Sharciga Kunoqoshadiisa 20:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo saraakiishu dadka ha la hadleen oo ha ku yidhaahdeen, Ninkee baa guri cusub dhistay oo aan weli u ducaysan? Kaasu ha tago oo gurigiisii ha ku noqdo, waaba intaasoo intuu dagaalka ku dhinto uu nin kale u ducaystaaye.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Nex 12:27 : 27 ¶ Oo markii derbigii Yeruusaalem gaar laga dhigay kuwii reer Laawi mid kasta meeshiisii baa laga doondoonay in iyaga Yeruusaalem la keeno si gaarkadhigidda farxad loogu sameeyo, oo mahadnaqid iyo gabay, iyo suxuun laysku garaaco, iyo shareerado, iyo kataaradoba Ilaah loogu ammaano.
  • Tir 31:14 : 14 Markaasaa Muuse u cadhooday saraakiishii ciidanka, kuwaas oo ahaa kun-u-taliyayaashii iyo boqol-u-taliyayaashii ka yimid hawshii dagaalka.
  • Tir 31:48 : 48 Markaas waxaa Muuse u yimid saraakiishii ahayd kun-u-taliyayaashii iyo boqol-u-taliyayaashii oo u sarreeyey kumanyaalkii ciidanka ahaa,
  • Sharc 1:15 : 15 Sidaas daraaddeed waxaan soo kaxaystay madaxdii qabiilooyinkiinna oo ah rag xigmad leh oo caan ah, oo waxaan ka dhigay madax idiin talisa, oo ah kun u taliyayaal, iyo boqol-u-taliyayaal, iyo konton-u-taliyayaal, iyo toban u taliyayaal, iyo saraakiil, siday qabiilooyinkiinnu ahaayeen.
  • Sharc 16:18 : 18 ¶ Oo dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo irdihiinna oo dhan siday qabiilooyinkiinnu yihiin u samee xaakinno iyo saraakiil, oo iyana dadka ha ugu garsooreen garsoor xaq ah.
  • 1 Sam 17:18 : 18 oo tobankan xabbadood ee burcadka ahna waxaad u geeysaa kun-u-taliyahooda, oo soo eeg sida walaalahaa xaalkoodu yahay, warkooda oo xaqiiqa ahna ii keen.
  • Sab 30:1 : 1 Rabbiyow, waan ku sarraysiinayaa, waayo, kor baad iga yeeshay, Oo weliba igama aad dhigin in cadaawayaashaydu ii faanaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 80%

    6Oo ninkee baa beer canab ah beertay oo aan weli midhihiisii ku isticmaalin? Kaasu ha tago oo gurigiisii ha ku noqdo, waaba intaasoo intuu dagaalka ku dhinto uu nin kale midhihiisa ku isticmaalaaye.

    7Oo ninkee bay naagu u doonan tahay, oo aan weli guursan? Kaasu ha tago oo gurigiisii ha ku noqdo, waaba intaasoo intuu dagaalka ku dhinto uu nin kale guursadaaye.

    8Oo saraakiishu weliba dadka ha la sii hadleen oo ha ku yidhaahdeen, Ninkee baa cabsanaya oo qalbigiisu itaal daranyahay? Kaasu ha tago oo gurigiisii ha ku noqdo, waaba intaasoo qalbiga walaalihiis uu u baqaa sida qalbigiisoo kale.

    9Oo markay saraakiishu dadka lahadliddiisa dhammeeyaan waa inay doortaan saraakiil ciidameed inay dadka madax u noqdaan.

    10¶ Markaad magaalo ugu soo dhowaataan inaad la dirirtaan, waxaad u naadisaan war nabdeed.

    11Oo hadday jawaab nabdeed idin siiyaan oo ay albaabka idinka furaan, waa inay dadka magaaladaas dhexdeeda laga helo oo dhammu addoommo idiin noqdaan oo ay idiin wada adeegaan.

    12Oo hadday idinla nabdi waayaan, laakiinse ay doonayaan inay idinla diriraan, markaas waa inaad hareeraysaan,

    13oo markii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu magaalada idiin soo gacangeliyo, dadkeeda labka ah oo dhan waa inaad seef ku wada laysaan,

  • 5¶ Markii nin naag dhowaan guursado waa inuusan dagaalka gelin, hawl kalena waa inaan loo dirin, laakiinse intii sannad ah waa inuu gurigiisa ikhtiyaar ku joogaa oo waa inuu ka farxiyaa naagtii uu guursaday.

  • 8¶ Markaad dhisatid guri cusub, saqafkiisa waa inaad derbi ku wareejisaa si aadan reerkaaga dhiig ugu soo jiidin haddii nin halkaas ka soo dhaco.

