2 Samuu'eel 20:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa Yoo'aab Camaasaa ku yidhi, Walaalkayow, ma nabdoon tahay? Yoo'aabna gacanta midig ayuu Camaasaa gadhka ku qabtay inuu dhunkado.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 55:21 : 21 Afkiisu wuxuu u nuglaa sidii subag oo kale, Laakiinse qalbigiisu wuxuu ahaa dagaal, Erayadiisu saliid way ka jilicsanaayeen, Laakiinse waxay ahaayeen seefo galkii laga siibay.
  • Maah 26:24-26 : 24 Kii wax necebu bushimihiisuu isku yeelyeelaa, Laakiinse uurkiisuu khiyaano ku kaydsadaa. 25 Markuu si wacan u hadlo ha rumaysan, Waayo, waxaa qalbigiisa ku jira toddoba karaahiyo. 26 In kastoo nacaybkiisu khiyaano isku daboolo, Xumaantiisa ayaa shirka lagu hor muujin doonaa.
  • Miik 7:2 : 2 Dadkii cibaadada lahaa wuu ka wada baabba'ay dhulka, oo dadka dhexdiisa laguma arko mid qumman. Kulligood waxay u wada gabbadaan inay dhiig galaan daraaddeed, oo nin kastaaba walaalkiis ayuu shabag ku ugaadhsadaa.
  • Mat 26:48-49 : 48 Kii gacangeliyey ayaa calaamo kula ballamay oo ku yidhi, Mid alla midkaan dhunkado waa isagii ee qabta. 49 Kolkiiba Ciise buu u yimid oo ku yidhi, Nabad, Macallimow; wuuna dhunkaday.
  • Luuk 22:47-48 : 47 ¶ Intuu weli hadlayay, bal eeg, waxaa yimid dad badan, oo kii Yuudas la odhan jiray oo laba-iyo-tobanka ka mid ahaa ayaa hortooda socday. Wuxuuna u soo dhowaaday Ciise inuu dhunkado. 48 Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Yuudasow, ma waxaad Wiilka Aadanaha ku gacangelinaysaa dhunkasho?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 82%

    10Laakiinse Camaasaa iskama uu jirin seefta Yoo'aab gacanta ugu jirtay, sidaasuu caloosha seeftii ugaga dhuftay, oo xiidmihiisiina dhulkuu ugu soo daadiyey, oo mar kalena kuma uu dhufan; wuuna dhintay. Dabadeedna Yoo'aab iyo walaalkiis Abiishay waxay eryadeen Shebac oo ahaa ina Bikrii.

    11Markaasaa waxaa ag istaagay mid ka mid ah Yoo'aab raggiisii dhallinyarada ahaa, oo wuxuu yidhi, Kii Yoo'aab jecel iyo kii Daa'uud la dhinac ahu Yoo'aab ha raaceen.

    12Oo Camaasaa wuxuu yiil jidka dhexdiisa isagoo dhiiggiisii dhex jiifa. Oo ninkiina markuu arkay in dadkii oo dhammu weli taagan yihiin ayuu Camaasaa jidkii ka qaaday oo meel ku jiiday, markaasuu marona kor saaray kolkuu arkay in dadkii yimid oo dhammu ay is-ag taageen.

    13Oo markii jidka laga durkiyey ayaa dadkii oo dhammu tageen oo Yoo'aab raaceen inay eryadaan Shebac oo ahaa ina Bikrii.

  • 8Oo markay gaadheen dhagaxii weynaa oo Gibecoon ku yiil ayaa waxaa ka hor yimid Camaasaa. Oo Yoo'aabna wuxuu guntanaa dharkiisii dagaalka ee uu xidhay, oo wuxuu kaloo ka kor dhex-xidhay seef gal lihi ku xidhnayd, oo markuu horay u soo baxay ayay ka dhacday.

  • 80%

    12War idinku walaalahay baad tihiin, oo waxaad kaloo tihiin laftayda iyo luddayda; haddaba maxaad idinku dadka uga hadheen si aad boqorka gurigiisii ugu soo celisaan?

    13Oo Camaasaana waxaad ku tidhaahdaan, War miyaadan ahayn laftayda iyo luddayda? Ilaah saas iyo si ka sii daran ha igu sameeyo, haddaan ciidanka sirkaal kaaga dhigi waayo, oo aadan had iyo goorba hortayda joogin meeshii Yoo'aab!

