Bilowgii 41:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo markay cuneen lagama garan karin inay cuneen, laakiinse waxay u fool xumaayeen sidii markii hore. Markaasaan toosay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 37:19 : 19 Iyagu ma ceeboobi doonaan wakhtiga shar jiro, Oo wakhtiga abaaru dhacdona way dhergi doonaan.
  • Ish 9:20 : 20 Xagga gacanta midig ayaa wax laga dhufsan doonaa, waana la sii gaajoon doonaa, xagga gacanta bidixna wax baa lagu cuni doonaa, lamana dhergi doono, oo midkood kastaaba wuxuu cuni doonaa hilibka gacantiisa.
  • Yex 3:3 : 3 Oo wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, calooshaada geli oo ka buuxi qorniinkan duudduuban oo aan ku siiyo. Markaasaan cunay, oo wuxuu afkayga ugu dhadhan macaanaa sidii malab oo kale.
  • Muj 10:9-9 : 9 Markaasaan malaa'igtii u tegey, oo waxaan ku idhi, Buugga yar i sii. Markaasay igu tidhi, Qaado oo cun; oo wuxuu calooshaada ka dhigi doonaa qadhaadh, laakiin intuu afkaaga ku jiro wuxuu u macaanaan doonaa sida malab oo kale. 10 Markaasaan buuggii yaraa ka qaatay malaa'igta gacanteedii, waanan cunay, oo intuu afkayga ku jiray wuxuu u macaanaa sida malab oo kale; oo markii aan cunay ayaa calooshaydii qadhaadh noqotay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 41:18-20
    3 aayado
    87%

    18oo bal eeg, waxaa webigii ka soo baxay toddoba sac oo buurbuuran oo quruxsan oo waxay daaqeen cawskii dareemada ahaa;

    19oo waxaa haddana ka soo daba baxay toddoba sac oo kale, oo taagdaran oo fool xun oo weyd ah. Weligay dhulka Masar oo dhan kuma aan arag kuwa sidooda u xun.

    20Markaasaa sicihii weydda ahaa oo foosha xumaa waxay cuneen toddobadii sac oo hore.

  • Bil 41:1-8
    8 aayado
    86%

    1¶ Markii laba sannadood oo dhammu dhammaatay ayuu Fircoon riyooday, oo wuxuu is-arkay isagoo webiga ag taagan.

    2Oo bal eeg, waxaa webigii ka soo baxay toddoba sac oo quruxsan oo cayillan, oo waxay daaqeen cawskii dareemada ahaa.

    3Markaasaa waxaa dabadood webigii ka soo baxay toddoba sac oo kale oo fool xun, oo weyd ahaa, oo waxay is-ag taageen sicihii kale oo webiga qarkiisa jooga.

    4Markaasaa sicihii foosha xumaa oo weydda ahaa waxay cuneen toddobadii sac oo qurxoonayd oo cayillanayd. Kolkaasuu Fircoon toosay.

    5Markaasuu haddana seexday oo mar labaad riyooday, oo wuxuu arkay toddoba sabuul oo buurbuuran oo wanaagsan oo ka soo baxay isku jirid.

    6Oo bal eeg, waxaa haddana ka soo daba baxay toddoba sabuul oo xunxun, oo ay dabayshii bari qallajisay.

    7Markaasaa sabuulladii xunxumaa waxay liqeen toddobadii sabuul oo buurbuurnayd oo iltirnayd. Markaasuu Fircoon toosay, oo wuxuu arkay inay riyo tahay.

    8Oo subaxdiina wuu dhibaataysnaa, kolkaasuu u cid diray oo uu u wada yeedhay saaxiriintii Masar oo dhan iyo nimankii xigmadda lahaa oo dhan; markaasaa Fircoon u sheegay riyadiisii; laakiin ma jirin mid Fircoon u fasiri karaa.

  • Bil 41:22-24
    3 aayado
    81%

    22Oo waxaan kaloo riyadaydii ku arkay toddoba sabuul oo iltiran oo wanaagsan, oo ka soo baxay isku jirid;

    23dabadeedna waxaa ka soo daba baxay toddoba sabuul oo engegan oo xunxun oo dabayshii bari qallajisay.

    24Markaasaa sabuulladii xunxumaa waxay liqeen toddobadii sabuul oo wanaagsanayd; markaasaan u sheegay saaxiriinta, laakiinse ma uu jirin mid ii sheegi karay.

  • Bil 41:26-27
    2 aayado
    80%

    26Toddobada sac oo wanwanaagsanu waa toddoba sannadood, toddobada sabuul oo wanwanaagsanuna waa toddoba sannadood; riyadu waa mid.

