Ishacyaah 32:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse deeqsigu wuxuu hindisaa waxyaalo deeqsinimo ah, oo wuxuu ku sii adkaan doonaa waxyaalo deeqsinimo ah.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 112:9 : 9 Wax buu kala qaybshay, oo wuxuu wax siiyey kuwii baahnaa, Xaqnimadiisuna way sii waartaa weligeedba, Geeskiisana waxaa lagu sarraysiin doonaa sharaf.
  • Maah 11:24-25 : 24 Waxaa jira mid wax firdhiya, oo haddana sii korodhsada; Oo waxaa jira mid ceshada wax ka sii badan in ku habboon, oo haddana sii caydhooba. 25 Qofkii deeqsi ah baa la barwaaqaysiin doonaa, Oo kii wax waraabiyana, isna waa la waraabin doonaa.
  • Luuk 6:33-35 : 33 Haddaad wanaag u fashaan kuwa wanaag idiin fala, mahadmaad heshaan? Waayo, xataa dembilayaashuba sidaasay yeelaan. 34 Haddaad wax amaahisaan kuwa aad ka rajaynaysaan inaad ka heshaan, mahadmaad heshaan? Waayo, xataa dembilayaashuba way amaahiyaan dembilayaasha inay ka helaan intii oo kale. 35 Laakiin cadowyadiinna jeclaada, oo wanaag u sameeya, oo amaahiya, idinkoo aan waxba ka rajaynaynin, abaalgudkiinnuna waa badan doonaa, oo waxaadna noqon doontaan wiilashii Kan ugu sarreeya, waayo, isagu waa u roon yahay kuwa aan mahadnaqin iyo kuwa sharka leh.
  • Fal 9:39 : 39 Markaasaa Butros kacay oo raacay iyagii. Oo kolkuu yimidna, waxay geeyeen qolladdii sare; carmalladii oo dhammina waa ag taagnaayeen iyagoo ooyaya oo tusaya garbageliyaashii iyo dharkii Dorkas samaysay intay la joogi jirtay iyaga.
  • Fal 11:29-30 : 29 Markaasaa mid kasta oo xertii ka mid ihiba, sidii tabartiisu ahayd, wuxuu goostay inuu caawimaad u diro walaalihii Yahuudiya jooga, 30 oo sidaasay yeeleen, oo waxay waayeelladii ugu sii dhiibeen gacanta Barnabas iyo Sawlos.
  • 2 Kor 8:2 : 2 si, markii dhib lagu tijaabiyey, farxaddooda badan iyo miskiinnimadooda weyni ay ugu badnaadeen hodantinimada deeqsinimadooda.
  • 2 Kor 9:6-9 : 6 ¶ Laakiin tan ogaada, Kii wax yar beeraa, wax yar buu goostaa, kii wax badan beeraana, wax badan buu goostaa. 7 Qof kastaa wax ha u bixiyo siduu qalbiga ka goostay, oo yaanu ku bixin caloolxumo ama qasab, waayo, Ilaah wuxuu jecel yahay kan farxad wax ku bixiya. 8 Ilaah wuxuu karaa inuu nimco oo dhan idiin badiyo inaad mar walba wax kasta oo idinku filan haysataan inaad shuqul kasta oo wanaagsan ku badisaan; 9 sida qoran, Isagu wuu kala firdhiyey, masaakiintana wax buu siiyey, Xaqnimadiisuna way sii jirtaa weligeedba. 10 Kii beerreyga siiya abuur uu abuuro iyo kibis uu cuno, wuu siin doonaa wuuna badin doonaa abuurkiinna aad abuuraysaan, wuuna kordhin doonaa midhaha xaqnimadiinna. 11 Wax kasta idinka waa laydinku hodansiin doonaa xagga deeqsinimada inaga dhex shaqaysa oo dhan ee aawadeed Ilaah loogu mahadnaqo.