  • Sharc 20:1-4
    4 aayado
    70%

    1¶ Markaad dagaal ugu baxdaan cadaawayaashiinna, oo aad aragtaan fardo iyo gaadhifardood iyo dad idinka sii badan, waa inaydaan ka cabsan, waayo, waxaa idinla jira Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar.

    2Oo markaad dagaalka ku soo dhowaataan, wadaadku waa inuu dadka u soo dhowaadaa oo la hadlaa,

    3oo ha ku yidhaahdo, Reer binu Israa'iilow, maqla, maanta waxaad ku soo dhowaanaysaan dagaal aad cadaawayaashiinna kula diriraysaan, haddaba qalbigiinnu yuusan itaal darnaan, oo ha cabsanina, hana gariirina, iyagana ha ka baqina,

    4maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ah ayaa ah kan idinla socda inuu idiin dagaallamo oo cadaawayaashiinna idiinka hiiliyo si uu idiin badbaadiyo.

  • 19Haddaba qalbigiinna iyo naftiinna u jeediya inaad Rabbiga Ilaahiinna ah doondoontaan, oo sidaas daraaddeed kaca oo dhisa meesha quduuska ah oo Rabbiga Ilaahiinna ah, in sanduuqii axdiga Rabbiga iyo weelashii Ilaah oo quduuska ahaa la soo geliyo guriga loo dhisayo magaca Rabbiga.

  • 44Oo hadday dadkaagu dagaal u baxaan inay la diriraan cadowgooda, oo ay maraan jidkii aad ku soo dirtay, oo ay ku baryaan oo u soo tukadaan xagga magaaladii aad dooratay iyo xagga gurigii aan magacaaga u dhisay,

  • 34Oo hadday dadkaagu dagaal u baxaan inay la diriraan cadaawayaashooda oo ay maraan jidkii aad ku soo dirtay, oo ay ku baryaan oo u soo tukadaan xagga magaaladan aad dooratay iyo xagga gurigii aan magacaaga u dhisay,

  • 10¶ Oo markaad dagaal ugu baxdaan cadaawayaashiinna, oo uu Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga gacmihiinna soo geliyo, oo aad maxaabiis ahaan iyaga u kaxaysataan,

  • 10¶ Oo markii Rabbiga Ilaahiinna ahu idin geeyo dalkii uu ugu dhaartay inuu siiyo awowayaashiin oo ahaa Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub, oo uu idin siiyo magaalooyin waaweyn oo wanwanaagsan oo aydaan dhisan,

  • 12oo markaad wax cuntaan oo aad dheregtaan, oo aad guryo wanaagsan dhisataan oo aad degtaan,

  • 68%

    19¶ Oo markaad wakhti dheer magaalo dagaal ku hareeraynaysaan si aad u qabsataan, waa inaydaan dhirteeda faas ku baabbi'in, waayo, wax baad ka cuni karaysaan, saas aawadeed waa inaydaan jarin. Waayo, bal geedka duurka ma nin baa oo aad saas darteed u weerartaan?

    20Waxaad keliyahoo baabbi'isaan oo jartaan dhirta aad garanaysaan inayan ahayn dhir la cuno, oo magaalada idinla dirirayso waa inaad hareeraheeda ka dhisataan dhufaysyo ilaa ay dhacdo.

  • 27Maalkii boolida ahaa oo dagaalka lagu soo dhacay waxay quduus uga dhigeen si loogu cusboonaysiiyo gurigii Rabbiga.

  • 15Oo sidaas waa inaad u wada gashaan magaalooyinka idinka fog oo aan ahayn magaalooyinka quruumahan.

  • 7Oo innaba guri ha dhisanina, abuurna ha daadinina, oo beercanabna ha beeranina, hana yeelanina, laakiinse cimrigiinna oo dhan waxaad degganaataan teendhooyin si aad wakhti dheer u sii joogtaan dalka aad deggan tihiin.

  • 5Guryo dhista, oo ku hoyda, oo beero beerta, oo midhahoodana cuna.

  • 20Kolkaasaa Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Haddaad waxan samaynaysaan, oo aad Rabbiga hortiisa hub ugu qaadanaysaan dagaalka,

  • 1¶ Oo markii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu wada gooyo quruumaha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dalkooda idin siinayo oo aad meeshooda gashaan ee aad degtaan magaalooyinkooda iyo guryahooda,

  • 10¶ Markaasaa Yashuuca wuxuu amray saraakiishii dadka, oo ku yidhi,

  • 4Nin askari ahi, si uu uga farxiyo kii isaga askari ahaanta u qortay, iskuma murgiyo axwaasha noloshan,

  • 66%

    14¶ Oo haddii qof doonayo inuu gurigiisa quduus uga dhigo Rabbiga, markaas wadaadku waa inuu qiimeeyaa hadduu xun yahay iyo hadduu fiican yahayba, oo sidii wadaadku ku qiimeeyo ha ahaato.

