Ishacyaah 7:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo waxaa reer Daa'uud loo soo sheegay war leh, Suuriya waxay xidhiidh la yeelatay reer Efrayim. Markaasaa qalbigiisii iyo qalbigii dadkiisuba waxay u ruxmadeen sida geedaha duurka dabayshu u ruxdo oo kale.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 8:12 : 12 Ha odhanina, Waa fallaagow waxa dadkanu fallaagow yidhaahdaan oo dhan, hana ka cabsanina wixii ay ka cabsadaan, oo innaba ha argaggixina.
  • Ish 7:13 : 13 Oo isna wuxuu yidhi, Reer Daa'uudow, bal haatan i maqla, ma wax yar bay idinku tahay inaad dadka daalisaan? Oo weliba Ilaahaygana miyaad daalinaysaan?
  • Ish 9:9 : 9 Oo waxaa garan doona dadka oo dhan, xataa reer Efrayim iyo kuwa Samaariya deggan oo kibirka iyo islaweynaanta qalbiga ku hadla, iyagoo leh,
  • Ish 11:13 : 13 Oo weliba hinaasada reer Efrayim wuu idlaan doonaa, oo kuwa dadka Yahuudah dhibana waa la jari doonaa, reer Efrayim kuma hinaasi doonaan dadka Yahuudah, oo dadka Yahuudahna reer Efrayim ma dhibi doonaan.
  • Ish 22:22 : 22 Oo furihii guriga Daa'uudna garbihiisaan saari doonaa, oo wuu furi doonaa, oo ninna ma xidhi doono, wuu xidhi doonaa, oo ninna ma furi doono.
  • Ish 37:27 : 27 Oo sidaas daraaddeed dadkii degganaa way xoog yaraayeen, Wayna naxeen oo wareereen, Oo waxay ahaayeen sida cawska berrinka, iyo sida doogga, iyo sida cawska guryaha korkooda ka soo baxa, iyo sida hadhuudh intaanu korin.
  • Ish 37:35 : 35 Waayo, anigu magaaladan waxaan u daafici doonaa oo u badbaadin doonaa aniga daraadday iyo addoonkaygii Daa'uud daraaddiis.
  • Yer 21:12 : 12 Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer Daa'uudow, aroortii caddaalad sameeya, oo kii la dhacay kii dulmay ka samatabbixiya, si ayan cadhadaydu u soo bixin sidii dab oo kale, oo ayan u hurin si aan innaba loo demin sharka falimihiinna aawadiis.
  • Yex 37:16-19 : 16 Wiilka Aadamow, ul soo qaad, oo waxaad ku qortaa: Tanu waxay u tahay reer Yahuudah iyo reer binu Israa'iil oo saaxiibbadiis ah. Oo haddana ul kale soo qaad, oo waxaad ku qortaa: Tanu waxay u tahay reer Yuusuf taasoo ah ushii Efrayim, iyo reer binu Israa'iil oo dhan oo saaxiibbadiis ah. 17 Oo labadoodaba isku dar oo waxaad isaga dhigtaa ul qudha inay iyagu gacantaada isku mid qudha ku noqdaan. 18 Oo markay dadkaagu kula hadlaan oo ay kugu yidhaahdaan, War, maad noo sheegtid waxa aad xaalkan ula jeeddid? 19 waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan soo qaadan doonaa usha reer Yuusuf oo gacanta reer Efrayim ku jirta, iyo qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo isaga saaxiibbadiis ah, oo waxaan ku dari doonaa usha reer Yahuudah, oo kulligood waxaan isaga wada dhigi doonaa ul qudha oo gacantayday ku midoobi doonaan.
  • Hos 12:1 : 1 ¶ Reer Efrayim waxay quutaan dabayl oo waxay daba galaan dabaysha bari. Had iyo goorba been iyo baabba' bay badiyaan, oo waxay axdi la dhigtaan dadka dalka Ashuur, saliidna Masar bay u qaadaan.
  • Mat 2:3 : 3 Goortuu boqor Herodos waxan maqlay, ayuu welwelay, isaga iyo reer Yeruusaalem oo dhan.
  • Laaw 26:36-37 : 36 Oo intii idinka hadhana waxaan qalbigooda ku ridi doonaa fulanimo, iyagoo dalalka cadaawayaashooda dhex jooga, oo sanqadha caleen dabaylu kaxaynayso ayaa iyaga eryan doonta, oo waxay uga carari doonaan sida qof seef uga cararo, oo iyadoo aan ninna eryanayn ayay iska daadan doonaan. 37 Oo iyagoo aan ninna eryanayn ayaa midkoodba midka kale ku turunturoon doonaa sidii iyagoo seef ka baqanaya. Oo innaba ma aad yeelan doontaan itaal aad cadaawayaashiinna isku hor taagtaan.
  • Tir 14:1-3 : 1 ¶ Oo shirkii oo dhammuna codkoodii bay kor u qaadeen oo qayliyeen, oo dadkiina habeenkaas way ooyeen. 2 Oo reer binu Israa'iil oo dhammuna waxay u gunuuseen Muuse iyo Haaruun, oo shirkii oo dhammu waxay iyagii ku yidhaahdeen, Waxaa inoo roonayd inaynu dalkii Masar ku dhimanno! Amase inaynu cidladan ku dhimanno! 3 Bal Rabbigu muxuu inoogu soo kexeeyey dalkan aynu seefta ku le'anayna? Naagaheenna iyo dhallaankeennu dhac bay noqonayaan. Sow inaynu Masar ku noqonno inooma roona?
