Baxniintii 5:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo lebenkii ay markii hore samayn jireen tiradiisii oo kale waa inaad hadda ka dib ku qasabtaan inay sameeyaan, oo waa inaydnaan waxba ka dhimin, waayo, waa caajisiin oo sidaas daraaddeed waxay u qaylinayaan, iyagoo leh, Na sii daa aannu tagnee oo aan Ilaahayaga allabari u bixinnee.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 106:41 : 41 Oo wuxuu iyagii u gacangeliyey quruumaha, Oo kuwii iyaga necbaa ayaa u taliyey.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 5:9-19
    11 aayado
    86%

    9Haddaba nimanka ha lagu qasbo hawl ka culus intii hore inay ku hawshoodaan, oo yaanay hadal been ah u jeedin.

    10Markaasay kuwii hawsha dadka ku cadaadin jiray iyo saraakiishoodiiba dibadda u bexeen, oo waxay la hadleen dadkii, oo ku yidhaahdeen, Waxaa Fircoon idin leeyahay, Caws idin siin maayo.

    11Idinku taga oo caws ka doonta meeshii aad ka heli kartaan, laakiin hawshiinna waxba laydinka dhimi maayo innaba.

    12Sidaa daraaddeed ayaa dadku ku kala firdhay dalkii Masar oo dhan inay jirrido jajab ah soo ururiyaan meeshii cawska laga siin jiray.

    13Oo kuwii dadka hawsha ku cadaadin jirayna way daddajiyeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Dhammeeya shuqulladiinna, iyo hawshiinna intii aad maalin walba samayn jirteen, sidii markii cawsku jiri jiray oo kale.

    14Oo saraakiishii reer binu Israa'iil, oo Fircoon kuwiisa dadka hawsha ku cadaadiyaa ay dadka madaxda uga dhigeen, waa la garaacay, oo waxaa lagu yidhi, War maxaad shalay iyo maantaba hawshiinna u dhammayn weydeen oo aad lebenkii ugu samayn weydeen sidii hore?

    15Markaasay saraakiishii reer binu Israa'iil waxay u tageen oo u cataabeen Fircoon, waxayna ku yidhaahdeen, War maxaad addoommadaada sidan ugula macaamilootaa?

    16Addoommadaada caws lama siiyo, oo waxay nagu yidhaahdaan, Leben sameeya. Oo bal eeg, addoommadaadii waa la garaacaa, laakiinse gardarrada waxaa iska leh dadkaaga.

    17Laakiinse wuxuu ku yidhi iyagii, Caajisiin baad tihiin, caajisiin baad tihiin, oo sidaas daraaddeed baad u leedihiin, Aannu tagno oo aan Rabbiga allabari u bixinno.

    18Haddaba taga oo shaqeeya, waayo, caws laydin siin maayo, oo weliba waa inaad keentaan tiradii lebenkii oo kale.

    19Oo saraakiishii reer binu Israa'iil waxay arkeen in xaalkoodii xun yahay, markii lagu yidhi, Waa inaydnaan waxba dhimin lebenkii aad maalin walba samayn jirteen.

  • Bax 5:4-7
    4 aayado
    84%

    4Markaasaa boqorkii Masar wuxuu ku yidhi iyagii, Muuse iyo Haaruunow, maxaad dadka uga joojinaysaan shuqulladooda? Orda oo hawlihiinna culculus qabsada.

    5Kolkaasaa Fircoon wuxuu yidhi, Bal eega, haatan dadka dalku waa badan yihiin, oo idinku waad ka nasiseen hawlahoodii cuscuslaa.

    6Markaasaa Fircoon wuxuu isla maalintaas ku amray kuwii dadka hawsha ku cadaadin jiray iyo saraakiishoodii, isagoo leh,

    7Hadda dabadeed waa inaydnaan dadka siin caws ay leben ka sameeyaan sidii loo siin jiray, laakiinse iyagu ha tageen oo caws ha soo gurteen.

  • 3Oo waxay isku yidhaahdeen, Ina keena, aynu leben samaysannee, oo aynu aad u dubnee. Oo waxay dhagaxa meeshiisa u haysteen leben, nuuradda meesheedana dhoobo.

  • Bax 36:5-6
    2 aayado
    70%

    5Oo intay Muuse la hadleen ayay ku yidhaahdeen, Dadku waxay keeneen in ka sii badan intii ku filnayd in lagu qabto shuqulkii Rabbigu amray in la sameeyo.

    6Markaasaa Muuse amar bixiyey, oo waxaa xeradii oo dhan laga naadiyey inaan nin iyo naag toona wax dambe u bixin shuqulka meesha quduuska ah. Sidaas daraaddeed baa dadkii looga joojiyey si aanay wax kale u keenin.

  • 8¶ Oo weliba dalkooda waxaa ka buuxa sanamyo, oo waxay caabudaan shuqulkii gacmahooda, iyo wixii ay farahoodu sameeyeen.

