Daaniyeel 10:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse boqortooyada Faaris amiirkeedii ayaa kow iyo labaatan maalmood iga hor joogsaday, laakiinse Mikaa'iil, oo ah amiirrada sare midkood, ayaa ii yimid inuu i caawiyo, oo halkaasaan kula hadhay boqorradii reer Faaris.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Daan 12:1 : 1 ¶ Oo wakhtigaas waxaa kici doona Mikaa'iil oo ah amiirka weyn oo dadkaaga u kici doona, oo waxaa jiri doona wakhti dhib badan, oo aan isagoo kale weli la arag intii quruunu jirtay ilaa waagaas, oo wakhtigaas dadkaaga waa la samatabbixin doonaa, mid kasta oo laga helo isagoo ku qoran kitaabka.
  • Yuud 1:9 : 9 Laakiin Mikaa'iil oo ah malagga sare markuu Ibliiska kula murmayay meydkii Muuse aawadiis, kuma uu dhicin inuu xukun cay ah ku xukumo, laakiinse wuxuu ku yidhi, Rabbigu ha ku canaanto.
  • Muj 12:7 : 7 ¶ Markaasaa samada waxaa ka dhacay dagaal, oo Mikaa'iil iyo malaa'igihiisii waxay u soo baxeen inay la diriraan masduulaagii; oo masduulaagii iyo malaa'igihiisiina way la dirireen;
  • Daan 10:20-21 : 20 Markaasuu igu yidhi, Haddaba ma og tahay waxa aan kuugu imid wuxuu yahay? Oo hadda waxaan u noqonayaa inaan la diriro amiirka reer Faaris, oo markaan tago waxaa iman doona amiirkii dalka Gariigta. 21 Laakiinse waxaan kuu sheegayaa waxa lagu qoray qorniinka runta; mana jiro mid aniga kuwaas iga celiyaa, amiirkiinna Mikaa'iil mooyaane.
  • 1 But 3:22 : 22 Ciise Masiix jannaduu galay oo wuxuu joogaa gacanta midigta oo Ilaah, oo malaa'igaha iyo kuwa amarka leh iyo kuwa xoogga leh oo dhanba waa laga hoosaysiiyey isaga.
  • Ef 6:12 : 12 Waayo, innagu lama legdanno bini-aadan, laakiinse waxaynu la legdannaa kuwa madaxda ah iyo kuwa amarka leh iyo taliyayaasha dunida gudcurka ah iyo ruuxyada sharka ah oo samooyinka ku jira.
  • Kol 2:10 : 10 oo waa laydin buuxiyey idinkoo ku jira isagoo ah madaxa taaliye kasta iyo amar kasta.
  • 1 Tes 2:18 : 18 waayo, waannu jeclaan lahayn inaannu idiin nimaadno, anigoo Bawlos ah mar iyo lababa waan jeclaa, laakiinse Shayddaan baa naga hor joogsaday.
  • Sak 3:1-2 : 1 ¶ Oo wuxuu i tusay Yashuuca oo ah wadaadka sare oo hor taagan malaggii Rabbiga, iyo Shayddaan oo taagan gacantiisa midig si uu u ashtakeeyo. 2 Markaas Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Shayddaanow, Rabbigu ha ku canaanto, Rabbiga Yeruusaalem doortay ha ku canaanto. Sow kanu ma aha qori dab laga dhiftay?
  • Cesr 4:4-6 : 4 Markaasaa dadkii dalka degganaa waxay daaliyeen gacmihii dadkii reer Yahuudah, oo waxdhisiddiina way ka cabsiiyeen, 5 oo waxay u soo kiraysteen taliyayaal si ay qasdigoodii uga xumeeyaan, Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris wakhtigiisii oo dhan, iyo tan iyo xataa dowladnimadii Daariyus oo ahaa boqorkii Faaris. 6 ¶ Oo waagii Ahashwerus boqortooyada qabsaday markii dowladnimadiisu bilaabatay ayay ashtako ka soo qoreen dadkii degganaa Yahuudah iyo Yeruusaalem.
  • Cesr 4:24 : 24 Oo markaasuu joogsaday shuqulkii guriga Ilaah Yeruusaalem ku yaal; oo wuxuu joogsaday ilaa sannaddii labaad oo dowladnimadii Daariyus oo boqorkii Faaris ahaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 85%

    16Oo bal eeg, mid binu-aadmiga u ekaa ayaa bushimahayga taabtay: markaasaan afka kala qaaday, oo hadlay, oo waxaan ku idhi kii hor taagnaa, Sayidkaygiiyow, riyada sababteeda aawadeed ayaa caloolxumadaydii igu soo noqotay, xoogna waan iska waayay.

