Bilowgii 4:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Magaca walaalkiisna wuxuu ahaa Yuubaal; isna wuxuu ahaa aabbihii kuwa kataaradda iyo biibiilaha garaaca.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 31:27 : 27 Maxaad qarsoodiga ugu soo carartay, oo aad si qarsoon iiga soo tagtay? Oo maxaad iigu sheegi weyday, si aan kuugu soo ambabbixiyo rayrayn iyo gabayo iyo daf iyo kataarad?
  • Ayuub 21:12 : 12 Waxay ku gabyaan daf iyo kataarad, Oo dhawaaqa biibiilaha way ku reyreeyaan.
  • Ish 5:12 : 12 Diyaafadahooda waxaa yaal kataarad iyo shareerad, iyo daf iyo biibiile, iyo khamri, laakiinse iyagu kama fiirsadaan shuqulka Rabbiga, kamana fikiraan waxyaalihii ay gacmihiisu sameeyeen.
  • Aam 6:5 : 5 oo u heesa dhawaaqa shareeradda, oo isu hindisa alaab muusiko sidii kuwii Daa'uud,
  • Room 4:11-12 : 11 oo wuxuu helay calaamada gudniinta, tan ahayd shaabaddii xaqnimada oo rumaysadkii uu haystay intuu buuryoqabka ahaa; inuu noqdo aabbihii inta rumaysata oo dhan in kastoo ay buuryoqab yihiin, in xaqnimo loo tiriyo iyaga, 12 iyo inuu aabbaha gudniinta u noqdo kuwa aan ahayn kuwa gudan oo keliya laakiinse kuwa ku socda tallaabooyinka rumaysadka ee Aabbeheen Ibraahim haystay intuu buuryoqabka ahaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 4:18-20
    3 aayado
    76%

    18Enoogna waxaa u dhashay Ciiraad, Ciiraadna wuxuu dhalay Mexuuya'el, Mexuuya'elna wuxuu dhalay Metuusha'el, Metuusha'elna wuxuu dhalay Lameg.

    19Lamegna wuxuu guursaday laba naagood; mid magaceedu wuxuu ahaa Caadah, tan kalena magaceedu wuxuu ahaa Sillah.

    20Caadahna waxay dhashay Yaabaal: isna wuxuu ahaa aabbihii kuwa teendhooyinka deggan oo xoolaha leh.

  • 22Sillahna waxay dhashay Tuubalqayin oo ahaa mid tumi jiray alaabtii naxaasta iyo birta ahayd oo dhan; Tuubalqayin walaashiisna waxay ahayd Nacmah.

  • 12Waxay ku gabyaan daf iyo kataarad, Oo dhawaaqa biibiilaha way ku reyreeyaan.

  • 2Dabadeedna waxay dhashay walaalkiis Haabiil. Haabiilna wuxuu ahaa adhijir, laakiin Qaabiil wuxuu ahaa beerfale.

  • 21¶ Sheem oo aabbe u ahaa carruurtii Ceeber oo dhan, oo ahaa Yaafed walaalkiisii weynaa, isagana carruur baa u dhalatay.

  • 65%

    18Oo Arfaksad wuxuu dhalay Sheelaah, Sheelaahna wuxuu dhalay Ceeber.

    19Oo Ceeberna waxaa u dhashay laba wiil, mid magiciisu wuxuu ahaa Feleg, waayo, waagiisii ayaa dhulku qaybsamay, magaca walaalkiisna wuxuu ahaa Yoqtaan.

    20Yoqtaanna wuxuu dhalay Almoodaad, iyo Shelef, iyo Xasarmaawed, iyo Yerah,

    21iyo Hadooraam, iyo Uusaal, iyo Diqlah,

    22iyo Ceebaal, iyo Abiimaa'el, iyo Shebaa,

    23iyo Oofir, iyo Xawiilaah, iyo Yoobaab. Kuwaasu kulli waxay ahaayeen wiilashii Yoqtaan.

  • 8Haqoosna wuxuu dhalay Caanuub, iyo Sobeebaah, iyo qolooyinka reer Axarxeel oo ahaa ina Haaruum.

  • 6Oo intaas oo dhammu waxay ka hooseeyeen aabbahood inay gurigii Rabbiga ku dhex gabyaan iyagoo haysta suxuun laysku garaaco, iyo shareerado, iyo kataarado, inay ka adeegaan guriga Ilaah, oo boqorku wuxuu saas ku amray Aasaaf iyo Yeduutuun iyo Heemaan.

  • 5Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammuna Rabbiga hortiisay ku cayaareen iyagoo haysta cayn kasta oo alaabta muusikada ah oo ah qori beroosh la yidhaahdo, oo alaabtaasu waxay ahaayeen kataarado, iyo shareerado, iyo dafaf, iyo shuguxshugux iyo suxuun laysku garaaco.

  • 5oo u heesa dhawaaqa shareeradda, oo isu hindisa alaab muusiko sidii kuwii Daa'uud,

  • Sab 150:3-4
    2 aayado
    63%

    3Dhawaaqa buunka ku ammaana, Oo shareerad iyo kataarad ku ammaana.