  • 2 Sam 9:1-9 : 1 ¶ Markaasaa Daa'uud yidhi, War reerkii Saa'uul wax ka hadhay ma jiraan, aan Yoonaataan aawadiis ugu roonaadee? 2 Reerkii Saa'uulna waxaa halkaas ka joogay addoon magiciisa la yidhaahdo Siibaa, oo isagii bay Daa'uud ugu yeedheen. Boqorkiina wuxuu ku yidhi, Ma Siibaad baad tahay? Oo isna ku yidhi, Haah, waan ahay anoo addoonkaaga ah. 3 Markaasaa boqorkii yidhi, Miyaan reerkii Saa'uul wax ka hadhin aan Ilaah aawadiis ugu roonaadee? Siibaana wuxuu boqorkii ku yidhi, Waxaa ka hadhay wiil Yoonaataan dhalay, oo curyaan ah. 4 Kolkaasaa boqorkii isagii ku yidhi, Xaggee buu joogaa? Siibaana wuxuu boqorkii ku yidhi, Wuxuu joogaa guriga Maakiir oo ah ina Cammii'eel ee deggan Loo Debaar. 5 Markaasaa Boqor Daa'uud u cid diray, oo ka soo kexeeyey gurigii Maakiir oo ahaa ina Cammii'eel, oo ku yiil Loo Debaar. 6 Dabadeedna waxaa Daa'uud u yimid Mefiiboshed, oo ahaa ina Yoonaataan, ina Saa'uul, oo intuu wejiga u dhacay ayuu u sujuuday. Kolkaasaa Daa'uud yidhi, War Mefiiboshedow. Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Way kan anoo addoonkaaga ah. 7 Markaasaa Daa'uud isagii ku yidhi, Ha cabsan, waayo, xaqiiqa waxaan kuugu roonaan doonaa aabbahaa Yoonaataan aawadiis, oo weliba waxaan kuu celin doonaa dhulkii awowgaa Saa'uul oo dhan; oo miiskaygana had iyo goor wax baad ka cuni doontaa. 8 Oo isna intuu u sujuuday ayuu ku yidhi, Bal maxaad igu aragtay anigoo u eg eey dhintay, anoo addoonkaaga ahna maxaan ahay? 9 Markaasaa boqorkii wuxuu u yeedhay Siibaa, oo ahaa Saa'uul midiidinkiisii, oo wuxuu ku yidhi, Kulli wixii Saa'uul lahaa iyo wax alla wixii reerkiisu lahaa oo dhan waxaan siiyey wiilkii sayidkaaga. 10 Haddaba waa inaad dhulka u fashaan isaga, adiga iyo wiilashaada iyo addoommadaaduba, oo midhahana waa inaad gudaha soo gelisaa si uu sayidkaaga wiilkiisu u helo wax uu cuno, laakiinse sayidkaaga wiilkiisa Mefiiboshed ahu mar kasta wax buu ka cuni doonaa miiskayga. Haddaba Siibaa wuxuu lahaa shan iyo toban wiil iyo labaatan addoon. 11 Markaasaa Siibaa wuxuu boqorkii ku yidhi, Wax alla wixii adoo ah boqorka sayidkayga aad igu amarto anoo addoonkaaga ah, ayaan u yeelayaa. Oo boqorkiina wuxuu yidhi, Mefiiboshed wuxuu wax ka cuni doonaa miiskayga sidii mid boqorka wiilashiisa ka mid ah. 12 Oo Mefiiboshedna wuxuu lahaa wiil yar, oo magiciisuna wuxuu ahaa Miikaa. Intii Siibaa gurigiisa joogtay oo dhammu addoommay Mefiiboshed u ahaayeen. 13 Mefiiboshedna wuxuu degganaa Yeruusaalem, waayo, wuxuu had iyo goor wax ka cuni jiray miiskii boqorka, oo labada cagoodna curyaan buu ka ahaa.
  • Ayuub 31:16-21 : 16 Haddaan miskiin u diiday wax uu doonayay, Ama aan indhaha carmalka illin ka keenay, 17 Amase haddaan quudkayga keligay cunay, Oo ayan agoontu wax ka cunin, 18 (Saas ma aha, laakiinse isaga tan iyo yaraantaydii waan koriyey sidii mid aabbihiis koriyo oo kale, Oo tan iyo markaan uurkii hooyaday ka soo baxayna waxaan iyada u ahaan jiray horseed, ) 19 Haddaan arkay qof arrad daraaddiis u dhimanaya, Amase sabool baahan oo aan dhar haysan, 20 Hadduusan uurka iiga ducayn, Amase hadduusan isku kululayn dhogorta idahayga, 21 Caawimaaddaydii oo aan iridda uga jeeday daraaddeed, Haddaan agoon gacantayda u qaaday,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ish 32:5-7
    3 aayado
    78%