    17Anoo addoonkaaga ahu sidee baan kuula hadli karaa, sayidkaygiiyow? Imminka aniga xoog iguma hadhin, neefuna iguma jirto.

    18Markaasaa haddana waxaa i taabtay mid binu-aadmiga u eg, wuuna i xoogeeyey.

    19Markaasuu igu yidhi, Ninkii aad loo jeclaayow, ha cabsan, nabadu ha kuu ahaato, xoog yeelo, oo xoog yeelo. Oo markuu ila hadlay ayaan xoogaystay, oo waxaan idhi, Sayidkaygiiyow, hadal, waayo, waad i xoogaysay.

    20Markaasuu igu yidhi, Haddaba ma og tahay waxa aan kuugu imid wuxuu yahay? Oo hadda waxaan u noqonayaa inaan la diriro amiirka reer Faaris, oo markaan tago waxaa iman doona amiirkii dalka Gariigta.

    21Laakiinse waxaan kuu sheegayaa waxa lagu qoray qorniinka runta; mana jiro mid aniga kuwaas iga celiyaa, amiirkiinna Mikaa'iil mooyaane.

  • 14Haddaba waxaan u imid inaan ku ogeysiiyo waxa dadkaaga ku dhici doona ugu dambaysta, waayo, wixii lagu tusay weli maalmo badan baa ka hadhay.

  • 80%

    10Oo bal eeg, markaasaa gacanu i taabatay, oo jilbaha iyo calaacalaha igu joojisay.

    11Oo wuxuu igu yidhi, Daanyeelow, ninka aad loo jecelyahayow, bal garo erayada aan kugula hadlayo, oo istaag, waayo, hadda adaa lay soo kaa diray, oo markuu hadalkaas igula hadlay ayaan istaagay anigoo gariiraya.

    12Markaasuu igu yidhi, Ha cabsan, Daanyeelow, waayo, maalintii ugu horraysay oo aad qalbigaaga gelisay inaad wax garato oo aad isku hoosaysiiso Ilaah hortiis ayaa erayadaadii la maqlay, oo anigu waxaan u imid erayadaadii aawadood.

  • Daan 10:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Sannaddii saddexaad oo boqorkii Faaris oo Kuuros ahaa ayaa wax loo muujiyey Daanyeel, oo magiciisa la odhan jiray Beelteshaasar; waxaasuna run buu ahaa, oo weliba dagaal weyn buu ahaa xaalkii wuu gartay, garashuuna u lahaa wixii la tusay.

    2Waayahaas anigan Daanyeel ahu saddex toddobaad oo dhan ayaan barooranayay.

  • 1¶ Oo wakhtigaas waxaa kici doona Mikaa'iil oo ah amiirka weyn oo dadkaaga u kici doona, oo waxaa jiri doona wakhti dhib badan, oo aan isagoo kale weli la arag intii quruunu jirtay ilaa waagaas, oo wakhtigaas dadkaaga waa la samatabbixin doonaa, mid kasta oo laga helo isagoo ku qoran kitaabka.

  • Daan 9:21-23
    3 aayado
    71%

    21intii aan ducaysanayay ayaa ninkii Jibriil ahaa, oo aan markii hore riyada ku arkay, degdeg iigu soo duulay, wakhtigii qurbaankii fiidkii la bixiyey, oo i taabtay.

    22Markaasuu wax i baray, oo ila hadlay, oo wuxuu igu yidhi, Daanyeelow, haatan waxaan u soo baxay inaan kaa dhigo mid wax aad u yaqaan.

    23Markaad baryootankaagii bilowday ayaa amarku soo baxay, oo waxaan u imid inaan kuu sheego; waayo, aad baa laguu jecel yahay, haddaba sidaas daraaddeed xaalka ka fiirso, oo riyada garo.

  • 28Sidaasuu Daanyeelkanu ugu barwaaqoobay boqornimadii Daariyus, iyo boqornimadii Kuuroskii reer Faaris.

  • 21Daanyeelna waa sii joogay tan iyo boqorkii Kuuros sannaddiisii kowaad.

