Sabuurradii 98:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbiga ammaan ugu gabya idinkoo kataarad haysta, Kataarad iyo codka heeska ugu gabya.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 51:3 : 3 Waayo, Rabbigu Siyoon wuu u qalbi qabowjiyey, oo meelaheeda baabba'ay oo dhanna wuu u qalbi qabowjiyey, cidladeedana wuxuu ka dhigay sidii Ceeden oo kale, oo lamadegaankeedana sidii beertii Rabbiga oo kale, oo dhexdeedana waxaa laga heli doonaa farxad iyo rayrayn, iyo mahadnaqid iyo cod heeseed.
  • Muj 5:8 : 8 Oo markuu kitaabkii qaatay ayaa afartii xayawaan iyo afar iyo labaatankii odayba waxay ku dhaceen Wankii hortiisa iyagoo midkood waluba wato kataarad iyo fijaanno dahab ah oo foox ka buuxo oo ah baryadii quduusiinta.
  • Muj 14:2-3 : 2 Markaasaan samada ka maqlay cod u eg biyo badan codkood iyo onkod weyn codkiis; oo codkii aan maqlayna wuxuu u ekaa kataaraley ka dhawaajinaysa kataaradahooda; 3 markaasay carshiga hortiisa iyo afartii xayawaan iyo odayaasha hortoodii waxay ku gabyeen gabay cusub; oo gabaygaas ninna ma baran karin, boqol iyo afar iyo afartanka kun oo dunida laga soo iibsaday mooyaane.
  • 1 Taar 15:16 : 16 Markaasaa Daa'uud madaxdii reer Laawi ku yidhi, Walaalihiin rag ka dhex doorta inay ahaadaan niman gabayaa ah oo sita alaabtii muusikada, oo ah shareerado, iyo kataarado, iyo suxuun laysku garaaco, oo aad ha uga dhawaajiyeen oo farxad aawadeed codka kor ha u qaadeen.
  • 1 Taar 25:1-6 : 1 ¶ Oo weliba Daa'uud iyo saraakiishii ciidanku waxay adeegiddii u sooceen kuwa ah reer Aasaaf, iyo reer Heemaan, iyo reer Yeduutuun, kuwaasoo wax ku sii sheega kataarado iyo shareerado iyo suxuun laysku garaaco, oo kuwa shuqulka qabta sidii adeegiddoodu kala ahayd tiradoodii waxay ahayd: 2 reer Aasaaf oo ahaa Sakuur, iyo Yuusuf, iyo Netanyaah, iyo Asareelaah, intaasu waxay ahaayeen reer Aasaaf oo ka hooseeya Aasaaf kaasoo markii boqorku amro wax sii sheegi jiray, 3 iyo reer Yeduutuun, oo wiilashii Yeduutuunna waxay ahaayeen lix, oo ahaa Gedalyaah, iyo Serii, iyo Yeshacyaah, iyo Xashabyaah, iyo Matityaah, oo waxay ka wada hooseeyeen aabbahood Yeduutuun oo kataaradda lahaa oo wax sii sheegi jiray markuu Rabbiga u mahadnaqayo oo ammaanayo, 4 iyo reer Heemaan: oo wiilashii Heemaanna waxay ahaayeen Buqiyaah, iyo Matanyaah, iyo Cusii'eel, iyo Shebuu'eel, iyo Yeriimood, iyo Xananyaah, iyo Xanaanii, iyo Elii'aataah, iyo Giddaltii, iyo Romamtii Ceser, iyo Yaashbeqaashaah, iyo Mallootii, iyo Hootiir, iyo Maxasii'ood. 5 Oo kuwaas oo dhammuna waxay ahaayeen wiilashii Heemaan kaasoo ahaa waxarkihii boqorka u sheegi jiray erayadii Ilaah, oo geeska kor u qaadi jiray. Oo Ilaahna wuxuu Heemaan siiyey afar iyo toban wiil iyo saddex gabdhood. 6 Oo intaas oo dhammu waxay ka hooseeyeen aabbahood inay gurigii Rabbiga ku dhex gabyaan iyagoo haysta suxuun laysku garaaco, iyo shareerado, iyo kataarado, inay ka adeegaan guriga Ilaah, oo boqorku wuxuu saas ku amray Aasaaf iyo Yeduutuun iyo Heemaan.
  • 2 Taar 29:25 : 25 Oo kuwii reer Laawina wuxuu soo taagay gurigii Rabbiga gudihiisa iyagoo haysta suxuun laysku garaaco iyo shareerado iyo kataarado, siduu ahaa amarkii Daa'uud iyo amarkii Gaad oo ahaa waxarkihii boqorka, iyo amarkii Nebi Naataan, waayo, amarku wuxuu ka yimid Rabbiga xaggiisa, oo nebiyadiisii buu u soo dhiibay.
  • Sab 33:2 : 2 Rabbiga ugu mahadnaqa kataarad, Oo isaga ammaan ugu heesa idinkoo ka dhawaajinaya shareerad toban xadhig leh.
  • Sab 92:3-4 : 3 Iyo in loogu heeso alaabta muusikada oo tobanka xadhig leh, iyo shareeradda, Iyo dhawaaqa kataaradda. 4 Waayo, Rabbiyow, waxaad igaga farxisay shuqulkaagii, Oo shuqullada gacmahaagana waan ku guulaysan doonaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 6Boqorka Rabbiga ah hortiisa farxad kaga dhawaajiya Turumbooyin iyo buunan.

