo caraf udgoon. Xaydha oo dhan Rabbigaa iska leh.

  • 13Oo waxaad qaaddaa xaydha gudaha ku jirta oo dhan, iyo xuubka beerka ku dul yaal, iyo labada kelyood, iyo xaydha dushooda ku taal, oo meesha allabariga ku dul gub.

  • Laaw 7:24-25
    2 aayado
    72%

    24Oo neefkii iska dhinta baruurtiisa iyo neefkii dugaaggu bakhtiisto baruurtiisa toona waa inaydaan sinaba u cunin, laakiinse siyaalo kale waa loogu isticmaali karaa.

    25Waayo, qofkii cuna baruurtii neefka dadku u bixiyo qurbaan dab loogu sameeyo Rabbiga, qofka kaas cuna waa in dadkiisa laga gooyaa.

  • 21¶ Rabbiga ciidammada oo Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu leeyahay, Qurbaannadiinna la gubo allabaryadiinna ku darsada, oo hilibkana iska cuna.

  • 17Oo raggii dhallinyarada ahaa dembigoodii aad buu ugu weynaa Rabbiga hortiisa; waayo, raggii waxay quudhsan jireen qurbaankii Rabbiga.

  • Laaw 4:9-10
    2 aayado
    72%

    9iyo labada kelyood, iyo xaydha ku dul taal, oo xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, dhammaantood kelyaha ha la qaado,

    10sida dibiga allabariga qurbaannada nabaadiinada ah looga qaado oo kale, oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga ee qurbaanka la gubo.

  • 23Haddaba bal laba dibi ha naloo keeno, oo iyagu dibi ha doorteen, oo ha jarjareen, oo qoryaha ha dul saareen, oo innaba dab yay hoosta ka gelin; oo anna dibiga kalaan qalayaa, oo qoryahaan dul saarayaa, oo innaba dab hoosta ka gelin maayo.

  • 18Oo hilibkoodana waa inuu kaaga ahaadaa, oo sidii sakaarkii la ruxruxo iyo bowdadii midig adigaa iska leh.

  • 12Oo haddana isagu xubin xubin ha u kala googooyo, iyo madaxiisa iyo baruurtiisa, oo markaas wadaadku waa inuu ku dul hagaajiyo qoryaha dabka meesha allabariga saaran,

  • Laaw 3:9-11
    3 aayado
    71%

    9Oo allabariga qurbaannada nabaadiinada ah waa inuu Rabbiga qurbaan dab loogu sameeyo uga bixiyaa xaydhiisa iyo badhidiisa oo dhan, taasoo uu ka gooyo meesha ay lafta dhabarka ka haysato, iyo xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan,

    10iyo labada kelyood, iyo xaydha dushooda ku taal, oo xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, dhammaantood kelyaha ha la qaado.

    11Oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga, waayo, waxaasu waa cuntadii qurbaanka Rabbiga dabka loogu sameeyo.

  • 3Oo dadka allabariga bixiya waxaa ku waajib ah inay wadaadka siiyaan, hadday dibi bixiyaan iyo hadday wan bixiyaanba, garabka iyo labada daan iyo caloosha.

  • 29War maxaad u quudhsataan allabarigayga iyo qurbaankayga aan ku dhex amray rugtayda; oo maxaad wiilashaada iiga murwad badisaa, ee aad naftiinna ugu cayilisaan dadkayga reer binu Israa'iil qurbaannadooda oo dhan inta ugu wanaagsan?

  • 6Waa inaad cad cad u kala jejebisid oo aad saliid ku shubtid, waayo, waa qurbaan hadhuudh ah.

  • 16Oo wuxuu qaaday kulli xaydhii uurka ku jirtay oo dhan, iyo xuubkii beerka ku dul yiil, iyo labada kelyood iyo xaydhooda, oo Muuse intaasuu ku dul gubay meesha allabariga.

  • 8Oo wadaadkii qof qurbaan la gubo u bixiyaa ha iska qaato haragga qurbaanka la gubo oo uu bixiyey.

  • Laaw 3:3-4
    2 aayado
    71%

    3Oo allabariga qurbaannada nabaadiinada ah waa inuu Rabbiga qurbaan dab loogu sameeyo uga bixiyaa xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan,

    4iyo labada kelyood iyo xaydha dushooda ku taal, oo xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, dhammaantood kelyaha ha la qaado.

  • 20Xagga gacanta midig ayaa wax laga dhufsan doonaa, waana la sii gaajoon doonaa, xagga gacanta bidixna wax baa lagu cuni doonaa, lamana dhergi doono, oo midkood kastaaba wuxuu cuni doonaa hilibka gacantiisa.

  • 25Markaasuu soo qaaday baruurtii, iyo badhidii, iyo xaydhii uurka ku jirtay oo dhan, iyo xuubkii beerka ku yiil, iyo labadii kelyood, iyo xaydhoodii, iyo bowdadii midig.

  • 6Oo neefka qurbaanka la gubayo waa inuu haragga ka bixiyaa, oo haddana waa inuu xubin xubin u googooyaa.