  • Sharc 28:65-66 : 65 Oo quruumahaas dhexdooda istareex kama heli doontaan, oo cagtiinnuna ma nasan doonto, laakiinse Rabbigu wuxuu halkaas idinku siin doonaa qalbigariir, iyo indhabbeel, iyo naf dulloobid. 66 Oo naftiinnana waad u shakiyi doontaan, oo habeen iyo maalinba waad cabsan doontaan, oo noloshiinnana ma aad hubi doontaan innaba.
  • 2 Sam 7:16 : 16 Oo reerkaaga iyo boqortooyadaadaba waxaa laga dhigi doonaa kuwo weligood hortaada ku raaga, oo carshigaaguna weligiis wuu dhisnaan doonaa.
  • 1 Boq 11:32 : 32 (laakiinse qabiil isagaa u haysanaya addoonkaygii Daa'uud aawadiis, iyo Yeruusaalem oo ah magaaladii aan qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan ka doortay aawadeed;)
  • 1 Boq 12:16 : 16 Oo dadkii Israa'iil oo dhammuna markay arkeen inaan boqorku dhegaysan ayaa dadkii waxay boqorkii ugu jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Bal maxaan qayb ku leennahay Daa'uud? Dhaxalna kuma lihin ina Yesay. Haddaba dadkii Israa'iilow, teendhooyinkiinnii taga. Oo Daa'uudow, bal eeg, reerkaagii waa kuu kaas. Markaasay dadkii Israa'iil tageen teendhooyinkoodii.
  • 1 Boq 13:2 : 2 Markaasuu wax ka gees ah meeshii allabariga ku qayliyey sidii Rabbigu ku amray, oo wuxuu yidhi, Meeshii allabarigay, meeshii allabarigay, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer Daa'uud waxaa u dhalan doona wiil magiciisa la yidhaahdo Yoosiyaah, oo isna dushaada wuxuu ku qali doonaa wadaaddada meelaha sarsare ee dushaada fooxa ku shida, oo waxaa dushaada lagu gubi doonaa dad lafihiis.
  • 2 Boq 7:6-7 : 6 Maxaa yeelay, Sayidku wuxuu ciidankii Suuriya maqashiiyey gaadhifardood sanqadhood, iyo fardo sanqadhood, iyo xataa ciidan weyn sanqadhiis; oo waxay isku yidhaahdeen, War boqorkii dalka Israa'iil wuxuu inoo soo kiraystay boqorradii reer Xeed, iyo boqorradii Masar inay inagu soo duulaan. 7 Sidaas daraaddeed way kaceen oo carareen intay fiidkii ahayd. Waxayna ka tageen teendhooyinkoodii, iyo fardahoodii, iyo dameerahoodii, iyo xataa xeradiina siday ahayd; naftoodiina way la carareen.
  • 2 Taar 25:10 : 10 Kolkaasaa Amasyaah soocay ciidankii isaga dalka reer Efrayim uga yimid, si ay dalkoodii ugu noqdaan; sidaas daraaddeed aad bay dadkii Yahuudah ugu cadhoodeen, oo waxay dib ugu noqdeen dalkoodii iyagoo aad u xanaaqsan.
  • 2 Taar 28:12 : 12 Markaasay madaxdii reer Efrayim qaarkood hor istaageen kuwii dagaalka ka soo noqday, oo madaxdaasuna waxay ahaayeen Casaryaah ina Yooxaanaan, iyo Berekyaah ina Meshilleemood, iyo Yexisqiyaah ina Shalluum, iyo Camaasaa ina Xadlay.
  • Sab 11:1 : 1 Anigu Rabbigaan isku halleeyaa, Haddaba idinku sidee baad naftayda ugu tidhaahdaan, Sida shimbir oo kale buurtiinnii ku carara?
  • Sab 27:1-2 : 1 Rabbigu waa nuurkayga iyo badbaadadayda, bal yaan ka cabsadaa? Oo Rabbigu waa xoogga noloshayda, bal yaan ka baqaa? 2 Markii xumaanfalayaashu iigu yimaadeen inay hilibkayga cunaan, Kuwaasoo ah cadaawayaashayda iyo colkayga, way turunturoodeen, wayna dheceen.
  • Sab 112:7-8 : 7 Isagu innaba kama cabsan doono war xun, Qalbigaa u fadhiya, oo wuxuu isku halleeyaa Rabbiga. 8 Qalbigaa u fadhiya, oo ma uu cabsan doono, Ilaa uu wuxuu doonayay ku arko cadaawayaashiisa.
  • Maah 28:1 : 1 Kuwa sharka lahu waxay cararaan iyadoo aan ciduna eryanayn, Laakiinse kuwa xaqa ahu waxay u dhiirran yihiin sida libaax oo kale.
  • Ish 6:13 : 13 Oo haddii dhexdiisa toban meelood meel ku hadho way baabbi'i doontaa, oo sida geedo marka la gooyo jiridu u hadho ayaa farcanka quduuska ahu dadka jirid u yahay.
  • Ish 7:17 : 17 Adiga, iyo dadkaaga iyo reerka aabbahaaba waxaa Rabbigu ku soo dejin doonaa wakhti aan idiin iman tan iyo waa reer Efrayim ay dalka Yahuudah ka tageen, oo kaasuna waa kii boqorka Ashuur.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1¶ Oo Aaxaas ina Yootan, ina Cusiyaah, oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wakhtigiisii waxaa Yeruusaalem ku soo kacay Resiin oo ahaa boqorkii Suuriya iyo Feqax ina Remalyaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil inay la diriraan, laakiinse way ka adkaan kari waayeen.