  • 4Inta dhulka joogta oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya, Dhawaaqa, oo farxad ku gabya, oo ammaan ku gabya.

  • Sab 33:1-3
    3 aayado
    85%

    1Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku reyreeya, Waayo, kuwa qumman ammaan baa u habboon.

    2Rabbiga ugu mahadnaqa kataarad, Oo isaga ammaan ugu heesa idinkoo ka dhawaajinaya shareerad toban xadhig leh.

    3Gabay cusub isaga ugu gabya, Oo si farsamo wanaagsan ugaga dhawaajiya cod weyn.

  • Sab 150:2-6
    5 aayado
    84%

    2Falimihiisa waaweyn aawadood u ammaana, U ammaana si waafaqsan weynaantiisa sare.

    3Dhawaaqa buunka ku ammaana, Oo shareerad iyo kataarad ku ammaana.

    4Ku ammaana daf iyo cayaar, Oo ku ammaana alaab xadhko leh oo muusiko ah iyo biibiile.

    5Suxuunta laysku garaaco oo codka dheer ku ammaana, Ku ammaana suxuunta sanqadha dheer.

    6Wax kasta oo neef lahuba Rabbiga ha ammaaneen. Rabbiga ammaana.

  • 3Iyo in loogu heeso alaabta muusikada oo tobanka xadhig leh, iyo shareeradda, Iyo dhawaaqa kataaradda.

  • 7Rabbiga mahadnaqid ugu gabya, Oo kataaradda ammaan ugu gabya Ilaaheenna,

  • Sab 81:1-2
    2 aayado
    81%

    1Aad ugu gabya Ilaaha xooggeenna ah, Oo farxad ugu qayliya Ilaaha Yacquub.

    2Sabuurka kor u qaada, oo waxaad halkan keentaan dafka, Iyo kataaradda lagu farxo, iyo shareeradda.

  • Sab 149:1-3
    3 aayado
    80%

    1Rabbiga ammaana. Rabbiga gabay cusub ugu gabya, Oo ammaantiisana shirka quduusiinta kaga dhex gabya.

    2Reer binu Israa'iil kii iyaga uumay ha ku reyreeyeen, Oo reer Siyoonna boqorkooda ha ku farxeen.

    3Magiciisa cayaarta ha ku ammaaneen, Oo ammaan ha ugu gabyeen iyagoo sita daf iyo kataarad.

  • Sab 100:1-2
    2 aayado
    80%

    1Inta dhulka deggan oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya.

    2Rabbiga farxad ugu adeega, Oo hortiisa gabay la kaalaya.

  • Sab 95:1-2
    2 aayado
    78%

    1Kaalaya, aynu Rabbiga u gabaynee, Oo aynu farxad ugu qaylinno dhagaxa badbaadadeenna.

    2Aynu hortiisa la nimaadno mahadnaq, Oo aynu isaga farxad ugu qaylinno innagoo sabuurro ugu gabyayna.

  • 6Ilaah ammaan ugu heesa, ammaan ugu heesa, Ammaan ugu heesa Boqorkeenna, ammaan heesa.

  • 1Rabbiga gabay cusub ugu gabya, Dadka dhulka oo dhammow, Rabbiga u gabya.

  • 16Markaasaa Daa'uud madaxdii reer Laawi ku yidhi, Walaalihiin rag ka dhex doorta inay ahaadaan niman gabayaa ah oo sita alaabtii muusikada, oo ah shareerado, iyo kataarado, iyo suxuun laysku garaaco, oo aad ha uga dhawaajiyeen oo farxad aawadeed codka kor ha u qaadeen.

  • 2Isaga u gabya, oo ammaan ugu gabya, Shuqulladiisa yaabka badan oo dhanna ka hadla.

