Ishacyaah 26:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Habeenka naftaydu adigay kuu xiisootay, oo ruuxa gudahayga ku jira ayaan aad kuugu doondooni doonaa, waayo, markii xukummadaadu ay dhulka joogaan ayaa dadka dunida degganu xaqnimo bartaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 63:1 : 1 Ilaahow, waxaad tahay Ilaahay, oo anna goor hore ayaan ku doondooni doonaa, Naftaydu adigay kuu oomman tahay, jidhkayguna aduu kuu xiisoodaa, Anoo jooga dhul engegan oo daal miidhan ah oo aan biyo lahayn.
  • Mat 6:33 : 33 Laakiin horta doondoona boqortooyadii Ilaah iyo xaqnimadiisa, oo waxaas oo dhan waa laydinku dari doonaa.
  • Luuk 6:12 : 12 ¶ Maalmahaas waxaa dhacay inuu buurta u baxay inuu tukado. Habeenkii oo dhan wuxuu waday inuu Ilaah u tukado.
  • Muj 11:13 : 13 Oo saacaddaasna waxaa dhacay dhulgariir weyn, oo magaaladii toban meelood oo meel ayaa duntay; oo dhulgariirkii wuxuu dilay toddoba kun oo qof, oo intoodii kalena way cabsadeen, oo waxay ammaaneen Ilaaha samada.
  • Maah 8:17 : 17 Anigu kuwa i jecel waan jeclahay, Oo kuwa aad iyo aad ii doonaana way i heli doonaan.
  • Hees 3:1-4 : 1 Goor habeennimo ah ayaan sariirtayda ka doondoonay kan naftaydu jeceshahay. Waan doondoonay, laakiinse ma aanan helin. 2 Haddaba waan kacayaa, oo magaaladaan dhex wareegayaa, Oo dariiqyada iyo jidadka waaweyn Ayaan ka dhex goobayaa kan naftaydu jeceshahay. Waan doondoonay laakiinse ma aanan helin. 3 Waxaa i helay waardiyayaashii magaalada dhex warwareegayay, Oo anna waxaan ku idhi, Kan naftaydu jeceshahay ma aragteen? 4 Oo kolkaan iyagii in yar sii dhaafay Ayaan helay kii naftaydu jeceshahay. Waan qabtay, mana sii dayn, Ilaa aan isaga gurigii hooyaday keenay, Oo aan qolladdii tii i uuraysatay geliyey.
  • Sab 119:62 : 62 Waxaan kici doonaa habeenbadhka inaan kugu mahadnaqo, Waana xukummadaada caddaaladda ah daraaddood.
  • Hos 5:15 : 15 Anigu waan tegi doonaa oo waxaan ku noqon doonaa meeshaydii, jeeray iyagu xumaantooda qirtaan oo ay i doondoonaan. Iyagoo cidhiidhi ku dhex jira ayay aad ii doondooni doonaan.
  • Sab 130:6 : 6 Naftaydu waxay Sayidka u dhawrtaa In ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa, Haah, in ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa.
  • Tir 14:21-23 : 21 laakiinse sida runta ah anigu waan noolahay, oo dunida oo dhammuna waxay ka buuxsami doontaa ammaanta Rabbiga. 22 Kulli dadkii ammaantayda arkay, oo arkay calaamooyinkii aan ku sameeyey Masar iyo cidladii, oo weliba tobankan jeer i jirrabay oo aanay codkaygiina dhegaysan, 23 hubaal ma ay arki doonaan dalkii aan awowayaashood ugu dhaartay, oo intoodii i quudhsatayna midna ma arki doono.
  • Sab 58:11 : 11 Sidaas daraaddeed dadku wuxuu odhan doonaa, Hubaal kii xaq ahu abaalgud buu leeyahay, Hubaal waxaa jira Ilaah dhulka xukuma.
