Sharciga Kunoqoshadiisa 28:65

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo quruumahaas dhexdooda istareex kama heli doontaan, oo cagtiinnuna ma nasan doonto, laakiinse Rabbigu wuxuu halkaas idinku siin doonaa qalbigariir, iyo indhabbeel, iyo naf dulloobid.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Laaw 26:36 : 36 Oo intii idinka hadhana waxaan qalbigooda ku ridi doonaa fulanimo, iyagoo dalalka cadaawayaashooda dhex jooga, oo sanqadha caleen dabaylu kaxaynayso ayaa iyaga eryan doonta, oo waxay uga carari doonaan sida qof seef uga cararo, oo iyadoo aan ninna eryanayn ayay iska daadan doonaan.
  • Laaw 26:16 : 16 markaasaan aniguna waxyaalahan idinku samayn doonaa. Naxdin baan idinku soo dejin doonaa, taasoo ah baabbi'id iyo qandho indhaha idinka ridda oo naftana idinka dullaysa, oo abuurkiinnana waxtarla'aan baad u beeran doontaan, waayo, waxaa iska cuni doona cadaawayaashiinna.
  • Aam 9:4 : 4 Oo xataa hadday cadaawayaashooda maxaabiis ahaan u hor socdaan, halkaasna seef baan ka amri doonaa, iyana way layn doontaa, oo waxaan indhahayga iyaga ugu taagi doonaa inaan belaayo ku sameeyo oo aanan wanaag u samayn.
  • Aam 9:9-9 : 9 Waayo, bal eega, anigu waan amri doonaa, oo dadka Israa'iil waan ku kala haadin doonaa quruumaha oo dhan, sida hadhuudh xaadhin loogu haadiyo, laakiinse xabbad yaruna dhulka kuma dhici doonto. 10 Dembilayaasha dadkayga oo dhan oo leh, Belaayo na soo gaadhi mayso nana heli mayso, dhammaantood seef bay ku dhiman doonaan.
  • Xab 3:16 : 16 Anigu waan maqlay, kolkaasaan caloosha ka naxay, Oo codkii aawadiis ayaa bushimahaygu la qadhqadheen, Lafahaygiina way qudhmeen, oo meeshaydaan ku gariiray, Inaan iska nasto intaan sugayo maalinta dhibka Oo ay ciidammadu ku soo kici doonaan dadka.
  • Mat 24:8 : 8 Waxan oo dhammu waa bilowga hoogagga.
  • Luuk 21:26 : 26 Dadkuna waxay la suuxi doonaan baqdin iyo filasho waxa dunida iman doona, waayo, xoogagga cirka ayaa la gariirin doonaa.
  • Room 11:10 : 10 Indhahoodu ha madoobaadeen si aanay waxba u arkin, Dhabarkoodana foorari weligiis.
  • Bil 8:9 : 9 laakiin qoolleydii meel ay cagta dhigto ayay weyday, kolkaasay Nuux xaggiisii ku soo noqotay iyo xaggii doonnidii, maxaa yeelay, biyihii baa dhulka oo dhan dul joogay; kolkaasuu gacanta dibadda u bixiyey, oo soo qabtay iyadii, oo soo geliyey doonnidii.
  • Ish 51:17 : 17 ¶ Yeruusaalemay tii gacanta Rabbiga koobkii cadhadiisa ka cabtayay, toos oo toos, oo sara joogso. Waxaad cabtay koobka lagu dhacdhaco, waadna heensatay.
  • Ish 57:21 : 21 Ilaahaygu wuxuu leeyahay, Kuwa sharka ah nabadu uma jirto.
  • Ish 65:14 : 14 addoommadaydu farxadda qalbigooda ayay la gabyi doonaan, idinkuse murugta qalbigiinna ayaad la ooyi doontaan, oo dhibta ruuxiinna ayaad la barooran doontaan.
  • Bar 3:65 : 65 Indhala'aanta qalbiga waad siin doontaa, inkaartaadana korkooda waad ka yeeli doontaa.
