Baxniintii 20:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Waa inaanad samaysan sanam xardhan, ama wax u eg waxa samada sare jira, ama waxa dhulka hoose jira, ama waxa biyaha dhulka ka hooseeya ku jira.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Laaw 26:1 : 1 ¶ Waa inaydaan sanamyo samaysan, ama aydaan qotonsan ekaan la qoray amase tiir, oo waa inaydaan dalkiinna dhagax la qoray u dhex dhigin inaad u sujuuddaan, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
  • Sharc 4:15-19 : 15 ¶ Haddaba aad u digtoonaada, waayo, wax qaab leh ma aydaan arkin cayn kasta ha ahaadee maalintii Rabbigu dabka dhexdiisa idinkala hadlay oo aad joogteen Buur Xoreeb, 16 waaba intaasoo aad iskharribtaan, oo aad samaysaan sanam xardhan qaab kasta ha lahaadee, oo u eg lab ama dhaddig, 17 ama u eg dugaagga dhulka jooga, ama u eg haadda cirka dhex duusha, 18 ama u eg wax dhulka gurguurta, ama u eg wax kalluun ah oo ku jira biyaha dhulka ka hooseeya. 19 Ama waa intaasoo aad indhaha samada kor ugu taagtaan, oo markaad aragtaan qorraxda iyo dayaxa iyo xiddigaha oo ah ciidanka samada oo dhan, laydin jiitaa oo aad caabuddaan iyaga, oo aad u adeegtaan, kuwaasoo Rabbiga Ilaahiinna ahu u qaybiyey dadyowga samada ka hooseeya oo dhan.
  • Sab 97:7 : 7 Kuwa sanamyada la qoray u adeega Iyo weliba kuwa sanamyada ku faana oo dhammu ha ceeboobeen, Ilaahyada oo dhammow, isaga caabuda.
  • Sharc 27:15 : 15 ¶ Inkaaru ha ku dhacdo ninkii sameeya oo meel qarsoon qotonsada sanam xardhan ama la shubay oo Rabbiga karaahiyo u ah oo ah wax nin saanac ahu gacantiisa ku sameeyey. Oo dadka oo dhammuna ha u jawaabeen oo ha yidhaahdeen, Aamiin.
  • Laaw 19:4 : 4 Sanamyo ha u jeesanina, oo hana samaysanina ilaahyo la tumay, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
  • Fal 17:29 : 29 Haddaba innagoo ah Ilaah farcankiis waa inaynaan ka fikirin in Ilaahnimadu ay la mid tahay dahab ama lacag ama dhagax oo lagu xardhay sancada iyo farsamada dadka.
  • Ish 45:16 : 16 Iyagu dhammaantood way ceeboobi doonaan oo giddigoodna way sharafjabi doonaan, oo kuwa sanamyo sameeya oo dhammu way wada qasmi doonaan.
  • Muj 14:9-9 : 9 ¶ Oo haddana waxaa soo raacday malaa'ig kale oo saddexaad, iyadoo cod weyn ku leh, Haddii nin caabudo bahalka iyo sanamkiisa, ama uu aqbalo sumad in lagaga dhigo wejiga ama gacanta, 10 isna wuxuu ka cabbi doonaa khamriga cadhada Ilaah oo lagu shubay koobka cadhadiisa isagoo aan badhxanayn; oo waxaa isaga lagu silcin doonaa dab iyo baaruud malaa'igaha quduuska ah hortooda iyo Wanka hortiisa. 11 Oo qiiqa caddibaaddooda kor buu u baxayaa weligiis iyo weligiis, oo kuwa caabuda bahalka iyo sanamkiisa, iyo ku alla kii aqbala sumadda magiciisa nasasho heli maayaan habeen iyo maalin toona.