  • 74%

    32Absaaloomna wuxuu Yoo'aab ugu jawaabay, Bal eeg waan kuu soo cid dirtay inaad ii timaadid, waayo, waxaan doonayay inaan boqorka kuu dirto oo aan ku idhaahdo, Bal maxaan Geshuur uga imid? Waayo, waxaa ii roonayd inaan halkaas sii joogo, haddaba sidaas daraaddeed i daa aan boqorka wejigiisa soo arkee; oo haddaan dembi leeyahayna, isagu ha i dilo.

    33Sidaas daraaddeed Yoo'aab baa boqorkii u yimid, wuuna u sheegay, oo markuu Absaaloom u yeedhay ayuu isna boqorkii u yimid, oo intuu u sujuuday ayuu wejigiisa dhulka saaray boqorka hortiisa; oo boqorkiina Absaaloom buu dhunkaday.

  • 5Oo waxay ahaatay in ninkii inuu sujuudo ugu soo dhowaadaba, uu Absaaloom intuu gacanta soo fidiyo oo qabto dhunkan jiray.

  • 1 Boq 2:5-6
    2 aayado
    73%

    5Oo weliba waad og tahay wixii uu Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay igu sameeyey, ee uu ku sameeyey labadii sirkaal oo ciidanka dalka Israa'iil, kuwaasoo ahaa Abneer ina Neer, iyo Camaasaa ina Yeter, ee uu labadaba dilay, iyo inuu wakhtiga nabadda dhiiggii dagaalka daadiyey, oo uu dhiiggii dagaalkana mariyey dhex-xidhkiisa dhexda ugu xidhnaa, iyo kabahiisa cagaha ugu jiray.

    6Haddaba wixii kula wanaagsan samee, oo cirrada madaxiisu yaanay nabad ku gelin xabaasha.

  • 2 Sam 20:4-5
    2 aayado
    72%

    4¶ Markaasaa boqorkii wuxuu Camaasaa ku yidhi, Ragga reer Yahuudah muddo saddex maalmood ah isugu kay yeedh, oo adiguna markaas halkan joog.

    5Markaasaa Camaasaa u tegey inuu reer Yahuudah isugu yeedho, laakiinse wuu ka daba maray wakhtigii loo qabtay ee lala ballamay.

  • 72%

    24¶ Oo Daa'uudna wuxuu yimid Maxanayim. Absaaloomna wuxuu ka soo gudbay Webi Urdun, isagoo wata raggii reer binu Israa'iil oo dhan.

    25Oo Absaaloomna wuxuu ciidankii madax uga dhigay Camaasaa, oo Yoo'aab wuu ka beddelay. Haddaba Camaasaa waxaa dhalay nin reer binu Israa'iil ah oo magiciisa la odhan jiray Yitraa, oo wuxuu qabay Abiigayil oo ay Naaxaash dhashay, oo waxay la dhalatay Seruuyaah oo ahayd Yoo'aab hooyadiis.

  • 71%

    31Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Siduu kugu yidhi yeel, oo dil isaga, oo soo xabaal, inaad aniga iyo reerka aabbahayba naga dul qaaddid dhiiggii Yoo'aab sababla'aanta ku daadiyey.

    32Oo Rabbiguna dhiiggiisa wuxuu ku celin doonaa madaxiisa, maxaa yeelay, wuxuu dilay laba nin oo isaga ka xaq badan oo ka wanaagsan, seef buuna ku dilay, aabbahay Daa'uudna taas waxba kama ogayn, oo kuwaasuna waxay ahaayeen Abneer ina Neer oo sirkaal u ahaa ciidanka dalka Israa'iil, iyo Camaasaa ina Yeter oo sirkaal u ahaa ciidanka dalka Yahuudah.

  • 30Sidaasay Yoo'aab iyo walaalkiis Abiishay u dileen Abneer, maxaa yeelay, wuxuu walaalkood Casaaheel ku dilay dagaalkii Gibecoon.

  • 70%

    14Yoo'aabna wuxuu yidhi, Anigu saas kugula sii joogi maayo. Markaasuu qaatay saddex gantaal, oo Absaaloom wadnaha juq ka siiyey, isagoo weli nool oo geedkii ku dhex jira.