  • 31Dadka teendhadayda jooga haddayan isku odhan, Yaa heli kara mid aan hilibkiisa ka dhergin?

  • 5Waxaad soo wadataan adhiga jarkiisa, oo waxaad hoostiisa ku gurtaan lafaha, oo si wanaagsan u kariya, oo lafihiisana ku dhex kariya.

  • 23Markaasaa Samuu'eel wuxuu cuntokariyihii ku yidhi, Qaybtii aan kuu dhiibay ee aan kugu idhi, Adigu ii hay, bal la kaalay.

  • 9Markaasaan idhi, Anigu idin daajin maayo. Kii dhimanayaa ha dhinto, kii halligmayaana ha halligmo, oo intii hadhana mid waluba kan kale hilibkiisa ha cuno.

  • 36Oo waxaa dhici doona in kuwa reerkaaga ka hadha oo dhammu ay u iman doonaan oo ku hor dhici doonaan isaga, iyagoo ka tuugaya gogo' lacag ah iyo xabbad kibis ah, oo waxay ku odhan doonaan, Waan ku baryayaaye, hawsha wadaaddada middood i sii si aan u cuno xabbad kibis ah.

  • 22Oo waxaad kaloo qaaddaa wanka baruurtiisa, iyo badhidiisa, iyo xaydhiisa gudaha ku duuban, iyo xuubka beerka ku dul yaal, iyo labadiisa kelyood iyo xaydhooda, iyo bowdada midigta ah; waayo, waa wanka quduuskadhigidda.

  • 15Oo iyagu bowdada sare loo qaado iyo sakaarka la ruxruxo waa inay la keenaan qurbaannada xaydha oo dabka lagu sameeyo, in iyaga Rabbiga hortiisa lagu ruxruxo sidii qurbaanka la ruxruxo, oo markaasay ahaan doonaan inta weligiin laydiin amray adiga iyo wiilashaadaba, sidii Rabbigu amray.

  • 8Oo qurbaanka hadhuudhka ah oo waxyaalahaas laga sameeyey waa inaad Rabbiga u keentaa, oo waa in wadaadka loo dhiibaa, oo isna meesha allabariga ha keeno.

  • Laaw 9:19-20
    2 aayado
    70%

    19Markaasay keeneen baruurtii dibiga iyo tii wanka, iyo badhidii, iyo xaydhii gudaha ku duubnayd, iyo kelyihii, iyo xuubkii beerka.

    20Markaasay baruurtii saareen sakaarradii, oo isna baruurtii buu ku dul gubay meeshii allabariga.

  • 2Oo mindi cunaha iska saar Haddaad tahay nin hunguri weyn.

  • 3haddaad doonaysaan inaad Rabbiga qurbaan dab ugu bixisaan, kaasoo ah qurbaan la gubo, amase allabari aad nidar ku samaynaysaan, amase qurbaan aad ikhtiyaar ku bixisaan, amase iidihiinna joogtada ah inaad caraf udgoon Rabbiga uga bixisaan lo'da ama idaha,

  • 16Oo in buu dabka ku gubaa, oo inna hilib buu ku bislaystaa, isagoo ku sosha oo ka dherga, wuuna kulaalaa oo wuxuu yidhaahdaa, Hadda waan kululahay, oo dabkii waan arkay.

  • Laaw 7:3-4
    2 aayado
    69%

    3Oo isagu waa inuu bixiyaa baruurta taasoo ah badhida, iyo xaydha gudaha ku duuban,

    4iyo labada kelyood iyo xaydha ku dul taal oo xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, waa inuu kelyaha la qaadaa.

  • 14Oo waxa quduuska ah haddii nin kama' ku cuno, intii uu cunay oo shan meelood loo dhigay meesheed ha ku sii daro, oo waxa quduuska ah wadaadka ha u dhiibo.

  • 17Oo haddana wuxuu keenay qurbaankii hadhuudhka, markaasuu cantoobo muggeed ka qaaday oo ku dul gubay meesha allabariga, kaasoo ka gooni ah qurbaankii la gubayay oo subaxnimada.

  • 16Laakiinse haddii allabariga qurbaankiisu uu yahay nidar amase qurbaan uu ikhtiyaar u bixiyo, waa in la cunaa maalinta uu bixiyo allabarigiisa, oo wixii ka hadhana maalinta ku xigta ha la cuno.

  • 14Wax baad cuni doontaan mase dhergi doontaan. Gaajadiinnu dhexdiinnay ku jiri doontaa. Wax baad kaydin doontaan, laakiinse sinaba uma aad nabad gelin doontaan, oo wixii aad nabadgelisaanna seef baan u gacangelinayaa.

  • 25Oo markaas waa inaad gacmahooda ka qaaddid, oo waxaad ku dul gubtaa qurbaanka la gubo oo meesha allabariga kor yaal, inay caraf udgoon ku ahaadaan Rabbiga hortiisa. Waa qurbaan dab loogu sameeyey Rabbiga.