2 Samuu'eel 2:18
Oo saddexdii wiil ee ay Seruuyaah dhashay halkaas ayay wada joogeen, kuwaasoo ahaa Yoo'aab iyo Abiishay iyo Casaaheel. Casaaheelna wuxuu u cago fududaa sida cawsha duurka.
Oo saddexdii wiil ee ay Seruuyaah dhashay halkaas ayay wada joogeen, kuwaasoo ahaa Yoo'aab iyo Abiishay iyo Casaaheel. Casaaheelna wuxuu u cago fududaa sida cawsha duurka.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
19Markaasaa Casaaheel wuxuu eryaday Abneer, oo intuu Abneer eryanayayna uma uu leexan midig iyo bidix toona.
20Markaasaa Abneer gadaashiisa dhugtay, oo wuxuu yidhi, War ma adigii baa, Casaaheelow? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Haah, waa anigii.
21Markaasaa Abneer wuxuu ku yidhi, War midigta ama bidixda u leexo, oo ragga dhallinyarada ah midkood qabso, oo ka soo qaado hubkiisa dagaalka. Laakiinse Casaaheel wuu diiday inuu isaga ka leexdo.
22Markaasaa Abneer haddana Casaaheel ku yidhi, War ha i eryane, gees iiga leexo; maxaan dhulka kuugu dhufanayaa? Haddaba sidee baan wejiga u siin karayaa walaalkaa Yoo'aab?
23Habase yeeshee wuu diiday inuu gees uga leexdo; sidaas daraaddeed Abneer waranka dabadiisii ayuu caloosha kaga dhuftay, warankiina dib buu uga mudhbaxay; markaasuu halkaas ku dhacay, oo isla meeshaasuu ku dhintay; oo in alla intii soo gaadhay meeshii Casaaheel ku dhacay oo ku dhintay way wada istaageen.
24Laakiinse Yoo'aab iyo Abiishay waxay eryadeen Abneer; oo qorraxdiina way dhacday markii ay yimaadeen buurtii Ammaah oo ku hor taal Giyax ee ku ag taal waddada cidlada Gibecoon.
29Oo Abneer iyo raggiisiina habeenkii oo dhan ayay sii dhex guuraynayeen Caraabaah; wayna ka gudbeen Webi Urdun, oo Bitroon oo dhanna way dhex mareen, oo waxay yimaadeen Maxanayim.
30Oo Yoo'aabna wuu ka noqday eryadkii uu Abneer eryanayay; oo markuu dadkii oo dhan soo urursaday, waxaa addoommadii Daa'uud ka dhinnaaday sagaal iyo toban nin iyo Casaaheel.
31Laakiinse addoommadii Daa'uud wax bay reer Benyaamiin iyo raggii Abneer ka laayeen, oo waxaa ka dhintay saddex boqol iyo lixdan nin.
32Markaasay Casaaheel qaadeen oo ku aaseen qabrigii aabbihiis, oo ku yiil Beytlaxam. Oo Yoo'aab iyo raggiisiina habeenkii oo dhan ayay guureeyeen oo waxaa waagu ugu beryay Xebroon.
16oo walaalahoodii gabdhaha ahaana waxay ahaayeen Seruuyaah iyo Abiigayil, oo Seruuyaah wiilasheediina waxay ahaayeen saddex, Abishay iyo Yoo'aab iyo Casaaheel.
29Yoo'aab madaxiisa ha saarnaado, iyo reerka aabbihiis, oo reer Yoo'aabna yaan laga waayin mid cudur dheecaan leh qaba, iyo mid baras qaba, iyo mid ul ku tukubaya, iyo mid seef lagu dilo, ama mid cunto la'.
30Sidaasay Yoo'aab iyo walaalkiis Abiishay u dileen Abneer, maxaa yeelay, wuxuu walaalkood Casaaheel ku dilay dagaalkii Gibecoon.
24¶ Oo soddonka waxaa ka mid ahaa Casaaheel oo Yoo'aab walaalkiis ahaa, iyo Elxaanaan oo ahaa ina Doodoo oo reer Beytlaxam ahaa,
26¶ Oo weliba raggii ciidammada ku jiray oo xoogga badnaa waxay ahaayeen Casaaheel oo Yoo'aab walaalkiis ahaa, iyo Elxaanaan oo ahaa ina Doodoo oo reer Beytlaxam ahaa,
27iyo Shammood oo ahaa reer Xarod, iyo Xeles oo ahaa reer Feloonii,
17Oo dagaalkiina aad buu u kululaaday maalintaas; oo waxaa laga adkaaday Abneer, iyo raggii reer binu Israa'iil, waxaana ka reeyey addoommadii Daa'uud.
