Ishacyaah 59:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kulligeen sida orsooyin oo kale ayaynu u cabaadnaa, oo sida qoolleyo oo kale ayaynu u baroorannaa. Waxaynu sugnaa caddaalad, laakiinse lama arko, oo waxaynu sugnaa badbaado, laakiinse way inaga fog tahay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 38:14 : 14 Sidii dabafallaadh iyo saratoosiye oo kale ayaan u dhawaaqay. Oo waxaan u baroortay sidii qoolley oo kale, oo indhahaygu daal bay la gudheen sidaan kor u fiirinayay, Rabbiyow, waa lay dulmay, ee i caawi.
  • Yex 7:16 : 16 Laakiinse kuwoodii baxsadaa way cayman doonaan, oo waxay joogi doonaan buuraha dushooda sida qoolleyda dooxooyinka iyagoo kulligood barooranaya oo mid kastaaba xumaantiisii aawadeed u ooyaya.
  • Hos 7:14 : 14 Oo qalbigooda igama ay baryin, laakiinse sariirahooday ku kor ooyaan. Waxay u soo wada shiraan hadhuudh iyo khamri aawadood, oo anigana way igu caasiyoobaan.
  • Ish 51:20 : 20 Wiilashaadii aad bay u daaleen, waxayna dhinac yaalliin jidadka oo dhan sida biciid dabin ku dhacay. Waxay ka wabxeen cadhadii Rabbiga iyo canaantii Ilaahaaga.
  • Ish 59:9 : 9 Sidaas daraaddeed caddaaladu way inaga fog tahay, oo xaqnimana innaba ina soo gaadhi mayso. Waxaynu sugnaa nuur, laakiinse waxaynu aragnaa gudcur, oo waxaynu sugnaa iftiin laakiinse madow baynu ku dhex soconnaa.
  • Yer 8:15 : 15 Innagu nabad baynu sugaynay, laakiinse wanaag inooma iman, oo waxaynu sugaynay wakhti caafimaad leh, oo bal eega naxdin baa inoo timid!
  • Yer 9:1 : 1 ¶ Bal muu madaxaygu biyo noqdo, oo bal may indhahayguna il biyood oo ilmo daadisa noqdaan, si aan habeen iyo maalinba ugu ooyo kuwa laga laayay dadkayga!
  • Ayuub 30:28-29 : 28 Anigoo barooranaya ayaan qorraxda la'aanteed socdaa, Waxaan ka dhex istaagaa shirka, oo caawimaad waan u qayshadaa. 29 Waxaan noqday walaalka dawacooyinka, Iyo saaxiibka gorayada.
  • Sab 32:3-4 : 3 Markii aan iska aamusay, lafahaygii way gaboobeen, Maxaa yeelay, maalintii oo dhan baan cabaadayay. 4 Waayo, habeen iyo maalinba gacantaadu way igu cuslayd, Oo qoyaankaygii wuxuu u beddelmay sidii engegga diraacda. (Selaah)
  • Sab 38:8 : 8 Waan itaal daranahay, oo aad baan u burbursanahay, Oo waxaan la cabaaday buuqa qalbigayga ku jira.
  • Sab 85:9 : 9 Hubaal badbaadadiisu way u dhow dahay kuwa isaga ka cabsada, Si ay ammaanu dalkayaga u degganaato.
  • Sab 119:155 : 155 Kuwa sharka leh badbaadadu waa ka fog tahay, Waayo, qaynuunnadaada ma ay doondoonaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ish 59:9-10
    2 aayado
    81%

    9Sidaas daraaddeed caddaaladu way inaga fog tahay, oo xaqnimana innaba ina soo gaadhi mayso. Waxaynu sugnaa nuur, laakiinse waxaynu aragnaa gudcur, oo waxaynu sugnaa iftiin laakiinse madow baynu ku dhex soconnaa.

    10Sida kuwa indhaha la' ayaynu derbiga u haabhaabannaa, oo sida innagoo aan innaba indho lahayn ayaynu wax u haabhaabannaa. Sida fiid oo kale ayaynu hadh cad u turunturoonnaa, oo waxaynu nahay sida dad dhintay oo kuwa barwaaqaysan ku dhex jira.