    4Ku ammaana daf iyo cayaar, Oo ku ammaana alaab xadhko leh oo muusiko ah iyo biibiile.

  • 2Sabuurka kor u qaada, oo waxaad halkan keentaan dafka, Iyo kataaradda lagu farxo, iyo shareeradda.

  • 14Mecoonotayna wuxuu dhalay Cofraah, oo Seraayaahna wuxuu dhalay Yoo'aab oo ahaa Geharashiim aabbihiis, waayo, iyagu waxay ahaayeen rag saaniciin ah.

  • 11Keluub oo ahaa Shuuxah walaalkiisna wuxuu dhalay Mexiir, oo ahaa Eshtoon aabbihiis.

  • 16Markaasaa Daa'uud madaxdii reer Laawi ku yidhi, Walaalihiin rag ka dhex doorta inay ahaadaan niman gabayaa ah oo sita alaabtii muusikada, oo ah shareerado, iyo kataarado, iyo suxuun laysku garaaco, oo aad ha uga dhawaajiyeen oo farxad aawadeed codka kor ha u qaadeen.

  • 1 Taar 1:4-5
    2 aayado
    63%

    4Nuux, Sheem, Xaam, iyo.

    5¶ Wiilashii Yaafed waxay ahaayeen Gomer, iyo Maajuuj, iyo Maaday, iyo Yaawaan, iyo Tubal, iyo Mesheg, iyo Tiiraas.

  • 26Yoqtaanna wuxuu dhalay Almoodaad, iyo Shelef, iyo Xasarmaawed, iyo Yerah;

  • 7Oo qolooyiinkii walaalihiis ahaa markii abtiriskii dhalashadooda la tiriyey waxay ahaayeen duqii Yecii'eel iyo Sekaryaah,

  • 12Diyaafadahooda waxaa yaal kataarad iyo shareerad, iyo daf iyo biibiile, iyo khamri, laakiinse iyagu kama fiirsadaan shuqulka Rabbiga, kamana fikiraan waxyaalihii ay gacmihiisu sameeyeen.

  • 3iyo reer Yeduutuun, oo wiilashii Yeduutuunna waxay ahaayeen lix, oo ahaa Gedalyaah, iyo Serii, iyo Yeshacyaah, iyo Xashabyaah, iyo Matityaah, oo waxay ka wada hooseeyeen aabbahood Yeduutuun oo kataaradda lahaa oo wax sii sheegi jiray markuu Rabbiga u mahadnaqayo oo ammaanayo,

  • 7¶ Xataa waxyaalo aan naf lahayni markay dhawaaqaan, ha ahaadeen ama biibiile ama kataarad, haddaanay dhawaaqa kala soocin, sidee baa loo kala garanayaa waxa la yeedhiyo ama waxa kataaradda laga dhawaajiyo?

  • 2¶ Ibraahim wuxuu dhalay Isxaaq, Isxaaqna wuxuu dhalay Yacquub, Yacquubna wuxuu dhalay Yahuudah iyo walaalihiis,

  • 22iyo Yooqiim, iyo dadka reer Kosebaa, iyo Yoo'aash, iyo Saaraaf oo u talin jiray Moo'aab, iyo Yaashubilexem. Oo taariikhduna waa wax aad u gaboobay.

  • 29iyo Oofir, iyo Xawiilaah, iyo Yoobaab: kuwaasu kulli waxay ahaayeen wiilashii Yoqtaan.

  • 42Oo waxaa iyaga la jiray Heemaan iyo Yeduutuun oo haystay turumbooyin iyo suxuun laysku garaaco oo ay leeyihiin kuwa aad wax uga dhawaajiya, iyo alaabtii lagu qaadi jiray gabayadii Ilaah, oo ilma Yeduutuunna wuxuu kaga tegey inay iridda joogaan.

  • 5Rabbiga ammaan ugu gabya idinkoo kataarad haysta, Kataarad iyo codka heeska ugu gabya.

  • 21oo Matityaah, iyo Eliifeleehuu, iyo Miqneeyaah, iyo Cobeed Edoom, iyo Yecii'eel, iyo Casasyaahna waxay siteen kataarado ay ku hoggaamiyaan wax Shemiiniid lagu luuqeeyo.

  • 24Arfaksadna wuxuu dhalay Salah; Salahna wuxuu dhalay Ceeber.

  • 1¶ Haddaba Yeftaah oo reer Gilecaad ahaa wuxuu ahaa nin xoog leh, oo wuxuuna ahaa dhillo wiilkeed. Yeftaahna waxaa dhalay Gilecaad.

  • 2Rabbiga ugu mahadnaqa kataarad, Oo isaga ammaan ugu heesa idinkoo ka dhawaajinaya shareerad toban xadhig leh.

  • 43Wiilashii Nebona, Yecii'eel, iyo Matityaah, iyo Saabaad, iyo Sebiinaa, iyo Iddo, iyo Yoo'eel, iyo Benaayaah.

  • 31Wiilashii Beriicaahna waxay ahaayeen Xeber, iyo Malkii'eel oo ahaa Birsaawid aabbihiis.

  • 22iyo Kesed, iyo Haso, iyo Fildash, iyo Yidlaf iyo Betuu'el.