Yexesqeel 36:23

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo quduus baan ka dhigi doonaa magacayga weyn oo quruumaha nijaas laga dhex dhigay, oo aad idinku nijaas kaga dhigteen. Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Quruumuhu waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay markaan dhexdiinna quduus kaga noqdo iyagoo indhaha ku haya.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yex 20:41 : 41 Oo sida caraf udgoon baan idiin aqbali doonaa markaan dadyowga idinka soo dhex bixiyo oo aan waddammadii aad ku kala dhex firidheen idinka soo ururiyo, oo dhexdiinnaan quduus ku ahaan doonaa quruumaha hortooda.
  • Ish 5:16 : 16 laakiinse Rabbiga ciidammada caddaalad baa lagu sarraysiin doonaa, oo Ilaaha quduuska ahna waxaa quduus loogu tirin doonaa xaqnimo.
  • Sab 126:1-3 : 1 Markii Rabbigu soo celiyey maxaabiistii Siyoon, Waxaynu noqonnay sida kuwa riyooda. 2 Markaasaa afkeenna waxaa ka buuxsamay qosol, Carrabkeennana gabay, Kolkaasaa quruumaha waxaa laga dhex yidhi, Rabbigu waxyaalo waaweyn ayuu iyaga u sameeyey. 3 Rabbigu wuxuu inoo sameeyey waxyaalo waaweyn, Oo aynu ku faraxsan nahay.
  • Sab 46:10 : 10 Iska daaya oo ogaada inaan anigu Ilaah ahay, Waa laygu sarraysiin doonaa quruumaha dhexdooda, dhulkana waa laygu sarraysiin doonaa.
  • Yex 39:7 : 7 Oo waxaan ka dhigi doonaa in magacayga quduuska ah dadkayga reer binu Israa'iil dhexdooda lagu ogaado, oo iyaga uma aan dayn doono inay magacayga mar dambe nijaaseeyaan, oo quruumuhuna waxay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga ah Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil.
  • Yex 39:28 : 28 Kolkaasay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahooda ah, oo ka dhigay in iyaga maxaabiis ahaan quruumaha dhexdooda loogu kaxaysto, oo aan haddana dalkoodii ku soo dhex ururiyey, oo aanan innaba mar dambe midkoodna halkaas ku soo dayn doonin.
  • Daan 2:47 : 47 Boqorkiina waa u jawaabay Daanyeel oo wuxuu ku yidhi, Sida runta ah Ilaahaagu waa Ilaaha ilaahyada iyo Sayidka boqorrada, iyo mid muujiya waxyaalo qarsoon, maxaa yeelay, waxaad awoodday inaad daaha ka qaaddid qarsoodigan.
  • Daan 3:28-29 : 28 Markaasaa Nebukadnesar hadlay oo wuxuu yidhi, Mahad waxaa leh Ilaaha Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo, oo u soo diray malaa'igtiisa, oo badbaadiyey addoommadiisa isaga isku halleeyey, oo beddelay hadalkii boqorka, oo jidhkooda bixiyey, inayan u adeegin, ama u sujuudin ilaah kale Ilaahooda mooyaane. 29 Sidaas daraaddeed waxaan amar ku bixinayaa in dad kasta, iyo quruun kasta, iyo kuwa kasta oo kala af ah, oo wax xun kaga hadla Ilaaha Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo, la googooyn doono, guryahoodana laga dhigi doono meel digo lagu tuulo, maxaa yeelay, ma jiro ilaah kale oo sidaas wax u badbaadin karaa.