  • 12¶ Waayo, Rabbiyow, xadgudubyadayadii hortaaday ku bateen, oo waxaa nagu marag fura dembiyadayada, waayo, xadgudubyadayadu way nala jiraan, oo xumaatooyinkayagana waannu og nahay.

  • 19¶ Rabbiyow, aslanba dalka Yahuudah ma nacday? Naftaadu Siyoon ma karahday? Bal maxaad wax noogu dhufatay oo aannu u bogsan waynay? Nabad baannu filanaynay, laakiinse wax wanaagsanina ma iman, oo waxaannu filanaynay wakhti caafimaad leh, laakiinse waxaa noo timid cabsi keliya!

  • 15Innagu nabad baynu sugaynay, laakiinse wanaag inooma iman, oo waxaynu sugaynay wakhti caafimaad leh, oo bal eega naxdin baa inoo timid!

  • Bar 4:17-19
    3 aayado
    74%

    17Intaannu waxtarla'aan caawimaad u fiirinaynay ayaa indhihii na daaleen. Quruuntii aannu fiirinaynay waxay ahayd quruun aan na badbaadin karin.

    18Way na raadraadiyaan, oo jidadkayagana ma mari karno. Ugudambaystayadii way soo dhowaatay. Cimrigayagii wuu dhammaaday, waayo, ugudambaystayadii way timid.

    19Kuwii na eryanayay gorgorka samada way ka sii dheereeyeen. Waxay nagu eryadeen buuraha dushooda, oo cidlada dhexdeeda way noogu gabbadeen.

  • Yer 9:18-19
    2 aayado
    74%

    18Oo iyagu ha soo dhaqsadeen, oo aad ha noogu baroorteen, si ay indhahayaga ilmo uga soo daadato oo ay biyona uga soo butaacaan.

    19Waayo, waxaa Siyoon ka yeedhaya cod baroor ah oo leh, Sidee baannu u baabba'nay! Aad iyo aad baannu u ceebownay, maxaa yeelay, dalkii waannu ka tagnay, oo hoyaashayadiina waa nalaga dumiyey.

  • Ish 64:6-7
    2 aayado
    74%

    6Waayo, kulligayo waxaannu noqonnay sida wax aan nadiif ahayn, oo xaqnimadayada oo dhammuna waa sida dhar wasakh ah, kulligayona waxaannu u engegnay sida caleen oo kale, oo xumaantayadiina sidii dabayl oo kale ayay noo kaxaysataa.

    7Oo innaba lama arko mid magacaaga ku baryootama, ama niyadiisa u kiciya inuu ku xagsado, waayo, wejigaagii waad naga qarisay, oo xumaatooyinkayagii aawadood waad na wada baabbi'isay.

  • Yer 8:19-20
    2 aayado
    73%

    19Bal maqla codka qaylada dadkayga oo dal fog ka yeedhaya. Sow Rabbigu Siyoon ma joogo? Sow boqorkeedii ma dhex joogo? Bal maxay iigaga cadhaysiiyeen sanamyadooda xardhan iyo waxyaalahooda qalaad ee aan waxtarka lahayn?

    20Beergoosadkii waa dhaafay, oo midhoguriddiina waa idlaatay, laakiin innagu weli ma aynu badbaadin.

  • Ish 26:17-18
    2 aayado
    73%

    17Rabbiyow, naag uur leh oo ku soo dhowaatay shinkii ay dhali lahayd, siday u xanuunsato oo ay foosheeda ugu qayliso ayaannu hortaada ku noqonnay.

    18Annagu waannu uuraysannay, oo xanuunkii foosha ayaa na qabtay, oo waxaannu noqonnay sidii wax dabayl dhalay, oo dhulkana samatabbixin kuma aannu samayn, oo dadka dunida degganuna ma ay dhalan.

  • 5Kuwii na eryanayayna way na gaadheen, Waannu daalan nahay oo nasasho ma lihin.

  • Bar 5:16-17
    2 aayado
    72%

    16Taajkii madaxayaguu ka dhacay. Annagaa iska hoognay, waayo, waannu dembaabnay!

