Bilowgii 49:20

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Aasheerna cuntadiisu subag bay lahaan doontaa, Wuxuuna keeni doonaa cunto ay reer boqor ku farxaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 30:13 : 13 Oo Lee'ahna waxay tidhi, Waan faraxsanahay! waayo, naaguhu waxay iigu yeedhi doonaan tan faraxsan. Magiciisiina waxay u bixisay Aasheer.
  • Sharc 33:24-25 : 24 Oo markuu Aasheer u ducaynayayna wuxuu yidhi, Aasheer ku wiilasha ku dhex barakaysan ha ahaado, Oo hana ahaado kan walaalihiis u bogaan, Oo cagtiisana saliid ha daro. 25 Kabahaagu waxay ahaan doonaan bir iyo naxaas, Oo intay maalmahaagu yihiin xooggaaguna ha ahaado.
  • Yash 19:24-31 : 24 ¶ Oo saamigii shanaadna wuxuu u soo baxay reer Aasheer sidii reerahoodii ahaayeen. 25 Oo soohdintooduna waxay ahayd Xelqad, iyo Xali, iyo Beten, iyo Akshaaf, 26 iyo Allammeleg, iyo Camcaad, iyo Mishaal; oo wuxuu gaadhay Karmel xaggeeda galbeed, iyo ilaa Shiihoor Libnaad, 27 oo waxay u leexatay xagga qorraxdu ka soo baxdo, ee ah Beytdaagoon, oo waxay gaadhay tan iyo Sebulun, iyo dooxadii Yiftax'eel xaggeeda woqooyi iyo ilaa Beytcemeq iyo Necii'eel, oo waxay u baxday xagga bidix ee ah Kabuul, 28 iyo Cebroon, iyo Rexob, iyo Xammoon, iyo Qaanaah, iyo xataa Siidoonta weyn; 29 oo soohdintii waxay u leexatay xagga Raamaah, iyo xagga magaaladii deyrka lahayd oo Turos, oo haddana soohdintu waxay u leexatay xagga Xosaah, oo dhammaadkeedu wuxuu ahaa xagga badda ee Aksiib dhinaceeda ah, 30 iyo Cummaah, iyo Afeeq, iyo Rexob, oo intaasu waa laba iyo labaatan magaalo iyo tuulooyinkoodii. 31 Oo intaasu waa dhaxalkii ay qabiilkii reer Aasheer u heleen sidii reerahoodii ahaayeen, iyo xataa magaalooyinkan iyo tuulooyinkooduba
  • Bil 46:17 : 17 Wiilashii Aasheerna waxay ahaayeen Yimnaah, iyo Yishwaah, iyo Yishwii, iyo Beriicaah, iyo walaashood Serax; wiilashii Beriicaahna waxay ahaayeen Xeber iyo Malkii'eel.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 79%

    23Oo markuu Naftaali u ducaynayayna wuxuu yidhi, Naftaaliyow, kaaga raallinimo ka dhergayow, Oo barakadii Rabbiga ka buuxsantayow, Adigu hanti galbeedka iyo koonfurta.

    24Oo markuu Aasheer u ducaynayayna wuxuu yidhi, Aasheer ku wiilasha ku dhex barakaysan ha ahaado, Oo hana ahaado kan walaalihiis u bogaan, Oo cagtiisana saliid ha daro.

    25Kabahaagu waxay ahaan doonaan bir iyo naxaas, Oo intay maalmahaagu yihiin xooggaaguna ha ahaado.

  • Yex 48:2-3
    2 aayado
    72%

    2Oo waxaa soohdinta reer Daan dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Aasheer.

    3Oo waxaa soohdinta reer Aasheer dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Naftaali.

  • 19Waxaa Gaad cidhiidhi gelin doonta guuto wax dhacda; Laakiinse isna cedhibtooduu cidhiidhi gelin doonaa.

  • 13Oo Lee'ahna waxay tidhi, Waan faraxsanahay! waayo, naaguhu waxay iigu yeedhi doonaan tan faraxsan. Magiciisiina waxay u bixisay Aasheer.

  • 31Oo intaasu waa dhaxalkii ay qabiilkii reer Aasheer u heleen sidii reerahoodii ahaayeen, iyo xataa magaalooyinkan iyo tuulooyinkooduba

  • Tir 1:40-41
    2 aayado
    68%

    40¶ Oo reer Aasheerna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

    41intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Aasheer waxay ahaayeen kow iyo afartan kun iyo shan boqol.

