Sabuurradii 27:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Wax keliya ayaan Rabbiga ka baryay, oo taas aad baan u doonayaa, Waana inaan cimrigayga oo dhan dhex degganaado guriga Rabbiga, Oo aan fiiriyo Rabbiga quruxdiisa, oo aan wax ku baryo macbudkiisa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 26:8 : 8 Rabbiyow, rugta gurigaaga waan jeclahay, Iyo meesha ammaantaadu joogto.
  • Sab 23:6 : 6 Hubaal cimrigayga oo dhan waxaa i raaci doona wanaag iyo naxariis, Oo weligay guriga Rabbiga ayaan degganaan doonaa.
  • Sab 65:4 : 4 Waxaa barakaysan ninkii aad dooratid, oo aad ka dhigto inuu kuu soo dhowaado, Inuu degganaado barxadahaaga. Waxaan ka dhergi doonnaa wanaagga gurigaaga, Kaas oo ah meesha quduuska ah oo macbudkaaga.
  • Sab 84:10 : 10 Waayo, maalin barxadahaaga la joogo way ka sii wanaagsan tahay kun maalmood oo kale. Intaan teendhooyinka sharka joogi lahaa, Waxaan ka sii jeclaan lahaa inaan guriga Ilaah iridjooge u ahaado.
  • Sab 63:2-5 : 2 Si aan u arko xooggaaga iyo ammaantaadaba aawadeed, Ayaan kaa fiiriyey meesha quduuska ah. 3 Waayo, raxmaddaadu way ka sii wanaagsan tahay nolol, Haddaba bushimahaygu way ku ammaani doonaan. 4 Sidaas daraaddeed waan kugu mahadnaqayaa intaan noolahay, Oo gacmahaygana kor baan ugu qaadi doonaa magacaaga aawadiis. 5 Naftaydu waxay u dhergi doontaa sida mid dhuux iyo baruur uga dhergo, Oo afkayguna wuxuu kugu ammaani doonaa bushimo faraxsan
  • Sab 84:4 : 4 Waxaa barakaysan kuwa gurigaaga deggan, Weligoodba way ku sii ammaani doonaan.
  • Sab 27:8 : 8 Markaad tidhi, Wejigayga doondoona, ayaa qalbigaygu wuxuu kugu yidhi, Rabbiyow, wejigaaga waan doondoonayaa.
  • Mat 6:33 : 33 Laakiin horta doondoona boqortooyadii Ilaah iyo xaqnimadiisa, oo waxaas oo dhan waa laydinku dari doonaa.
  • Fil 3:13 : 13 Walaalahayow, anigu ku tirin maayo inaan aniga qudhaydu weli qabsaday, laakiinse wax keliya ayaan samaynayaa, waxyaalihii iga dambeeyey intaan illoobo ayaan waxaan laacayaa waxyaalaha iga horreeya.
  • 2 Kor 3:18 : 18 Laakiin dhammaanteen innagoo aan indho shareernayn, ammaanta Rabbiga ayaynu arkaynaa sidii oo muraayad lagu arko, oo isu-ekaanta ayaa laynoo roogayaa, ammaan ilaa ammaan, sida tan xagga Rabbiga Ruuxa ah ka timaada.
  • Sab 90:17 : 17 Oo Rabbiga Ilaahayaga ah nicmadiisu ha na dul joogto, Oo korkayaga ku adkee shuqulka gacmahayaga, Haah, shuqulka gacmahayaga adkee.
  • Cib 11:6 : 6 Oo rumaysadla'aantiis ma suurtowdo in isaga laga farxiyo, taas aawadeed kan Ilaah u yimaadaa waa inuu rumaysto inuu jiro oo uu yahay kan u abaalguda kuwa isaga doondoona.
  • Luuk 11:9-9 : 9 Waxaan idinku leeyahay, Weyddiista oo waa laydin siin doonaa; doona oo waad heli doontaan; garaaca oo waa laydinka furi doonaa. 10 Waayo, mid kasta oo weyddiista waa la siiyaa; kii doonaana waa helaa; kii garaacana waa laga furi doonaa.
  • Luuk 13:24 : 24 Wuxuuna ku yidhi, Aad u dadaala inaad iridda cidhiidhsan ka gashaan, waayo, waxaan idinku leeyahay, Qaar badan ayaa dooni doona inay galaan, mana kari doonaan.