    15Oo kii quduus ka dhigay hadduu doonayo inuu gurigiisii soo furto, markaas ha ku sii daro lacagtii aad ku qiimaysay oo shan meelood loo dhigay meesheed, markaas isagaa lahaan doona.

  • 30Naag baad guursan doontaa, laakiinse nin kalaa la seexan doona, guri baad dhisan doontaa, laakiinse degi maysid, beercanab baad beeran doontaa, laakiinse midhihiisa ku isticmaali maysid.

  • 19Habase yeeshee, haddii dalkii hantidiinna ahaa aanu nadiif ahayn, de markaas u soo gudba dalka Rabbiga hantidiisa ah, oo uu taambuuggii Rabbigu ku dhex jiro, oo nala qayb qaata; laakiinse Rabbiga ha ku caasiyoobina, oo annagana ha nagu caasiyoobina, oo ha dhisina meel allabari oo aan ahayn tii Rabbiga Ilaaheenna ah.

  • 66%

    9waayo, idinku weli ma aydaan gaadhin nasashada iyo dhaxalka uu Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siinayo.

    10Laakiinse markaad Webi Urdun ka gudubtaan oo aad degtaan dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu idin dhaxalsiinayo, oo uu idinka nasiyo cadaawayaashiinna idinku wareegsan oo dhan, si aad ammaan ugu degganaataan,

  • 27Shuqulkaaga dibadda ku hagaajiso, Oo beerta ku diyaarso, Oo dabadeedna gurigaaga dhiso.

  • 66%

    18¶ Oo waagaas waxaan idinku amray oo idinku idhi, Rabbiga Ilaahiinna ahu dalkan buu idiin siiyey inaad hantidaan. Raggiinna dagaalyahanka ah oo dhammu idinkoo hub wata walaalihiinna reer binu Israa'iil hor mara oo gudba.

    19Laakiinse afooyinkiinna iyo yaryarkiinna iyo xoolihiinnu ha iska joogeen magaalooyinkiinna aan idin siiyey, (waayo, waan ogahay inaad xoolo badan leedihiin,)

    20ilaa uu Rabbigu nasiyo walaalihiin siduu idiin nasiyey oo kale, oo iyana ay hantiyaan dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu iyaga ka siinayo Webi Urdun shishadiisa, markaas ninkiin waluba ha ku soo noqdo hantidiisa aan siiyey.

  • 3Laakiinse Ilaah baa igu yidhi, Waa inaadan guri u dhisin magacayga aawadiis, maxaa yeelay, waxaad tahay nin dagaal, oo dhiig baad daadisay.

  • 23iyo haddii aan meel allabari u dhisannay inaannu Rabbiga kaga leexanno, ama haddii aannu u dhisnay in lagu dul bixiyo qurbaan la gubo, ama qurbaan hadhuudh ah, ama in lagu dul bixiyo allabari ah qurbaanno nabaadiino, sidaas hadday tahay, Rabbiga qudhiisu ha na weyddiiyo;

  • 5Oo iyagu ha u dhiibeen shaqaalaha guriga Rabbiga u taliya, oo si meelaha guriga ka jajabay loo dhiso iyana ha u dhiibeen shaqaalaha guriga Rabbiga ku jira,

  • Tir 31:27-28
    2 aayado
    66%

    27oo boolida laba meelood u kala qaybi, oo kala sii ragga dagaalyahanka ah ee dagaalka u baxay, iyo intii kale ee shirka oo dhan;

    28oo Rabbiga canshuur uga qaad raggii dagaalka u baxay; oo shantii boqolba mid ka soo bixi dadka, iyo lo'da, iyo dameerrada, iyo idaha,

  • 18Oo annagu guryahayaga ku soo noqon mayno ilamaa reer binu Israa'iil nin waluba dhaxalkiisa dhaxlo.

  • 13Oo waxaan idin siiyey dal aydnaan u hawshoon, iyo magaalooyin aydnaan dhisan, oo waad iska dhex degtaan, oo waxaad ka cuntaan canab iyo saytuun aydnaan beeran.

  • 10Haddaba iska jir, waayo, Rabbigu wuxuu kuu doortay inaad meesha quduuska ah guri u dhistid. Xoog yeelo oo samee.

  • 26Oo sidaas daraaddeed waxaannu isnidhi, Haddaba aynu isu diyaarinno inaynu dhisanno meel allabari, oo aan lagu bixin qurbaan la gubo ama allabari,

  • 3Oo waa inaad jidka hagaagsataan oo dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin dhaxalsiinayona soohdimihiisa waxaad u qaybisaan saddex meelood in gacankudhiigle kastaaba halkaas ku cararo.