7Oo sirkaalkii afraad ee bishii afraad bixi jirayna wuxuu ahaa Casaaheel oo ahaa Yoo'aab walaalkiis, wiilkiisii Sebadyaahna wuu ku xigay, oo isaga kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin.
26Yoo'aabna markuu Daa'uud ka soo baxay ayuu rag ka daba diray Abneer, oo waxay ka soo celiyeen ceelkii Siraah, laakiinse taas Daa'uud ma ogayn.
27Oo markuu Abneer ku soo noqday Xebroon ayaa Yoo'aab gees ula baxay oo iridda la dhex galay si uu ula faqo, markaasuu caloosha ka dooxay si uu u dhinto, maxaa yeelay, dhiiggii walaalkiis Casaaheel ayuu daadshay.
18Oo saddexdoodana waxaa madax u ahaa Abiishay oo ahaa Yoo'aab walaalkiis, oo ay Seruuyaah dhashay. Oo kaasu wuxuu waran u qaatay saddex boqol oo nin, wuuna wada laayay, saddexdiina magac buu ku lahaa.
20Oo saddexdoodana waxaa madax u ahaa Abiishay oo ahaa Yoo'aab walaalkiis, waayo, isagu wuxuu warankiisa u qaaday saddex boqol oo nin, wuuna laayay, saddexdiina magac buu ku lahaa.
35iyo Yoo'eel, iyo Yeehuu oo ahaa ina Yooshibyaah ina Seraayaah, ina Casii'eel,
14Yoo'aabna wuxuu yidhi, Anigu saas kugula sii joogi maayo. Markaasuu qaatay saddex gantaal, oo Absaaloom wadnaha juq ka siiyey, isagoo weli nool oo geedkii ku dhex jira.
15Kolkaasaa waxaa Absaaloom hareereeyey toban nin oo dhallinyaro ahaa oo Yoo'aab hub u siday, oo intay dileen ayay gowraceen.
3Oo waxaa madax ahaa Axiiceser, dabadeedna Yoo'aash, oo ahaa ina Shemaacaah oo ahaa reer Gibecaad, iyo Yesii'eel iyo Feled oo ahaa wiilashii Casmaawed, iyo Beraakaah, iyo Yeehuu oo ahaa reer Canaatood,
14Oo Daa'uudna wuxuu ahaa kii ugu yaraa; saddexdii ugu waaweynaydna waxay raaceen Saa'uul.
22Markaasaa Axiimacas oo ahaa ina Saadooq ayaa mar kale Yoo'aab ku yidhi, Wax kastaba ha dhaceene, waan ku baryayaaye, i daa aan kii reer Kuush ka daba ordee. Oo Yoo'aabna wuxuu ku yidhi, Wiilkaygiiyow, adigoon waxba ku helayn warkan, bal maxaad u ordaysaa?
23Wuxuuse yidhi, Wax kastaa ha dhacee, waan ordayaa. Kolkaasuu ku yidhi, Orod. Markaasaa Axiimacas wuxuu qaaday waddadii Bannaanka, oo kii reer Kuushna wuu ka dheereeyey.
5Oo weliba waad og tahay wixii uu Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay igu sameeyey, ee uu ku sameeyey labadii sirkaal oo ciidanka dalka Israa'iil, kuwaasoo ahaa Abneer ina Neer, iyo Camaasaa ina Yeter, ee uu labadaba dilay, iyo inuu wakhtiga nabadda dhiiggii dagaalka daadiyey, oo uu dhiiggii dagaalkana mariyey dhex-xidhkiisa dhexda ugu xidhnaa, iyo kabahiisa cagaha ugu jiray.
11Markaasaa waxaa ag istaagay mid ka mid ah Yoo'aab raggiisii dhallinyarada ahaa, oo wuxuu yidhi, Kii Yoo'aab jecel iyo kii Daa'uud la dhinac ahu Yoo'aab ha raaceen.
15Cagahoodu waxay u dheereeyaan inay dhiig daadiyaan;
19¶ Markaasaa Axiimacas oo ahaa ina Saadooq yidhi, Haddaba i daaya aan ordee, oo aan boqorkii u soo warramee, sida Rabbigu uga aarguday cadaawayaashiisii.