  • Muj 16:2 : 2 ¶ Markaasaa waxaa tagtay middii kowaad, oo waxay fijaankeedii ku shubtay dhulka, oo wuxuu dadkii sumaddii bahalka lahaa oo caabuday sanamkiisii u noqday boog xun oo halis ah.
  • 1 Boq 12:28 : 28 Markaasaa boqorkii tashaday, oo wuxuu sameeyey laba weylood oo dahab ah, oo wuxuu dadkii ku yidhi, Dadkii Israa'iilow, aad bay idiinku dhib badan tahay inaad Yeruusaalem tagtaan, haddaba bal eega ilaahyadiinnii idinka keenay dalkii Masar.
  • 2 Taar 33:7 : 7 Oo sanamkii xardhanaa ee uu sameeyey ayuu dhex qotomiyey gurigii Ilaah ee uu Ilaah ka hadlay oo Daa'uud iyo wiilkiisii Sulaymaanba ku yidhi, Gurigan iyo Yeruusaalem dhexdeeda oo aan ka doortay qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan ayaan magacayga weligiisba ku dayn doonaa.
  • Fal 19:26-35 : 26 Waxaad arkaysaan oo aad maqlaysaan in Bawloskanu sasabay oo jeediyey dad badan, oo aan kuwii Efesos oo keliya ahayn, laakiin kuwii joogay Aasiya badidood, isagoo leh, Ilaahyo gacmo lagu sameeyo, ilaahyo ma aha. 27 Khatar uma aha shuqulkeenna oo keliya in la quudhsado, laakiin waxay khatar u tahay oo kale in macbudka ilaahadda weyn oo Di'ana la fududaysto, weynaanteedana laga baabbi'iyo, taasoo Aasiya oo dhan iyo duniduba ay wada caabudaan. 28 ¶ Oo markay taas maqleen, aad bay u cadhoodeen, wayna dhawaaqeen iyagoo leh, Waxaa weyn Di'anada reer Efesos. 29 Magaaladii oo dhammuna waa wada qasnayd; waxayna qabsadeen Gayos iyo Aristarkhos oo ahaa niman reer Makedoniya oo la socdaali jiray Bawlos, markaasay iyagoo isku wada qalbi ah te'atradii ku yaaceen. 30 Kolkii Bawlos damcay inuu dadkii dhex galo, xertii uma ay oggolaan isagii. 31 Haddaba qaar ka mid ah madaxda Aasiya oo saaxiibbo u ahaa isagii ayaa u soo cid diray, oo waxay ka baryeen inuusan isku biimayn te'atradii. 32 Haddaba qaar wax bay ku qayliyeen, qaar kalena wax kalay ku qayliyeen, maxaa yeelay, ururkii waa qasnaa, badidooduna ma ay garanayn waxay isugu yimaadeen. 33 Markaasay Aleksanderos ka soo saareen dadkii badnaa isagoo ay Yuhuuddii hore u soo tuurayaan. Markaasaa Aleksanderos gacan taagay, oo wuxuu damci lahaa inuu af isku daafaco dadka hortiisa. 34 Laakiin kolkay garteen inuu Yuhuudi yahay ayay dhammaan intii laba saacadood ah isku cod ku qayliyeen iyagoo leh, Waxaa weyn Di'anada reer Efesos. 35 ¶ Markuu karaanigii magaaladu aamusiiyey dadkii badnaa, ayuu ku yidhi, Nimankiinan reer Efesosow, ninkee baan oqoon in magaalada Efesos ay tahay ta ilaalisa macbudka Di'anada weyn iyo sanamkii Yubiter ka soo dhacay?
  • Room 1:23 : 23 Ammaantii Ilaaha aan dhimanin ayay ku beddeleen sanam u eg nin dhimanaya iyo haad iyo xayawaan iyo waxa bogga ku gurguurta.
  • Muj 9:20 : 20 ¶ Oo dadkii hadhay oo aan lagu dilin saddexdaas belaayo, kama ay toobadkeenin shuqulladii gacmahooda, si ayan u caabudin jinniyo, iyo sanamyo dahab ah, iyo kuwo lacag ah, iyo kuwo naxaas ah, iyo kuwo dhagax ah, iyo kuwo qoryo ah, oo aan wax arki karin, waxna maqli karin, soconna karin;
