Ishacyaah 33:19

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Mar dambe ma aad arki doontid dadka cadhada kulul, ee uusan hadalkoodu kuu dhicin, oo leh af qalaad oo aadan innaba garan karin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 28:11 : 11 Laakiinse bushimo dad qalaad iyo af kale ayuu kula hadli doonaa dadkan
  • Sharc 28:49-50 : 49 Rabbigu wuxuu meel fog oo dhulka darafkiisa ah idinkaga keeni doonaa quruun sida gorgorka u duulaysa oo aydaan afkeeda garanayn, 50 oo ah quruun weji cabsi badan, oo aan dadka waayeelka ah maamuusin, aan dhallaankana u nixin.
  • Yer 5:15 : 15 Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Israa'iilow, bal ogaada, quruun baan meel fog idinkaga keeni doonaa, oo taasu waa quruun xoog badan, oo waa quruun tan iyo waa hore jirtay, oo waa quruun aydaan afkeeda aqoon, oo aydaan innaba garanayn wax alla waxay yidhaahdaanba.
  • Yex 3:5-6 : 5 Waayo, laguuma dirin dad hadal qalaad oo afkoodu adag yahay, laakiinse waxaa laguu diray reer binu Israa'iil. 6 Laguumana dirin dadyow badan oo hadal qalaad oo afkoodu adag yahay, oo adaan erayadooda garan karin. Hubaal haddaan iyaga kuu diri lahaa, way maqli lahaayeen.
  • 2 Boq 19:32 : 32 Haddaba Rabbigu saasuu uga hadlay boqorka Ashuur oo yidhi, Isagu magaaladan iman maayo, fallaadhna ku soo gani maayo, horteedana gaashaan la iman maayo, taallo ciid ahna ag tuuli maayo.
  • Bax 14:13 : 13 Markaasaa Muuse wuxuu dadkii ku yidhi, War ha cabsanina, oo iska taagnaada, oo bal arka badbaadada uu Rabbigu maanta idiin samayn doono; waayo, Masriyiinta aad maanta aragteen, weligiin mar dambe ma arki doontaan.
  • 1 Kor 14:21 : 21 Waxaa sharciga ku qoran, Waxaan dadkan kula hadli doonaa afaf qalaad iyo bushimo dad kale, oo xataa sidaa daraaddeed ima maqli doonaan, ayuu Rabbigu leeyahay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 11Laakiinse bushimo dad qalaad iyo af kale ayuu kula hadli doonaa dadkan

  • Yex 3:5-6
    2 aayado
    77%

    5Waayo, laguuma dirin dad hadal qalaad oo afkoodu adag yahay, laakiinse waxaa laguu diray reer binu Israa'iil.

    6Laguumana dirin dadyow badan oo hadal qalaad oo afkoodu adag yahay, oo adaan erayadooda garan karin. Hubaal haddaan iyaga kuu diri lahaa, way maqli lahaayeen.

  • 76%

    49Rabbigu wuxuu meel fog oo dhulka darafkiisa ah idinkaga keeni doonaa quruun sida gorgorka u duulaysa oo aydaan afkeeda garanayn,

    50oo ah quruun weji cabsi badan, oo aan dadka waayeelka ah maamuusin, aan dhallaankana u nixin.

  • 15Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Israa'iilow, bal ogaada, quruun baan meel fog idinkaga keeni doonaa, oo taasu waa quruun xoog badan, oo waa quruun tan iyo waa hore jirtay, oo waa quruun aydaan afkeeda aqoon, oo aydaan innaba garanayn wax alla waxay yidhaahdaanba.

  • Ish 33:17-18
    2 aayado
    73%

    17Indhahaagu waxay arki doonaan Boqorka oo quruxdiisa huwan, oo waxay arki doonaan dhul ilaa meel fog kala baxsan.

    18Qalbigaagu wuxuu ka fikiri doonaa cabsida. Meeh karraanigii wax tirin jiray? Oo meeh kii baadda miisaami jiray? Oo meeh kii munaaradaha tirin jiray?

  • Ish 32:3-4
    2 aayado
    73%

    3Oo kuwii arka indhahoodu ma ay awdmi doonaan, oo kuwii maqla dhegahooduna way dhegaysan doonaan.

    4Oo kuwa wax walba ku degdega qalbigoodu aqoontuu garan doonaa, oo kuwa gangada leh carrabkooduna wuxuu diyaar u ahaan doonaa inuu bayaan u hadlo.