14Sidaas daraaddeed Yoo'aab iyo dadkii la jirayba waxay ugu soo dhowaadeen inay la dagaallamaan reer Suuriya, oo iyana markaasay hortiisa ka carareen.
15Oo reer Cammoonna markay arkeen in reer Suuriya carareen ayay iyana walaalkiis Abiishay hortiisa saasoo kale uga carareen, oo waxay galeen magaaladii. Markaasaa Yoo'aab Yeruusaalem yimid.
6Markaasaa Daa'uud Abiishay ku yidhi, Hadda Shebac oo ah ina Bikrii wuxuu inagu samayn doonaa waxyeello ka sii daran tii Absaaloom, haddaba addoommada sayidkaaga kexee, oo eryo, waaba intaasoo ay magaalo deyr leh helaan, oo ay inaga baxsadaane.
7Markaasaa waxaa isagii raacay Yoo'aab raggiisii, iyo reer Kereetiim iyo reer Feleetii, iyo raggii xoogga lahaa oo dhan, oo Yeruusaalem bay uga baxeen inay eryadaan Shebac ina Bikrii.
13Sidaas daraaddeed Yoo'aab iyo dadkii la jirayba waxay ugu soo dhowaadeen inay la dagaallamaan reer Suuriya, oo iyana markaasay hortiisa ka carareen.
7¶ Sulaymaanna wuxuu dhalay Rexabcaam, Rexabcaamna wuxuu dhalay Abyaah, Abyaahna wuxuu dhalay Aasaa,
34Oo Axiitofelna waxaa ku xigay Yehooyaadaac ina Benaayaah, iyo Aabyaataar, oo boqorka ciidankiisana waxaa sirkaal u ahaa Yoo'aab.
10¶ Oo Sulaymaan wiilkiisiina wuxuu ahaa Rexabcaam, Rexabcaam wiilkiisiina wuxuu ahaa Abiiyaah, Abiiyaah wiilkiisiina wuxuu ahaa Aasaa, wiilkiisiina wuxuu ahaa Yehooshaafaad,
3Daa'uudna wuxuu kaloo dilay boqorkii Soobaah, oo ahaa Hadadceser ina Rexob, intuu ku socday inuu dowladnimadiisii ku soo ceshado Webiga agtiisa.
14Markaasaa Abneer wuxuu Yoo'aab ku yidhi, Waan ku baryayaaye, ragga dhallinyarada ahu ha kaceen oo horteenna ha ku cayaareen. Yoo'aabna wuxuu yidhi, Waa yahay ee ha kaceen.
24¶ Oo Daa'uudna wuxuu yimid Maxanayim. Absaaloomna wuxuu ka soo gudbay Webi Urdun, isagoo wata raggii reer binu Israa'iil oo dhan.
1¶ Markaasaa Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay ayaa ogaaday in boqorka qalbigiisii Absaaloom la jiro.
39Ceesheq oo ahaa walaalkiis wiilashiisiina waa kuwan, Uulaam oo curadkiisii ahaa, iyo Yecuush oo ahaa kii labaad, iyo Eliifeled oo ahaa kii saddexaad.
25¶ Haddaba reer binu Israa'iil oo dhan laguma arag nin Absaaloom la mid ah oo quruxdiisa aad loogu ammaano, waayo, cagtiisa cad ilaa dhaladiisa innaba iin laguma arag.
17Laakiinse Daa'uud waxaa caawiyey Abiishay oo ay Seruuyaah dhashay, oo intuu kii reer Falastiin wax ku dhuftay ayuu dilay. Markaasaa Daa'uud raggiisii dhaar u mareen, oo ku yidhaahdeen, Adigu mar dambe dagaal noola bixi maysid, yaadan laambadda reer binu Israa'iil bakhtiine.
12¶ Markaasaa Abneer oo ahaa ina Neer, iyo addoommadii Iishboshed ina Saa'uul, Maxanayim ka soo baxeen, oo waxay tageen Gibecoon.
8Oo Aasaana wuxuu lahaa ciidan gaashaammo iyo warmo sita, oo waxaa reer Yahuudah ka soo baxay saddex boqol oo kun, reer Benyaamiinna waxaa ka soo baxay kuwo gaashaammo sita oo qaansooyin xoota oo ah laba boqol iyo siddeetan kun, oo kulligoodna waxay wada ahaayeen rag xoog badan.