Ishacyaah 53:6
Dhammaanteen sidii ido baynu u hallownay, midkeen waluba jidkiisuu u leexday, oo Rabbigu wuxuu isaga dul saaray xumaanteenna oo dhan.
Dhammaanteen sidii ido baynu u hallownay, midkeen waluba jidkiisuu u leexday, oo Rabbigu wuxuu isaga dul saaray xumaanteenna oo dhan.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
1¶ Bal yaa warkayagii rumaystay? Oo yaa gacantii Rabbiga loo muujiyey?
2Waayo, isagu hortiisuu ku koray sidii geed curdan ah, iyo sidii xidid dhul engegan ka soo baxay oo kale. Isagu suurad iyo qurux aynu ku fiirinno toona ma leh, oo qurux aynu ku jeclaanno laguma arko.
3Isaga waa la quudhsaday, waana la diiday, oo wuxuu ahaa nin murugeed, oo xanuun bartay, waana la quudhsaday sida mid dadku wejiga ka qarsado, mana aynaan xurmayn.
4¶ Sida runta ah wuxuu xambaartay xanuunyadeennii, wuxuuna qaatay murugadeennii, laakiinse waxaynu ku tirinnay mid belaayo ku dhacday, oo Ilaah dilay, oo dhibaataysan.
5Laakiinse waxaa isaga loo dhaawacay xadgudubyadeenna, waxaana loo nabareeyey xumaatooyinkeenna, edbintii nabaadiinadeennana dushiisay ku dhacday, dildillaaciisiina waynu ku bogsannay.
7¶ Isaga waa la dulmay, waana la dhibay, laakiinse innaba afkiisii ma uu kala qaadin. Isaga sidii wan la qalayo baa loo kexeeyey, oo sidii lax ku aamusan kuwa dhogorta ka xiira hortooda, isagu afkiisa ma uu furin.
8Isaga dulmi iyo xukun baa lagu sii qaaday. Haddaba bal yaa qarnigiisii ka mid ahaa oo u maleeyey in isaga laga gooyay dalkii kuwa nool? Xadgudubka dadkayga daraaddiis ayaa isaga loo garaacay.
9Xabaashiisiina waxaa lagu daray kuwii sharka lahaa, dhimashadiisiina mid taajir ahaa, in kastoo uusan dulmi samayn, khiyaanona aanay afkiisa ku jirin.
10¶ Habase ahaatee waxaa Rabbigu raalli ka noqday inuu isaga nabareeyo. Wuxuu isaga ku riday xanuun. Markaad naftiisa qurbaan dembi ka dhigtid ayuu arki doonaa farcankiisii, cimrigiisuna waa dheeraan doonaa, oo Rabbiga doonistiisuna gacantiisay ku liibaani doontaa.
11Wuxuu arki doonaa waxay naftiisu ku dhibtootay, wuuna u riyaaqi doonaa. Addoonkayga xaqa ahuna aqoontiisa ayuu kuwa badan xaq kaga dhigi doonaa, wuxuuna xambaari doonaa xumaatooyinkooda.
12Sidaas daraaddeed waxaan isaga wax ula qaybin doonaa kuwa waaweyn, isna wuxuu boolida la qaybsan doonaa kuwa xoogga badan, maxaa yeelay, isagu naftiisuu geeri u huray, waxaana lagu tiriyey kuwa xadgudbay, weliba wuxuu xambaartay kuwa badan dembigood, wuuna u duceeyey kuwa xadgudbay.
6Waayo, kulligayo waxaannu noqonnay sida wax aan nadiif ahayn, oo xaqnimadayada oo dhammuna waa sida dhar wasakh ah, kulligayona waxaannu u engegnay sida caleen oo kale, oo xumaantayadiina sidii dabayl oo kale ayay noo kaxaysataa.
7Oo innaba lama arko mid magacaaga ku baryootama, ama niyadiisa u kiciya inuu ku xagsado, waayo, wejigaagii waad naga qarisay, oo xumaatooyinkayagii aawadood waad na wada baabbi'isay.
11Waxaad naga dhigtay sidii ido la qalayo, Oo waxaad nagu kala firdhisay quruumaha dhexdooda.