  • 26oo ku yidhi, Adigu dadka u tag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Maqal baad ku maqli doontaan, mana garan doontaan; Idinkoo arkaya, wax baad arki doontaan, idiinmana dhaadhici doonto;

  • 71%

    33Oo midhaha dhulkiinna iyo hawshiinna oo dhan waxaa cuni doona quruun aydaan aqoon, oo weligiin waxaad ahaan doontaan dad la dulmo oo la burburiyo,

    34oo taas daraaddeed waxaad la waalan doontaan waxa indhihiinnu arki doonaan.

  • 71%

    65Oo quruumahaas dhexdooda istareex kama heli doontaan, oo cagtiinnuna ma nasan doonto, laakiinse Rabbigu wuxuu halkaas idinku siin doonaa qalbigariir, iyo indhabbeel, iyo naf dulloobid.

    66Oo naftiinnana waad u shakiyi doontaan, oo habeen iyo maalinba waad cabsan doontaan, oo noloshiinnana ma aad hubi doontaan innaba.

  • 16Quruumuhu way arki doonaan, oo waxay ka ceeboobi doonaan itaalkooda oo dhan, oo intay gacanta afka saaraan ayay dhego beeli doonaan.

  • 21Waad ka qarsoonaan doontaa karbaashidda carrabka; Oo baabbi'iddu markay timaadana kama aad cabsan doontid innaba.

  • 20Bal eeg Siyoon oo ah magaaladii iidaheenna. Indhahaagu waxay arki doonaan Yeruusaalem oo ah rug xasilloon, iyo teendho aan la qaadi doonin, oo aan dhidbeheedana weligood la rujin doonin, oo aan xadhkeheeduna go'i doonin.

  • 14Waa inaadan caayin qofkii dhega la', oo kii indha la'na waa inaadan hortiisa dhigin wax lagu turunturoodo, laakiinse waa inaad Ilaahaaga ka cabsataa, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 26Oo carrabkaaga dhabxanaggaagaan ku dhejin doonaa, si aad carrablaawe u noqotid, oo aanad iyaga mid canaanta ugu noqon, waayo, iyagu waa reer caasiyoobay.

  • 21Waxaa sharciga ku qoran, Waxaan dadkan kula hadli doonaa afaf qalaad iyo bushimo dad kale, oo xataa sidaa daraaddeed ima maqli doonaan, ayuu Rabbigu leeyahay.

  • 70%

    36Oo Rabbigu wuxuu idinka iyo boqorkiinna aad boqran doontaanba u geeyn doonaa quruun idinka iyo awowayaashiinba aydaan aqoon, oo halkaas waxaad ugu adeegi doontaan ilaahyo kale oo qoryo iyo dhagax ah.

    37Oo dadyowga Rabbigu idiin geeyn doono oo dhan dhexdooda waxaad ku ahaan doontaan yaab iyo maahmaah iyo halqabsi.

  • 21Dadka nacasyada ahu oo aan waxgarashada lahayn, oo indhaha leh laakiinse aan waxba arkin, oo dhegaha leh laakiinse aan waxba maqlinow, bal haatan waxan maqla:

  • 3Sidaas daraaddeed dadka xoogga badanu way ku ammaani doonaan, oo magaalada quruumaha laga cabsadona way ka cabsan doontaa.

  • Yex 27:35-36
    2 aayado
    69%

    35Dadka gasiiradaha deggan oo dhammu way kula yaabsan yihiin, oo boqorradooduna aad iyo aad bay u cabsan yihiin, oo wejigooduna aad buu u argaggaxsan yahay.

    36Oo baayacmushtariyaasha dadka ku dhex jiraa way kugu foodhyaan, oo cabsi baad noqotay, oo weligaana mar dambe ma aad jiri doontid.

  • 9Oo wuxuu igu yidhi, Tag, oo dadkan waxaad ku tidhaahdaa, Wax sii maqla, mana garan doontaan, oo wax sii arka, idiinmana dhaadhici doonto.

  • 33Indhahaagu waxay arki doonaan naago qalaad, Oo qalbigaaguna wuxuu ku hadli doonaa waxyaalo qalloocan.

  • 3Ma jiro hadal ama af Aan codkooda laga maqlin.

  • 3Oo adiguna gacantiisa kama aad baxsan doontid, laakiinse hubaal waa lagu qabsan doonaa, oo gacantiisaa lagugu ridi doonaa, oo indhahaaguna waxay fiirin doonaan indhaha boqorka Baabuloon, oo isna afkiisuu kula hadli doonaa, oo Baabuloon baad tegi doontaa.

  • 19Dadyowga dhexdooda kuwa kugu yaqaan oo dhammu adigay kula yaabi doonaan, cabsi baad noqotay, oo weligaana mar dambe ma aad jiri doontid.