  • Sab 66:1-2
    2 aayado
    76%

    1Dadka dhulka oo dhammow, Ilaah farxad ugu qayliya,

    2Oo ammaanta magiciisa ku gabya, Ammaantiisana qurxiya.

  • 9Ilaahow, gabay cusub ayaan kuugu gabyi doonaa, Oo waxaan ammaan kuugu gabyi doonaa shareerad toban xadhig leh.

  • 28Haddaba reer binu Israa'iil oo dhammu saasay u soo qaadeen sanduuqii axdiga Rabbiga iyagoo dhawaaqaya, oo afuufaya buun iyo turumbooyin, oo ka dhawaajinaya suxuun laysku garaaco, iyo shareerado iyo kataarado.

  • 1Rabbiga ammaana. Waayo, way wanaagsan tahay in Ilaaheenna ammaan loogu gabyo, Waayo, taasu way wacan tahay, oo ammaantuna way habboon tahay.

  • 28Oo Yeruusaalem iyo gurigii Rabbiga ayay soo galeen iyagoo ka dhawaajinaya shareerado, iyo kataarado, iyo turumbooyin.

  • Sab 108:1-2
    2 aayado
    76%

    1Ilaahow, qalbigaa ii fadhiya, Waan gabyi doonaa, haah, waxaan kuugu gabyi doonaa ammaantayda.

    2Shareerad iyo kataaradow, toosa, Aroorta hore waan toosi doonaa.

  • 8Oo Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay Ilaah hortiis ku cayaareen xooggooda oo dhan, oo gabayo, iyo kataarado, iyo shareerado, iyo dafaf, iyo suxuun laysku garaaco, iyo turumbooyin ayay ku cayaareen.

  • 9Isaga u gabya, oo ammaan ugu gabya, Shuqulladiisa yaabka badan oo dhanna ka hadla.

  • 32Boqortooyooyinka dhulkow, Ilaah u gabya, Ammaan ugu gabya Sayidka, (Selaah)

  • 22Ilaahow, waxaan kugu ammaani doonaa alaab muusiko ah, Oo runtaadaan ammaani doonaa, Israa'iil kiisa Quduuska ahow, Waxaan ammaan kuugula gabyi doonaa kataarad.

  • 5Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammuna Rabbiga hortiisay ku cayaareen iyagoo haysta cayn kasta oo alaabta muusikada ah oo ah qori beroosh la yidhaahdo, oo alaabtaasu waxay ahaayeen kataarado, iyo shareerado, iyo dafaf, iyo shuguxshugux iyo suxuun laysku garaaco.

  • 1Rabbiga gabay cusub ugu gabya, Waayo, isagu wuxuu sameeyey waxyaalo yaab badan, Gacantiisa midig iyo dhudhunkiisa quduuska ahuna waxay keeneen badbaado.

  • 19Iskula hadla sabuurro iyo heeso ammaan ah iyo gabayo xagga ruuxa, idinkoo gabyaya oo Rabbiga qalbigiinna ka ammaanaya.

  • 5Haah, way ka gabyi doonaan jidadka Rabbiga, Waayo, ammaanta Rabbigu waa weyn tahay.

  • 8Webiyadu ha sacbiyeen, Oo buuruhuna dhammaantood farxad ha kaga gabyeen Rabbiga hortiisa,

  • 8Naftaydoy, toos, shareerad iyo kataaradoy, toosa, Aniga qudhayduna waxaan toosi doonaa aroor hore.

  • 12Waxay ku gabyaan daf iyo kataarad, Oo dhawaaqa biibiilaha way ku reyreeyaan.

  • 3Rabbiga ammaana, waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay, Magiciisa ammaan ugu gabya, waayo, wuu wacan yahay.

  • 1Rabbiga ammaana. Naftaydoy, Rabbiga ammaan.

  • 4Ilaah u gabya, oo magiciisa ammaan ugu gabya, Kan lamadegaanka dhex mara jid weyn u fala, Magiciisu waa Yaah, ee hortiisa ku reyreeya.

  • 1Waa wanaagsan tahay in Rabbiga lagu mahadnaqo, Iyo in magacaaga ammaan loogu gabyo, Ilaaha ugu sarreeyow,

  • 3Bal maqla, Boqorradow; oo dhegaysta, Amiirradow, Anigu anaa u gabyi doona Rabbiga; Ammaan baan ugu gabyi doonaa Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

  • 20Rabbigu waa u diyaar inuu i badbaadiyo, Haddaba sidaas daraaddeed annagu cimriga noloshayada oo dhan Waxaannu guriga Rabbiga ku dhex gabyi doonnaa gabayadayda annagoo alaab xadhko leh ku cayaarayna.