Daaniyeel 7:10
Oo waxaa hortiisa ka soo dareeray oo ka soo baxay durdur dab ah; oo waxaa u adeegayay kumaan kun iyo kumaan kun, hortiisana waxaa taagnaa toban kun oo min toban kun ah; oo xukunkiina waa la dhigay, kitaabbadiina waa la furay.
Oo waxaa hortiisa ka soo dareeray oo ka soo baxay durdur dab ah; oo waxaa u adeegayay kumaan kun iyo kumaan kun, hortiisana waxaa taagnaa toban kun oo min toban kun ah; oo xukunkiina waa la dhigay, kitaabbadiina waa la furay.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
7Dabadeedna waxaan riyadii habeennimada ku arkay bahalkii afraad, oo ahaa mid laga cabsado oo xoog badan, aad buuna u darnaa; oo wuxuu lahaa ilko waaweyn oo bir ah; wax buuna cunay oo burburiyey, intii hadhayna wuu ku tuntay; oo wuu ka wada duwanaa bahalladii kale oo ka horreeyey isaga; oo wuxuu lahaa toban gees.
8Waxaan ka fiirsaday geesihii, oo bal eeg, waxaa dhexdoodii ka soo baxay gees kale oo yar; markaasaa hortiisa waxaa ka ruqay saddex gees oo kuwii hore ka mid ah, geeskaas waxaa ku yiil indho u eg indho dad, iyo af ku hadlaya waxyaalo waaweyn.
9Waxaan fiirinayay ilaa carshiyo meel la dhigay, oo waxaa ku fadhiistay mid da' weyn; oo dharkiisu wuxuu u caddaa sida barafka cad, timaha madaxiisuna waxay u ekaayeen sida suuf saafi ah, carshigiisu wuxuu ahaa olol dab ah, giringirihiisuna waxay ahaayeen dab wax gubaya.
11¶ Oo anna carshigii iyo xayawaanadii iyo odayaasha hareerahoodii waxaan ku arkay oo ka maqlay malaa'igo badan codkood, oo tiradooduna waxay ahayd toban kun oo meelood oo min toban kun ah, iyo kumaan kun;
11Wakhtigaas aad baan u fiiriyey, codkii hadallada waaweynaa oo geesku ku hadlay aawadiis; oo waxaan fiirinayay ilaa bahalkii la dilay, bakhtigiisiina waa la baabbi'iyey, oo waxaa loo dhiibay si dab loogu gubo.
13Riyadii habeennimada waxaan ku arkay mid u eg wiilkii aadan aha oo ku yimid daruuraha samada, oo wuxuu u yimid, kii da'da weynaa, oo waa loo soo dhoweeyey oo hortiisaa la soo taagay.
14Oo waxaa la siiyey dowladnimo iyo ammaan iyo boqortooyo, inay dadyowga, iyo quruumaha, iyo kuwa kala afka ahu u wada adeegaan. Dowladnimadiisu waa dowladnimo weligeed jiraysa, oo aan dhammaanayn, boqortooyadiisuna waa mid aan la baabbi'in doonin.
16Oo tiradii ciidankii fardooleyda ahaa waxay ahayd labaatan kun oo meelood oo min toban kun ah; oo anigu waan maqlay tiradoodii.
17Oo sidaasaa waxaan tusintii ku arkay fardihii iyo kuwii fuushanaa oo qaba laabdhawr u eg dab iyo dhagax yakintos iyo baaruud; oo fardaha madaxyadooduna waxay u ekaayeen madaxyo libaax; oo afafkoodana waxaa ka soo baxayay dab iyo qiiq iyo baaruud.
6jidhkiisuna wuxuu u ekaa berullos, wejigiisuna wuxuu u ekaa hillaac, indhihiisuna waxay u ekaayeen laambado dab ah, gacmihiisa iyo cagihiisuna waxay midabka uga ekaayeen naxaas la safeeyey, codkiisuna wuxuu u ekaa dad faro badan buuqood.
7Oo anigaan Daanyeel ah oo keliya ayaa wixii lay tusay arkay, waayo, nimankii ila socday ma ay arkin wixii lay tusay, maxaa yeelay, aad bay u gariireen, wayna carareen si ay u dhuuntaan.
