Cibraaniyiintii 7:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaa la odhan kara, Laawiga meeltobnaadyada qaataana, Ibraahim meeltobnaadyo ayuu ku bixiyey.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 14:20 : 20 Ammaan waxaa leh Ilaaha ugu sarreeya, oo cadaawayaashaadii gacantaada geliyey. Markaasaa Aabraam wuxuu isagii wax kasta ka siiyey toban meelood oo meel.
  • Room 5:12 : 12 ¶ Haddaba sida dembigu nin keliya dunida ugu soo galay, dhimashaduna dembiga ugu timid, sidaasaa dhimashadiina u gaadhay dadka oo dhan, waayo, waa la wada dembaabay;
  • Cib 7:4 : 4 ¶ Haddaba ka fiirsada ninkanu siduu u weynaa, kan Ibraahim oo madaxda awowayaashii ahi meeltobnaad ka siiyey boolidii.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Cib 7:1-8
    8 aayado
    86%

    1¶ Malkisadaqan, oo Saalem boqorka u ahaa, wadaadkii Ilaaha ugu sarreeyana ahaa, wuxuu la kulmay Ibraahim oo ka soo noqday layntii boqorrada, wuuna barakeeyey.

    2Oo Ibraahim wuxuu isagii wax kasta ka siiyey toban meelood oo meel. Malkisadaq hortii waxaa magiciisii lagu fasiray, Boqorka Xaqnimada, dabadeedna, Boqorka Saalem, oo ah Boqorka Nabadda.

    3Aabbe ma lahayn, hooyona ma lahayn, abtirsiinyona ma lahayn, oo isagoo aan lahayn bilowga maalmaha ama dhammaadka nolosha laakiin loo ekaysiiyey Wiilka Ilaah, ayuu weligiis wadaad sii ahaanayaa.

    4¶ Haddaba ka fiirsada ninkanu siduu u weynaa, kan Ibraahim oo madaxda awowayaashii ahi meeltobnaad ka siiyey boolidii.

    5Oo runtii kuwii qoladii Laawi oo helay shuqulka wadaadnimada waxay haystaan amar ay dadka kaga qaataan meeltobnaadka sida sharcigu leeyahay, kuwaas waxaa weeye walaalahood in kastoo ay kuwanu ka yimaadeen xanjaadka Ibraahim.

    6Laakiin kii aan iyaga ku abtirsanin ayaa wuxuu Ibraahim ka qaatay meeltobnaadyo, oo barakeeyey kii ballamada loo qaaday.

    7Laakiin muranla'aan kan yar waxaa barakeeya kan ka wanaagsan.

    8Oo halkan waxaa meeltobnaadyada qaata dadka dhinta, laakiin halkaas mid loo markhaati furay inuu nool yahay.

  • Cib 7:10-15
    6 aayado
    82%

    10Waayo, isagu weli xanjaadkii aabbihiis buu ku jiray kolkii Malkisadaq la kulmay.

    11¶ Haddaba haddii kaamilnimo ku jirtay wadaadnimadii Laawi, waayo, iyada ayuu dadku sharciga ka hoos helaye, maxaa weli loogu baahnaa in wadaad kale ka kaco derejadii Malkisadaq oo aan lagu magacaabin derejadii Haaruun?

    12Waayo, wadaadnimada markii la beddelo waa lagamamaarmaan in sharcigana la beddelo.

    13Waayo, kii waxyaalahan laga sheegay waa qolo kale oo aan nin meeshii allabariga ka shaqeeyey ka iman.

    14Waa cad dahay in Sayidkeennu ka soo baxay Yahuudah, oo ah qolo aan Muuse kaga hadlin wax wadaaddo ku saabsan.

    15Oo weliba aad bay u sii cad dahay, haddii wadaad kale oo Malkisadaq u egi kaco,

  • 21¶ Oo bal eeg, reer Laawina waxaan dhaxal u siiyey meeltobnaadka ay reer binu Israa'iil oo dhan bixiyaan; taasu waa hawshooda ay qabtaan abaalgudkeedii, taasoo ah hawsha teendhada shirka.

  • Bil 14:19-20
    2 aayado
    72%

    19Oo Aabraam buu u duceeyay, oo yidhi, Ilaaha ugu sarreeya, ee leh samada iyo dhulkaba ha barakeeyo Aabraam.

    20Ammaan waxaa leh Ilaaha ugu sarreeya, oo cadaawayaashaadii gacantaada geliyey. Markaasaa Aabraam wuxuu isagii wax kasta ka siiyey toban meelood oo meel.

  • 9Oo sidaas daraaddeed Laawi walaalihiis lama laha qayb iyo dhaxal toona, dhaxalkiisa waxaa ah Rabbiga sidii Rabbiga Ilaahaaga ahu ku yidhi.)

  • Tir 18:25-26
    2 aayado
    70%

    25¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    26Weliba waxaad la hadashaa reer Laawi oo ku tidhaahdaa, Markaad reer binu Israa'iil dhaxal uga qaadataan meeltobnaadka aan idinka siiyey, markaas waa inaad Rabbiga uga bixisaan qurbaan sare loo qaado, oo ah meeltobnaadka meeltobnaadkiisa.