  • Yex 5:12-17 : 12 Saddexdaada dalool baa belaayo u le'an doona, oo abaar bay dhexdaada ugu baabbi'i doonaan, oo daloolna seef buu hareerahaaga ugu le'an doonaa, oo daloolka saddexaadna dabaylaha oo dhan baan ku kala firdhin doonaa, oo seef baan ka daba qaadan doonaa. 13 Oo sidaasaa xanaaqaygu ku dhammaystirmi doonaa, cadhadaydana iyagaan ku dejin doonaa, markaasaan qaboobi doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan aniga Rabbiga ahu qiiradayda kula hadlay markaan cadhadaydii korkooda ku dhammaystiray. 14 Oo weliba waxaan kaa dhigi doonaa meel cidla ah iyo cay dhex taal quruumaha hareerahaaga ku wareegsan, iyadoo ay kuwa ku soo ag mara oo dhanba indhaha ku hayaan. 15 Sidaasay quruumaha hareerahaaga ku wareegsan ugu noqon doontaa cay, iyo ceeb, iyo wax lagu waana qaato, iyo wax lagu yaabo, markaan dhexdaada xukummo ugu sameeyo xanaaq iyo cadho iyo canaan kulul. Aniga Rabbiga ah ayaa sidaas ku hadlay. 16 Saasaa noqon doonta markaan dushooda ku soo dayn doono fallaadhaha baas ee abaarta ah, oo inay wax baabbi'iyaan u qaybsan, oo aan u soo diri doono inay idin baabbi'iyaan, oo abaartaan idiin sii badin doonaa, oo ushiinna kibistana waan kala jebin doonaa, 17 oo waxaan kugu soo dayn doonaa abaar iyo dugaag xunxun, oo iyana way ku gablamin doonaan, oo belaayo iyo dhiig ayaa ku dhex mari doona, oo seef baan kugu soo dayn doonaa. Aniga Rabbiga ah ayaa sidaas ku hadlay.
  • Yex 12:18-19 : 18 Wiilka Aadamow, kibistaada naxdin ku cun, oo biyahaagana gariirid iyo welwel ku cab, 19 oo dadka dalka degganna waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu dadka deggan Yeruusaalem iyo dalka reer binu Israa'iilba ka leeyahay, Iyagu kibistooda welwel bay ku cuni doonaan, oo biyahoodana yaab bay ku cabbi doonaan, si uu dalkoodu uga cidloobo waxa dhexdiisa jooga oo dhan, waana dulmiga kuwa dhexdiisa deggan oo dhammu ay sameeyaan aawadiis.
  • Yex 20:32-35 : 32 Oo waxa maankiinna soo galaana innaba ma ay ahaan doonaan, waayo, waxaad isku tidhaahdaan, Annagu waxaannu noqon doonnaa sida quruumaha kale, iyo sida qolooyinka waddammada deggan oo kale si aannu qoryo iyo dhagax ugu adeegno. 33 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, hubaal boqor baan idiinku ahaan doonaa gacan xoog badan iyo dhudhun fidsan iyo cadho la soo daadshay, 34 oo dadyowga waan idinka soo dhex bixin doonaa, oo waddammadii aad ku kala dhex firidheen waxaan idinkaga soo ururin doonaa gacan xoog badan iyo dhudhun fidsan iyo cadho la soo daadshay. 35 Oo waxaan idiin keeni doonaa cidlada dadyowga, oo halkaasaan fool ka fool idinkula xaajoon doonaa.
  • Hos 11:10-11 : 10 Iyagu waxay daba geli doonaan Rabbiga oo sidii libaax buu u ciyi doonaa, Markuu ciyo ilmihiisu xagga galbeed bay ka iman doonaan iyagoo gariiraya. 11 Waxay iyagoo gariiraya u iman doonaan sidii shimbir Masar ka soo baxday, iyo sidii qoolley ka soo baxday dalka Ashuur, oo anigu waxaan iyaga ka dhigi doonaa inay guryahooda iska degganaadaan, ayaa Rabbigu leeyahay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 81%