9¶ Oo bal eeg, waxyaalahaas ka dib waxaan arkay dad faro badan, oo aan ninna tirin karin, oo lagala soo baxay quruun kasta, iyo qabiil kasta, iyo dad kasta, iyo af kasta, oo taagan carshiga hortiisa iyo Wanka hortiisa, iyagoo qaba khamiisyo cadcad, gacmahana ku haysta caleemo timireed.
10Oo iyana waxay ku dhawaaqeen cod weyn, iyagoo leh, Badbaado waxaa leh Ilaahayaga carshiga ku fadhiya iyo Wanka.
11Oo malaa'igihii oo dhammuna waxay taagnaayeen carshiga hareerihiisa iyo odayaashii iyo afartii xayawaan hareerahooda; oo carshiga hortiisii ayay ku dhaceen oo intay wejigooda dhulka saareen ayay Ilaah caabudeen,
11¶ Oo markaasaan arkay carshi weyn oo cad, iyo kii ku fadhiyey, oo wejigiisa dhulkii iyo samadii ay ka carareen, oo iyagiina meel looma helin.
12Oo markaasaan arkay kuwii dhintay, yar iyo weynba, iyagoo taagan carshiga hortiisii, markaasaa waxaa la furay kitaabbadii; oo haddana waxaa la furay kitaab kale oo ah kii nolosha; oo kuwii dhintay waxaa lagu xukumay waxyaalihii kitaabbadii ku qornaa, sidii ay shuqulladoodii ahaayeen.
1¶ Oo haddana waxaan arkay malaa'ig kale oo xoog weyn oo samada ka soo degaysa, iyadoo daruur huwan, madaxeedana waxaa saarnaa qaansoroobaad, wejigeeduna wuxuu u ekaa qorraxda oo kale, cagaheeduna waxay u ekaayeen tiirar dab ah,
2oo gacanteedana waxay ku haysatay buug yar oo furan. Oo cagteedii midig waxay saartay badda, teedii bidixdana waxay saartay dhulka,
5Oo carshigiina waxaa ka soo baxay hillaac iyo codad iyo onkod. Oo waxaa jiray toddoba laambadood oo dab ah oo carshiga hortiisa ka ololaya, kuwaas oo ah toddobada Ruux oo Ilaah.
6Oo carshigii hortiisana waxaa yiil wax la mid ah bad muraayad ah oo u eg madarad, oo carshiga badhtankiisa iyo carshiga hareerihiisa waxaa joogay afar xayawaan oo hor iyo dibba indho miidhan ah.
7Xayawaankii kowaad wuxuu u ekaa libaax, xayawaankii labaadna wuxuu u ekaa weyl, xayawaankii saddexaadna wuxuu lahaa weji u eg weji nin, xayawaankii afraadna wuxuu u ekaa gorgor duulaya.
8Oo afarta xayawaan mid waluba wuxuu lahaa lix baal, oo hareerahooda iyo gudahooduba waa indho miidhan; oo habeen iyo maalin midna ma nastaan, oo waxay yidhaahdaan, Quduus, quduus, quduus waxaa ah Rabbiga ah Ilaaha Qaadirka ah, oo jiray oo jira oo iman doona.
9¶ Oo marka xayawaanku ay ammaanaan oo ciseeyaan oo mahad u naqaan kan carshiga ku fadhiya oo ah kan nool weligiis iyo weligiis,
20iyo tobankii gees oo madaxiisa ku yiil, iyo geeskii kale oo soo baxay oo hortiisa ay saddexdu ka dhaceen, kaasu waa geeskii indhaha lahaa, iyo afka waxyaalaha waaweyn ku hadlayay, oo araggiisu kuwa kale ka xoog badnaa.
21Waan fiiriyey, oo isla geeskaas ayaa quduusiinta la diriray; wuuna ka adkaaday;
22ilaa uu kii da'da weynaa yimid, oo xukunkii la siiyey quduusiintii Ka ugu Sarreeya, oo uu yimid wakhtigii ay quduusiintu yeelan lahayd boqortooyada.
4¶ Oo markaasaan arkay carshiyo, oo waxaa kuwa ku fadhiyey la siiyey amar ay ku xukumaan; oo haddana waxaan arkay nafihii kuwii madaxa looga jaray markhaatigii ay Ciise u fureen aawadiis, iyo eraygii Ilaah aawadiis, iyo kuwii aan caabudin bahalkii iyo sanamkiisa toona, oo aan aqbalin in sumaddii lagaga dhigo wejigooda iyo gacantooda; way soo noolaadeen oo kun sannadood ayay Masiix wax la xukumeen.