  • Luuk 18:1 : 1 ¶ Si Ciise u tuso inay waajib ku tahay iyaga inay mar walba tukadaan oo aanay ka qalbi jabin, wuxuu iyaga kula hadlay masaal isagoo leh,
  • Yer 29:13 : 13 Oo waad i doondooni doontaan, waanad i heli doontaan markaad qalbigiinna oo dhan igu doondoontaan.
  • Mat 7:7-8 : 7 ¶ Weyddiista oo waa laydin siin doonaa; doona oo waad heli doontaan: garaaca oo waa laydinka furi doonaa; 8 waayo, mid kasto oo weyddiista waa la siiyaa, kii doonaana waa helaa, kii garaacana waa laga furi doonaa.
  • Luuk 2:37 : 37 Waxayna ahayd carmal xataa afar iyo siddeetan sannadood, macbudkana kama ay tegin, laakiin Ilaah ayay soon iyo salaad habeen iyo maalinba ku caabudaysay.
  • Luuk 10:42 : 42 Laakiin mid baa loo baahan yahay, Maryanna waxay dooratay intii roonayd oo aan laga qaadi doonin.
  • Sab 50:2 : 2 Siyoon oo ah meesha quruxda kaamilka ah Ayaa Ilaah ka soo iftiimay.
  • 1 Taar 10:13-14 : 13 Haddaba Saa'uul wuxuu u dhintay xadgudubkiisii uu isagu Rabbiga ku xadgudbay, maxaa yeelay, isagu Eraygii Rabbiga ma uu dhawrin, oo weliba isagu wuxuu talo weyddiistay mid ruuxaan lahayd, si uu iyada wax u weyddiisto, 14 oo Rabbiga wax ma uu weyddiisan, oo sidaas aawadeed ayaa Rabbigu isaga u dilay, oo boqortooyadiina wuxuu u wareejiyey Daa'uud oo ahaa ina Yesay.
  • Daan 9:3 : 3 Oo waxaan wejigayga u jeediyey Sayidka Ilaah ah inaan ku doondoono tukasho iyo baryootan, anoo sooman, oo joonyado guntan, oo dambas ku fadhiya.
  • Sak 9:9 : 9 ¶ Magaalada Siyoonay, si weyn u reyree, magaalada Yeruusaalemay, qayli. Bal eeg, boqorkaagu waa kuu imanayaa. Isagu waa xaq oo guul buu leeyahay, waana qalbi qabow yahay, oo wuxuu fuushan yahay dameer ah qayl dameereed.
  • 2 Kor 4:6 : 6 Waayo, waa Ilaah kan yidhi, Iftiin ha ka ifo gudcur, kan qalbiyadeenna uga ifay inuu iftiinka aqoonta ammaanta Ilaah inaga siiyo Ciise Masiix wejigiisa.
  • Sab 26:6 : 6 Gacmahayga waxaan ku maydhan doonaa eedla'aanta, Markaasaan ku wareegi doonaa meeshaada allabariga, Rabbiyow,
  • 1 Sam 1:11 : 11 Markaasay nidar nidartay, oo waxay tidhi, Rabbiga Ciidammadow, haddaad fiirisid dhibta aan anoo addoontaada ah qabo, oo aad i soo xusuusatid, ee aadan i illoobin anoo addoontaada ah, laakiinse aad i siiso wiil, de markaas cimrigiisa oo dhan waan ku siinayaa, Rabbiyow, oo madaxiisana mandiil lama marin doono.
  • 1 Sam 30:8 : 8 Markaasaa Daa'uud Rabbiga wax weyddiiyey, oo wuxuu yidhi, Miyaan eryadaa colkan, oo miyaan gaadhayaa? Oo Rabbiguna wuxuu ugu jawaabay, Haah, eryo, waayo, hubaal waad gaadhaysaa, oo intii lala tegey oo dhan waad soo celinaysaa.
  • 2 Sam 21:1 : 1 ¶ Oo wakhtigii Daa'uud abaar baa dhacday intii saddex sannadood ah, oo sannadba sannadda ka dambayso, markaasaa Daa'uud Rabbiga baryay. Rabbiguna wuxuu yidhi, Tanu waxay ku timid Saa'uul iyo reerkiisa dhiigga qaba, maxaa yeelay, wuxuu laayay reer Gibecoon.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 8Rabbiyow, rugta gurigaaga waan jeclahay, Iyo meesha ammaantaadu joogto.