  • Ish 7:3-6
    4 aayado
    78%

    3¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Ishacyaah ku yidhi, Adiga iyo wiilkaaga She'aar Yaashuubba taga oo waxaad Aaxaas uga hor tagtaan meeshuu biyomareenka balliga sare ku dhammaado kaasoo ku dhex yaal waddada berrinka dharmaydhaha,

    4oo waxaad isaga ku tidhaahdaa, Digtoonow oo xasilloonow, ha cabsan, hana qalbi jabin labadan qori ee dabka ah ee qiiqaya aawadood, ha ka welwelin cadhada kulul oo Resiin iyo Suuriya, iyo tan ina Remalyaah toona.

    5Suuriya, iyo Efrayim, iyo ina Remalyaah waxay kuugu tashadeen talo xun, oo waxay isku yidhaahdeen,

    6Ina keena aynu dalka Yahuudah ku kacnee oo dhibnee, aynuna jabsanno, oo dhexdiisa boqor fadhiisinno, kaasoo ah ina Taabeel,

  • Ish 7:8-10
    3 aayado
    73%

    8Waayo, Suuriya madaxeedu waa Dimishaq, oo Dimishaq madaxeeduna waa Resiin, oo reer Efrayimna waxay ku kala jajabi doonaan muddo ah shan iyo lixdan sannadood si aanay innaba dad u sii ahaan,

    9oo reer Efrayim madaxoodu waa Samaariya, oo Samaariya madaxeeduna waa ina Remalyaah. Haddaad rumaysan weydaan, sida xaqiiqada ah sinaba ma xoogaysan doontaan.