  • Sab 63:6-7 : 6 Kolkaan sariirtayda kugu soo xusuusto Oo aan kaa fikiro habeenka markaan soo jeedo. 7 Waayo, waxaad ii ahayd caawimaad, Oo hooska baalashaada ayaan ku rayrayn doonaa.
  • Sab 64:9 : 9 Oo dadka oo dhammu way cabsan doonaan, Oo waxay sheegi doonaan shuqulka Ilaah, Oo si caqli ah ayay uga fikiri doonaan wuxuu sameeyey.
  • Sab 77:2-3 : 2 Maalintii aan dhibaataysnaa waxaan doondoonay Sayidka, Gacantaydu way fidsanayd habeennimadii, mana ay nasan, Oo naftaydiina way diidday in la qaboojiyo. 3 Waxaan soo xusuustaa Ilaah, markaasaan welwelaa, Waan cawdaa, markaasay naftaydu taag darnaataa. (Selaah)
  • Sab 78:34 : 34 Markii uu iyaga laayay ayay isaga dooneen, Oo haddiiba way soo noqdeen oo Ilaah goor hore doondooneen.
  • Sab 83:18 : 18 Si ay u ogaadaan in adigoo magacaagu Ilaah yahay Aad tahay Ilaaha ugu sarreeya dunida oo dhan.
  • Hees 5:2-8 : 2 Anigu waan hurday, laakiinse qalbigaygu waa soo jeeday. Waxaan maqlay codkii gacaliyahayga oo albaabka garaacaya, isagoo leh, Walaashayay, taan jeclahayay, qoolleydaydiiyey, tayda sanay, iridda iga fur, Waayo, madaxayga waxaa ka buuxa dharab, Oo timahaygana waxaa qoyay dhibicyihii habeennimada. 3 Dharkaygii waan iska bixiyey, bal sidee baan u xidhaa? Oo cagahaygiina waan maydhay, bal sidee baan u wasakheeyaa? 4 Gacaliyahaygii wuxuu gacantiisii ka soo dusiyey daloolkii albaabka, Oo qalbigaygu isaguu u dhaqaaqay. 5 Waxaan u sara joogsaday inaan gacaliyahayga iridda ka furo, Oo gacmahaygana waxaa ka daadanayay malmal, Farahaygana malmalku Wuxuu kaga tiftifqay qataarkii albaabka. 6 Gacaliyahaygii waan ka furay, Laakiinse gacaliyahaygii wuu iska noqday, wuuna tegey. Naftaydii markuu hadlay way naxday. Isagaan doondoonay, laakiinse waan heli kari waayay. Waan u dhawaaqay, laakiinse innaba iima uu jawaabin. 7 Oo waardiyayaashii magaalada dhex warwareegayay ayaa i helay Wayna i garaaceen oo i dhaawaceen. Oo kuwii derbiyada dhawrayay ayaa garbasaartaydii iga qaaday. 8 Gabdhaha reer Yeruusaalemow, Waxaan idinku dhaarinayaa, haddaad gacaliyahaygii aragtaan, U sheega inaan caashaq la buko.
  • Ish 27:9 : 9 Haddaba sidaas daraaddeed xumaanta reer Yacquub tanaa lagu kafaaraggudi doonaa, oo tanuna waa midhihii qaadidda dembigiisa oo dhan, markuu dhagaxyada meesha allabariga oo dhan ka wada dhigo sida dhagaxyada nuuradda ah oo la burburiyo oo kale, si aanay geedaha Asheeraah iyo sanamyada qorraxduna mar dambe u soo kicin.
  • Ish 55:6 : 6 ¶ Rabbiga doondoona inta isaga la heli karo, oo isaga barya intuu dhow yahay.
  • Mark 1:35 : 35 ¶ Aroortii hore intaan weli waagii beryin ayuu kacay oo wuxuu tegey meel cidla ah, halkaasuuna ku soo tukanayay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 8Rabbiyow, annagu waxaannu kugu sugaynay jidka xukummadaada. Oo naftayaduna waxay xiiso u qabtaa magacaaga iyo xusuustaada.