    15Kolkaasaa waxaa Absaaloom hareereeyey toban nin oo dhallinyaro ahaa oo Yoo'aab hub u siday, oo intay dileen ayay gowraceen.

  • 11Yoo'aabna wuxuu ninkii u soo warramay ku yidhi, Oo haddaad aragtay maxaad isaga halkaas ugu dili weyday? Oo anna waxaan ku siin lahaa toban gogo' oo lacag ah iyo dhex-xidh.

  • 70%

    26Yoo'aabna markuu Daa'uud ka soo baxay ayuu rag ka daba diray Abneer, oo waxay ka soo celiyeen ceelkii Siraah, laakiinse taas Daa'uud ma ogayn.

    27Oo markuu Abneer ku soo noqday Xebroon ayaa Yoo'aab gees ula baxay oo iridda la dhex galay si uu ula faqo, markaasuu caloosha ka dooxay si uu u dhinto, maxaa yeelay, dhiiggii walaalkiis Casaaheel ayuu daadshay.

  • 17Markaasuu u soo dhowaaday, oo naagtii waxay ku tidhi, Ma Yoo'aab baad tahay? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Haah, waan ahay. Kolkaasay ku tidhi, Bal erayadayda maqal, anoo addoontaada ah, oo isna wuxuu ugu jawaabay, Waan ku maqlayaa.

  • 70%

    21Markaasaa Abneer wuxuu ku yidhi, War midigta ama bidixda u leexo, oo ragga dhallinyarada ah midkood qabso, oo ka soo qaado hubkiisa dagaalka. Laakiinse Casaaheel wuu diiday inuu isaga ka leexdo.

    22Markaasaa Abneer haddana Casaaheel ku yidhi, War ha i eryane, gees iiga leexo; maxaan dhulka kuugu dhufanayaa? Haddaba sidee baan wejiga u siin karayaa walaalkaa Yoo'aab?

  • 2 Sam 10:4-5
    2 aayado
    70%

    4Sidaas daraaddeed Xaanuun wuxuu qabsaday Daa'uud addoommadiisii, oo intuu gadhkoodii badh ka xiiray ayuu dharkoodiina dhexda ka kala gooyay xataa ilaa dabada, markaasuu iska eryay.

    5Oo taas markii Daa'uud loo soo sheegay wuxuu iyagii u diray dad ka hor taga, waayo, nimankii aad bay u ceeboobeen. Boqorkiina wuxuu iyagii ku yidhi, Yerixoo iska jooga ilaa gadhku idiin soo baxo, dabadeedna soo noqda.

  • 20Markaasaa Yoo'aab wuxuu ugu jawaabay, Inaan wax liqo oo dumiyo ha iga fogaato, oo ha iga dheeraato.

  • 23Sidaas daraaddeed Yoo'aab wuu kacay, oo Geshuur tegey, oo Absaaloomna Yeruusaalem buu keenay.

  • 24Markaasaa Yoo'aab boqorkii u yimid, oo ku yidhi, Maxaad samaysay? Bal eeg, Abneer baa kuu yimid, maxaad u dirtay oo uu u tegey?

  • 35waan ka daba ordi jiray, oo intaan wax ku dhufto ayaan afkiisa ka soo bixin jiray; oo hadduu igu soo boodana intaan gadhka ku dhego ayaan dili jiray.

  • 1¶ Markaasaa Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay ayaa ogaaday in boqorka qalbigiisii Absaaloom la jiro.

  • 5Markaasaa la tegey oo Daa'uud loo soo sheegay sidii nimankii loo galay. Oo isna wuxuu iyagii u diray dad ka hor taga, waayo, nimankii aad bay u ceeboobeen. Boqorkiina wuxuu iyagii ku yidhi, Yerixoo iska jooga ilaa gadhku idiin soo baxo, dabadeedna soo noqda.

  • 17Markaasaa Daa'uud u baxay inuu iyaga ka hor tago, oo intuu jawaabay ayuu ku yidhi, Haddaad nabdoon iigu timaadeen inaad i caawisaan qalbigaygu wuu idinla jiri doonaa, laakiinse haddaad iigu timaadeen inaad cadaawayaashayda ii gacangelisaan, Ilaahii awowayaasheen taas ha fiiriyo oo ha canaanto, maxaa yeelay, gacmahayga wax xumaan ahu kuma jiraan.

