Ishacyaah 65:20

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo markaas dabadeedna innaba dhexdeeda ilmo dhawr maalmood jira, amase oday aan cimrigiisa dhammaysan lagama heli doono, waayo, ilmuhu wuxuu dhiman doonaa isagoo boqol sannadood jira, dembilaha boqol sannadood jirase wuxuu ahaan doonaa mid inkaaran.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 4:40 : 40 Oo waa inaad dhawrtaan qaynuunnadiisa iyo amarradiisa aan maanta idinku amrayo, inaad idinka iyo carruurtiinna idinka dambaysaaba nabdoonaataan, oo uu cimrigiinnu ku dheeraado dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siinayo inaad weligiin lahaataan.
  • Ayuub 5:26 : 26 Oo cimri dheer baad qabrigaaga ku geli doontaa, Sida xidhmo hadhuudh ah xilliga loo soo xidho.
  • Sab 34:12 : 12 Bal waa ayo ninka nolol jecel, Oo cimriga dheer doonayaa, Si uu wanaag u arko?
  • Ish 3:11 : 11 Waxaa hoogay kan sharka ah, waayo, belaayaa ku dhici doonta, oo waxaa loo samayn doonaa wixii gacmihiisu sameeyeen oo kale.
  • Room 2:5-9 : 5 Laakiin engegnaantaada iyo toobadla'aanta qalbigaaga aawadood waxaad cadho u urursanaysaa maalinta cadhada iyo muuqashada xukunka xaqa ah oo Ilaah, 6 kan nin kasta u siin doona sida shuqulkiisu ahaa, 7 kuwa dulqaadashada shuqulka wanaagsan ku doondoonaa ammaan iyo ciso iyo dhimashola'aan, wuxuu siin doonaa nolosha weligeed ah; 8 laakiin kuwa iskala qaybqaybiya, oo aan runta addeecin, laakiinse xaqdarrada addeeca, waxaa u ahaan doona cadho iyo ciil, 9 iyo dhibaato iyo cidhiidhiba, oo waxay u ahaan doonaan naf kasta oo dadka sharka sameeya, marka hore Yuhuudda, dabadeedna Gariigga.
  • Wacd 8:12-13 : 12 In kastoo dembile boqol jeer shar sameeyo, oo cimrigiisuna aad u sii raago, haddana hubaal waxaan ogahay in kuwa Ilaah ka cabsada oo hortiisa ka baqaa ay nabdoonaan doonaan. 13 Laakiinse sharrowgu ma nabdoonaan doono, oo cimrigiisuna sii ma raagi doono sida hooska baabba'u uusan u raagin, maxaa yeelay, isagu Ilaah hortiisa kama cabsado.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ish 65:17-19
    3 aayado
    77%

    17¶ Waayo, bal eega, waxaan abuuri doonaa samooyin cuscusub iyo dhul cusub, oo waxyaalihii horena lama soo xusuusan doono, oo innaba maanka sooma ay geli doonaan.

    18Laakiinse farxa oo weligiinba waxa aan abuuro ku reyreeya, waayo, bal eega, Yeruusaalem waxaan u abuuraa rayrayn, dadkeedana farxad baan u abuuraa.

    19Oo Yeruusaalem baan ku rayrayn doonaa, oo dadkaygana waan ku farxi doonaa, oo codkii oohinta iyo codkii baroorashadana mar dambe dhexdeeda lagama maqli doono.

  • Ish 65:21-23
    3 aayado
    74%

    21Guryay dhisan doonaan, wayna degi doonaan, oo beero canab ahna way beeran doonaan, midhahoodana way cuni doonaan.

    22Si uu mid kale u dego, guryo ma ay dhisi doonaan, oo si uu mid kale u cuno, beero ma ay beeran doonaan, waayo, dadkayga cimrigiisu wuxuu ahaan doonaa sidii geed cimrigiis, oo kuwayga aan doortayna wakhti dheer ayay shuqulka gacmahooda ku farxi doonaan.

    23Si aan waxba tarin uma ay hawshoon doonaan, oo masiibona carruur uma ay dhali doonaan, waayo, iyagu waa farcankii kuwii Rabbigu barakeeyey, iyaga iyo carruurtoodaba.

  • 20Uurkii hooyadiis waa illoobi doonaa isaga; jidhkiisana waxaa cuni doona oo macaansan doona dirxiga, Oo mar dambena isaga lama xusuusan doono, Oo kii xaqdaranuna wuxuu u jabi doonaa sida geed oo kale.