  • Muj 13:14-15 : 14 Oo kuwa dhulka deggan wuxuu ku khiyaaneeyey calaamooyinkii isaga loo siiyey inuu ku sameeyo bahalkii hortiisa; isagoo kuwa dhulka deggan ku leh, Waa inaad sanam u samaysaan bahalka seefta nabarkeedii ku yaal ee soo noolaaday. 15 Oo haddana waxaa isagii la siiyey xoog uu neef ku geliyo sanamkii bahalka, in sanamkii bahalku hadlo oo uu ka dhigo in la dilo in alla intii aan caabudin sanamkii bahalka.
  • Ish 46:5-8 : 5 Bal yaad ii ekaysiinaysaan oo ila simaysaan, oo yaad igu masaalaysaan inaannu isku mid ahaanno? 6 Kuwa dahab kolayga ka soo qubaa, oo lacagna kafadaha ku miisaamaa waxay soo kiraystaan dahabtume, oo isna wax ilaah ah buu ka dhigaa, markaasay u sujuudaan oo caabudaan. 7 Garbahooday ku qaadaan, oo way xambaaraan, oo meeshiisay qotomiyaan. Isna wuu iska taagnaadaa, oo meeshiisana innaba kama dhaqaaqo. Oo dadku way u qayshan doonaa, laakiinse isagu uma uu jawaabi karo, oo dhibkoodana kama uu badbaadin karo. 8 ¶ Kuwiinna xadgudbayow, bal waxan soo xusuusta, oo aad u fiirsada, bal mar kale soo garwaaqsada.
  • Yer 10:3-5 : 3 Waayo, dadyowga caadooyinkoodu waxtar ma leh, maxaa yeelay, mid baa kaynta geed ka soo jara, waana wax ay nin saanac ah gacmihiisu faas ku sameeyaan. 4 Waxaa lagu sharraxaa lacag iyo dahab, oo waxaa lagu dhuujiyaa musmaarro iyo dubbayaal, si uusan u dhaqdhaqaaqin. 5 Sanamyadaas waa sida geed timireed oo toosan, laakiinse ma ay hadlaan, oo waxay u baahan yihiin in la qaado, maxaa yeelay, ma ay socon karaan. Iyaga ha ka baqina, waayo, wax xun idinkuma samayn karaan, oo weliba innaba wax san ma samayn karaan.
  • Yer 10:8-9 : 8 Laakiinse iyagu dhammaantood waa doqonno iyo nacasyo, cilmigoodu waa wax aan waxtar lahayn, waayo, waa qori uun. 9 Lacag la tumay baa Tarshiish laga keenaa, oo dahabna Uufaas, waana nin saanac ah shuqulkiis, iyo wixii lacagshubuhu uu gacmihiisa ku sameeyey, oo dharkooduna waa buluug iyo guduud, oo dhammaantoodna waa nin saanac ah shuqulkiis.
  • Yer 10:14-16 : 14 Nin kastaaba wuxuu noqday doqon aan aqoon lahayn, oo dahabshube kastaaba wuxuu ku ceeboobay sanamkiisii la xardhay, waayo, sanamkiisii la shubay waa been oo innaba neef ma leh. 15 Iyagu waa wax aan waxtar lahayn iyo shuqul lagu majaajilowdo, oo wakhtiga ciqaabiddoodana way wada baabbi'i doonaan. 16 Kan Yacquub qaybta u ah iyaga la mid ma aha, waayo, isagu waa kan wax kasta abuuray, oo reer binu Israa'iilna waa qoladii dhaxalkiisa, oo magiciisuna waa Rabbiga ciidammada.
  • Yex 8:10 : 10 Sidaas daraaddeed waan galay oo waxaan arkay cayn kasta oo wax gurguurta ah, iyo xayawaan karaahiyo ah, iyo sanamyadii reer binu Israa'iil oo dhan oo lagu taswiiray derbiga hareerihiisa oo dhan.
