Laawiyiintii 19:28

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waa inaydaan jidhkiinna u gooyn qof dhintay daraaddiis, ama waa inaydaan waxba ku daabicin, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 14:1 : 1 ¶ Idinku waxaad tihiin Rabbiga Ilaahiinna ah carruurtiisii, haddaba qof dhintay aawadiis jidhkiinna ha u goynina, oo indhihiinna dhexdoodana ha u xiirina.
  • 1 Boq 18:28 : 28 Markaasay aad u qayliyeen, oo sidii caadadoodu ahayd waxay isku jareen mindiyo iyo eebooyin ilamaa dhiig ka soo burqaday.
  • Yer 16:6 : 6 Oo kuwa waaweyn iyo kuwa yaryaruba dalkanay ku dhex dhiman doonaan. Lama xabaali doono, loomana barooran doono, laysumana googooyn doono, oo iyaga aawadoodna laysuma xiiri doono.
  • Yer 48:37 : 37 Waayo, madax kastaba waa la xiiray, oo gadh kastaba waa la jaray, oo gacmaha oo dhanna nabaraa ku kor yaal, oo dhexdana joonyad baa ku xidhan.
  • Laaw 21:5 : 5 Oo waa inaan ninkoodna madaxa xiiran, oo waa inayan gadhkooda xiirin, ama ayan jidhkooda gooyn.
  • Laaw 21:1 : 1 ¶ Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, La hadal wadaaddada ah wiilashii Haaruun, oo waxaad ku tidhaahdaa, Ninkiinna yuusan isu nijaasayn mid dadkiisa ah oo dhintay,
  • Muj 15:2 : 2 ¶ Markaasaan arkay wax u eg bad muraayad ah oo dab ku dhex qasan yahay iyo kuwii iyagoo guulaysan ka yimid xaggii bahalkii iyo xaggii sanamkiisii iyo xaggii nambarkii magiciisa, oo dul taagan baddii muraayadda ahayd iyagoo haysta kataaradihii Ilaah.
  • Muj 16:2 : 2 ¶ Markaasaa waxaa tagtay middii kowaad, oo waxay fijaankeedii ku shubtay dhulka, oo wuxuu dadkii sumaddii bahalka lahaa oo caabuday sanamkiisii u noqday boog xun oo halis ah.
  • Muj 19:20 : 20 Markaasaa la qabtay bahalkii iyo nebigii beenta ahaa oo calaamooyinka hortiisa ku samayn jiray, kuwaasoo uu ku khiyaanayn jiray kuwii aqbalay sumaddii bahalka iyo kuwii u sujuuday sanamkiisii, oo labadoodii iyagoo nool ayaa waxaa lagu dhex tuuray baddii dabka ahayd, oo baaruuddu ka ololaysay;
  • Muj 20:4 : 4 ¶ Oo markaasaan arkay carshiyo, oo waxaa kuwa ku fadhiyey la siiyey amar ay ku xukumaan; oo haddana waxaan arkay nafihii kuwii madaxa looga jaray markhaatigii ay Ciise u fureen aawadiis, iyo eraygii Ilaah aawadiis, iyo kuwii aan caabudin bahalkii iyo sanamkiisa toona, oo aan aqbalin in sumaddii lagaga dhigo wejigooda iyo gacantooda; way soo noolaadeen oo kun sannadood ayay Masiix wax la xukumeen.
  • Mark 5:5 : 5 Weligiiba, habeen iyo maalin, ayuu buuraha iyo xabaalaha joogi jiray isagoo qaylinaya oo dhagaxyona isku jarjaraya.
  • Muj 13:16-17 : 16 Oo haddana wuxuu ka dhigay in kulli, yar iyo weyn, iyo taajir iyo faqiir, iyo xor iyo addoonba sumad lagaga dhigo gacanta midigta ama wejiga; 17 iyo inaanu ninna awoodin inuu wax iibiyo ama iibsado, kii sumadda leh mooyaane, taasoo ah magaca bahalka ama nambarka magiciisa.
  • Muj 14:9 : 9 ¶ Oo haddana waxaa soo raacday malaa'ig kale oo saddexaad, iyadoo cod weyn ku leh, Haddii nin caabudo bahalka iyo sanamkiisa, ama uu aqbalo sumad in lagaga dhigo wejiga ama gacanta,
  • Muj 14:11 : 11 Oo qiiqa caddibaaddooda kor buu u baxayaa weligiis iyo weligiis, oo kuwa caabuda bahalka iyo sanamkiisa, iyo ku alla kii aqbala sumadda magiciisa nasasho heli maayaan habeen iyo maalin toona.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 86%

    26Waa inaydaan wax dhiiggoodu ku jiro cunin, oo waa inaydaan u tegin falanfallowyo ama aydaan faalna ku noqnoqon.