  • Daan 4:2-3 : 2 Way ila wanaagsanaatay inaan muujiyo calaamadihii iyo yaababkii uu Ilaaha ugu sarreeyaa igu sameeyey. 3 Calaamadihiisu waaweynaa! Yaababkiisuna xoog badanaa! Boqortooyadiisu waa boqortooyo weligeed jiraysa, dowladnimadiisuna waa mid jiraysa fac ilaa fac.
  • Daan 4:34-37 : 34 Oo markii wakhtigii dhammaaday ayaan anigoo ah Nebukadnesar indhaha kor u taagay, waxgarashadaydiina way ii soo noqotay, markaasaan ku mahadnaqay Ka ugu Sarreeya, waanan ammaanay oo ciseeyey kan weligiis nool; waayo, dowladnimadiisu waa dowladnimo aan weligeed dhammaanayn, boqortooyadiisuna waxay raagtaa fac ilaa fac; 35 oo kuwa dhulka deggan oo dhammu isaga lama simna, siduu doono ayuu ciidanka samada iyo dadka dhulka degganba ka yeelaa; mana jiro mid gacantiisa joojin karaa ama ku odhan karaa, Maxaad samaynaysaa? 36 Isla markiiba waxgarashadaydii way ii soo noqotay; oo ammaanta boqortooyadayda aawadeed ayaa weynaantaydii iyo dhalaalkaygii iigu soo noqdeen; markaasay waaniyayaashaydii iyo saraakiishaydii i doondooneen, oo boqortooyadaydii baa la ii dhisay, oo derejo aad u weyn baa la iigu daray. 37 Haatan anigoo ah Nebukadnesar waxaan ammaanayaa oo sarraysiinayaa, oo cisaynayaa Boqorka samada, waayo, shuqulladiisa oo dhammu waa run, jidadkiisuna waa xaq; oo kuwa kibirka ku socdana isagaa kara inuu hoosaysiiyo.
  • Daan 6:26-27 : 26 Waxaan amar ku bixinayaa in dadka dowladnimada boqortooyadayda oo dhan ay ku hor gariiraan oo ka cabsadaan Ilaaha Daanyeel; waayo, isagu waa Ilaaha nool, oo weligiis jiraya, boqortooyadiisuna waa mid aan la baabbi'in karayn, dowladnimadiisuna way jiri doontaa ilaa ugudambaysta. 27 Isagu wax waa samatabbixiyaa oo badbaadiyaa, samada iyo dhulkana wuxuu ku sameeyaa calaamado iyo yaabab, waana kii Daanyeel ka samatabbixiyey xooggii libaaxyada.
  • 1 But 2:9 : 9 ¶ Laakiinse idinku waxaad tihiin jinsi la doortay, iyo wadaaddada boqorka, iyo quruun quduus ah, iyo dad Ilaah iska leeyahay, inaad ogeysiisaan wanaagga kan gudcurka idiinka yeedhay oo idiinku yeedhay xagga nuurkiisa yaabka leh.
  • 1 But 3:15 : 15 Rabbiga Masiixa ah qalbiyadiinna quduus kaga dhiga, oo mar kasta diyaar u ahaada inaad u jawaabtaan nin alla ninkii wax idinka weyddiiya sabab ku saabsan rajada aad leedihiin, laakiinse qabow iyo cabsi ugu jawaaba,
  • Sab 102:13-16 : 13 Waad sara joogsan doontaa, oo Siyoon baad u naxariisan doontaa, Waayo, waa wakhtiga iyada loo jixinjixo, haah, oo wakhtigii la ballamay waa yimid. 14 Waayo, addoommadaadu waxay u bogaan dhagaxyadeeda, Oo waxay u jixinjixaan ciiddeeda. 15 Haddaba quruumuhu waxay ka cabsan doonaan magaca Rabbiga, Boqorrada dunida oo dhammuna ammaantaada, 16 Waayo, Rabbigu wuxuu dhisay Siyoon, Oo wuxuu ka dhex muuqday ammaantiisii,