  • 20Naftaydu waxay u xiisootay Jacaylkay had iyo goorba u qabto xukummadaada.

  • 1Ilaahow, waxaad tahay Ilaahay, oo anna goor hore ayaan ku doondooni doonaa, Naftaydu adigay kuu oomman tahay, jidhkayguna aduu kuu xiisoodaa, Anoo jooga dhul engegan oo daal miidhan ah oo aan biyo lahayn.

  • 40Bal eeg, waxaan u xiisooday amarradaada, Haddaba xaqnimadaada igu soo noolee.

  • 2Naftaydu waxay u xiisaysan tahay Rabbiga barxadihiisa, Qalbigayga iyo jiidhkayguba waxay u dhawaaqaan Ilaaha nool.

  • Sab 130:5-6
    2 aayado
    73%

    5Waxaan sugaa Rabbiga, Naftayduna way sugtaa, oo eraygiisa ayaan rajo ku qabaa.

    6Naftaydu waxay Sayidka u dhawrtaa In ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa, Haah, in ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa.

  • 8Markaad tidhi, Wejigayga doondoona, ayaa qalbigaygu wuxuu kugu yidhi, Rabbiyow, wejigaaga waan doondoonayaa.

  • 1Goor habeennimo ah ayaan sariirtayda ka doondoonay kan naftaydu jeceshahay. Waan doondoonay, laakiinse ma aanan helin.

  • 10Waxaan kugu doondoonay qalbigayga oo dhan, Yaanan amarradaada ka leexan.

  • 6Habeenka waxaan soo xusuustaa gabaygayga, Oo waxaan la sheekaystaa qalbigayga, Oo ruuxaygiina aad buu wax u doondoonay.

  • 6Gacmahaygaan kuu hoorsadaa, Oo naftaydu adigay kuu harraaddaa sida dhul oommane ah. (Selaah)

  • 62Waxaan kici doonaa habeenbadhka inaan kugu mahadnaqo, Waana xukummadaada caddaaladda ah daraaddood.

  • 2Maalintii aan dhibaataysnaa waxaan doondoonay Sayidka, Gacantaydu way fidsanayd habeennimadii, mana ay nasan, Oo naftaydiina way diidday in la qaboojiyo.

  • 3Rabbiyow, codkayga aroorta baad maqli doontaa, Oo aroorta ayaan tukashadayda kugu soo hagaajin doonaa, oo waan soo jeedi doonaa.

  • Sab 42:1-2
    2 aayado
    71%

    1Sida deeradu biyaha durdurka ugu harraaddo, Ayay naftaydu kuugu harraaddaa, Ilaahayow.

    2Naftaydu waxay u oomman tahay Ilaah, kaasoo ah Ilaaha nool. Goormaan u tegi doonaa oo aan Ilaah hortiisa ka muuqan doonaa?

  • 7Markaan barto xukummadaada xaqa ah Ayaan qummanaanta qalbiga kuugu mahadnaqi doonaa.

  • 6Kolkaan sariirtayda kugu soo xusuusto Oo aan kaa fikiro habeenka markaan soo jeedo.

  • 8Aroorta naxariistaada i maqashii, Waayo, adigaan isku kaa halleeyaa, I garansii sidii aan u socon lahaa, Waayo, naftaydaan kor kuugu qaadaa.

  • 71%

    148Indhahaygu way ka hor mareen wakhtiga la soo jeedo oo habeennimo, Si aan eraygaaga uga fikiro.

    149Codkayga u maqal si raxmaddaada waafaqsan, Rabbiyow, igu soo noolee si xukummadaada waafaqsan.

  • 13Laakiinse Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, Oo baryootankayguna subaxduu hortaada imanayaa.

  • Sab 17:2-3
    2 aayado
    71%

    2Xukunkaygu ha ka yimaado hortaada, Oo indhahaaguna caddaalad ha fiiriyeen.

    3Qalbigayga waad tijaabisay, oo habeennimaad i soo booqatay, Waad i imtixaantay, oo wax shar ah igama aad helin, Waxaan u qasdiyey inaanu afkaygu xadgudbin.

  • 156Rabbiyow, naxariistaadu waa badan tahay, Igu soo noolee si xukummadaada waafaqsan.

  • 25Bal, yaan samada ku leeyahay adiga mooyaane? Oo dhulkana laguma arko mid aan kaa jeclahay.

  • 108Rabbiyow, waan ku baryayaaye, aqbal qurbaannada ikhtiyaarka ah oo afkayga, Xukummadaadana i bar.

  • 25Naftaydu waxay ku dhegtaa ciidda, Haddaba ii noolee si eraygaaga waafaqsan.