  • 24¶ Oo saamigii shanaadna wuxuu u soo baxay reer Aasheer sidii reerahoodii ahaayeen.

  • 21Naftaali waa cawl la furay, Hadallo wanwanaagsanna wuu ku hadlaa.

  • 4Daan iyo Naftaali, iyo Gaad iyo Aasheer.

  • Tir 26:46-47
    2 aayado
    67%

    46Oo Aasheer gabadhiisii magaceediina wuxuu ahaa Serax.

    47Oo intaasu waa qabiilooyinkii reer Aasheer, oo intii iyaga laga tiriyeyna waxay ahaayeen saddex iyo konton kun iyo afar boqol.

  • 17Wiilashii Aasheerna waxay ahaayeen Yimnaah, iyo Yishwaah, iyo Yishwii, iyo Beriicaah, iyo walaashood Serax; wiilashii Beriicaahna waxay ahaayeen Xeber iyo Malkii'eel.

  • 66%

    18Oo markuu Sebulun u ducaynayayna wuxuu yidhi, Sebulunow, ku farax baxniintaada, Adiguna Isaakaarow, ku farax teendhooyinkaaga.

    19Iyagu waxay dadka ugu yeedhi doonaan buurta, Oo halkaasay ku bixin doonaan allabaryada xaqnimada, Waayo, waxay nuugi doonaan hodantinimada badaha Iyo bacaadka qasnadihiisa qarsoon.

    20Oo markuu Gaad u ducaynayayna wuxuu yidhi, Barako ha ku dhacdo kii reer Gaad ballaadhiya, Isagu wuxuu u jiifaa sida gool libaax, Oo wuxuu dillaacsadaa gacanta iyo madaxa dhaladiisa.

  • 40Oo kulli intaas oo dhammuna waxay wada ahaayeen ilma Aasheer oo ah madaxdii reerahooda, oo waxay ahaayeen rag xoog badan oo la doortay, oo weliba waxay ahaayeen madaxdii amiirrada. Oo tiradoodii abtiriska loogu tiriyey hawsha dagaalka waxay ahayd lix iyo labaatan kun oo nin.

  • 36Oo reer Aasheerna waxaa ka joogay afartan kun oo nin oo ciidanka geli kara oo dagaalka isu safi kara.

  • Xaak 1:31-32
    2 aayado
    65%

    31¶ Oo reer Aasheerna ma ay eryin dadkii degganaa Cakoo, ama dadkii degganaa Siidoon, ama kuwii Axlaab, ama kuwii Aksiib, ama kuwii Xelbaah, ama kuwii Afiiq, ama kuwii Rexob.

    32Laakiinse reer Aasheer waxay dhex degganaayeen reer Kancaan oo ahaa dadkii dalka degganaa, maxaa yeelay, iyagu ma ay eryin.

  • 27Qabiilka reer Aasheerna waxaad kala soo baxdaan amiir, kaas oo ah Axiihuud ina Shelomii.

  • 74Oo qabiilkii reer Aasheerna waxaa laga siiyey Maashaal iyo agagaarkeedii, iyo Cabdoon iyo agagaarkeedii,

  • 30Oo waxay qabiilkii reer Aasheerna ka heleen Mishaal iyo agagaarkeedii, iyo Cabdoon iyo agagaarkeedii,

  • 22oo caanaha tirada badan oo uu ka heli doono aawadood ayuu subag cuni doonaa, waayo, mid kasta oo dalka ku hadhayba wuxuu quudan doonaa subag iyo malab.

  • Bil 49:14-15
    2 aayado
    64%

    14Isaakaar waa dameer xoog weyn, Oo jiifsada xeryaha idaha dhexdooda.

    15Oo wuxuu arkay meel lagu nasto inay wanaagsan tahay, Iyo dhulku inuu nimcaysan yahay; Kolkaasuu garbihiisa u soo goday inuu wax ku qaado, Oo addoon buu u noqday hawshii.

  • 26Addoontii Lee'ah oo Silfah ahayd wiilasheediina waxay ahaayeen Gaad iyo Aasheer. Kuwanu waa wiilashii Yacquub oo isaga ugu dhashay Fadan Araam.