    27Toddobada sac oo weyd ah oo foosha xun, oo ka soo daba baxay waa toddoba sannadood, oo haddana toddobada sabuul oo madhan, oo dabayshii bari qallajisay waxay noqon doonaan toddoba sannadood oo abaar ah.

  • Bil 41:30-31
    2 aayado
    71%

    30oo dabadoodna waxaa dhici doona toddoba sannadood oo abaar ah; oo barwaaqadii oo dhanna waa laga illoobi doonaa dalka Masar, markaasay abaartu dhulka dhammayn doontaa,

    31barwaaqadana dhulka laguma ogaan doono abaartaas ka dambaysa aawadeed, waayo, waxay noqon doontaa mid aad u xun.

  • 15Markay tobankii maalmood dhammaadeen, way ka weji qurxoonaayeen, wayna ka buurbuurnaayeen dhallinyaradii cuntada boqorka wax ka cuni jirtay oo dhan.

  • Bil 37:6-7
    2 aayado
    69%

    6Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Waan idin baryayaaye, bal maqla riyadan aan ku riyooday.

    7Bal eega, waxaynu beerta ku xidhxidhaynay xidhmooyin, markaasaa xidhmadaydii kacday, oo istaagtay, xidhmooyinkiinniina hareeraheeday yimaadeen oo u sujuudeen xidhmadaydii.

  • 10Wakhtigii adhigii rimay ayaan indhahayga kor u taagay, oo aan riyo ku arkay orgidii adhiga ku boodday inay wada lahaayeen xariijimo, iyo dhibicyo iyo barbaro.

  • 26Markaasaan toosay, oo wax baan fiiriyey, oo hurdadaydiina way ii macaanayd.

  • 20Sayidow, sidii mid riyo ka toosay Markaad toostid, waxaad quudhsan doontaa ekaantooda.

  • 30Iyagu jeelkii damacooda kama ay xiisa dhicin, Oo cuntadoodii weli afkooday ku jirtay,

  • 19Oo waxay isku yidhaahdeen, Bal eega, kii riyada badnaa waa soo socdaaye.

  • 17Oo dambiishii ugu wada sarreeyey waxaa ku jiray cunto cayn kasta ah oo Fircoon loo dubay; markaasay haadkii cuntadii ka cuneen dambiishii madaxayga saarnaa.

  • Bil 40:5-6
    2 aayado
    68%

    5Kii khamriga siin jiray iyo kii wax u dubi jiray boqorkii Masar, iyagoo xabsiga ku xidhnaa, ayay labadoodiiba isku habeen riyoodeen, nin kastaana riyadiisuu ku riyooday oo nin kastaa wuxuu ku riyooday sidii riyadiisii fasirkeedu ahaa.

    6Subaxdii baa Yuusuf u soo galay oo fiiriyey iyagii, oo wuxuu arkay iyagoo calool xun.

  • 11oo markaasaannu isku habeen riyoonnay, aniga iyo isagiiba; waxaannu ku riyoonnay midkayo kastaba sidii riyadiisii fasirkeedu ahaa.

  • 35Oo waxay wada cuneen geedo yaryar oo kasta oo dalkooda ku yiil, Wayna dhammaysteen midhihii dhulkooda.

  • 2Oo markii ay wada cuneen hadhuudhkii ay Masar ka keeneen ayaa aabbahood ku yidhi, Bal taga haddana, oo cunto yar inoo soo iibiya.

  • Aam 7:1-2
    2 aayado
    67%

    1¶ Sayidka Rabbiga ahu wax buu i tusay, oo bal eeg, wuxuu sameeyey ayax markii fufkii dambe bilowday, oo bal eeg, waxay ahayd fufkii dambe markii boqorka cawskiisa la gooyay dabadeed.

    2Oo markay dhammeeyeen cunitaankii cawskii dalka ayaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, waan ku baryayaaye, na cafi, waayo, bal reer Yacquub sidee bay isu taagi doonaan? Waayo, iyagu waa yar yihiin.

  • 14Markaasuu ku yidhi iyagii, Kii wax cuni jiray ayaa cunto ka soo baxday, Kii xoogga badnaana waxaa ka soo baxay macaan. Oo iyana intii saddex maalmood ah ayay halxidhkii furi waayeen.

  • 36Cuntaduna kayd bay dalka u noqon doontaa toddobada sannadood oo abaarta ah oo ka dhici doonta dalka Masar, si aan dalku abaarta ugu baabbi'in.

  • 54Oo waxaa bilaabatay toddobadii sannadood oo abaarta ahayd, sidii Yuusuf yidhi. Dalalkii oo dhanna abaar baa ka dhacday; laakiinse dalka Masar oo dhan cuntaa jirtay.

  • 7Naftaydu way diidaa inay taabato, Waxay ii yihiin sida cunto la naco oo kale.