Sharciga Kunoqoshadiisa 10:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo sidaas daraaddeed Laawi walaalihiis lama laha qayb iyo dhaxal toona, dhaxalkiisa waxaa ah Rabbiga sidii Rabbiga Ilaahaaga ahu ku yidhi.)

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 18:1-2 : 1 ¶ Wadaaddada reer Laawi iyo xataa qabiilka reer Laawi oo dhan waa inayan reer binu Israa'iil qayb iyo dhaxal toona la yeelan, laakiinse waa inay cunaan qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo iyo isaga dhaxalkiisa. 2 Oo iyagu waa inayan walaalahood dhaxal ku dhex yeelan. Dhaxalkooda waxaa ah Rabbiga siduu u sheegay.
  • Yex 44:28 : 28 Oo dhaxalkay heli doonaan waa aniga. Anigaa ah dhaxalkoodii, oo waa inaydaan innaba dalka reer binu Israa'iil hanti ku siin, waayo, anigaa ah hantidoodii.
  • Yash 14:3 : 3 Waayo, Muuse wuxuu laba qabiil iyo qabiil badhkiis dhaxal ka siiyey Webi Urdun shishadiisa: laakiinse reer Laawi innaba dhaxal ma uu siin.
  • Tir 18:20-24 : 20 Markaasaa Rabbigu Haaruun ku yidhi, Adigu dalkooda dhaxal kuma lahaan doonto, oo dhexdoodana innaba qayb kuma yeelan doonto. Aniga ayaa reer binu Israa'iil dhexdooda ku ah qaybtaadii iyo dhaxalkaagiiba. 21 ¶ Oo bal eeg, reer Laawina waxaan dhaxal u siiyey meeltobnaadka ay reer binu Israa'iil oo dhan bixiyaan; taasu waa hawshooda ay qabtaan abaalgudkeedii, taasoo ah hawsha teendhada shirka. 22 Oo hadda ka dib waa inaan reer binu Israa'iil u soo dhowaan teendhada shirka yaanay dembi qaadine oo dhimane. 23 Laakiinse reer Laawi waa inay teendhada shirka ka adeegaan, oo ay dembigooda qaadaan: oo taasu waa inay idiin ahaataa qaynuun weligiin ab ka ab ah, oo iyagu reer binu Israa'iil dhexdooda dhaxal kuma yeelan doonaan. 24 Waayo, waxaan reer Laawi dhaxal u siiyey meeltobnaadka ay reer binu Israa'iil Rabbiga ugu bixiyaan qurbaan sare loo qaado, oo sidaas daraaddeed waxaan iyaga ku idhi, Reer binu Israa'iil dhexdooda dhaxal kuma lahaan doontaan.
  • Tir 26:62 : 62 Oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen saddex iyo labaatan kun, mid kasta oo lab ah oo bil jira iyo intii ka sii weyn, waayo, iyaga laguma tirin reer binu Israa'iil, maxaa yeelay, dhaxal laguma siin reer binu Israa'iil dhexdooda.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sharc 18:1-2
    2 aayado
    87%

    1¶ Wadaaddada reer Laawi iyo xataa qabiilka reer Laawi oo dhan waa inayan reer binu Israa'iil qayb iyo dhaxal toona la yeelan, laakiinse waa inay cunaan qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo iyo isaga dhaxalkiisa.

    2Oo iyagu waa inayan walaalahood dhaxal ku dhex yeelan. Dhaxalkooda waxaa ah Rabbiga siduu u sheegay.

  • 33Laakiinse qabiilkii reer Laawi Muuse dhaxal ma uu siin. Waxaa dhaxal u ah Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, sidii uu kula hadlay iyaga.

  • 14Oo waxaanu dhaxal siin qabiilkii reer Laawi oo keliya. Sidii Rabbigu kula hadlay isaga, waxaa dhaxal u ahaa qurbaannada loo bixiyo Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

  • 8Oo waagaas ayaa Rabbigu qabiilka reer Laawi u soocay inay sanduuqa axdiga Rabbiga qaadaan, iyo inay Rabbiga hortiisa istaagaan oo ay isaga u adeegaan, iyo inay magiciisa ku duceeyaan, ilaa maantadan la joogo.

  • Tir 18:20-21
    2 aayado
    81%

    20Markaasaa Rabbigu Haaruun ku yidhi, Adigu dalkooda dhaxal kuma lahaan doonto, oo dhexdoodana innaba qayb kuma yeelan doonto. Aniga ayaa reer binu Israa'iil dhexdooda ku ah qaybtaadii iyo dhaxalkaagiiba.

    21¶ Oo bal eeg, reer Laawina waxaan dhaxal u siiyey meeltobnaadka ay reer binu Israa'iil oo dhan bixiyaan; taasu waa hawshooda ay qabtaan abaalgudkeedii, taasoo ah hawsha teendhada shirka.