    27Waa inaydaan timaha madaxa ka jaran dhinacyada, gadhkiinnana waa inaydaan jarin.

  • 1¶ Idinku waxaad tihiin Rabbiga Ilaahiinna ah carruurtiisii, haddaba qof dhintay aawadiis jidhkiinna ha u goynina, oo indhihiinna dhexdoodana ha u xiirina.

  • 5Oo waa inaan ninkoodna madaxa xiiran, oo waa inayan gadhkooda xiirin, ama ayan jidhkooda gooyn.

  • Laaw 19:3-4
    2 aayado
    75%

    3Oo idinka midkiin kastaaba waa inuu ka cabsadaa aabbihiis iyo hooyadiis, oo waa inaad dhawrtaan maalmahayga sabtida ah, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

    4Sanamyo ha u jeesanina, oo hana samaysanina ilaahyo la tumay, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 75%

    29Waa inaadan gabadhaada nijaasayn oo aadan dhillo ka dhigin, waaba intaasoo uu dalku noqdaa sino miidhan oo uu shar ka buuxsamaa.

    30Waa inaad maalmahayga sabtida ah dhawrtaan, oo aad meeshayda quduuska ah maamuustaan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

    31Ha u jeesanina xagga kuwa ruuxaanta leh, iyo saaxiriinta, oo iyaga ha doondoonina yeydnan nijaasoobine, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

    32Waa inaad qofkii cirro leh u istaagtaa, oo waa inaad ninkii oday ah cisaysaa, waana inaad Ilaahaa ka cabsataa, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 75%

    29Waayo, ku alla kii sameeya waxyaalahaas karaahiyada ah, xataa nafihii waxyaalahaas sameeya dadkooda waa laga gooyn doonaa.

    30Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad amarkayga xajisaan si aydaan u samayn oo aydaan ugu nijaasoobin caadooyinkaas karaahiyada ah oo dadkii idinka horreeyey ay samayn jireen, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • Laaw 26:1-2
    2 aayado
    74%

    1¶ Waa inaydaan sanamyo samaysan, ama aydaan qotonsan ekaan la qoray amase tiir, oo waa inaydaan dalkiinna dhagax la qoray u dhex dhigin inaad u sujuuddaan, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

    2Waa inaad iidahayga dhawrtaan, oo aad meeshayda quduuska ah maamuustaan, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 21Waa inaadan carruurtaada Moleg siin oo aadan iyaga innaba dab u dhex marsiin, oo weliba waa inaadan magaca Ilaahaaga hadal nijaas ah ka sheegin, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 4Waa inaydaan Rabbiga Ilaahiinna ah saas ku samayn.

  • 16waaba intaasoo aad iskharribtaan, oo aad samaysaan sanam xardhan qaab kasta ha lahaadee, oo u eg lab ama dhaddig,

  • 8¶ Waa inaanad samaysan sanam xardhan, oo u eg waxa samada sare jira, ama waxa dhulka hoose jira, ama waxa biyaha dhulka ka hooseeya ku jira.

  • 4¶ Waa inaanad samaysan sanam xardhan, ama wax u eg waxa samada sare jira, ama waxa dhulka hoose jira, ama waxa biyaha dhulka ka hooseeya ku jira.

  • Laaw 20:7-8
    2 aayado
    71%

    7Haddaba isdaahiriya oo quduus ahaada, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

    8Oo waa inaad qaynuunnadayda dhawrtaan oo yeeshaan, waayo, anigu waxaan ahay Rabbiga quduus idinka dhiga.

  • 24Waa inaydaan Rabbiga u bixin neef xiniinyihiisa la burburiyey, ama la tumay, ama la jejebiyey, ama laga gooyay, oo waa inaydaan dalkiinna sidaasoo kale ku dhex samayn.

  • 14Waa inaadan caayin qofkii dhega la', oo kii indha la'na waa inaadan hortiisa dhigin wax lagu turunturoodo, laakiinse waa inaad Ilaahaaga ka cabsataa, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 12Oo waa inaydaan magacayga been ugu dhaaran, yeydnan hadal nijaas ah ka sheegin magaca Ilaahiinna, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 17Waa inaanad samaysaan ilaahyo shub ah.