    17Taas darteed qalbigayagu wuu itaal darnaaday. Oo waxyaalahaas aawadoodna indhahayagii way arag darnaayeen.

  • 8Taas aawadeed dhar joonyad ah guntada, oo baroorta, oo qayliya, waayo, cadhadii Rabbiga oo kululayd nagama noqon.

  • 16Laakiinse kuwoodii baxsadaa way cayman doonaan, oo waxay joogi doonaan buuraha dushooda sida qoolleyda dooxooyinka iyagoo kulligood barooranaya oo mid kastaaba xumaantiisii aawadeed u ooyaya.

  • 10¶ Waxaan oohin iyo baroor kor ugu qaadi doonaa buuraha aawadood, oo daaqsimaha cidladana waan u barooran doonaa, maxaa yeelay, way gubteen si aan ciduna u dhex marin. Oo ninna codkii lo'da kama maqli karo, haaddii samada iyo dugaaggiiba way carareen oo way tageen.

  • 14Sidii dabafallaadh iyo saratoosiye oo kale ayaan u dhawaaqay. Oo waxaan u baroortay sidii qoolley oo kale, oo indhahaygu daal bay la gudheen sidaan kor u fiirinayay, Rabbiyow, waa lay dulmay, ee i caawi.

  • Ish 5:29-30
    2 aayado
    71%

    29oo cidoodu waxay ahaan doontaa sida gool cideed, oo waxay u ciyi doonaan sida libaaxyo yaryar oo kale; hubaal way ciyi doonaan, wayna qabsan doonaan waxay ugaadhsanayaan, oo si ammaan ah ayay u qaadan doonaan, oo ciduna kama samatabbixin doonto.

    30Oo maalintaas waxay iyaga ugu gurxami doonaan sida gurxanka badda; oo haddii dalka la eegana waxaa ka muuqda gudcur iyo cidhiidhi, oo iftiinkuna waa ku dhex madoobaaday daruurihii.

  • 9Annagu calaamadahayagii ma aragno, Oo innaba mar dambe nebi ma jiro, Dhexdayadana ma joogo mid garanaya ilaa goorma.

  • Ish 59:14-15
    2 aayado
    71%

    14Caddaaladdii dib bay u noqotay, oo xaqnimaduna meel fog bay taagan tahay, waayo, runtii jidkay ku dhex dhacday, oo qummanaantuna sooma geli karto.

    15Hubaal runta waa la waayayaa, oo ku alla kii sharka ka tagaaba wuxuu iska dhigaa wax la boobo, oo Rabbiguna taas wuu arkay, shar bayna u ahayd inaan caddaalad la arag.

  • 18Xayawaanku aad iyo aad bay u cabaadaan, oo sofyada lo'da ahu waxay la welwelsan yihiin daaqla'aan, oo xataa xeryaha idaha ahu waa dhibaataysan yihiin.

  • 8¶ Haddaba taas daraaddeed ayaan u ooyi doonaa oo u barooran doonaa, oo anoo cago cad oo qaawan ayaan wareegi doonaa, oo waxaan u dhawaaqi doonaa sida dawacooyinku u ciyaan oo kale, oo waxaan u qaylin doonaa sida goroyadu u cido oo kale.

  • Daan 9:13-14
    2 aayado
    71%

    13Sida ku qoran sharciga Muuse, xumaantan oo dhammu annagay nagu dhacday, welise Rabbiga Ilaahayaga ah raallinimo kama aannu baryin, si aannu uga soo jeesanno dembiyadayada, oo aannu runtaada uga fikirno.

    14Haddaba sidaas daraaddeed baa Rabbigu xumaanta u fiiriyey, oo uu noogu soo dejiyey, waayo, Ilaaha Rabbigayaga ahu wax alla wuxuu sameeyo oo dhan waa ku xaq, oo annana ma aannu addeecin codkiisii.

  • 2Rabbiyow, noo roonow, waayo, waannu ku sugaynay, subax kasta gacan noo ahow, oo wakhtiga dhibaatadana badbaado noo noqo.