  • Sab 115:4-8 : 4 Sanamyadoodu waa lacag iyo dahab, Oo waa wax dad gacmaha ku sameeyey. 5 Waxay leeyihiin af, laakiinse ma hadlaan, Indhona way leeyihiin, laakiinse waxba ma arkaan, 6 Dhegona way leeyihiin, laakiinse waxba ma maqlaan, Sanna way leeyihiin, laakiinse waxba ma urshaan, 7 Gacmo way leeyihiin, laakiinse waxba ma qabtaan, Cagona way leeyihiin, laakiinse ma socdaan, Oo hungurigoodana hadal kama soo saaraan. 8 Kuwa iyaga sameeyaana sidooda oo kale ayay noqon doonaan, Iyo xataa mid kasta oo iyaga isku halleeyaba.
  • Sab 135:15-18 : 15 Sanamyada quruumuhu waa lacag iyo dahab, Oo waa wax ay dad gacmaha ku sameeyeen. 16 Afaf way leeyihiin, laakiinse ma hadlaan, Indhona way leeyihiin, laakiinse waxba ma arkaan, 17 Dhegona way leeyihiin, laakiinse waxba ma maqlaan, Oo afkoodana neefu kuma jirto. 18 Kuwa iyaga sameeyaana sidooda oo kale ayay noqon doonaan, Iyo xataa mid kasta oo iyaga isku halleeyaaba.
  • Ish 40:18-20 : 18 Haddaba bal yaad Ilaah u ekaysiinaysaan? Amase masaalkee baad isaga kala mid dhigaysaan? 19 Ninkii saanac ahu sanam xardhan buu shubaa, oo dahabtumuhuna dahab buu ku dahaadhaa, oo wuxuu u tumaa silsilado lacag ah. 20 Kii miskiin ah oo aan qurbaan awoodi karinuse wuxuu doortaa geed aan bololi karin, oo wuxuu doondoontaa nin saanac ah oo hagaajiya sanam xardhan oo aan dhaqaaqi karin.
  • Ish 42:8 : 8 Anigu waxaan ahay Rabbiga, kaasuna waa magacayga, oo sharaftaydana mid kale ma siin doono, oo ammaantaydana sanamyo xardhan innaba ma siin doono.
  • Ish 42:17 : 17 Kuwa sanamyada xardhan isku halleeya, oo sanamyada la shubay ku yidhaahda, Idinku ilaahyadayada baad tihiin, dib baa loo sii jeedin doonaa, oo aad loo ceebayn doonaa.
  • Ish 44:9-9 : 9 Sanamyada la qoray kuwa sameeya oo dhammu waa wax aan waxba tarayn, oo waxyaalaha ay jeclaadaanna faa'iido ma yeelan doonaan, oo markhaatiyaashooduna waxba ma arkaan, waxna ma oga, saas darteed way ceeboobi doonaan. 10 Bal yaa wax ilaah ah sameeyey, amase shubay sanam xardhan oo aan waxba tarayn? 11 Bal eega, kuwa daba gala oo dhammu way wada ceeboobi doonaan, saanacyadu waa binu-aadmi uun. Bal dhammaantood ha isu soo wada urureen, oo ha soo istaageen, way cabsan doonaan, oo kulligoodna way wada ceeboobi doonaan. 12 Birtumuhu faas buu sameeyaa oo wuxuu ku shaqeeyaa dhuxul, oo dubbayaal buu ku qabanqaabiyaa, oo gacantiisa xoogga badan ayuu kaga shaqeeyaa; wuu gaajoodaa, wuuna taag gabaa, biyo ma cabbo, wuuna daalaa. 13 Nijaarku xadhig wax lagu qiyaaso buu fidiyaa, oo wax cas buu ku calaamadeeyaa, oo faaraduu ku simaa, oo goobeeyena wuu ku qiyaasaa, oo wuxuu u ekaysiiyaa binu-aadmiga ekaantiis iyo si waafaqsan dadka quruxdiisa inuu guriga joogo. 14 Wuxuu soo goostaa geedo kedar ah, oo wuxuu soo qaataa geed tirsah ah iyo geed alloon ah, oo mid ka mid ah dhirta duudda ayuu xoogaystaa, oo wuxuu beertaa geed oren ah oo roobkuna waa quudiyaa. 