  • Tir 18:23-25
    3 aayado
    81%

    23Laakiinse reer Laawi waa inay teendhada shirka ka adeegaan, oo ay dembigooda qaadaan: oo taasu waa inay idiin ahaataa qaynuun weligiin ab ka ab ah, oo iyagu reer binu Israa'iil dhexdooda dhaxal kuma yeelan doonaan.

    24Waayo, waxaan reer Laawi dhaxal u siiyey meeltobnaadka ay reer binu Israa'iil Rabbiga ugu bixiyaan qurbaan sare loo qaado, oo sidaas daraaddeed waxaan iyaga ku idhi, Reer binu Israa'iil dhexdooda dhaxal kuma lahaan doontaan.

    25¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 27Oo waa inaadan dayrin kan reer Laawi oo irdahaaga ku jira, maxaa yeelay, isagu qayb iyo dhaxal midna idinlama laha.

  • 7Maxaa yeelay, reer Laawi dhexdiinna qayb dhaxal ah kuma laha; waayo wadaadnimada Rabbiga ayaa dhaxal u ah. Oo reer Gaad iyo reer Ruubeen iyo qabiilkii reer Manaseh badhkood waxay dhaxal u qaateen meel Webi Urdun ka shishaysa oo xagga bari ka xigta, oo Muuse oo addoonkii Rabbiga ahaa uu iyaga siiyey.

  • Yash 14:3-4
    2 aayado
    79%

    3Waayo, Muuse wuxuu laba qabiil iyo qabiil badhkiis dhaxal ka siiyey Webi Urdun shishadiisa: laakiinse reer Laawi innaba dhaxal ma uu siin.

    4Maxaa yeelay, reer Yuusuf waxay ahaayeen laba qabiil, oo kala ah reer Manaseh iyo reer Efrayim; oo dhulkii qayb lagama siin reer Laawi magaalooyinkii ay degganaayeen mooyaane, iyo agagaarkoodii ay xoolahoodii iyo alaabtoodii ku hayn jireen.

  • 6Oo bal eeg, anna walaalihiin reer Laawi ayaan kala dhex baxay reer binu Israa'iil, oo waxay idiin yihiin hadiyad Rabbiga loo siiyey inay teendhada shirka ka adeegaan.

  • 14Oo waa inaad reer Laawi sidaas uga soocdaa reer binu Israa'iil, oo reer Laawina kuwaygay ahaan doonaan.

  • 5Waayo, Rabbiga Ilaahiinna ah ayaa isaga ka dhex doortay qabiilooyinkiinna oo dhan inuu isagu istaago oo ku adeego magaca Rabbiga, isaga iyo carruurtiisuba weligood.

  • 9Waayo, Rabbiga qaybtiisu waa dadkiisa, Reer Yacquubna waa saamigii dhaxalkiisa.

  • Sharc 18:7-8
    2 aayado
    75%

    7markaas waa inuu ku adeegaa magaca Rabbiga Ilaahiisa ah siday wada yeelaan walaalihiisa reer Laawi oo Rabbiga hortiisa taagan oo dhammu.

    8Oo iyagu waa inay cunaan qayb isle'eg, oo aanay ku jirin waxa laga helo xoolaha aabbahood oo la iibiyo.

  • Tir 27:9-11
    3 aayado
    75%

    9Oo hadduusan gabadhna lahayn, markaas waa inaad dhaxalsiisaan walaalihiis.

    10Oo hadduusan walaalo lahaynna markaas waa inaad adeerradiis dhaxalsiisaan.

    11Oo hadduusan aabbihiis walaalo lahaynna markaas waa inaad dhaxalsiisaan mid xigtadiisa ah oo isagu ha lahaado. Oo taasu qaynuun xukun ah bay u ahaan doontaa reer binu Israa'iil, sida Rabbigu Muuse ku amray.

  • Tir 1:48-49
    2 aayado
    75%

    48Waayo, Rabbigu waa la hadlay Muuse oo wuxuu ku yidhi,

    49Qabiilka reer Laawi oo keliya waa inaadan tirin, oo reer binu Israa'iilna waa inaadan tiradooda ku dhex darin,

  • 2Oo walaalahaa oo ah qabiilka reer Laawi, qabiilkaas oo ah kan aabbahaa, la soo dhowow si ay kuugu darmadaan, oo ay kuugu adeegaan, laakiinse adiga iyo wiilashaada kula jiraa waa inaad teendhada maragga hor joogtaan.

  • 5Oo runtii kuwii qoladii Laawi oo helay shuqulka wadaadnimada waxay haystaan amar ay dadka kaga qaataan meeltobnaadka sida sharcigu leeyahay, kuwaas waxaa weeye walaalahood in kastoo ay kuwanu ka yimaadeen xanjaadka Ibraahim.