  • Bax 15:4-9 : 4 Wuxuu Fircoon gaadhifardoodkiisii iyo ciidankiisiiba ku tuuray badda dhexdeeda, Oo saraakiishiisii la doortayna waxay tiimbadeen Badda Cas dhexdeeda. 5 Oo waxaa iyagii qariyey moolkii, Oo moolkay dhex tiimbadeen sidii dhagax oo kale. 6 Rabbiyow, gacantaada midig xoog bay ammaan ku leedahay, Rabbiyow, gacantaada midig cadowga bay burburisaa. 7 Oo mudnaantaada weynaanteeda ayaad ku jebisaa kuwa adiga kugu kaca. Oo waxaad soo dirtaa cadhadaada, kolkaasay iyaga u gubtaa sidii jirrido yaryar oo jajab ah. 8 Oo neeftii sankaaga aawadeed ayaa biyihii isdul rasaysmeen, Daadkiina kor buu u kacay sidii taallo; Moolkiina wuxuu ku adkaaday badda dhexdeeda. 9 Oo cadowgii wuxuu yidhi, Anigu waan eryan doonaa, anigu waan gaadhi doonaa, boolida waan kala qaybin doonaa. Oo damacaygu waa ka dhergi doonaa iyaga; Oo seeftaydaan galka kala bixi doonaa, gacantayduna way baabbi'in doontaa iyaga. 10 Adigu dabayshaadii baad ku afuuftay, oo baddii baa qarisay iyagii; Oo sidii laxaamad oo kale ayay u dhex tiimbadeen biyihii xoogga badnaa. 11 Rabbiyow, adiga bal yaa kula mid ah ilaahyada dhexdooda? Bal yaa adiga kula mid ah oo quduusnimada ammaan ku leh, Oo ammaantiisa laga cabsadaa, oo cajaa'ibyo sameeya? 12 Adigu gacantaadii midig baad soo fidisay, Markaasaa dhulku liqay iyagii. 13 Oo raxmaddaadaad ku soo hor kacday dadkii aad soo madax furatay. Oo waxaad iyagii ku soo hor kacday xooggaaga, waxaadna u soo wadday rugtaada quduuska ah. 14 Oo dadyowgii baa maqlay, wayna gariireen. Kuwii Falastiin degganaana waxay noqdeen sidii dumar fool qabatay. 15 Markaasay ugaasyadii reer Edom yaabeen; Raggii xoogga weynaa oo Moo'aabna gariir baa qabtay. Dadkii Kancaan degganaa oo dhammuna way dhalaaleen. 16 Oo cabsi iyo naxdin baa ku dhacay iyagii. Oo gacantaada weynaanteeda aawadeed ayay sidii dhagax oo kale u aamuseen, Ilaa ay dadkaagu gudbeen, Rabbiyow, Ilaa ay dadkii aad soo iibsatay gudbeen.
  • Tir 20:12-13 : 12 Markaasaa Rabbigu Muuse iyo Haaruun ku yidhi, Idinku ima aydaan rumaysan, oo quduusna igama aydaan dhigin reer binu Israa'iil hortooda, haddaba sidaas daraaddeed idinku shirkan geeyn maysaan dalkii aan iyaga siiyey. 13 Kuwanu waa biyihii Meriibaah, maxaa yeelay, reer binu Israa'iil way la dirireen Rabbiga, oo wuxuu iyaga tusay inuu quduus yahay.
  • Yex 28:22 : 22 oo waxaad tidhaahdaa, Siidoonay, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu col baan kugu ahaye, oo waa laygu kaa dhex ammaani doonaa. Oo markaan xukummo dhexdeeda ku sameeyo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, oo dhexdeeda ayaan quduus ku ahaan doonaa.
  • Yex 38:22-23 : 22 Oo waxaan isaga ku xukumi doonaa belaayo iyo dhiig; oo isaga, iyo guutooyinkiisa, iyo dadka badan oo isaga la jiraba waxaan ku soo kor dayn doonaa roob wax qarqinaya, iyo roob dhagaxyo waaweyn leh, iyo dab, iyo baaruud. 23 Oo anigu sidaasaan isu weynayn doonaa, oo aan quduus isaga dhigi doonaa, oo aan quruumo badan is-aqoonsiin doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yex 39:6-7
    2 aayado
    86%