  • Daan 11:1-3
    3 aayado
    69%

    1¶ Daariyus oo reer Maaday ahaa, sannaddiisii kowaad ayaan u istaagay inaan caawiyo oo xoogaysiiyo isaga.

    2¶ Oo haatan runtaan kuu sheegayaa, Bal ogow, weliba saddex boqor baa Faaris ka kici doonee, kan afraadna kulligood waa ka wada maal badnaan doonaa, oo markuu maalkiisa aad ugu xoogaysto, ayuu dhammaan boqortooyada Gariigta ku kicin doonaa.

    3Oo waxaa kici doona boqor xoog badan, oo talo weyn ku talin doona, hadba siduu doonayana yeeli doonaa.

  • Daan 7:15-16
    2 aayado
    69%

    15¶ Anigan Daanyeel ahna, ruuxaygu jidhkayguu ku murugaysnaa oo waxyaalihii lay tusayna, way iga argaggixiyeen.

    16Oo waxaan ku soo dhowaaday kuwii meeshaas taagnaa midkood, oo waxaan weyddiiyey runta ku saabsan waxyaalahan oo dhan. Markaasuu ii sheegay oo ii caddeeyey waxyaalahaas fasirkoodii oo dhan.

  • 11Markaasaa Daanyeel ku yidhi wakiilkii, amiirka bohommadu ka dhigay inuu u taliyo Daanyeel, iyo Xananyaah, iyo Miishaa'eel, iyo Casaryaah,

  • Daan 8:14-16
    3 aayado
    69%

    14Markaasuu igu yidhi, Ilaa laba kun iyo saddex boqol oo fiid iyo subax, dabadeedna meesha quduuska ah waa la nadiifin doonaa.

    15¶ Oo markaan anigoo Daanyeel ah arkay riyadii ayaan doondoonay inaan garto, oo bal eeg, waxaa i soo hor istaagay wax nin u eg.

    16Oo nin codkiis ayaan ka dhex maqlay Webi Uulay wuuna dhawaaqay, oo yidhi, Jibriilow, ninkan riyada garansii.

  • Daan 10:7-8
    2 aayado
    68%

    7Oo anigaan Daanyeel ah oo keliya ayaa wixii lay tusay arkay, waayo, nimankii ila socday ma ay arkin wixii lay tusay, maxaa yeelay, aad bay u gariireen, wayna carareen si ay u dhuuntaan.

    8Oo sidaasaa keligay layga tegey, oo waxaan arkay waxan weyn ee lay tusay, oo xoogna iguma hadhin, quruxdaydiina waxay u rogmatay qudhun, markaasaan xoog iska waayay.

  • 7¶ Markaasaa samada waxaa ka dhacay dagaal, oo Mikaa'iil iyo malaa'igihiisii waxay u soo baxeen inay la diriraan masduulaagii; oo masduulaagii iyo malaa'igihiisiina way la dirireen;

  • 20Wankii aad aragtay oo labada gees lahaa waa labada boqor ee dalka Maaday iyo dalka Faaris.

  • 19Markaasaa qarsoodigii Daanyeel tusniin loogu muujiyey goor habeen ah. Daanyeelna Ilaaha samada ayuu u mahadnaqay.

  • Daan 8:26-27
    2 aayado
    67%

    26Oo riyadii fiidadka iyo subaxyada ee laguu sheegay waa run, laakiinse adigu riyada xidh, waayo, waxaa iska leh maalmo badan oo iman doona.

    27Markaasaan anigoo Daanyeel ahu suuxay, dhawr maalmoodna waan bukay, dabadeedna waan kacay, oo shuqulkii boqorka qabtay: oo riyadii waan la yaabay, laakiinse ciduna ma garan.

  • Daan 6:13-14
    2 aayado
    67%

    13Markaasay jawaabeen oo waxay boqorkii hortiisa ka yidhaahdeen, Boqorow, Daanyeelkii ka mid ahaa kuwii Yahuudah laga soo dhacay, dan kama leh adiga iyo amarkii aad saxeexday toona, laakiinse saddex jeer buu maalin walba Ilaahiisa wax weyddiistaa.

    14Markaasaa boqorkii markuu hadalkaas maqlay ayuu aad uga xumaaday, oo isku dayay inuu Daanyeel samatabbixiyo; oo ilaa qorraxdu ka dhacday ayuu hawshoonayay inuu isaga badbaadiyo.