  • 20Qorraxdaadu mar dambe ma dhici doonto, oo dayaxaaguna iftiinkiisa ma ceshan doono, waayo, Rabbigu wuxuu kuu ahaan doonaa iftiin weligiis ah, oo wakhtigii baroorashadaaduna wuu dhammaan doonaa.

  • 69%

    31Bal eeg, waxaa iman doona wakhtigii aan gooyn lahaa gacantaada iyo gacanta reerka aabbahaaba si aan reerkaaga nin da' weyn looga helin.

    32Oo waxaad arki doontaa dhibaatada rugtayda markii Ilaah reer binu Israa'iil maal siiyo, oo reerkaaguna nin da' weyn ma yeelan doono weligiisba.

  • 16¶ Aabbayaasha waa inaan loo dilin carruurtooda, carruurtana waa inaan loo dilin aabbayaashood, laakiinse nin kasta waa in loo dilaa dembigiisa uu isagu falay.

  • Ish 14:20-21
    2 aayado
    69%

    20Oo iyaga kuma darsami doontid, lagumana aasi doono, maxaa yeelay, dalkaagii waad baabbi'isay, dadkaagiina waad laysay. Farcanka xumaanfalayaasha weligood mar dambe lama magacaabi doono.

    21Meel lagu laayo u diyaarsha carruurtiisa xumaantii aabbayaashood aawadeed, si ayan u sara kicin, oo ayan dhulka u hantiyin, oo ayan dunida korkeedana magaalooyin uga buuxin.

  • 26Oo dhulkaaga dhexdiisa miduna dhicis ma dhali doonto, ama madhalays ma noqon doonto, oo tirada maalmahaaga waan dhammaystiri doonaa.

  • 4oo isna indhahooda ilmo kastuu ka tirtiri doonaa, oo dhimashona mar dambe ma jiri doonto, oo mar dambena ma jiri doonaan murug iyo oohin iyo xanuun toona, waayo, waxyaalihii hore way dhammaadeen.

  • 11Oo dad baa dhexdeeda degganaan doona, oo innaba habaar dambe ma jiri doono, laakiinse Yeruusaalem si ammaan ah ayay u degganaan doontaa.

  • 20Nafta dembaabtaa way dhiman doontaa. Wiilku ma uu qaadan doono xumaanta aabbaha, aabbuhuna ma uu qaadan doono xumaanta wiilka. Ka xaqa ah xaqnimadiisaa dul saarnaan doonta, oo ka sharka lehna sharnimadiisaa dul saarnaan doonta.

  • 10Waayo, wakhtiga cimrigayagu waxa weeye toddobaatan sannadood, Oo xataa hadduu xoog aawadiis ku sii dheeraado waa siddeetan sannadood, Laakiinse faankiisu waa hawl iyo caloolxumo miidhan, Waayo, haddiiba wuu iska dhammaadaa, oo annana waannu duulnaa.

  • 3Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye inaydaan mar dambe maahmaahdan dalka reer binu Israa'iil kaga dhex maahmaahi doonin.

  • 24Oo iyana way bixi doonaan, oo waxay fiirfiirin doonaan dadkii igu xadgudbay meydadkooda, waayo, dixirigoodu ma dhiman doono, oo dabkuna kama demi doono, oo waxay binu-aadmiga oo dhan u noqon doonaan karaahiyo.

  • 29Oo wakhtigaas iyagu mar dambe ma ay odhan doonaan, Aabbayaashii waxay cuneen canab dhanaan, carruurtiina way saliilyoodeen.

  • 4Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Yeruusaalem jidadkeeda waxaa mar kale degganaan doona odayaal iyo habro, nin kasta isagoo gacanta ku haysta ushiisa cimrigiisa weynaaday daraaddiis.

  • 3Haddii nin boqol carruur ah dhalo, oo uu sannado badan noolaado si uu u cimri dheeraado, laakiinse ayan naftiisu wax wanaagsan ka dhergin, oo haddana aan la aasin, waxaan leeyahay, Kaas waxaa ka wanaagsan dhicis.

  • 9Inuu isagu weligiis sii noolaado, Oo aanu halligaad arkin weligiis.

  • 10Dembilayaasha dadkayga oo dhan oo leh, Belaayo na soo gaadhi mayso nana heli mayso, dhammaantood seef bay ku dhiman doonaan.

  • 6Bal indhihiinna samooyinka ku taaga, oo haddana dhulka hoose fiiriya, waayo, samooyinku sida qiiq oo kale bay u libdhi doonaan, oo dhulkuna sida dhar buu u duugoobi doonaa, oo kuwa degganuna sidaas oo kalay u dhiman doonaan, laakiinse badbaadintaydu weligeedba way sii waari doontaa, oo xaqnimadayduna weligeed ma dhammaan doonto.