  • 10iyo inuu weliba idinka iyo walaalihiinna reer Laawi oo dhanba soo dhowaystay? Oo haddana ma waxaad doonaysaan wadaadnimada?

  • 29Oo markaas waxaa iman oo ka cuni oo ka dhergi doona kan reer Laawi, waayo, isagu idinlama laha qayb iyo dhaxal toona, iyo qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka inuu Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu barakeeyo shuqulka aad gacantaada ku qabato oo dhan.

  • 8Oo markuu Laawi u ducaynayayna wuxuu yidhi, Tummiimkaagii iyo Uuriimkaagii waxay la jiraan kaaga aad jeceshahay, Oo aad Masaah ku tijaabisay, Oo aad biyihii Meriibaah agtooda kula dirirtay,

  • 9Sidaasaanu dhaxalna qabiil uga tagayn oo qabiil kale ugu dhaafayn, waayo, qabiilooyinka reer binu Israa'iil mid waluba waa inuu dhaxalkiisa sii xajiyaa.

  • Tir 3:11-12
    2 aayado
    74%

    11¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    12Oo bal eeg, anna waxaan reer Laawi kala dhex baxay reer binu Israa'iil intii aan ka qaadan lahaa curadyada reer binu Israa'iil ee maxalka furta oo dhan, oo reer Laawi waxay ahaanayaan kuwaygii,

  • 4Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Waxaad ogaan doontaan inaan anigu amarkan idiin soo diray, si uu axdigaygu reer Laawi ula sii jiro.

  • 10Oo anna sidii markii hore ayaan buurta joogay afartan maalmood iyo afartan habeen, oo Rabbigu markaasna wuu i maqlay, oo Rabbiguna inuu idin baabbi'iyo ma uu jeclayn.

  • 9Oo adigu waa inaad reer Laawi siisaa Haaruun iyo wiilashiisaba, oo iyaga dhammaantood waa la siiyey reer binu Israa'iil aawadood.

  • 9waayo, idinku weli ma aydaan gaadhin nasashada iyo dhaxalka uu Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siinayo.

  • 6Qabiilka reer Laawi soo dhowee oo wadaadka Haaruun hortiisa keen inay isaga u adeegaan.

  • 19Haddaba digtoonaada, oo reer Laawi ha dayrinina in alla intaad dalkiinna ku nooshihiin oo dhan.

  • 7Sidaasaanu dhaxalka reer binu Israa'iil qabiil uga tagayn oo qabiil kale ugu dhaafayn, waayo, reer binu Israa'iil nin waluba waa inuu sii xajiyaa dhaxalkii qabiilka awowayaashiis.

  • 33Laakiinse reer Laawi laguma tirin reer binu Israa'iil, waayo, sidaas ayaa Rabbigu Muuse ku amray.

  • 45Reer Laawi ii qaad intii aad ii qaadi lahayd curadyada reer binu Israa'iil oo dhan, oo xoolaha reer Laawina ii qaad intii aad ii qaadi lahayd xoolaha reer binu Israa'iil, oo reer Laawi kuwaygay ahaanayaan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 15Oo iyagu bowdada sare loo qaado iyo sakaarka la ruxruxo waa inay la keenaan qurbaannada xaydha oo dabka lagu sameeyo, in iyaga Rabbiga hortiisa lagu ruxruxo sidii qurbaanka la ruxruxo, oo markaasay ahaan doonaan inta weligiin laydiin amray adiga iyo wiilashaadaba, sidii Rabbigu amray.

  • 28Oo dhaxalkay heli doonaan waa aniga. Anigaa ah dhaxalkoodii, oo waa inaydaan innaba dalka reer binu Israa'iil hanti ku siin, waayo, anigaa ah hantidoodii.

  • 12Oo Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa waa inaad ku faraxdaan, idinka iyo wiilashiinna, iyo gabdhihiinna, iyo addoommadiinna lab, iyo addoommihiinna dhaddig, iyo ka reer Laawi oo ku jira irdihiinna, maxaa yeelay, isagu idinlama laha qayb iyo dhaxal toona.

  • 16Kan Yacquub qaybta u ah iyaga la mid ma aha, waayo, isagu waa kan wax kasta abuuray, oo reer binu Israa'iilna waa qoladii dhaxalkiisa, oo magiciisuna waa Rabbiga ciidammada.

  • 19Oo reer Laawi ayaan reer binu Israa'iil ka soocay oo hadiyad ahaan u siiyey Haaruun iyo wiilashiisa inay reer binu Israa'iil uga adeegaan teendhada shirka iyo inay reer binu Israa'iil u kafaaro gudaan, si aan belaayo ugu dhicin reer binu Israa'iil markii reer binu Israa'iil ay u soo dhowaadaan meesha quduuska ah.