    66Oo naftiinnana waad u shakiyi doontaan, oo habeen iyo maalinba waad cabsan doontaan, oo noloshiinnana ma aad hubi doontaan innaba.

    67Oo waaberigii waxaad odhan doontaan, Bal may fiid noqoto! Sababtuna waa cabsida aad qalbiga ka cabsan doontaan iyo xumaanta aad indhaha ku arki doontaan.

  • 81%

    62Oo in kastoo aad u faro badnaydeen sida xiddigaha samada oo kale waxaa uun idinka hadhi doona in yar oo dhawr ah, maxaa yeelay, codkii Rabbiga Ilaahiinna ah ayaad dhegaysan weydeen.

    63Oo sidii Rabbigu idiinku farxay inuu wanaag idiin sameeyo oo uu idin badiyo, ayuu sidaas oo kale ugu farxi doonaa inuu idin halligo oo idin baabbi'iyo, oo idinka waa laydinka rujin doonaa dalka aad ugu socotaan inaad hantidaan.

    64Oo Rabbigu wuxuu idinku kala dhex firdhin doonaa dadyowga oo dhan, iyo tan iyo dunida geesteed iyo ilaa geesteeda kale, oo halkaas waxaad ugu adeegi doontaan ilaahyo kale oo qoryo iyo dhagax ah oo aydaan aqoon idinka iyo awowayaashiin toona.

  • 77%

    31Dibigaaga ayaa hortaada lagu gowrici doono, idahaagana waxaa la siin doonaa cadaawayaashaada, oo mid ku badbaadiyana lama arki doono.

    32Wiilashiinna iyo gabdhihiinna waxaa la siin doonaa dad kale, oo indhihiinnuna way eegi doonaan, oo maalinta oo dhan waxaad la taag darnaan doontaan xiiso aad iyaga u qabtaan, oo gacantiinnuna xoog ma yeelan doonto innaba.

    33Oo midhaha dhulkiinna iyo hawshiinna oo dhan waxaa cuni doona quruun aydaan aqoon, oo weligiin waxaad ahaan doontaan dad la dulmo oo la burburiyo,

    34oo taas daraaddeed waxaad la waalan doontaan waxa indhihiinnu arki doonaan.

    35Oo Rabbigu lowyaha iyo lugaha tan iyo tin iyo cedhib wuxuu idinka gelin doonaa boogo aydaan ka bogsan karin.

    36Oo Rabbigu wuxuu idinka iyo boqorkiinna aad boqran doontaanba u geeyn doonaa quruun idinka iyo awowayaashiinba aydaan aqoon, oo halkaas waxaad ugu adeegi doontaan ilaahyo kale oo qoryo iyo dhagax ah.

    37Oo dadyowga Rabbigu idiin geeyn doono oo dhan dhexdooda waxaad ku ahaan doontaan yaab iyo maahmaah iyo halqabsi.

  • 76%

    27Oo Rabbigu wuxuu idinku kala firdhin doonaa dadyowga dhexdooda, oo quruumaha Rabbigu xaggooda idiin hoggaamin doono idinkoo yar ayaad ku dhex hadhi doontaan.

    28Oo halkaas waxaad u adeegi doontaan sanamyo gacma dad lagu sameeyey oo ah qoryo iyo dhagax, oo aan waxba arag, waxna maqal, oo aan wax cunin, waxna urin.

  • 25Oo Rabbigu wuxuu ka dhigi doonaa in laydinku laayo cadaawayaashiinna hortooda, oo iyaga jid qudha baad kaga iman doontaan, oo hortooda ayaad toddoba jid ku kala carari doontaan, oo boqortooyooyinka dunida oo dhammu waad ku dhex rogrogmi doontaan hore iyo dib.

  • 74%

    47maxaa yeelay, idinku Rabbiga Ilaahiinna ah wax kasta oo uu idinku badiyey aawadood uguguma aydaan adeegin faraxsanaan iyo qalbi reyreeya.

    48Haddaba sidaas daraaddeed cadaawayaashiinna Rabbigu idiin soo diri doono ayaad ugu adeegi doontaan gaajo iyo harraad iyo qaawanaan, idinkoo wax kasta u baahan, oo wuxuu qoorta idinka saari doonaa harqood bir ah, ilaa uu idin baabbi'iyo.

    49Rabbigu wuxuu meel fog oo dhulka darafkiisa ah idinkaga keeni doonaa quruun sida gorgorka u duulaysa oo aydaan afkeeda garanayn,

    50oo ah quruun weji cabsi badan, oo aan dadka waayeelka ah maamuusin, aan dhallaankana u nixin.

    51Oo dadkaasu wuxuu cuni doonaa midhaha xoolihiinna iyo midhaha dhulkiinna, ilaa aad baabba'daan, oo weliba idiinkama tegi doono hadhuudh, iyo khamri, iyo saliid, iyo dhasha lo'diinna, iyo tan idihiinna, ilaa uu idin halligo.