15 Dabadeedna wuxuu noqon doonaa wax dad shito, waayo, wax buu ka qaadaa, oo wuu kulaalaa, wuuna shitaa oo kibis buu ku dubtaa, oo weliba wax ilaah ah buu ka samaystaa, wuuna u sujuudaa. 16 Oo in buu dabka ku gubaa, oo inna hilib buu ku bislaystaa, isagoo ku sosha oo ka dherga, wuuna kulaalaa oo wuxuu yidhaahdaa, Hadda waan kululahay, oo dabkii waan arkay. 17 Oo intii ka hadhana wuxuu ka samaystaa wax ilaah ah oo ah xataa sanamkiisa xardhan, oo wuu u sujuudaa oo caabudaa, wuuna baryaa, oo wuxuu yidhaahdaa, I samatabbixi, waayo, adigu waxaad tahay ilaahayga. 18 Iyagu ma ay aqoon, mana ay garanayn, waayo, indhahoodii waa la xidhay si ayan waxba u arkin, oo qalbigoodiina si ayan waxba u garan. 19 Oo midkoodna kama fikiro, oo aqoon iyo waxgarasho midna laguma arko, inuu yidhaahdo, Qoriga qaarkiis baan dab ku gubay, oo duxushiisaan kibis ku dubtay, oo hilib baan ku soshay, waanan cunay, haddaba ma intii ka hadhay baan karaahiyo ka samaystaa? Ma waxaan u sujuudaa geed jiriddiis? 20 Isagu wuxuu cunaa dambas, oo qalbigiisa la khiyaaneeyey ayaa isaga leexiyey, oo naftiisana ma uu samatabbixin karo, mana uu odhan karo, Sow gacantayda midig beenu kuma jirto?
  • Sharc 4:23-25 : 23 Digtoonaada, waaba intaasoo aad illowdaan axdigii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinla dhigtay, oo aad samaysaan sanam xardhan oo u eg waxyaalihii Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin diiday. 24 Waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa dab wax baabbi'iya oo waa Ilaah masayr ah. 25 ¶ Markaad carruur dhashaan oo carruurtiinnuna carruur sii dhasho, oo aad dalka wakhti dheer sii joogtaan, oo aad iskharribtaan, oo aad samaysataan sanam qaab kasta ha lahaadee, oo aad samaysaan wax shar ku ah Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa, oo aad isaga ka cadhaysiisaan,
  • Bax 32:1 : 1 ¶ Oo markii dadkii arkay in Muuse raagay oo uusan buurtii ka soo degin, ayaa dadkii iyagoo urursan Haaruun u yimaadeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Kac, oo inoo samee ilaahyo ina hor socda; waayo, Muusahan oo ah ninkii inaga soo bixiyey dalkii Masar, garan mayno wax ku dhacay.
  • Bax 32:8 : 8 oo haddiiba way ka leexdeen jidkii aan ku amray, oo waxay samaysteen weyl dahab la shubay ah, wayna caabudeen, oo allabarina way u bixiyeen, oo waxayna yidhaahdeen, Reer binu Israa'iilow, kanu waa ilaahiinnii dalka Masar idinka soo waday.
  • Bax 32:23 : 23 Waayo, waxay igu yidhaahdeen, Inoo samee ilaahyo ina hor socda, waayo, Muusahan oo ah ninkii inaga soo bixiyey dalkii Masar, garan mayno wax ku dhacay.
  • Bax 34:17 : 17 Waa inaanad samaysaan ilaahyo shub ah.
  • Sharc 5:8 : 8 ¶ Waa inaanad samaysan sanam xardhan, oo u eg waxa samada sare jira, ama waxa dhulka hoose jira, ama waxa biyaha dhulka ka hooseeya ku jira.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sharc 5:7-9
    3 aayado
    96%