  • 40Oo weliba dadkii iyaga u dhowaa ee ahaa ilaa reer Isaakaar iyo reer Sebulun iyo reer Naftaali waxay cunto ku soo rareen dameerro, iyo awr, iyo baqlo, iyo dibi, oo waxay keeneen bur, iyo fudad berde ah, iyo rucubo sabiib ah, iyo khamri, iyo saliid, iyo dibi, iyo ido, dhammaanna aad iyo aad bay u badnaayeen, maxaa yeelay, reer binu Israa'iil dhexdooda farxad baa jirtay.

  • 64%

    13Wuuna fuuliyey meelaha sarsare ee dhulka, Oo wuxuu cunay wixii beerta ka baxay, Wuxuuna ka dhigay inuu nuugo malab dhagaxii ka soo baxay, Iyo saliid dhagax madow ka soo baxday.

    14Wuxuuna quutay subag lo'aad, iyo caano idaad, Iyo baraarro baruurtood, Iyo wananka Baashaan, iyo riyaha, Iyo sarreenka ugu wanaagsan. Oo dhiiggii canabkana waxaad ka cabtay khamri.

  • 2iyo Daan, iyo Yuusuf, iyo Benyaamiin, iyo Naftaali, iyo Gaad, iyo Aasheer.

  • 5Waxaa barakaysnaan doona dambiishiinna iyo weelkiinna aad wax ku cajiintaan.

  • 25Oo waxay qabsadeen magaalooyin deyr leh iyo dal barwaaqo leh, oo waxay hantiyeen guryo ay ka buuxaan wax kasta oo wanaagsanu, iyo berkedo qodan, iyo beero canab ah, iyo beero saytuun ah, iyo geedo midho leh oo faro badan. Haddaba wax bay cuneen oo dhergeen, wayna cayileen, oo waxay ku farxeen wanaaggaaga weyn.

  • 13Oo reer Aasheerna waxaa ka iman Fagcii'eel ina Cokraan.

  • 29iyo malab, iyo subag, iyo ido, iyo faar lo'aad, oo waxay waxaas oo dhan u keeneen Daa'uud iyo dadkii la socday inay cunaan, waayo, waxay isyidhaahdeen, Dadku cidladay ku gaajoodeen, oo ku daaleen, oo ku harraadeen.

  • 39Markaasaa aabbihiis Isxaaq u jawaabay oo ku yidhi, Bal eeg, rugtaadu waxay ahaan doontaa meel ka baxsan dhulka barwaaqadiisa Iyo sayaxa samada sare ka yimaada.

  • 15Waxaan iyada aad iyo aad ugu barakayn doonaa quud, Oo masaakiinteeda waxaan ka dhergin doonaa cunto.

  • 10Dhanka koonfureed waxaa lahaa reer Efrayim, dhanka woqooyina waxaa lahaa reer Manaseh, oo badduna waxay ahayd soohdintiisa, oo waxay gaadheen ilaa reer Aasheer oo woqooyi jira, iyo tan iyo reer Isaakaar oo ku yaal xagga bari.

  • 17Oo ma uu fiirin doono webiyada, Iyo durdurrada la barwaaqaysan malabka iyo subagga.

  • 29Sidaas daraaddeed iyagii way cuneen, oo aad bay uga dhergeen, Oo isna wuxuu iyagii siiyey wixii ay u jeellanaayeen.

  • 16Isagu dhibaato wuu kaa bixin lahaa, Oo wuxuu ku geeyn lahaa meel ballaadhan oo aan cidhiidhi ahayn, Oo miiskaaga waxa saaran oo dhammuna waxay ahaan lahaayeen baruur miidhan.

  • 16kaasu wuxuu fadhiyi doonaa meel sare, oo gabbaadkiisuna wuxuu noqon doonaa dhufays dhagaxyo ah, oo cuntadiisa baa la siin doonaa, oo biyihiisuna waxay ahaan doonaan kuwa la hubo.

  • 23Oo markaasuu roob idiin siin doonaa abuurkiinna si aad dhulka ugu abuurtaan, oo wuxuu cunto idinka siin doonaa waxa dhulka idiinka baxa, oo waxayna ahaan doontaa barwaaqo badan, oo wakhtigaas lo'diinnu waxay daaqi doontaa berrimmo balballaadhan.

  • 30¶ Ilma Aasheerna waxay ahaayeen Yimnaah, iyo Yishwaah, iyo Yishwii, iyo Beriicaah, iyo Serax oo ahayd walaashood.

  • 31Oo isna hilib macaan buu sameeyey, oo u keenay aabbihiis; oo wuxuu ku yidhi aabbihiis, Aabbow kac, oo cun hilibkaygan ugaadheed, si aad iigu ducayso.