15Sidaas daraaddeed waxay joogaan carshiga Ilaah hortiisa; oo waxay isaga ugu adeegaan macbudkiisa habeen iyo maalinba; oo kan carshiga ku fadhiyaana wuxuu dushooda ka dhisan doonaa taambuuggiisa.
3Waxaa hortiisa socda dab, Oo wuxuu wada gubaa cadaawayaashiisa ku wareegsan.
17Afartan bahal oo waaweynaa waa afar boqor, oo dunida ka kici doona.
18Oo quruumihiina way cadhoodeen, oo waxaa yimid cadhadaadii iyo wakhtigii kuwii dhintay la xukumi lahaa iyo wakhtigii abaalgudkooda la siin lahaa nebiyada addoommadaada ah iyo quduusiinta iyo kuwa magacaaga ka cabsada, yaryar iyo waaweynba, oo la baabbi'in lahaa kuwa dhulka baabbi'iya.
7Oo afartii xayawaan midkood ayaa wuxuu toddobadii malaa'igood siiyey toddoba fijaan oo dahab ah oo ay ka buuxdo cadhadii Ilaaha weligiis iyo weligiisba nool.
2Markaasaan waxaan arkay toddobadii malaa'igood oo Ilaah hortiisa taagan, oo waxaa la siiyey toddoba buun.
16Oo gacantiisa midigtaana wuxuu ku haystay toddoba xiddigood, oo afkiisana waxaa ka soo baxay seef soofaysan oo laba af leh, jaahiisuna wuxuu u ekaa qorraxda oo xoog u dhalaalaysa.
5Waxaa hortiisa socday belaayo, Oo waxaa daba socday xummad.
3Oo waxaa baddii ka soo baxay afar bahal oo waaweyn, ee midba kan kale ka duwan yahay.
14Oo ciidammadii samada ku jirayna isagay soo raaceen iyagoo fuushan fardo cadcad oo qaba dhar wanaagsan oo cad oo daahir ah.
17Ilaah gaadhifardoodyadiisu waa labaatan kun, iyo xataa kumanyaal iyo kumaankun, Sayidku wuu ku dhex jiraa iyaga, siduu Siinay ugu jiri jiray xagga meesha quduuska ah.
11¶ Oo bal eeg, waxaan arkay samadii oo furantay, iyo faras cad, oo kii fuushanaana waxaa la odhan jiray Aamin iyo Run; oo isagu xaqnimuu wax ku xukumaa oo uu ku diriraa.
12Oo indhihiisuna waxay u ekaayeen ololka dabka, madaxiisana waxaa u saarnaa taajaj badan; oo waxaa ugu qornaa magac aanu ninna aqoon isaga mooyaane.
1¶ Markaasaan wax fiiriyey, oo cirkii madaxii keruubiimta ka korreeyey waxaa ka muuqday wax dhagax safayr u ekaa, oo muuqashadiisu carshi u eg tahay.
31¶ Goortii Wiilka Aadanahu ammaantiisa ku yimaado, isaga iyo malaa'igaha oo dhan, markaasuu carshiga ammaantiisa ku fadhiisan doonaa.
14Oo madaxiisa iyo timihiisuna waxay u caddaayeen sida suuf cad iyo sida baraf oo kale; oo indhihiisuna waxay ahaayeen sida dab ololkiis,
2Isagoo leh, Rabbigu wuxuu ka yimid Siinay, Oo Seciir ayuu uga soo kacay iyaga, Wuxuu ka soo iftiimay Buur Faaraan, Oo ka yimid tobanka kun oo quduuska ah, Oo gacantiisa midigtana waxaa iyaga ugu jiray sharci dab ah.
9Oo waxay ku soo kor baxeen ballaadhka dhulka, oo waxay hareereeyeen kaambadii quduusiinta iyo magaaladii la jeclaa; markaasaa waxaa samada ka soo degay dab, wuuna laastay iyagii.
1¶ Oo waxyaalahaas ka dib waxaan maqlay wax u eg cod weyn oo maqluuq badan oo samada ku jira, oo waxay lahaayeen, Halleeluuya; badbaado iyo ammaan iyo xoog waxaa leh Ilaahayaga;