    10¶ Oo weliba Rabbigu mar kaluu Aaxaas la sii hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 2 Boq 16:5-7
    3 aayado
    73%

    5Markaasaa waxaa Yeruusaalem ku soo kacay Resiin oo ahaa boqorkii Suuriya iyo Feqax ina Remalyaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil inay la diriraan; wayna hareereeyeen Aaxaas, laakiinse way ka adkaan kari waayeen.

    6Oo waagaas Resiin oo ahaa boqorkii reer Suuriya wuxuu Suuriya u soo celiyey Eelad, oo Yuhuuddiina wuu ka eryay Eelad, markaasay reer Suuriya Eelad yimaadeen, oo ilaa maantana way deggan yihiin.

    7Sidaas daraaddeed Aaxaas wuxuu farriin u diray Tiglad Fileser oo ahaa boqorkii Ashuur, oo wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay addoonkaagii iyo wiilkaagiiba, haddaba ii kaalay oo iga badbaadi boqorka Suuriya iyo boqorka dalka Israa'iil kuwaas oo igu kacay.

  • 9Oo boqorkii Ashuurna wuu maqlay; markaasaa boqorkii Ashuur Dimishaq ku kacay oo qabsaday, oo dadkiina maxaabiis ahaan buu Qiir ugu kaxaystay, oo Resiinna wuu dilay.

  • 37Oo waagaas Rabbigu wuxuu bilaabay inuu dalka Yahuudah ku soo diro Resiin oo ahaa boqorkii Suuriya iyo Feqax ina Remalyaah.

  • 6Maxaa yeelay, Sayidku wuxuu ciidankii Suuriya maqashiiyey gaadhifardood sanqadhood, iyo fardo sanqadhood, iyo xataa ciidan weyn sanqadhiis; oo waxay isku yidhaahdeen, War boqorkii dalka Israa'iil wuxuu inoo soo kiraystay boqorradii reer Xeed, iyo boqorradii Masar inay inagu soo duulaan.

  • 17Adiga, iyo dadkaaga iyo reerka aabbahaaba waxaa Rabbigu ku soo dejin doonaa wakhti aan idiin iman tan iyo waa reer Efrayim ay dalka Yahuudah ka tageen, oo kaasuna waa kii boqorka Ashuur.

  • Ish 9:9-12
    4 aayado
    70%

    9Oo waxaa garan doona dadka oo dhan, xataa reer Efrayim iyo kuwa Samaariya deggan oo kibirka iyo islaweynaanta qalbiga ku hadla, iyagoo leh,

    10Lebennadii way soo dheceen, laakiinse annagu waxaannu ku dhisi doonnaa dhagaxyo la qoray, geedihii darayga ahaa waa la jaray, laakiinse waxaannu ku beddeli doonnaa geedo kedar ah.

    11Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu ku soo kicin doonaa kuwa Resiin la col ah, oo cadaawayaashiisana wuu isku soo wada ururin doonaa dhammaantood,

    12wuxuu reer Suuriya ka soo kicin doonaa xagga bari, reer Falastiinna xagga galbeed, oo waxay dadka Israa'iil ku cuni doonaan af furan. Hase ahaatee cadhadiisa kama uu sii jeedin, laakiinse gacantiisii weli way fidsan tahay.

  • 11Oo boqorkii Suuriyana qalbigiisu waxyaalahan aad buu uga welwelsanaa; oo wuxuu isugu yeedhay addoommadiisii, oo ku yidhi, War maad ii sheegtaan midkeenna la jira boqorkii dalka Israa'iil?