    5Oo mar dambe lama odhan doono, Nacasku waa gob, oo lama odhan doono, Xoolocirdoonku waa deeqsi.

    6Waayo, nacasku nacasnimuu ku hadli doonaa, oo qalbigiisuna xumaan buu samayn doonaa si uu cibaadala'aan ugu isticmaalo oo uu wax been ah Rabbiga ka sheego, inuu nafta gaajaysan sii madhiyo oo uu kii oomman cabniinkiisa gooyo.

    7Oo xoolocirdoonka hubkiisuna waa shar miidhan, oo wuxuu hindisaa hindisayaal shar ah si uu masaakiinta erayo been ah ugu baabbi'iyo, xataa haddii saboolku si qumman u hadlo.

  • 22Kuwa sharka ku fikiraa sow ma qaldamaan? Laakiinse kuwa wanaagga ku fikira waxaa u ahaan doona naxariis iyo run.

  • Sab 112:4-5
    2 aayado
    70%

    4Kuwa qumman iftiin baa gudcurka uga soo baxa, Isagu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad, waana xaq.

    5Waxaa nimcaysan ninkii naxariis leh oo dadka wax amaahiya, Kaasu danihiisuu ku wadi doonaa caddaalad.

  • 8Kii ku fikira inuu xumaan sameeyo, Waxaa loogu yeedhi doonaa belaayo-sameeye.

  • 2Rabbigu ninka wanaagsan raalli buu ka ahaan doonaa. Laakiinse khaayinka wuu xukumi doonaa.

  • Maah 16:8-9
    2 aayado
    68%

    8Wax yar oo xaqnimo la jirto Ayaa ka wanaagsan wax badan oo kordha oo xaqdarro la jirto.

    9Nin walba qalbigiisaa jidkiisa u fiirsada, Laakiinse Rabbigaa tallaabooyinkiisa toosiya.

  • 68%

    24Waxaa jira mid wax firdhiya, oo haddana sii korodhsada; Oo waxaa jira mid ceshada wax ka sii badan in ku habboon, oo haddana sii caydhooba.

    25Qofkii deeqsi ah baa la barwaaqaysiin doonaa, Oo kii wax waraabiyana, isna waa la waraabin doonaa.

  • 5Kuwa xaqa ah fikirradoodu waa qumman yihiin, Laakiinse kuwa sharka leh taladoodu waa khiyaano.

  • 2Laakiinse isaguba waa xigmad badan yahay, oo belaayuu keeni doonaa, oo erayadiisana dib uma soo celin doono, laakiinse wuxuu ku kici doonaa reerka xumaanfalayaasha iyo caawimaadda kuwa xumaanta sameeya.

  • 21Nin qalbigiisa waxaa ku jira hindisooyin badan, Habase ahaatee waxaa taagnaan doonta talada Rabbiga.

  • 7Kii xaq ahu wuxuu ka war hayaa dacwadda masaakiinta, Laakiinse kii shar ahu ma yaqaan aqoontaas.

  • 6I maqla, waayo, waxaan ku hadlayaa waxyaalo wanaagsan, Oo waxaan bushimaha u kala qaadayaa waxyaalo qumman.

  • 6Kii jidad qalloocan ku socda, in kastoo uu taajir yahay, Waxaa ka roon miskiinka daacadnimadiisa ku socda.

  • 67%

    10Ku alla kii kuwa xaqa ah jid shar ah ku ambiyaa, Isagaa ku dhici doona godkiisa, Laakiinse kuwa qummanu wax wanaagsan bay dhaxli doonaan.

    11Taajirku waa isla caqli weyn yahay, Laakiinse miskiinka waxgarashada leh ayaa isaga kashifa.

  • 67%

    27Kii wanaag aad u doonaa wuxuu doonayaa raallinimo, Laakiinse kii xumaan doona, way u iman doontaa.

    28Kii maalkiisa isku halleeyaa wuu dhici doonaa, Laakiinse kii xaq ahu wuxuu u barwaaqoobi doonaa sida caleen cagaar ah.

  • 21Kii shar lahu wax buu amaahdaa, mana bixiyo mar dambe, Laakiinse kan xaqa ahu wuu naxariistaa, waxna wuu bixiyaa.

  • 8Kii korsaar iyo ribo maalkiisa ku korodhsadaa, Wuxuu u ururin doonaa mid masaakiinta u naxariista.