  • Bax 1:13-14
    2 aayado
    69%

    13Oo Masriyiintiina waxay reer binu Israa'iil ku qasbeen inay qaxar ku adeegaan,

    14oo waxay naftoodii ku dhibeen hawl aad u adag, oo ahayd dhoobo la qaso, iyo leben, iyo hawl kasta oo beeraha laga qabto, oo hawl kastoo ay ku qasbeen inay qabtaanba way ku qaxri jireen.

  • 2 Boq 22:5-6
    2 aayado
    69%

    5Oo iyagu ha u dhiibeen shaqaalaha guriga Rabbiga u taliya, oo si meelaha guriga ka jajabay loo dhiso iyana ha u dhiibeen shaqaalaha guriga Rabbiga ku jira,

    6kuwaasoo ah nijaarrada, iyo waxdhisayaasha, iyo wastaadyada, oo ha ku soo iibiyeen alwaax iyo dhagaxyo la qoray oo guriga lagu dhiso.

  • 8Oo meel kasta oo allabariba agteed waxay ku jiifsadaan dhar rahmad loo qaatay, oo guriga Ilaahoodna waxay ku dhex cabbaan khamrigii kuwa la ganaaxay.

  • 11Haddaba sidaas daraaddeed ayay niman madax uga dhigeen si ay culaabtooda ugu dhibaan, oo waxay Fircoon u dhiseen magaalooyin wax lagu kaydiyo oo la yidhaahdo Fitom iyo Racmeses.

  • 8Waxaad igaga cadhaysiisaan shuqullada gacmihiinna idinkoo ilaahyo kale foox ugu shidaya dalka Masar oo aad u tagteen inaad degtaan, si laydiin wada baabbi'iyo oo aad quruumaha dunida oo dhan ugu dhex ahaataan inkaar iyo cay.

  • 5Oo xumaantoodana ha dedin, oo dembigoodana yaan hortaada laga tirtirin, waayo, kuwii wax dhisayay hortooda ayay kaaga xanaajiyeen.

  • 13Bal eeg in dadku ay dabka aawadiis u hawshoodaan, oo quruumuhuna ay waxtarla'aan isu daaliyaan sow ma aha mid Rabbiga ciidammada xaggiisa ka timid?

  • 28Oo halkaas waxaad u adeegi doontaan sanamyo gacma dad lagu sameeyey oo ah qoryo iyo dhagax, oo aan waxba arag, waxna maqal, oo aan wax cunin, waxna urin.

  • 41Markaasay waxay wakhtigaas sameeyeen weyl, oo sanamkii waxay u keeneen allabari, oo waxay ku farxeen shuqulkii gacmahoodu sameeyeen.

  • 8Oo weliba waxaan amar ku bixiyey wixii aad u samayn lahaydeen odayaashan Yuhuudda oo dhisaya gurigan Ilaah. Waa in alaabta boqorka iyo xataa gabbarada laga qaado inta webiga ka shishaysa nimankan kharash loo siiyo iyadoo aad loogu dadaalayo, si aan iyaga loo hor joogsan innaba.

  • 6Oo ilaahyo kale ha u daba gelina inaad u adeegtaan oo caabuddaan, oo shuqullada gacmihiinna ha igaga cadhaysiinina, oo aniguna innaba wax idin yeeli maayo.

  • 35¶ Oo maalinta siddeedaadna waa inaad yeelataan shir quduus ah, oo waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn,

  • 10Markaasaa dadkii dalka Yahuudah waxay yidhaahdeen, Kuwa culaysyada qaada xooggoodii waa yaraaday, oo waxaa jira waxyaalo dundumay oo badan, sidaa daraaddeed derbiga ma dhisi karno.

  • 15Oo weliba waxaa kula jira rag shaqaale ah oo faro badan, kuwaasoo ah kuwa qora oo ka shaqeeya dhagxanta iyo alwaaxdaba, iyo rag kasta oo yaqaan sanco kasta,

  • 18Carruurtu qoryay soo guraan, aabbayaashuna dabkay shidaan, naaguhuna bur bay cajiimaan inay kibis u sameeyaan boqoradda samada, oo ay ilaahyo kale qurbaanno cabniin ah u daadiyaan, si ay iga cadhaysiiyaan.

  • 2Waayo, haddii aad sii dayn weydo, oo aad sii haysatid,

  • 8Boqorow, bal ogow inaannu tagnay gobolka Yahuudah, oo soo aragnay gurigii Ilaaha weyn, oo dhagaxyo waaweyn lagu dhisay, oo derbiyadiisana alwaax la dhex geliyey, oo shuqulkaasuna dadaal buu ku socdaa oo gacmahooduu ku liibaanaa.

  • 5Iyaga wuu dumin doonaa, mana uu dhisi doono mar dambe, Maxaa yeelay, kama ay fikirin Rabbiga shuqulladiisii Iyo hawshii gacmihiisa toona.