  • Ish 8:5-7
    3 aayado
    69%

    5¶ Oo haddana Rabbigu waa ila hadlay, oo wuxuu igu yidhi,

    6Dadkanu way diideen biyaha Shilo'ax oo qunyar socda, oo waxay ku reyreeyaan Resiin iyo ina Remalyaah,

    7haddaba sidaas daraaddeed Sayidku wuxuu ku soo dayn doonaa biyaha Webiga ee xoogga iyo badnaanta leh, kuwaasoo ah boqorka Ashuur iyo sharaftiisa oo dhan, oo isna faraqyadiisa oo dhan wuu soo buuxin doonaa, oo qararkiisa oo dhanna wuu buuxdhaafin doonaa,

  • 5Oo sidaas daraaddeed ayaa Rabbiga Ilaahiisa ahu isagii ku riday gacantii boqorkii Suuriya, oo intay isagii wax ku dhufteen ayay dadkiisii tirada badnaana maxaabiis ahaan ugu kaxaysteen Dimishaq. Oo haddana isagii waxaa gacanta loo geliyey boqorkii dalka Israa'iil kaasoo wax badan ka laayay.

  • 15Waayo, Rabbigu wuxuu dadkii Israa'iil u layn doonaa sida cawsduur biyo ugu ruxmado, oo dadkii Israa'iil wuu ka rujin doonaa dalkan wanaagsan oo uu siiyey awowayaashood, oo wuxuu ku firdhin doonaa Webiga shishadiisa, maxaa yeelay, waxay samaysteen geedihii Asheeraah, oo Rabbigana saasay uga xanaajiyeen.

  • 7Bal ogow, jinni baan gelin doonaa, oo belef buu maqli doonaa, markaasuu ku noqon doonaa dalkiisii, oo waxaan ka dhigi doonaa in isaga seef lagu dilo, isagoo dalkiisii jooga.

  • 8¶ Haddaba boqorkii Suuriya wuxuu la diriray dadkii Israa'iil, oo intuu addoommadiisii la tashaday ayuu ku yidhi, Meesha saa iyo saa ah ayaa xeradaydu ahaan doonta.

  • 17Taas waxaa loo soo sheegay Daa'uud, kolkaasuu reer binu Israa'iil oo dhan soo wada ururiyey, oo intuu Webi Urdun ka soo gudbay ayuu reer Suuriya u yimid, oo ciidankiisii ayuu weerar ugu soo diyaariyey, haddaba Daa'uud markuu raggiisii u diyaariyey inay reer Suuriya la dagaallamaan ayay iyana la dirireen.

  • 9¶ Dadyowgow, qayliya, waadna jajabi doontaan, kuwiinna dalalka fogow, dhegaysta, guntiga isku dhuujiya, waadna jajabi doontaan, guntiga isku dhuujiya, waadna jajabi doontaan.

  • 15Oo reer Suuriyana markay arkeen in iyaga looga adkaaday reer binu Israa'iil hortooda ayay dhammaantood isa soo wada urursadeen.

  • 4Markaasaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Ishacyaah oo ku yidhi,

  • Ish 37:5-7
    3 aayado
    67%

    5Sidaas daraaddeed Boqor Xisqiyaah addoommadiisii waxay u yimaadeen, Ishacyaah.

    6Oo Ishacyaah wuxuu ku yidhi, Waxaad sayidkiinnii ku tidhaahdaan, Rabbigu wuxuu ku leeyahay, Ha ka cabsan erayadii aad maqashay oo midiidinnadii boqorka Ashuur ay igu caayeen.

    7Bal ogow, ruux baan gelin doonaa, oo belef buu maqli doonaa, markaasuu ku noqon doonaa dalkiisii, oo waxaan ka dhigi doonaa in seef lagu dilo, isagoo dalkiisii jooga.

  • 7Laakiinse nin Ilaah baa isagii u yimid, oo wuxuu ku yidhi, Boqorow, ciidanka Israa'iil yaanay ku raacin, maxaa yeelay, Rabbigu dadka Israa'iil oo reer Efrayim ah oo dhanba lama uu jiro.

  • 7Oo wakhtigaas ayaa Xanaanii oo waxarkihii ahaa u yimid Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo wuxuu ku yidhi, Waxaad isku hallaysay boqorka Suuriya, oo iskuma aadan hallayn Rabbiga Ilaahaaga ah, haddaba sidaas daraaddeed ciidanka boqorka Suuriya gacantaada wuu ka baxsaday.