  • 9¶ Oo markaad gashaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo waa inaydaan baran inaad samaysaan waxyaalaha karaahiyo ah oo ay quruumahaasu sameeyaan.

  • 70%

    31Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad xajisaan oo yeeshaan amarradayda, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

    32Waa inaydaan wax nijaas ah ka sheegin magacayga quduuska ah, laakiinse quduus baan ku dhex ahaan doonaa dadka reer binu Israa'iil, waayo, anigu waxaan ahay Rabbiga quduus idinka dhiga,

  • 6Oo kuwa waaweyn iyo kuwa yaryaruba dalkanay ku dhex dhiman doonaan. Lama xabaali doono, loomana barooran doono, laysumana googooyn doono, oo iyaga aawadoodna laysuma xiiri doono.

  • 16Waa inaadan dadkaaga xan kula dhex wareegin, oo waa inaadan deriskaaga dhiiggiisa hor joogsan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 3Falimaha dalka Masar ee aad degganaan jirteen waa inaydaan samayn, oo falimaha dalka Kancaan oo aan idiin geeynayana waa inaydaan samayn, oo qaynuunnadoodana waa inaydaan ku socon.

  • 7¶ Waa inaanad magaca Rabbiga Ilaahaaga ah si been ah ugu hadal qaadin, waayo, Rabbigu eedlaawe u haysan maayo kii magiciisa si been ah ugu hadal qaada.

  • 38Oo ku alla kii kaas oo kale sameeya, inuu ku udgoonsado, kaas dadkiisa waa laga gooyn doonaa.

  • 70%

    21¶ Oo meesha allabariga ee Rabbiga Ilaahiinna ah oo aad samayn doontaan agtiisa ha ka beeran geed Asheeraah cayn kastoo uu yahay toona.

    22Oo hana qotonsan tiir uu Rabbiga Ilaahiinna ahu neceb yahay.

  • 18Waa inaadan ninna ka aarsan, waana inaadan dadkaaga u ciil qabin, laakiinse waa inaad deriskaaga u jeclaataa sidaad naftaada u jeceshahay oo kale, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 33Oo ku alla kii taas oo kale sameeya, ama ku alla kii qof qalaad mariya, dadkiisa waa laga gooyn doonaa.

  • Laaw 18:5-6
    2 aayado
    70%

    5Haddaba sidaas daraaddeed idinku waa inaad dhawrtaan qaynuunnadayda iyo xukummadayda, oo ninkii sameeyaana iyaguu ku noolaan doonaa, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

    6¶ Waa inaan midkiinna u dhowaan qof ka mid ah xigaalkiisa u dhow inuu cawradiisa qaawiyo, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 14Haddaba waa inaad dhawrtaan sabtida, waayo, waa idiin quduus, oo mid kasta oo ka dhiga wax aan quduus ahayn hubaal waa in la dilaa, waayo, ku alla kii maalintaas shaqeeya, de qofkaas waa in laga gooyaa dadkiisa.

  • 13Oo waxaan dhexdiinna ka baabbi'in doonaa taswiirahiinna xardhan iyo tiirarkiinna, oo mar dambe ma aad caabudi doontaan sancada gacmihiinna.

  • 12¶ Oo dharka aad guntato afartiisa darafba waa inaad faraq u yeeshaa.

  • 23Digtoonaada, waaba intaasoo aad illowdaan axdigii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinla dhigtay, oo aad samaysaan sanam xardhan oo u eg waxyaalihii Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin diiday.

  • 11Oo waxaad iska gudi doontaan buuryadiinna; waxayna calaamo u noqon doontaa axdiga ina dhex yaal aniga iyo idinka.

  • 11Oo weliba waa inuusan meyd gudaha ugu gelin, oo xataa waa inuusan isu nijaasayn aabbihiis iyo hooyadiis toona.

  • 6Oo ilaahyo kale ha u daba gelina inaad u adeegtaan oo caabuddaan, oo shuqullada gacmihiinna ha igaga cadhaysiinina, oo aniguna innaba wax idin yeeli maayo.

  • 17Waa inaan midkiinna midka kale dulmin; laakiinse waxaad ka cabsataan Ilaahiinna, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 27Oo Rabbigu wuxuu idinku ridi doonaa boogtii Masar, iyo kasoobaxyo, iyo cadho, iyo xajiin aydaan ka bogsan karin.

  • 13¶ Waa inaanad qudh gooyn.

  • 37Oo waa inaad wada dhawrtaan oo yeeshaan qaynuunnadayda oo dhan iyo xukummadayda oo dhan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.