    6Oo waxaan dab ku soo dayn doonaa Maajuuj iyo kuwa gasiiradaha ammaanka isaga degganba, oo iyagu waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

    7Oo waxaan ka dhigi doonaa in magacayga quduuska ah dadkayga reer binu Israa'iil dhexdooda lagu ogaado, oo iyaga uma aan dayn doono inay magacayga mar dambe nijaaseeyaan, oo quruumuhuna waxay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga ah Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil.

  • Yex 36:20-22
    3 aayado
    85%

    20Oo markay quruumihii ay tageenba dhex galeen, magacayga quduuska ah nijaas bay kaga dhigeen, waayo, waxaa laga yidhi, Kuwanu waa dadkii Rabbiga oo dalkiisii ka soo baxay.

    21Laakiinse anaa u naxay magacayga quduuska ah oo ay reer binu Israa'iil nijaas kaga dhex dhigeen quruumihii ay tageenba.

    22Sidaas daraaddeed waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, anigu taas idinka aawadiin uma aanan samayn, laakiinse waxaan u sameeyey magacayga quduuska ah aawadiis, kaasoo aad nijaas kaga dhex dhigteen quruumihii aad tagteenba.

  • 28Oo quruumuhuna waxay ogaan doonaan in aniga Rabbiga ahu aan reer binu Israa'iil quduus ka dhigo, markii meeshayda quduuska ahu ay weligeedba dhexdooda ku sii taallo.

  • 23Oo anigu sidaasaan isu weynayn doonaa, oo aan quduus isaga dhigi doonaa, oo aan quruumo badan is-aqoonsiin doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 32Waa inaydaan wax nijaas ah ka sheegin magacayga quduuska ah, laakiinse quduus baan ku dhex ahaan doonaa dadka reer binu Israa'iil, waayo, anigu waxaan ahay Rabbiga quduus idinka dhiga,

  • 44Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, iyadoo aan ahayn sidii jidadkiinnii sharka ahaa ay ahaayeen, amase sidii falimihiinnii qudhunka ahaa ay ahaayeen, markaan magacayga aawadiis idiinku shaqeeyo ayaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • Yex 36:24-25
    2 aayado
    78%

    24Waayo, quruumahaan idinka soo dhex bixin doonaa, oo waddammadana waan idinka soo ururin doonaa, oo waxaan idin geeyn doonaa dalkiinnii.

    25Oo markaasaan biyo nadiif ah idinku kor rushayn doonaa, oo idinna nadiif baad ahaan doontaan, oo waxaan idinka nadiifin doonaa wasakhdiinnii oo dhan iyo sanamyadiinnii oo dhanba.

  • 16Oo waad isku nijaasoobi doontaa iyadoo ay quruumahu indhaha ku hayaan, oo waxaad ogaan doontaa inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 27markaan dadyowga ka soo dhex kexeeyo, oo aan dalalka cadaawayaashooda ka soo ururiyo, oo dhexdooda quduus laygaga dhigo iyadoo ay quruumo badanu indhaha ku hayaan.

  • 25¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markaan reer binu Israa'iil ka soo ururiyo dadyowga ay ku kala dhex firidhsan yihiin, oo aan dhexdooda quduus ku noqdo iyadoo ay quruumuhu indhaha ku hayaan, ayay dalkoodii aan addoonkaygii Yacquub siiyey dhex degganaan doonaan.

  • Yex 20:41-42
    2 aayado
    75%

    41Oo sida caraf udgoon baan idiin aqbali doonaa markaan dadyowga idinka soo dhex bixiyo oo aan waddammadii aad ku kala dhex firidheen idinka soo ururiyo, oo dhexdiinnaan quduus ku ahaan doonaa quruumaha hortooda.

    42Oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay, markaan idin dhex keeno dalka reer binu Israa'iil, kaasoo ah dalkii aan gacanta ugu qaaday awowayaashiin oo aan ugu dhaartay inaan iyaga siinayo.

  • 36Oo markaasaa quruumaha hareerihiinna ku hadhay waxay ogaan doonaan in aniga Rabbiga ahu aan meelihii dumay dhisay, iyo inaan dhulkii cidlada ahaa beeray. Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay oo waxaasna waan samayn doonaa.