    52Oo meel kasta oo dhulkiinna ah ayuu dhammaan irdihiinna idinku hareerayn doonaa ilaa derbiyadiinna deyrka dheer ee aad isku hallayseen ay soo wada dhacaan, oo wuxuu idinku hareerayn doonaa irdihiinna oo dhan ee dhulka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siiyey oo dhan.

  • 25Oo ninnaba ma awoodi doono inuu idin hor istaago, oo Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu dalkii aad cag marin doontaan oo dhan saari doonaa cabsidiinna iyo naxdintiinna, siduu idiin sheegay.

  • 74%

    20Rabbigu wuxuu idinku soo dejin doonaa inkaar iyo dhibaato, oo wuu idinku canaanan doonaa wax alla wixii aad gacanta ku qabataan oo dhan jeeraad baabba'daan oo aad haddiiba halligantaan, waana sharka falimihiinna, oo aad iiga tagteen aawadiis.

    21Oo Rabbigu wuxuu idinku dhejin doonaa balaayada, jeeruu idinka baabbi'iyo dalka aad u gelaysaan inaad hantidaan.

  • 13markaas xaqiiq ahaan u ogaada inuusan Rabbiga Ilaahiinna ahu mar dambe quruumahaas hortiinna ka eryayn, laakiinse waxay idinku noqon doonaan siriq iyo dabin, oo markaasay dhinacyada idinka karbaashi doonaan, oo indhahana qodxan idinkaga mudi doonaan, ilaa aad ka baabba'daan dalkan wanaagsan oo Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siiyey.

  • 73%

    28Oo weliba Rabbigu wuxuu idinku ridi doonaa waalli iyo indhabbeel iyo naxdin.

    29Oo hadhkii baad u haabhaaban doontaan sida indhooluhu gudcurka u haabhaabto, oo jidadkiinna kuma liibaani doontaan, laakiinse had iyo goorba waa laydin dulmi doonaa oo waa laydin dhici doonaa, oo mid idin badbaadiyana lama arki doono.

  • 73%

    36Oo intii idinka hadhana waxaan qalbigooda ku ridi doonaa fulanimo, iyagoo dalalka cadaawayaashooda dhex jooga, oo sanqadha caleen dabaylu kaxaynayso ayaa iyaga eryan doonta, oo waxay uga carari doonaan sida qof seef uga cararo, oo iyadoo aan ninna eryanayn ayay iska daadan doonaan.

    37Oo iyagoo aan ninna eryanayn ayaa midkoodba midka kale ku turunturoon doonaa sidii iyagoo seef ka baqanaya. Oo innaba ma aad yeelan doontaan itaal aad cadaawayaashiinna isku hor taagtaan.

    38Waxaad ku dhex baabbi'i doontaan quruumaha, oo dalka cadaawayaashiinnuna waa idin dhammaysan doonaa.

  • 3¶ Oo maalinta Rabbigu kaa nasiyo murugtaadii, iyo dhibkaagii, iyo addoonsigii adkaa oo lagugu addoonsanayay,

  • 1¶ Oo markii waxyaalahan oo dhammu ay idinku dhacaan, kuwaas oo ah barakada iyo inkaarta aan idin hor dhigay, oo aad ku xusuusataan quruumaha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idinku kexeeyey dhexdooda oo dhan,

  • 19Oo markay yidhaahdaan, Rabbiga Ilaahayaga ahu bal muxuu waxyaalahan oo dhan noogu sameeyey? Kolkaas waxaad ku tidhaahdaa, Sidaad Rabbiga uga tagteen, oo aad ilaahyo qalaad dalkiinna ugu dhex adeegteen, sidaas oo kalaad shisheeyayaal ugu dhex adeegi doontaan dal aan kiinna ahayn.

  • 45Inkaarahan oo dhammu idinkay idinku soo degi doonaan, wayna idin eryan doonaan oo idin soo gaadhi doonaan ilaa aad baabba'daan, maxaa yeelay, ma aydaan dhegaysan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, inaad xajisaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa uu idinku amray.

  • 13Oo sidaas daraaddeed dalkan waan idinka xoori doonaa oo waxaan idinku dhex tuuri doonaa dal aydaan aqoonin idinka iyo awowayaashiin toona, oo halkaasaad ilaahyo kale ugu adeegi doontaan habeen iyo maalinba, oo aniguna innaba raalli idinkama ahaan doono.