11Kulligeen sida orsooyin oo kale ayaynu u cabaadnaa, oo sida qoolleyo oo kale ayaynu u baroorannaa. Waxaynu sugnaa caddaalad, laakiinse lama arko, oo waxaynu sugnaa badbaado, laakiinse way inaga fog tahay.
12¶ Waayo, Rabbiyow, xadgudubyadayadii hortaaday ku bateen, oo waxaa nagu marag fura dembiyadayada, waayo, xadgudubyadayadu way nala jiraan, oo xumaatooyinkayagana waannu og nahay.
24Oo isagu dembiyadeennii wuxuu ku qaaday jidhkiisii geedka saarnaa, si innagoo dembi kala dhimannay aynu xaqnimo ugu noolaanno. Waxaad ku bogsateen xariijimihii karbaashiddiisii.
25Waayo, waxaad u ambanayseen sida ido oo kale, laakiinse haatan waxaad u soo noqoteen Adhijirka iyo Hoggaamiyaha naftiinna.
6¶ Dadkaygu wuxuu ahaan jiray sidii ido baadiyoobay, oo adhijirradoodii ayaa ka dhigay inay ambadaan. Waxay u celiyeen oo ku sii daayeen xagga buuraha, oo intay buur ilaa kur uga sii bexeen ayay xeradoodii illoobeen.
7Ku alla kii iyaga helayba wuu cunay, oo cadaawayaashoodiina waxay yidhaahdeen, Annagu dembi kuma lihin, maxaa yeelay, iyagu waxay ku dembaabeen Rabbiga ah rugtii caddaaladda, kaasoo ah Rabbigii ahaa rajadii awowayaashood.
14Haddaba sidaas daraaddeed baa Rabbigu xumaanta u fiiriyey, oo uu noogu soo dejiyey, waayo, Ilaaha Rabbigayaga ahu wax alla wuxuu sameeyo oo dhan waa ku xaq, oo annana ma aannu addeecin codkiisii.
32Haddaba meeshuu Qorniinka ka akhriyeyey waa tan, Isaga sidii wan la qalayo baa loo kaxeeyey; Oo sidii lax ku aamusan ninka dhogorta ka xiira hortiisa, Isagu afkiisa ma uu furo;
33Intuu is-hoosaysiiyey baa gartiisii laga qaaday; Farcankiisii yaa sheegi doona? Maxaa yeelay, noloshiisa dhulkaa laga qaaday.
7Aabbayaashayo waa dembaabeen, mana joogaan, Oo annagaa xumaatooyinkoodii xambaarannay.
6Idahaygii waxay ku dul wareegeen buuraha oo dhan iyo kur kasta oo dheerba; oo adhigaygii wuxuu ku kala firidhsanaa dhulka oo dhan, mana jirin cid raadisa oo doondoonta.
22Haah, oo adiga daraaddaa ayaa naloo laayaa maalinta oo dhan, Oo waxaannu noqonnaa sida ido la qalayo.
4Waayo, xumaatooyinkaygii waxay ka sare mareen madaxayga, Sida rar culus ayay igu culus yihiin aad iyo aad.
25Ceebtayada aannu la jiifsanno oo sharafdarradayaduna ha na dul saarnaato, waayo, tan iyo yaraantayadii iyo ilaa maantadan la joogo annaga iyo awowayaashayoba waxaannu ku dembaabnay Rabbiga Ilaahayaga ah, oo codkii Rabbiga Ilaahayaga ahna ma aannu addeecin.
5waannu dembaabnay, oo wax baannu si qalloocan u samaynay, oo shar baannu falnay, oo waannu caasiyownay, oo xataa waannu ka baydhnay amarradaadii iyo xukummadaadii,
31¶ Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Caawa kulligiin waa iga xumaan doontaan, waayo, waxaa qoran, Adhijirkaan dili doonaa oo idaha foofka ahu waa kala firdhi doonaan.
1¶ Ina keena aan Rabbiga ku noqonnee, waayo, isagaa ina dillacshay, oo isagaa ina bogsiin doona, isagaa wax inagu dhuftay, oo isagaa nabraheenna inoo duubi doona.
36Sida qoran, Adiga daraaddaa ayaa lanoo laayaa maalinta oo dhan, Waxaa lanoo tiriyey sida ido la qalayo.