  • Yex 39:21-22
    2 aayado
    75%

    21Oo ammaantaydana waxaan dhex dhigi doonaa quruumaha, oo quruumaha oo dhammuna waxay wada arki doonaan xukunkayga aan sameeyey iyo gacantayda aan iyaga dul saaray.

    22Oo maalintaas iyo wixii ka dambeeyaba reer binu Israa'iil sidaasay u ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahooda ah.

  • Yex 36:32-33
    2 aayado
    75%

    32Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Taas idinka aawadiin uma aan sameeyo, bal idinku taas ogaada, reer binu Israa'iilow, jidadkiinna xunxun aawadood isu ceebsada oo facsharma.

    33Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Maalinta aan idinka nadiifin doono xumaatooyinkiinna oo dhan waxaan ka dhigi doonaa in magaalooyinka la degganaado, oo meelihii burburayna waa la wada dhisi doonaa.

  • 30Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxay markaas ogaan doonaan in anigoo Rabbiga Ilaahooda ah aan iyaga la jiro, iyo in iyagoo reer binu Israa'iil ah ay dadkaygii yihiin.

  • 16¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 10Oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay iyo inaanan waxtarla'aan u odhan, Belaayadaas ayaan iyaga ku samayn doonaa.

  • 23Oo mar dambena iskuma ay nijaasayn doonaan sanamyadooda, ama waxyaalahooda karaahiyada ah, ama xadgudubyadooda midkoodna, laakiinse waxaan ka badbaadin doonaa meelaha ay ku hoydaan oo ay ku dhex dembaabeen oo dhan, oo waan nadiifin doonaa, oo sidaasay dadkayga u ahaan doonaan, oo aniguna Ilaahooda baan ahaan doonaa.

  • 11si ayan reer binu Israa'iil mar dambe iiga amban ama ayan mar dambe xadgudubyadooda ugu nijaasoobin, laakiinse ay dadkaygii iigu ahaadaan, oo aan aniguna Ilaahooda ugu noqdo, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • 16Oo waxaad ku soo kici doontaa dadkayga reer binu Israa'iil inaad sida daruur oo kale dhulka u qarisid, oo ugu dambaysta waxay noqon doontaa inaan dalkayga kugu soo kiciyo, Juujow, si ay quruumuhu ii aqoonsadaan markii dhexdaada quduus layga dhigo iyagoo indhaha ku haya.

  • 29Oo markaan dalka cidla iyo yaab uga dhigo waxyaalahoodii karaahiyada ahaa ee ay sameeyeen aawadood waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 14Laakiinse magacayga daraaddiis ayaan u shaqeeyey, si uusan ugu nijaasoobin quruumihii ay dhex joogeen hortooda, waayo, iyagoo u jeeda ayaan soo bixiyey.

  • 7Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Gacan taagan ayaan ku dhaartay oo idhi, Hubaal quruumaha idinku wareegsanu ceebtooday sidan doonaan.

  • 38Sida adhiga quduuska ah oo kale, iyo sida adhiga Yeruusaalem dhex jooga wakhtiga iidaheeda ayaa magaalooyinkii dumay dad sidii adhi oo kale ah ugu wada buuxsami doonaan, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 12Oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay, waayo, qaynuunnadaydii kuma aydaan socon, oo xukummadaydiina ma aydaan samayn, laakiinse waxaad samayseen sidii xukummadii quruumaha oo idinku wareegsanu ay samayn jireen.

  • 2La hadal Haaruun iyo wiilashiisa, oo waxaad iyaga u sheegtaa inay iska soocaan waxyaalaha quduuska ah oo reer binu Israa'iil, oo ay ii daahiriyaan, iyo inayan wax nijaas ah ka sheegin magacayga quduuska ah, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 14Oo weliba waxaan kaa dhigi doonaa meel cidla ah iyo cay dhex taal quruumaha hareerahaaga ku wareegsan, iyadoo ay kuwa ku soo ag mara oo dhanba indhaha ku hayaan.