  • 27Midkoodna ma daali doono, mana kufi doono, oo midkoodna ma gam'i doono, mana seexan doono, dhex-xidhkuna ma furmi doono, yeelmaha kabahooduna ma go'i doono.

  • 33Oo waxaan idinku kala dhex firdhin doonaa quruumaha, oo seef gal la' waan idinla daba geli doonaa, dalkiinnuna cidla buu noqon doonaa, oo magaalooyinkiinnuna baabba' bay noqon doonaan.

  • 19Mar dambe ma aad arki doontid dadka cadhada kulul, ee uusan hadalkoodu kuu dhicin, oo leh af qalaad oo aadan innaba garan karin.

  • 14Wax baad cuni doontaan mase dhergi doontaan. Gaajadiinnu dhexdiinnay ku jiri doontaa. Wax baad kaydin doontaan, laakiinse sinaba uma aad nabad gelin doontaan, oo wixii aad nabadgelisaanna seef baan u gacangelinayaa.

  • 15¶ Laakiinse haddaydnan dhegaysan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, inaad xajisaan oo aad wada yeeshaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa aan maanta idinku amrayo, markaas inkaarahan oo dhammu way idinku soo degi doonaan oo idin soo gaadhi doonaan.

  • 9waayo, idinku weli ma aydaan gaadhin nasashada iyo dhaxalka uu Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siinayo.

  • 16markaasaan aniguna waxyaalahan idinku samayn doonaa. Naxdin baan idinku soo dejin doonaa, taasoo ah baabbi'id iyo qandho indhaha idinka ridda oo naftana idinka dullaysa, oo abuurkiinnana waxtarla'aan baad u beeran doontaan, waayo, waxaa iska cuni doona cadaawayaashiinna.

  • 18waaba intaasoo uu dhexdiinna ku jiraa nin, ama naag, ama reer, ama qabiil, qalbigiisu maanta uga sii jeestay Rabbiga Ilaaheenna ah inuu u adeego quruumahaas ilaahyadooda, oo waaba intaasoo uu idinku dhex jiraa xidid dhalaa xammeeti iyo dacar,

  • 55Laakiinse haddaydnan dadka dalka deggan hortiinna ka eryin, markaas kuwii aad daysaan waxay idinku noqon doonaan sidii wax indhihiinna muda, iyo sidii qodxan dhinacyada idinkaga jira, oo waxay idinku dhibi doonaan dalka aad deggan tihiin.

  • 16Oo waa inaad wada baabbi'isaan dadyowga Rabbiga Ilaahiinna ahu gacanta idiin soo gelin doono, oo waa inaydaan iyaga u nixin, oo ilaahyadoodana waa inaydaan u adeegin, maxaa yeelay, taasu dabin bay idiin noqonaysaa.

  • 20Sidii quruumihii Rabbigu hortiinna ka baabbi'iyey oo kale ayaad idinkuna baabba'aysaan, maxaa yeelay, waad diiddeen inaad codkii Rabbiga Ilaahiinna ah maqashaan.

  • 70%

    55si uusan midkoodna wax uga siin hilibka carruurtiisa oo uu cuni doono, maxaa yeelay, isaga waxba uma hadhi doonaan intii uu ku jiro hareeraynta iyo cidhiidhiga ay cadaawayaashiinnu irdihiinna oo dhan idinkaga cidhiidhin doonaan.

    56Oo naagta jilicsan, oo idinku dhex jirta oo qabow ku noolaan jirtay oo aan u quudhin inay cagteeda cad dhulka dhigto nolosheedii qaboobayd oo jilicsanayd aawadeed, waxay il shar ah ku dayi doontaa ninkeeda laabta kaga jiifa, iyo wiilkeeda iyo gabadheeda.

  • 14Oo weliba waxaan kaa dhigi doonaa meel cidla ah iyo cay dhex taal quruumaha hareerahaaga ku wareegsan, iyadoo ay kuwa ku soo ag mara oo dhanba indhaha ku hayaan.

  • 9Oo markaan halligaaddii aad quruumaha ku dhex halligantay u keeno waddammada aadan aqoonin ayaan dadyow badan qalbigood dhibi doonaa.