    7¶ Aniga mooyaane ilaahyo kale waa inaanad lahaan.

    8¶ Waa inaanad samaysan sanam xardhan, oo u eg waxa samada sare jira, ama waxa dhulka hoose jira, ama waxa biyaha dhulka ka hooseeya ku jira.

    9Waa inaanad iyaga u sujuudin, ama u adeegin, waayo, aniga oo ah Rabbiga Ilaahaaga ah waxaan ahay Ilaah masayr ah, oo xumaantii awowayaasha waxaan soo gaadhsiinayaa carruurtooda, iyo tan iyo farcanka saddexaad iyo kan afraad oo kuwa i neceb,

  • 3¶ Aniga mooyaane ilaahyo kale waa inaanad lahaan.

  • 1¶ Waa inaydaan sanamyo samaysan, ama aydaan qotonsan ekaan la qoray amase tiir, oo waa inaydaan dalkiinna dhagax la qoray u dhex dhigin inaad u sujuuddaan, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 84%

    15¶ Haddaba aad u digtoonaada, waayo, wax qaab leh ma aydaan arkin cayn kasta ha ahaadee maalintii Rabbigu dabka dhexdiisa idinkala hadlay oo aad joogteen Buur Xoreeb,

    16waaba intaasoo aad iskharribtaan, oo aad samaysaan sanam xardhan qaab kasta ha lahaadee, oo u eg lab ama dhaddig,

    17ama u eg dugaagga dhulka jooga, ama u eg haadda cirka dhex duusha,

    18ama u eg wax dhulka gurguurta, ama u eg wax kalluun ah oo ku jira biyaha dhulka ka hooseeya.

    19Ama waa intaasoo aad indhaha samada kor ugu taagtaan, oo markaad aragtaan qorraxda iyo dayaxa iyo xiddigaha oo ah ciidanka samada oo dhan, laydin jiitaa oo aad caabuddaan iyaga, oo aad u adeegtaan, kuwaasoo Rabbiga Ilaahiinna ahu u qaybiyey dadyowga samada ka hooseeya oo dhan.

  • 23Haddaba waa inaydnaan yeelan ilaahyo kale aniga mooyaane; oo ilaahyo lacag ah iyo ilaahyo dahab ah waa inaydnaan samaysan.

  • 82%

    21¶ Oo meesha allabariga ee Rabbiga Ilaahiinna ah oo aad samayn doontaan agtiisa ha ka beeran geed Asheeraah cayn kastoo uu yahay toona.

    22Oo hana qotonsan tiir uu Rabbiga Ilaahiinna ahu neceb yahay.

  • 23Digtoonaada, waaba intaasoo aad illowdaan axdigii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinla dhigtay, oo aad samaysaan sanam xardhan oo u eg waxyaalihii Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin diiday.

  • 17Waa inaanad samaysaan ilaahyo shub ah.

  • 5Waa inaanad iyaga u sujuudin, ama u adeegin, waayo, aniga oo ah Rabbiga Ilaahaaga ah waxaan ahay Ilaah masayr ah, oo xumaantii awowayaasha waxaan soo gaadhsiinayaa carruurtooda tan iyo farcanka saddexaad iyo kan afraad oo kuwa i neceb,

  • 4Sanamyo ha u jeesanina, oo hana samaysanina ilaahyo la tumay, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 4Waa inaydaan Rabbiga Ilaahiinna ah saas ku samayn.

  • 25¶ Markaad carruur dhashaan oo carruurtiinnuna carruur sii dhasho, oo aad dalka wakhti dheer sii joogtaan, oo aad iskharribtaan, oo aad samaysataan sanam qaab kasta ha lahaadee, oo aad samaysaan wax shar ku ah Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa, oo aad isaga ka cadhaysiisaan,

  • 25Oo sanamyada xardhan oo ilaahyadooda waa inaad gubtaan, oo aydaan damcin lacagta iyo dahabka korkooda saaran, hana qaadanina, yeydnan siriq ku dhicine, waayo, taasu waxay Rabbiga Ilaahiinna ah u tahay karaahiyo.

  • 15¶ Inkaaru ha ku dhacdo ninkii sameeya oo meel qarsoon qotonsada sanam xardhan ama la shubay oo Rabbiga karaahiyo u ah oo ah wax nin saanac ahu gacantiisa ku sameeyey. Oo dadka oo dhammuna ha u jawaabeen oo ha yidhaahdeen, Aamiin.

  • 13Oo waxaan dhexdiinna ka baabbi'in doonaa taswiirahiinna xardhan iyo tiirarkiinna, oo mar dambe ma aad caabudi doontaan sancada gacmihiinna.

  • Bax 20:7-9
    3 aayado
    76%

    7¶ Waa inaanad magaca Rabbiga Ilaahaaga ah si been ah ugu hadal qaadin, waayo, Rabbigu eedlaawe u haysan maayo kii magiciisa si been ah ugu hadal qaada.

    8¶ Xusuuso maalinta sabtida, inaad quduus ka dhigto.

    9Lix maalmood waa inaad hawshootaa, oo aad shuqulkaaga oo dhan qabsataa,

  • 24Waa inaadan u sujuudin ilaahyadooda, hana u adeegin, shuqulkooda oo kalena ha samayn; laakiinse waa inaad wada afgembidaa, oo aad sanamyadoodana jejebisaa.