  • 11Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, sida xaqiiqada ah, anigu waan ku dhimi doonaa, oo ishayduna kuuma ay tudhi doonto, oo innaba kuuma aan nixi doono, maxaa yeelay, waxaad meeshaydii quduuska ah ku nijaasaysay waxyaalahaagii la nacay oo karaahiyada ahaa oo dhan.

  • 14Anigu gacantayda ayaan iyaga ku fidin doonaa, oo dalkana meel cidla ah ayaan ka dhigi doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa meel ka sii daran cidlada ku taal xagga Dibla meelaha ay deggan yihiin oo dhan, oo markaasay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • Laaw 20:7-8
    2 aayado
    72%

    7Haddaba isdaahiriya oo quduus ahaada, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

    8Oo waa inaad qaynuunnadayda dhawrtaan oo yeeshaan, waayo, anigu waxaan ahay Rabbiga quduus idinka dhiga.

  • 9Laakiinse magacayga daraaddiis ayaan u shaqeeyey, si uusan ugu nijaasoobin quruumihii ay dhex joogeen hortooda, waayo, iyagoo u jeeda ayaan iyaga isbaray, markaan dalkii Masar ka soo bixiyey.

  • 16¶ Sidaas daraaddeed waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, In kastoo aan iyaga quruumaha ku dhex fogeeyey, iyo in kastoo aan waddammada ku kala dhex firdhiyey, weliba waxaan iyaga waddammadii ay tageen ugu ahaan doonaa meel quduus ah.

  • 12Oo waxaad ogaan doontaa inaan anigoo Rabbiga ah maqlay caydaadii aad buuraha reer binu Israa'iil ku cayday oo dhan, adoo lahaa, Iyaga cidlaa laga dhigay, oo annagaa lanoo siiyey inaan baabbi'inno.

  • 23Laakiinse carruurtiisu markay dhexdooda ku arkaan shuqulka gacmahayga ayay magacayga quduus ka dhigi doonaan, oo waxay quduus ka dhigi doonaan kan Quduuska ah ee reer Yacquub, oo waxay ka cabsan doonaan Ilaaha reer binu Israa'iil.

  • 22oo waxaad tidhaahdaa, Siidoonay, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu col baan kugu ahaye, oo waa laygu kaa dhex ammaani doonaa. Oo markaan xukummo dhexdeeda ku sameeyo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, oo dhexdeeda ayaan quduus ku ahaan doonaa.

  • 9Oo sidaas daraaddeed iyagu waa inay amarkayga xajiyaan, waaba intaasoo ay dembi u qaataan taas aawadeed oo ay ku dhintaan haddii ay nijaaseeyaan, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga iyaga quduus ka dhiga.

  • 20oo sabtiyadayda quduus ka dhiga, oo iyana waxay ahaan doonaan calaamad aniga iyo idinka inoo dhexaysa, si aad u ogaataan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 25¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Haatan waxaan soo celin doonaa maxaabiistii reer Yacquub, oo reer binu Israa'iil oo dhanna waan u wada naxariisan doonaa, oo magacayga quduuskaa aawadiis ayaan u hinaasi doonaa.

  • 27Oo markaas waxaad ogaan doontaan inaan dadka Israa'iil dhex joogo, iyo inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah, oo aan ilaah kale jirin, oo dadkayguna innaba ma ay ceeboobi doonaan.

  • 46Oo iyagu waxay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahood ah oo iyaga dalkii Masar ka soo bixiyey inaan iyaga dhex joogo. Anigu waxaan ahay Rabbiga ah Ilaahood.

  • 17¶ Oo sidaasaad ku ogaan doontaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah, oo aan deggan ahay Siyoon oo ah buurtayda quduuska ah, oo markaasay Yeruusaalem quduus noqon doontaa, oo shisheeyayaal dambena iyada ma dhex mari doonaan innaba.

  • 12Oo weliba waxaan siiyey sabtiyadayda inay ahaadaan calaamad aniga iyo iyaga noo dhexaysa, si ay u ogaadaan inaan anigu ahay Rabbiga iyaga quduus ka dhiga.