  • 2Kii shar leh oo kibir badan ayaa miskiinka si kulul u eryada, Xeeladdii ay hindiseen iyaga ha la rogmato.

  • 3Shuqulladaada Rabbiga ku aamin, Oo fikirradaaduna way taagnaan doonaan.

  • 9Afka fur, oo si xaq ah u garsoor, Oo miskiinka iyo saboolka baahanba gartooda u qaad.

  • 29Miyaad aragtaa nin shuqulkiisa ku dadaala? Isagu wuxuu istaagi doonaa boqorro hortood. Oo kuwa hoose hortoodana ma istaagi doono.

  • 4Rabbiyow, kuwa wanaagsan wanaag u samee, Iyo weliba kuwa qalbigoodu qumman yahay.

  • 7Isagu kuwa xaqa ah xigmad buu u kaydiyaa, Oo kuwa daacadnimada u socdana waa u gaashaan.

  • 20Kuwa sharka ku fikira qalbigooda khiyaanaa ku jirta, Laakiinse taliyayaasha nabaddu farxad bay leeyihiin.

  • 16Kii miskiinka u dulma inuu maal korodhsado, Iyo kii taajirka wax siiyaaba hubaal way baahnaan doonaan.

  • 12Kii xaq ahu wuxuu ka fikiraa kii shar leh gurigiisa, Iyo sida kuwa sharka leh loogu afgembiyo sharnimadooda daraaddeed.

  • Sab 36:3-4
    2 aayado
    67%

    3Erayada afkiisu waa xumaan iyo khiyaano, Oo inuu caqliyaysto iyo inuu wax wanaagsan sameeyoba wuu iska daayay.

    4Wuxuu sariirtiisa ku hindisaa xumaan, Oo wuxuu joogsadaa jid aan wanaagsanayn, Oo weliba sharka ma naco.

  • 7Rabbiga ku hor xasilloonow, oo isaga samir ku sug, Oo ha isku dhibin kii jidkiisa ku barwaaqaysan Iyo ninkii hindisooyin shar ah sameeya toona.

  • 8Laakiinse ninkii xoog badnaa isagaa dhulka haystay; Oo ninkii sharaf lahaana isagaa dalka degganaa.

  • 29Ninkii shar lahu wejigiisuu adkeeyaa, Laakiinse kii qummanu jidadkiisuu u fiirsadaa.

  • 32Kan sharka lahu wuxuu fiiriyaa kan xaqa ah, Oo wuxuu doondoonaa inuu isaga dilo.

  • 18Kan sharka lahu wuxuu shaqaystaa mushahaaro khiyaano miidhan ah, Laakiinse kii xaqnimada beeraa wuxuu heli doonaa abaalgud la hubo.

  • 16Nin hadiyaddiisu meel bay u bannaysaa. Oo waxay isaga hor keentaa rag waaweyn.

  • 1¶ Bal eega, boqor baa xaqnimo ku talin doona, oo amiirrona caddaalad bay wax ku xukumi doonaan.

  • 30Kii indhaha isugu qabta inuu wax qalloocan hindiso, Oo bushimihiisa qaniinaa, shar buu soo wadaa.

  • 20Kii hadalka dhegaystaa wax wanaagsan buu heli doonaa, Oo ku alla kii Rabbiga aaminaana waa barakaysan yahay.

  • 17Isagaa diyaarin doona, laakiinse waxaa xidhan doona kan xaqa ah, Oo lacagtana waxaa qaybsan doona kan aan xaqa qabin.

  • 16Inta yar oo mid xaq ahu haystaa Way ka sii wanaagsan tahay kuwa sharka leh maalkooda badan.

  • 9¶ Naagaha istareexsanow, kaca, oo codkayga maqla, gabdhaha aan digtoonaynow, Erayga dhegta u dhiga.

  • 28Kan xaqa ah qalbigiisu wuxuu ka fikiraa sida loo jawaabo, Laakiinse kuwa sharka leh afkoodu wuxuu shubaa waxyaalo shar ah.

  • 32iyo inuu shuqullo yaab leh hindiso, oo uu ka shaqeeyo dahabka, iyo lacagta, iyo naxaasta,

  • 16Oo markaas dabadeed ayaa caddaaladu cidlada joogi doontaa, oo xaqnimona waxay ku sii jiri doontaa beerta midhaha badan.