  • 5Markaasaa Yoo'aab boqorkii ugu yimid gurigiisii, oo ku yidhi, Maanta waxaad ceebaysay wejiyadii addoommadaada oo dhan, kuwaasoo maanta naftaada badbaadshay, iyo nafta wiilashaada iyo gabdhahaaga, iyo nafta naagahaaga, iyo nafta naagahaaga addoommaha ah;

  • 15Oo reer Cammoonna markay arkeen in reer Suuriya carareen ayay iyana walaalkiis Abiishay hortiisa saasoo kale uga carareen, oo waxay galeen magaaladii. Markaasaa Yoo'aab Yeruusaalem yimid.

  • 41Oo isla markiiba kolkii yarkii tegey ayaa Daa'uud ka soo baxay meel Yoonaataan xagga koonfureed ka ahayd, markaasuu wejiga dhulka ku dhuftay oo saddex jeer sujuuday, wayna isdhunkadeen oo isla ooyeen ilaa Daa'uud sii badiyey.

  • 19Boqorkiina wuxuu yidhi, Waxyaalahan oo dhan ma Yoo'aab baa kugu weheliya? Kolkaasaa naagtii ugu jawaabtay, Boqorow, sayidkaygiiyow, naftaada nool baan ku dhaartaye inaan ninna xagga midigta ama xagga bidixda uga leexan karin waxaad tidhi, boqorow, sayidkaygiiyow, waayo, addoonkaaga Yoo'aab ah ayaa igu amray waxan, oo erayadan oo dhanna isagaa afka iigu riday, anoo addoontaada ah.

  • 21Markaasuu Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil soo kacay, oo isagii iyo Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah waxay iskaga hor yimaadeen Beytshemesh oo uu dadka Yahuudah leeyahay.

  • 28Markaasaa Absaaloom midiidinnadiisii amray, oo ku yidhi, Haddaba ogaada markii Amnoon intuu khamriga cabbo ku farxo, oo aan idinku idhaahdo, Amnoon dila, markaas waa inaad dishaan, hana baqina, waayo, sow anigu idinkuma amrin? Saas aawadeed dhiirranaada oo xoog yeesha.

  • 9Oo isna wuxuu igu yidhi, Waan ku baryayaaye, bal i soo ag joogso, oo i dil, waayo, wareer baa i haya; waayo, weli naftii waa igu jirtaa.

  • 11Bal eeg, aabbow, bal eeg haddana darafkii khamiiskaaga oo gacantayda ku jira, waayo, waxaan gooyay darafkii khamiiskaaga, kumana diline, haddaba ogow inayan gacantayda ku jirin shar iyo xadgudub toona, oo anna kuguma aanan dembaabin, in kastoo aad naftayda u gaadaysid inaad iga qaaddid.

  • 21Markaasaa boqorkii wuxuu Yoo'aab ku yidhi, Bal eeg, waxan baan sameeyey; haddaba tag, oo soo celi ninkii dhallinyarada ahaa ee ahaa Absaaloom.

  • 11Oo dadkii intiisii kalena wuxuu u dhiibay walaalkiis Abiishay, oo iyana waxay isu soo diyaariyeen inay reer Cammoon la dagaallamaan.

  • 8Oo bal eeg, waxaa kula jooga Shimcii ina Geeraa, oo ah reer Benyaamiinka deggan Baxuuriim, kaasoo habaar xun igu habaaray maalintii aan Maxanayim tegey; laakiinse wuu igaga hor yimid Webi Urdun, oo i soo dhoweeyey, oo anna waxaan isaga ugu dhaartay oo ku idhi, Seef kugu dili maayo.

  • 57Oo markii Daa'uud ka soo noqday diliddii kii reer Falastiin ayaa Abneer kexeeyey oo Saa'uul hor keenay isagoo gacanta ku wata madaxii kii reer Falastiin.

  • 9Markaasaa Abiishay oo ay Seruuyaah dhashay wuxuu boqorkii ku yidhi, War eeygan dhintay muxuu kuu habaarayaa, boqorow, sayidkaygiiyow? Waan ku baryayaaye, i daa intaan u tago aan madaxa ka gooyee.

  • 1¶ Markaasaa Yoo'aab waxaa loo soo sheegay oo lagu yidhi, Bal eeg, boqorkii wuu u ooyayaa oo u barooranayaa Absaaloom.