  • 8Naftaydu adigay ku raacdaa, Oo gacantaada midigna way i tiirisaa. (Selaah)

  • 9Sayidow, waxaan jeclahay oo dhammu waxay yaalliin hortaada, Oo taahiddayduna kaama qarsoona.

  • 15Laakiinse anigu xaqnimaan wejigaaga ku fiirin doonaa, Oo waa i deeqi doonaa markii aan ammaantaada arko, oo aan ekaantaada la soo tooso.

  • 1¶ Rabbiyow, xaq baad tahay markaan kula muddaco, haddaba bal aan xukummadaada kaala hadlo. Sharrowyada jidkoodu bal muxuu u hagaagaa? Oo kuwa khiyaano kula macaamiloodo oo dhammuna bal maxay u nabdoon yihiin?

  • 70%

    174Rabbiyow, badbaadintaada, waan u xiisooday, Oo sharcigaaguna waa waxa iga farxiya.

    175Naftaydu ha iska noolaato, wayna ku ammaani doontaa, Oo xukummadaaduna ha i caawiyaan.

  • 2Laakiinse iyagu maalin kasta way i doondoonaan, oo waxay jecel yihiin inay jidadkayga ogaadaan. Sidii quruun xaqnimo samaysay oo aan innaba amarkii Ilaahooda ka tegin waxay i weyddiistaan amarro xaq ah, oo waxay aad u jecel yihiin inay Ilaah ku soo dhowaadaan.

  • 4Wax keliya ayaan Rabbiga ka baryay, oo taas aad baan u doonayaa, Waana inaan cimrigayga oo dhan dhex degganaado guriga Rabbiga, Oo aan fiiriyo Rabbiga quruxdiisa, oo aan wax ku baryo macbudkiisa.

  • 8Rabbigu dadyowga buu u garsooraa, Rabbiyow, ii xukun siday xaqnimadaydu tahay, iyo siday daacadnimadayda igu jirtaa tahay.

  • 1Rabbiyow, tukashadayda maqal, oo baryootankayga dhegta u dhig, Oo daacadnimadaada iyo xaqnimadaada iigu jawaab.

  • 10Kan sharka ah haddii raalli laga noqdo isagu innaba xaqnimo ma barto, oo dalka qummanaanta ayuu caddaaladdarro ku samayn doonaa, oo haybadda Rabbigana ma uu fiirin doono.

  • 9Anigu waan qaadan doonaa Rabbiga dhirifkiisa, maxaa yeelay, waan ku dembaabay isaga, ilaa uu dacwaddayda ii muddaco, oo uu ii garsooro. Iftiinka wuu ii soo bixin doonaa, oo anna xaqnimadiisa waan arki doonaa.

  • 11Rabbiyow, ii soo noolee magacaaga daraaddiis, Oo xaqnimadaada naftayda kaga soo bixi dhibaato.

  • 8Laakiinse Rabbigu maalinnimada wuxuu soo diri doonaa raxmaddiisa, Oo habeennimadana waxaa ila jiri doona gabaygiisa, Iyo baryootanka aan Ilaaha noloshayda baryo.

  • 7Anigu waxaan ammaanayaa Rabbiga i waaniyey, Habeenkiina uurkaygu wax buu i baraa.

  • 1Rabbiyow, i xukun, waayo, waxaan ku socday daacadnimadayda, Oo weliba waxaan Rabbiga isugu halleeyey rogrogmashola'aan.

  • 120Jidhkaygu wuxuu la gariiraa cabsidaada, Oo waxaan ka baqaa xukummadaada.

  • 16Inaan ku addeeco oo aan adhijir sii ahaado kama aanan degdegin, oo maalinta hooggana ma aanan jeclaysan. Taas waad og tahay. Oo wax alla wixii bushimahayga ka soo baxayba hortaadaan ku idhi.

  • 164Maalintiiba toddoba jeer baan ku ammaanaa, Waana xukummadaada xaqa ah daraaddood.

  • 6Rabbiyow, cadhadaada la kac, Oo ku kac dhirifka cadaawayaashayda, Aniga daraadday u sara joogso, waayo, waxaad amartay xukun.

  • 9Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, cidhiidhi baan ku jiraa, Oo murug baan la il go'aa, oo naftayda iyo jidhkayguba way taag darnaadaan.