  • 14Oo idinku waa inaydaan daba gelin ilaahyo kale oo ah ilaahyada dadyowga hareerihiinna ku wareegsan,

  • Bax 34:13-14
    2 aayado
    74%

    13laakiinse waa inaad dumisaan meelahooda allabariga, oo burburisaan tiirarkooda, oo gooysaan geedahooda Asheeraah,

    14waayo, idinku waa inaydnaan caabudin ilaah kale, maxaa yeelay, Rabbiga magiciisu yahay Masayr waa Ilaah masayr ah;

  • 9Waa inaan ilaah qalaad idinku dhex jirin, Oo waa inaydaan innaba ilaah qalaad caabudin.

  • Bax 20:13-17
    5 aayado
    74%

    13¶ Waa inaanad qudh gooyn.

    14¶ Waa inaanad sinaysan.

    15¶ Waa inaanad waxba xadin.

    16¶ Waa inaanad deriskaaga marag been ah ku furin.

    17¶ Waa inaanad damcin guriga deriskaaga, waa inaanad damcin naagta deriskaaga, ama addoonkiisa, ama addoontiisa, ama dibigiisa, ama dameerkiisa, ama waxa deriskaagu leeyahay oo dhan.

  • Ish 44:9-10
    2 aayado
    73%

    9Sanamyada la qoray kuwa sameeya oo dhammu waa wax aan waxba tarayn, oo waxyaalaha ay jeclaadaanna faa'iido ma yeelan doonaan, oo markhaatiyaashooduna waxba ma arkaan, waxna ma oga, saas darteed way ceeboobi doonaan.

    10Bal yaa wax ilaah ah sameeyey, amase shubay sanam xardhan oo aan waxba tarayn?

  • 18Haddaba bal yaad Ilaah u ekaysiinaysaan? Amase masaalkee baad isaga kala mid dhigaysaan?

  • 25Oo haddaad meel allabari dhagax iiga samayso, waa inaadan dhagax qoran ka dhisin, waayo, haddaad alaabtaada taabsiisid waad nijaasaysay.

  • 28Oo halkaas waxaad u adeegi doontaan sanamyo gacma dad lagu sameeyey oo ah qoryo iyo dhagax, oo aan waxba arag, waxna maqal, oo aan wax cunin, waxna urin.

  • 32Waa inaadan axdi la dhigan iyaga iyo ilaahyadooda toona.

  • 11¶ Waa inaanad magaca Rabbiga Ilaahaaga ah si been ah ugu hadal qaadin, waayo, Rabbigu eedlaawe u haysan maayo kii magiciisa si been ah ugu hadal qaada.

  • 20¶ Oo waa inaadan deriskaaga marag been ah ku furin.

  • 6Oo ilaahyo kale ha u daba gelina inaad u adeegtaan oo caabuddaan, oo shuqullada gacmihiinna ha igaga cadhaysiinina, oo aniguna innaba wax idin yeeli maayo.

  • 20Bal nin miyuu samaysan karaa ilaahyo aan Ilaah ahayn?

  • 8Oo isagu ma uu fiirin doono meelaha allabariga ee uu gacmihiisa ku sameeyey, umana uu jeedsan doono wixii ay farihiisu sameeyeen, kuwaasoo ah geedaha Asheeraah, iyo sanamyada qorraxda.

  • 28Waa inaydaan jidhkiinna u gooyn qof dhintay daraaddiis, ama waa inaydaan waxba ku daabicin, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 52waa inaad dadka dalka deggan oo dhan hortiinna ka eridaan, oo aad dhagaxyadooda sawirrada ah oo dhan wada baabbi'isaan, oo aad sanamyadooda la shubay oo dhan wada burburisaan, oo aad meelahooda sarsare oo dhan wada dumisaan.

  • 4Sanamyadoodu waa lacag iyo dahab, Oo waa wax dad gacmaha ku sameeyey.

  • 3oo intuu taga u adeega ilaahyo kale, oo caabuda iyaga, ha ahaadeen qorraxda, ama dayaxa, amase ciidanka samada midkood, taasoo aanan anigu ku amrin,