  • 5Waayo, isagu maalinta dhibta wuxuu igu qarin doonaa teendhadiisa, Oo meesha qarsoon oo taambuuggiisa ayuu igu xasayn doonaa, Kor buu ii qaadi doonaa oo dhagax weyn buu i saari doonaa.

  • Sab 27:7-8
    2 aayado
    76%

    7Rabbiyow, markaan codkayga ku qayliyo, i maqal, Weliba ii naxariiso, oo ii jawaab.

    8Markaad tidhi, Wejigayga doondoona, ayaa qalbigaygu wuxuu kugu yidhi, Rabbiyow, wejigaaga waan doondoonayaa.

  • 6Hubaal cimrigayga oo dhan waxaa i raaci doona wanaag iyo naxariis, Oo weligay guriga Rabbiga ayaan degganaan doonaa.

  • 25Bal, yaan samada ku leeyahay adiga mooyaane? Oo dhulkana laguma arko mid aan kaa jeclahay.

  • 10Waayo, maalin barxadahaaga la joogo way ka sii wanaagsan tahay kun maalmood oo kale. Intaan teendhooyinka sharka joogi lahaa, Waxaan ka sii jeclaan lahaa inaan guriga Ilaah iridjooge u ahaado.

  • 74%

    13Waayo, Rabbigu wuu doortay Siyoon, Oo wuxuu u jeclaystay inuu rugtiisii ka dhigto.

    14Halkanu waa meeshaydii nasashada weligeedba, Halkanaan degganaan doonaa, waayo, waan jeclaystay.

  • 4Waxaa barakaysan ninkii aad dooratid, oo aad ka dhigto inuu kuu soo dhowaado, Inuu degganaado barxadahaaga. Waxaan ka dhergi doonnaa wanaagga gurigaaga, Kaas oo ah meesha quduuska ah oo macbudkaaga.

  • 2Si aan u arko xooggaaga iyo ammaantaadaba aawadeed, Ayaan kaa fiiriyey meesha quduuska ah.

  • 7Laakiinse anigu kalgacaylkaaga badan ayaan gurigaaga ku soo gelayaa, Oo anigoo kaa cabsanaya ayaan xagga macbudkaaga quduuska ah u soo tukan doonaa.

  • 4Kolkaasaan idhi, Indhahaaga hortooda waa layga tuuray; Welise waxaan mar kale eegayaa macbudkaaga quduuskaa.

  • Sab 84:1-2
    2 aayado
    72%

    1Rabbiga ciidammadow, taambuugyadaadu sidee bay u yihiin wax la jeclaado!

    2Naftaydu waxay u xiisaysan tahay Rabbiga barxadihiisa, Qalbigayga iyo jiidhkayguba waxay u dhawaaqaan Ilaaha nool.

  • 9Rabbiga Ilaahayaga gurigiisa daraaddiis Ayaan wanaaggaaga u doondooni doonaa.

  • 4Waxaa barakaysan kuwa gurigaaga deggan, Weligoodba way ku sii ammaani doonaan.

  • 1Rabbiyow, bal yaa taambuuggaaga ku fadhiyaya? Oo bal yaa buurtaada quduuska ah degganaanaya?

  • 27Waayo, Rabbiga ciidammadow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, anoo addoonkaaga ah wax baad ii muujisay, oo waxaad igu tidhi, Reer baan kuu dhisi doonaa, sidaas daraaddeed waan ku dhiirranahay inaan baryadan ku baryo.

  • 15Laakiinse anigu xaqnimaan wejigaaga ku fiirin doonaa, Oo waa i deeqi doonaa markii aan ammaantaada arko, oo aan ekaantaada la soo tooso.

  • 5Ilaa aan meel u helo Rabbiga, Oo aan taambuug u helo Kan Xoogga leh oo Yacquub.

  • 3In kastoo ciidan col ah i ag dego, Qalbigaygu cabsan maayo, In kastoo dagaal igu soo kaco, Xataa markaas waan kalsoonaanayaa.

  • 4Haddaba Rabbiga ku farax, Oo wuxuu ku siin doonaa waxa qalbigaagu doonayo.

  • 4Anigu weligayba waxaan degganaan doonaa taambuuggaaga, Oo waxaan magangeli doonaa baalashaada meeshooda qarsoon. (Selaah)

  • 5waayo, guri ma degin ilaa maalintii aan reer binu Israa'iil soo bixiyey iyo tan iyo maantadan, laakiinse teendhaba teendho kalaan uga bixi jiray oo taambuugna mid kalaan uga bixi jiray.

  • 71%

    27Haddaba ma dhab baa in Ilaah dhulka degganaan doono? Xataa samada iyo samada samooyinku kuma qaadi karaan, haddaba bal gurigan aan dhisay sidee buu kuu qaadi karaa!