  • 19iyo dhawaaqii buunka, iyo codkii erayada, oo ahaa codkii ay kuwii maqlay Muuse ka baryeen inaan eray dambe lagula hadlin.

  • 12Haddaba iska jira, oo axdi ha la dhiganina dadka deggan dalka aad u socotaan, waaba intaasoo ay dabin ku noqoto dhexdiinna,

  • 14Iyagay u noqotay waxsheegidda Isayos iyadoo leh, Maqal baad ku maqli doontaan mana garan doontaan, Idinkoo arkaya wax baad arki doontaan, idiinmana dhaadhici doonto.

  • 2oo dadkoodu yihiin dad waaweyn oo dhaadheer oo ah reer Canaaq, oo aad taqaanaan oo aad maqasheen in la yidhi, Bal yaa reer Canaaq hor istaagi kara?

  • Ish 29:11-12
    2 aayado
    68%

    11Oo riyo kastaaba waxay idiin noqotay sidii erayadii qorniin shaabad lagu xidhay, oo loo dhiibay qof wax akhriyi kara, oo lagu leeyahay, Waannu ku baryaynaaye kan akhri, oo isna wuxuu leeyahay, Ma aan akhriyi karo, waayo, shaabad buu ku xidhan yahay.

    12Oo haddana qorniinkii waxaa loo dhiibaa mid aan akhris baran, oo waxaa lagu leeyahay, Waannu ku baryaynaaye kan akhri, oo isna wuxuu leeyahay, Anigu waxba ma aan akhriyi karo.

  • 4laakiinse Rabbigu ilaa maantadan la joogo idinma siin qalbi wax garta iyo indho wax arka iyo dhego wax maqla toona.

  • 7sidaas daraaddeed bal ogow waxaan kugu soo kicin doonaa shisheeyayaal oo ah kuwa cabsida leh ee quruumaha, oo iyaguna waxay seeftooda ula soo bixi doonaan inay quruxda xigmaddaada ku kharribaan, oo dhalaalkaagana way nijaasayn doonaan.

  • Ish 29:4-5
    2 aayado
    68%

    4Oo hoos baa laguu soo dejin doonaa, oo dhulkaad ka dhex hadli doontaa, oo hadalkaaguna isagoo gaaban ayuu ciidda ka yeedhi doonaa, oo codkaaguna wuxuu ahaan doonaa sida mid ruuxaan leh oo dhulka ka yeedhaya, oo hadalkaaguna ciidduu ka shuqshuqlayn doonaa.

    5Laakiinse shisheeyahaaga badanu waxay noqon doonaan sida boodh, oo kuwa laga cabsado oo tirada badanuna waxay noqon doonaan sida buunsho sii bidaya, oo taasuna si kedis ah ayay dhaqso ugu noqon doontaa.

  • 5Waxaad hoos u ridi doontaa buuqa shisheeyayaasha sida kulaylka meesha engegan oo kale. Sida hooska daruurtu kulaylka u rida ayaa kuwa laga cabsado gabaygooda hoos loo ridi doonaa.

  • 9Nacas waxba ha kula hadlin, Waayo, isagu xigmadda hadalkaaga wuu quudhsan doonaa.

  • 25Oo Rabbigu wuxuu ka dhigi doonaa in laydinku laayo cadaawayaashiinna hortooda, oo iyaga jid qudha baad kaga iman doontaan, oo hortooda ayaad toddoba jid ku kala carari doontaan, oo boqortooyooyinka dunida oo dhammu waad ku dhex rogrogmi doontaan hore iyo dib.

  • 38Waxaad ku dhex baabbi'i doontaan quruumaha, oo dalka cadaawayaashiinnuna waa idin dhammaysan doonaa.

  • 9¶ Sidaasoo kalena idinku markaad af ku hadashaan haddaydnan ku hadlin hadal la garto, sidee baa loo garanayaa waxa lagu hadlayo? Waayo, dabayshaad la hadlaysaan.

  • 68%

    28Oo weliba Rabbigu wuxuu idinku ridi doonaa waalli iyo indhabbeel iyo naxdin.

    29Oo hadhkii baad u haabhaaban doontaan sida indhooluhu gudcurka u haabhaabto, oo jidadkiinna kuma liibaani doontaan, laakiinse had iyo goorba waa laydin dulmi doonaa oo waa laydin dhici doonaa, oo mid idin badbaadiyana lama arki doono.

  • 12Ha odhanina, Waa fallaagow waxa dadkanu fallaagow yidhaahdaan oo dhan, hana ka cabsanina wixii ay ka cabsadaan, oo innaba ha argaggixina.