  • 8Laakiinse ugu dambaystii waxaa i hor yimid Daanyeel, oo la odhan jiray Beelteshaasar, sida magaca ilaahay, oo ilaahyada quduuskaa ruuxoodu ku jiro; markaasaan riyadii ku hor sheegay isagii, oo ku idhi,

  • 1¶ Sannaddii saddexaad oo boqornimadii Boqor Beelshaasar ayaa riyo ii muuqatay anigan Daanyeel ah, taasuna way ka dambaysay tii markii hore ii muuqatay.

  • Daan 2:24-25
    2 aayado
    66%

    24¶ Sidaas daraaddeed Daanyeel wuxuu u galay Aryoog, oo boqorku u doortay inuu baabbi'iyo raggii xigmadda lahaa oo Baabuloon. Bal i gee boqorka hortiisa, oo anna waxaan boqorka u caddayn doonaa fasirkii riyada.

    25¶ Markaasaa Aryoog haddiiba Daanyeel boqorka u soo geliyey oo wuxuu ku yidhi, Maxaabiistii reer Yahuudah ayaan ka helay nin ku ogeysiin doona fasirkii riyadaada, boqorow.

  • Daan 4:23-24
    2 aayado
    66%

    23Oo waxaad aragtay mid wax dhawra oo quduus ah oo samada ka soo degaya, isagoo leh, Geedka gooya, oo baabbi'iya; habase yeeshee jiridda iyo xididdadiisa dhulka ku daaya, iyagoo ku xidhan xadhig bir iyo naxaas ah, doogga jilicsan oo berrinka dhexdiisa, oo dharabka samadu ha qoyo, qaybtiisuna ha la jirto xayawaanka duurka, jeeray toddoba wakhti gudbaan,

    24fasirkii waa kan, Boqorow, waana amarkii Ka ugu Sarreeya, oo kugu soo degay adoo sayidkayga ah boqorow.

  • 5¶ Markaasaan anigoo Daanyeel ah wax fiiriyey, oo bal eeg, waxaan arkay laba kale oo taagtaagan, mid wuxuu taagnaa webiga qarkiisa soke, kan kalena wuxuu taagnaa webiga qarkiisa shishe.

  • 11Markaasay nimankii isu soo shireen, oo waxay heleen Daanyeel oo wax weyddiisanaya oo baryaya Ilaahiis.

  • 28FERESna waxaa weeye, Boqortooyadaadii waa la qaybiyey, oo waxaa la siiyey reer Maaday iyo reer Faaris.

  • 7Madaxweynayaashii boqortooyada oo dhan, iyo taliyayaashii, iyo amiirradii, iyo waaniyayaashii, iyo saraakiishii, waxay ku tashadeen inay dhisaan qaynuun boqornimo iyo amar leh, Ku alla kii intii soddon maalmood ah wax weyddiista ilaah kale ama nin, adiga mooyaane, Boqorow, waa in lagu rido bohosha libaaxyada.

  • 19Boqorkiina markaasuu la hadlay iyagii, oo kulligoodna lagama helin mid la mid ah Daanyeel, iyo Xananyaah, iyo Miishaa'eel, iyo Casaryaah; sidaas daraaddeed boqorkii bay is-hor taageen.

  • 13¶ Markaasaa Daanyeel la soo hor taagay boqorka. Boqorkiina waa la hadlay oo Daanyeel ku yidhi, Ma waxaad tahay Daanyeelkii ka mid ahaa kuwii Yahuudah laga soo dhacay, oo boqorkii aabbahay ahaa Yahuudah ka keenay?

  • 11Nin ruuxii ilaahyada quduuska ahu ku jiro ayaa boqortooyadaada jooga, oo jeerkii aabbahaa ayaa waxaa laga helay nuur iyo waxgarasho iyo xigmad u eg xigmaddii ilaahyada; oo Boqor Nebukadnesar oo ahaa aabbahaa, boqorow, wuxuu isaga ka dhigay madaxdii saaxiriinta, iyo xiddigiyayaasha, iyo kuwa reer Kaldayiin ah, iyo kuwa wax sheega;

  • 16Markaasaa Daanyeel u galay, oo boqorkii weyddiistay inuu u qabto wakhti uu boqorka ugu caddeeyo riyada fasirkeedii.