  • Nex 10:37-38
    2 aayado
    70%

    37iyo inaynu wadaaddada qolalka guriga Ilaaheenna ugu keenayno inta ugu horraysa cajiinkeenna, iyo qurbaannadeenna, iyo midhaha geedo cayn kasta ah, iyo khamriga, iyo saliidda, iyo inaynu waxa dhulkeenna ka baxa toban meelood meel ka siinayno kuwa reer Laawi, waayo, reer Laawi waxay meeltobnaadyada ka qaadan jireen beeraha magaalooyinkeenna oo dhan.

    38Oo wadaadka oo ah reer Haaruun wuxuu la joogi doonaa kuwa reer Laawi markay meeltobnaadyada qaadayaan; oo reer Laawina meeltobnaadyada ay toban meelood meel ka sii bixiyaan waxay keeni doonaan guriga Ilaaheenna ilaa qolalka ah guriga khasnadda.

  • 17Waayo, isaga waxaa loogu markhaati furay, Adigu weligaaba wadaad baad tahay Sidii derejadii Malkisadaq.

  • Cib 11:17-19
    3 aayado
    68%

    17¶ Ibraahim kolkii la jirrabay, rumaysad buu Isxaaq allabari ahaan ugu bixiyey. Kii ballamada aqbalay ayaa wuxuu bixinayay wiilkiisii keliyaha,

    18in kastoo lagu yidhi, Kuwa Isxaaq ka farcama ayaa farcankaaga loogu yeedhi doonaa.

    19Wuxuu ku tirinayay in Ilaah ka kicin karo xataa kuwii dhintay; oo sida masaal oo kale ayuu isagii uga helay kuwii dhintay.

  • 9Rumaysad buu ku degganaa dhulkii loo ballanqaaday sidii dhul qalaad, wuxuuna taambuugyo la degganaa Isxaaq iyo Yacquub oo ahaa kuwii la dhaxlay isku ballan.

  • 8¶ Nin miyuu Rabbiga dhacaa? Idinkuse waad i dhacdaan. Laakiinse waxaad tidhaahdaan, Maxaannu kaa dhacnay? Waxaad iga dhacdeen meeltobnaadyo iyo qurbaanno.

  • 9Sidaas daraaddeed kuwa rumaysadka lahu waxay la barakaysan yihiin Ibraahimkii rumaystay.

  • 6Sidaas oo kalaa Ibraahim Ilaah u rumaystay, oo waxaa isaga loogu tiriyey xaqnimo.

  • 28Oo sidaas waa inaad idinku qurbaan sare loo qaado Rabbiga uga bixisaan meeltobnaadyadiinna oo dhan oo aad ka qaadataan reer binu Israa'iil, oo waa inaad Rabbiga qurbaankiisii sare loo qaado ka siisaan wadaadka Haaruun ah.

  • 8Oo wuxuu isaga siiyey axdiga gudniinta; haddaba Ibraahim wuxuu dhalay Isxaaq, oo maalintii siddeedaad ayuu guday isaga; Isxaaqna wuxuu dhalay Yacquub; Yacquubna wuxuu dhalay laba-iyo-tobankii aynu ka soo farcannay.

  • 9Kaasu waa axdigii uu Ibraahim la dhigtay, Oo uu Isxaaq ugu dhaartay,

  • 10Oo Ilaah baa isaga wuxuu ku magacaabay wadaad sare sidii derejadii Malkisadaq.

  • 10Markaasuu Miikaah ku yidhi isagii, Aniga ila joog, oo ii noqo aabbe iyo wadaad, anna sannaddiiba waxaan ku siinayaa toban xabbadood oo lacag ah, iyo isku joog dhar ah, iyo cuntadaada. Sidaas daraaddeed kii reer Laawi guduhuu galay.

  • 2Markaasuu ku yidhi, Walaalo iyo aabbayaalow, dhegaysta, Ilaaha Ammaantu wuxuu u muuqday awoweheen Ibraahim markuu Mesobotamiya joogay intuusan Haaraan degin,

  • 20Oo isagu dhaarla'aan wadaad kuma uu noqon.

  • 6Meel kalena wuxuu ka yidhi. Adigu weligaaba wadaad baad tahay Sidii derejadii Malkisadaq.

  • 5maxaa yeelay, Ibraahim baa addeecay codkaygii, wuxuuna dhawray wixii la ii dhawri lahaa, iyo xukummadaydii, iyo amarradaydii, iyo qaynuunnadaydii.

  • 32Oo kulli meeltobnaadka lo'da ah ama kan adhiga ah oo dhan, wax alla wixii lagu tiriyo ee hoos maro usha adhijirka, meeltobnaadku waa inuu Rabbiga quduus u ahaadaa.

  • 10Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeltobnaadyada oo dhan khasnadda soo geliya in gurigayga cunto ku jirto aawadeed, oo haddaba taas igu tijaabiya, haddii aan idiin furi waayo daaqadaha samada, oo aan idinkaga soo shubi waayo barako aan meel qaadi karta la arag.

  • 22oo dhagaxan aan sidii tiir u qotomiyey, wuxuu noqon doonaa guriga Ilaah: oo wax alla wixii aad i siisidna hubaal meel tobnaadka adigaan ku siin doonaa.