6Waxaannu la dembaabnay awowayaashayo, Xumaanna waannu samaynay, oo si shar ah ayaannu wax u samaynay.
3Midkood kastaaba dib buu u noqday, oo dhammaantood waxay wada noqdeen dad nijaas ah, Oo mid wanaag falaa ma jiro, midnaba.
14Harqoodkii xadgudubyadayda gacantiisaa xidhay. Way isku xidhan yihiin oo qoortay ii saaran yihiin. Xooggayguu yareeyey. Sayidku wuxuu igu riday gacmihii kuwa aanan iska daafici karin.
9Rabbiyow, aad ha u cadhoon, oo xumaantana ilaa weligaa ha sii xusuusan. Bal eeg, oo na fiiri, waan ku baryaynaaye, waayo, kulligayo dadkaaga baannu nahay.
19¶ Rabbiyow, aslanba dalka Yahuudah ma nacday? Naftaadu Siyoon ma karahday? Bal maxaad wax noogu dhufatay oo aannu u bogsan waynay? Nabad baannu filanaynay, laakiinse wax wanaagsanina ma iman, oo waxaannu filanaynay wakhti caafimaad leh, laakiinse waxaa noo timid cabsi keliya!
20Rabbiyow, annagu waannu aqoonsannaa sharnimadayada iyo xumaantii awowayaashayoba, waayo, waannu kugu dembaabnay.
6Oo waxaa lagu odhan doonaa, Waa maxay nabrahan gacmahaaga ku yaalla? Oo isna wuxuu ugu jawaabi doonaa, Waa kuwii laygu dhaawacay anigoo guriga saaxiibbaday jooga.
7¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Seefay, toos oo ku kac adhijirkayga iyo ninka wadaygayga ah. Adhijirka dil, oo iduhuna way kala firdhi doonaan, oo gacantaydaan ku soo celin doonaa kuwa yaryar.
7¶ Rabbiyow, in kastoo ay xumaatooyinkayagu nagu marag furayaan, magacaaga aawadiis wax u samee, waayo, dibunoqoshadayadu way badan tahay, oo adigaannu kugu dembaabnay.
27¶ Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Kulligiin waad iga xumaan doontaan, waayo, waxaa qoran, Adhijirkaan dili doonaa, idahuna waa kala firdhi doonaan.
16Taajkii madaxayaguu ka dhacay. Annagaa iska hoognay, waayo, waannu dembaabnay!
14Oo sida deero la eryay iyo sida ido aan ciduna soo ururin ayaa midkood kastaaba dadkiisa ku noqon doonaa, oo mid kastaaba dalkiisa u carari doonaa.
7Sayidow, xaqnimada adigaa iska leh, laakiinse annagu waxaannu leennahay qasnaan iyo ceeb sida maanta annagoo ah dadka reer Yahuudah, iyo kuwa ku dhaqma Yeruusaalem, iyo reer binu Israa'iil oo dhan, iyo kuwa dhow iyo kuwa fog oo aad dalalka kale u kaxaysay xadgudubkii ay kugu xadgudbeen aawadiis.
14Waxaa jaahiisii loo xumeeyey si ka daran sida nin kale loo xumeeyo, suuraddiisiina waxaa loo xumeeyey si ka daran sida binu-aadmiga loo xumeeyo oo kale, haddaba sidii kuwa badanu ula yaabi jireen oo kale,
21Wuxuu isaga oo aan dembi aqoonin ka dhigay inuu dembi noqdo aawadeen, inaynu noqonno xaqnimada Ilaah ee ku jirta isaga.
17Waxyaalahaas oo dhammu way nagu dhaceen, laakiinse weli kuma aannu illoobin, Axdigaagana khiyaano kuma aannu samayn.
5Bal maxaa mar dambe wax laydiinku dhufan doonaa, oo aad u sii fallaagoobi doontaan? Madaxa oo dhammu waa bukaa, oo qalbiga oo dhammuna waa taag daranyahay.
9¶ Waa maxay haddaba? Miyaynu dhaannaa iyaga? Maya, sinaba. Waayo, horaannu u dacweynay Yuhuudda iyo Gariigtaba inay kulligood dembi ku hoos jiraan.