    28Oo weliba Rabbiyow, Ilaahayow, aqbal tukashadayda iyo baryootankayga anoo addoonkaaga ah, oo maqal qaylada iyo tukashada anoo addoonkaaga ahu aan maanta hortaada ku tukanayo,

  • 10Waxaan kugu doondoonay qalbigayga oo dhan, Yaanan amarradaada ka leexan.

  • 16Maxaa yeelay, hadda waxaan gurigan u doortay oo quduus uga dhigay si magacayga weligiisba halkaas loogu daayo, oo indhahayga iyo qalbigayguba halkaasay joogi doonaan weligood iyo weligoodba.

  • 25Waayo, Ilaahayow, anoo addoonkaaga ah wax baad ii muujisay, oo waxaad igu tidhi, Reer baan kuu dhisi doonaa, sidaas daraaddeed waan ku dhiirranahay inaan baryadan hortaada kugu baryo.

  • 4Rabbiga iyo xooggiisa doondoona, Oo weligiinba wejigiisa doondoona.

  • 16Inaan ku addeeco oo aan adhijir sii ahaado kama aanan degdegin, oo maalinta hooggana ma aanan jeclaysan. Taas waad og tahay. Oo wax alla wixii bushimahayga ka soo baxayba hortaadaan ku idhi.

  • 16Buurihiinnan dhaadheerow, bal maxaad u quudhsanaysaan Buurta Ilaah uu jeclaaday inuu hoygiisii ka dhigto? Haah, oo Rabbigu halkaasuu degganaan doonaa weligiisba.

  • 40Bal eeg, waxaan u xiisooday amarradaada, Haddaba xaqnimadaada igu soo noolee.

  • 6Waxaan Rabbiga ku idhi, Waxaad tahay Ilaahayga, Haddaba, Rabbiyow, bal dhegta u dhig codka baryootankayga.

  • 16¶ Markaasaa Boqor Daa'uud gudaha galay oo Rabbiga hor fadhiistay, oo wuxuu yidhi, Rabbow Ilaahow, bal yaan ahay? Reerkayguna waa maxay oo aad halkan ii soo gaadhsiisay?

  • 9Habeenka naftaydu adigay kuu xiisootay, oo ruuxa gudahayga ku jira ayaan aad kuugu doondooni doonaa, waayo, markii xukummadaadu ay dhulka joogaan ayaa dadka dunida degganu xaqnimo bartaan.

  • 2Oo waxaan u dhawrsan doonaa si qumman oo caqliya, Bal goormaad ii iman doontaa? Waxaan gurigayga ku dhex socon doonaa qalbi qumman.

  • 19Iyo guriga Rabbiga barxadihiisa, Iyo dhexdaada, Yeruusaalemay. Rabbiga ammaana.

  • 11Waxaad i tusi doontaa jidka nolosha, Hortaada farxad baa ka buuxda, Gacantaada midigna nimco baa ku jirta weligeed.

  • 23Haddaba Rabbow, eraygii aad ku hadashay oo igu saabsanaa anoo addoonkaaga ah, oo ku saabsanaa reerkayga, weligaa adkee oo sidaad ku hadashay yeel.

  • 4Oo markaasaan tegi doonaa meesha allabariga Ilaah, Iyo Ilaaha ah farxaddayda weyn, Ilaahow, Ilaahaygiiyow, kataaradda waan kugu ammaani doonaa.

  • 1Waan farxay markay igu yidhaahdeen, Ina keena, aan guriga Rabbiga tagnee.

  • 1Rabbigu waa adhijirka i jira; waxba u baahan maayo.

  • 5Sida runta ah reerkaygu xagga Ilaah saas kuma aha; Laakiinse axdi aan weligiis dhammaanayn ayuu ila dhigtay, Oo wax kastaba wuu hagaajiyey, wuuna adkeeyey; Oo in kastoo uusan soo bixin weliba waa badbaadadayda oo dhan iyo doonistayda oo dhanba.

  • 4Rabbigaan doondoonay, oo isna wuu ii jawaabay, Oo wuxuu iga samatabbixiyey waxyaalihii aan ka cabsaday oo dhan.

  • 8Aroorta naxariistaada i maqashii, Waayo, adigaan isku kaa halleeyaa, I garansii sidii aan u socon lahaa, Waayo, naftaydaan kor kuugu qaadaa.

  • 2Kuwiinna guriga Rabbiga Iyo barxadaha guriga Ilaaheenna dhex taaganow.

  • 1Ilaahow, i dhawr, waayo, adigaan isku kaa halleeyaa.

  • 1Rabbiga waan jeclahay, maxaa yeelay, wuxuu maqlay Codkaygii iyo baryootankaygii.