  • 7Sayidow, xaqnimada adigaa iska leh, laakiinse annagu waxaannu leennahay qasnaan iyo ceeb sida maanta annagoo ah dadka reer Yahuudah, iyo kuwa ku dhaqma Yeruusaalem, iyo reer binu Israa'iil oo dhan, iyo kuwa dhow iyo kuwa fog oo aad dalalka kale u kaxaysay xadgudubkii ay kugu xadgudbeen aawadiis.

  • 7Bal eega, dulunka daraaddiis waan u qayliyaa, laakiin lay maqli maayo, Oo caawimaad waan u qayshadaana, caddaaladduse ma jirto.

  • 16Waxyaalahan daraaddood ayaan la ooyayaa, oo indhahayga ilmaa ka daadanaysa, Maxaa yeelay, kii i qalbi qaboojin lahaa oo naftayda u raaxayn lahaa waa iga fog yahay. Carruurtaydii way cidloobeen, maxaa yeelay, cadowgii baa iga adkaaday.

  • 20Cay baa i qalbi jebisay, waanan quusanayaa, Oo waxaan doondoonay mid ii jixinjixa, laakiinse waan waayay, Oo waxaan doondoonay kuwo i qalbi qaboojiya, laakiinse ma aanan helin.

  • 4Ninna si xaq ah uma dacweeyo, oo midnaba run kuma muddaco. Waxay isku halleeyaan waxaan waxba ahayn, oo been bay ku hadlaan, belaayay uuraystaan, oo xumaan bay dhalaan.

  • 3War bal maxaa sida xayawaan naloogu tiriyaa? Oo bal maxaannu hortiinna ugu nijaasownay?

  • 8Addoommaa noo taliya, Oo mid gacantooda naga samatabbixiyaana ma jiro,

  • 7Waayo, Rabbiga ciidammada beercanabkiisu waa dadka Israa'iil, oo dadka Yahuudahna waa geedkuu ku farxo, oo wuxuu ka sugayay caddaalad, laakiinse bal eega, waxaa ka soo baxay dhiigdaadasho oo wuxuu ka sugayay xaqnimo, laakiinse bal eega, waxaa ka soo baxay qaylo.

  • 19Adiguse waxaad si xun noogu jebisay meeshii dawacooyinka, Oo waxaad nagu qarisay hooskii dhimashada.

  • 12Miyaydaan dan iga lahayn, kuwiinna i ag marayow? Bal eega, oo fiiriya hadday jirto murug murugtayda la mid ah ee laygu riday, Oo uu Rabbigu igu dhibay maalintii ay cadhadiisa kululu timid.

  • 4Jidadkii Siyoon way baroortaan, maxaa yeelay, ninna iidaha uma yimaado. Irdaheedii oo dhammu waa cidla, wadaaddadeeduna way wada taahaan, Hablaheeda bikradaha ahuna way dhibaataysan yihiin, oo iyada qudheedana dhib qadhaadh baa haya.

  • 6Dhammaanteen sidii ido baynu u hallownay, midkeen waluba jidkiisuu u leexday, oo Rabbigu wuxuu isaga dul saaray xumaanteenna oo dhan.

  • 3Waxaannu nahay agoommo, aabbayaal ma lihin, Oo hooyooyinkayana carmallay noqdeen

  • 31Waayo, waxaan maqlay cod sidii naag foolanaysa, iyo qaylo sidii mid ilmaheedii ugu horreeyey dhalaysa, waana codkii magaalada Siyoon, oo taahaysa, oo gacmaheeda kala fidisa, oo waxay tidhaahdaa, anigaa haatan hoogay! Waayo, naftaydii aad bay ugu daallan tahay gacankudhiiglayaasha aawadood.

  • 24Waxaannu maqalnay warkoodii, oo gacmahayagii way taag gabeen, oo cidhiidhi iyo xanuun baa noo qabtay sida naag foolanaysa oo kale.

  • 18Rabbigu waa xaq, waayo, amarkiisaan ku caasiyoobay. Dadyowga oo dhammow, i maqla, waan idin baryayaaye, oo bal murugtayda fiiriya. Hablahaygii bikradaha ahaa iyo barbaarradaydii maxaabiis ahaan baa loo kaxaystay.

  • 4Waxaannu cay u noqonnay derisyadayadii, Kuwa nagu wareegsanna wax la quudhsado oo lagu qoslo.