  • Yer 20:15-16
    2 aayado
    67%

    15Ha inkaarnaado ninkii aabbahay u bishaareeyey, oo isagoo ka farxinaya ku yidhi, Wiil baa kuu dhashay!

    16Oo ninkaasu ha noqdo sidii magaalooyinkii Rabbigu afgembiyey oo uusan u qoomamoon. Oo aroortii oohin ha maqlo, oo hadhkiina qaylo digtooneed ha maqlo,

  • 9Ishii isaga aragtay mar dambe ma ay arki doonto, Oo meeshiisiina mar dambe uma ay jeedi doonto.

  • 25Dibadda waxaa ku layn doona seef, guryaha gudahoodana cabsi, Oo barbaar iyo bikrad iyo naasnuug iyo oday cirro lehba way wada baabbi'i doonaan.

  • 50oo ah quruun weji cabsi badan, oo aan dadka waayeelka ah maamuusin, aan dhallaankana u nixin.

  • 14Oo weliba midho bay dhali doonaan iyagoo gaboobay, Oo waxaa ka buuxi doona muud, wayna cagaari doonaan,

  • 19Isagu wuxuu u tegi doonaa qarniyadii awowayaashiis, Oo iyana weligood iftiinka ma ay arki doonaan.

  • 19Oo isagu dadkiisa kuma dhex lahaan doono wiil uu dhalay iyo mid uu wiilkiisii dhalay toona, Ama mid ku hadha meelihii uu degganaan jiray.

  • Wacd 8:12-13
    2 aayado
    66%

    12In kastoo dembile boqol jeer shar sameeyo, oo cimrigiisuna aad u sii raago, haddana hubaal waxaan ogahay in kuwa Ilaah ka cabsada oo hortiisa ka baqaa ay nabdoonaan doonaan.

    13Laakiinse sharrowgu ma nabdoonaan doono, oo cimrigiisuna sii ma raagi doono sida hooska baabba'u uusan u raagin, maxaa yeelay, isagu Ilaah hortiisa kama cabsado.

  • 3Rabbiguna wuxuu yidhi, Ruuxaygu lama sii dagaallami doono dadka weligiis, maxaa yeelay, isagu waa jidh, laakiinse cimrigiisu wuxuu noqon doonaa boqol iyo labaatan sannadood.

  • 20Oo carruurtooduna waxay noqon doonaan sidii waayihii hore, oo ururkooduna hortayduu ku dhismi doonaa, oo kuwa iyaga dulma oo dhanna waan wada ciqaabi doonaa.

  • 6Waxaa barakaysan oo quduus ah kii ka qayb gala sarakicidda kowaad; kuwaas dhimashada labaadi amar kuma laha, laakiinse waxay wadaaddo u ahaan doonaan Ilaah iyo Masiixa, oo waxay isaga wax la xukumi doonaan kun sannadood.

  • 11Lafihiisana waxaa ka buuxa xoogga dhallinyaranimada, Laakiinse ciidda dhexdeeduu la jiifsan doonaa.

  • 18Laakiinse aabbihiis xumaantiisuu ku dhex dhiman doonaa, maxaa yeelay, isagu si nac weyn ayuu wax u dulmay, oo walaalkiisna xoog buu wax kaga boobay, oo dadkiisana wax aan wanaagsanayn buu ku dhex sameeyey.

  • 22Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogow, Iyagaan ciqaabi doonaa. Barbaarradu seef bay ku dhiman doonaan, oo wiilashooda iyo gabdhahooduba abaar bay ku dhiman doonaan.

  • 6In kastoo uu noolaado kun sannadood oo laba jibbaar ah, laakiinse uusan wax wanaagsan ku raaxaysan, sow kulliba isku meel lama wada tago?

  • 15In kastoo lagaa tegey oo lagu necbaaday, oo uusan ninna ku dhex mari jirin, waxaan kaa dhigi doonaa sharaf weligeed ah iyo farxadda dadka qarniyada badan.

  • 20Ninkii shar ahu sida naag u foolato oo kale ayuu u xanuunsadaa cimrigiisa oo dhan, Intaas oo ah sannadihii loo kaydiyey kuwa wax dulma.

  • 24Oo kan halkaas deggan ma odhan doono, Waan bukaa, oo dadka dhexdeeda degganna xumaantooda waa laga cafiyi doonaa.

  • 21Yar iyo weyn baa dhulkay jiifaan jidadka dhexdooda, Hablahaygii iyo barbaarradaydiiba seef baa lagu laayay. Waxaad iyaga laysay maalintii cadhadaada, waad gowracday oo uma aad tudhin.