  • 1¶ Haddaba markii aan damco inaan dadka Israa'iil bogsiiyo ayaa waxaa la soo bandhigaa xumaantii reer Efrayim, iyo sharnimadii dadka Samaariya, waayo, waxay sameeyaan wax been ah, oo tuuggiina guduhuu galaa, guutada shuftada ahuna dibadday wax ka dhacaan.

  • 6Sidaas daraaddeed niman wargeeys ah ayaa boqorkii iyo amiirradiisii ka qaadeen warqadihii, waxayna dhex marsiiyeen dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah oo dhan, waxayna ku socdeen si waafaqsan boqorka amarkiisii, iyagoo leh, Reer binu Israa'iilow, mar kale ku soo noqda Rabbiga ah Ilaaha Ibraahim iyo Isxaaq iyo Israa'iil, inuu isagu ku soo jeedsado kuwiinna ka baxsaday gacantii boqorradii Ashuur.

  • 3Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Qalcaddu reer Efrayim way ka baabbi'i doontaa, oo boqortooyaduna Dimishaq way ka dhammaan doontaa, oo kuwa Suuriya ka hadhi doonaana waxay noqon doonaan sida sharaftii dadkii Israa'iil.

  • 2Markaasuu Elyaaqiim oo reerka u sarreeyey, iyo Shebnaa oo karraanigii ahaa, iyo duqowdii wadaaddada iyagoo joonyado qaba u diray Nebi Ishacyaah oo ahaa ina Aamoos.

  • 5Kolkaasaa Ishacyaah wuxuu Xisqiyaah ku yidhi, Haddaba bal maqal erayga Rabbiga ciidammada.

  • 18Oo boqorkii Ashuur aawadiis ayuu gurigii Rabbiga ugu soo beddelay meeshii daboolnayd ee sabtida ee guriga looga dhex dhisay iyo meeshii boqorku ka soo geli jirayba.

  • 1¶ Reer Efrayim waxay quutaan dabayl oo waxay daba galaan dabaysha bari. Had iyo goorba been iyo baabba' bay badiyaan, oo waxay axdi la dhigtaan dadka dalka Ashuur, saliidna Masar bay u qaadaan.

  • 12Markaasaa boqorkii habeennimadii toosay oo addoommadiisii ku yidhi, Haatan waxaan idin tusayaa wixii ay reer Suuriya nagu sameeyeen. Iyagu way og yihiin inaynu gaajaysan nahay, oo sidaas daraaddeed xeradii way ka baxeen oo duurka ku dhuunteen, oo waxay isyidhaahdeen, Markay magaalada ka soo baxaan ayaynu iyagoo noolnool qabqabanaynaa, oo magaalada ayaynu galaynaa.

  • 16¶ Oo wakhtigaas ayaa Boqor Aaxaas u cid dirsaday boqorradii reer Ashuur inay caawiyaan.

  • 7Xoog yeesha oo aad u dhiirranaada, ha ka cabsanina, hana ka qalbi jabina boqorka Ashuur ama ciidanka faraha badan oo isaga la socda, maxaa yeelay, waxaa inala jira kuwa ka badan kuwa isaga la jira.

  • 3Bal eeg, kii reer Ashuur wuxuu u ekaa geed kedar ah oo Lubnaan ku dhex yaal, oo wuxuu lahaa laamo qurxoon iyo hoos weyn, oo wuu sarajoog dheeraa, oo dhaladiisuna waxay gaadhay tan iyo daruuraha.

  • 5Oo weliba wuxuu ku socon jiray taladoodii, wuuna raacay Yehooraam ina Axaab oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil inay Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya kula diriraan Raamod Gilecaad, oo reer Suuriyana Yooraam bay dhaawaceen.

  • 21Markaasaa Aaxaas qayb ka soo qaaday gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorka iyo kii amiirradaba, oo wuxuu siiyey boqorkii Ashuur, laakiinse taasu isagii waxba uma tarin.

  • 3Oo Rabbiga cadhadiisiina aad bay ugu kululaatay dadkii Israa'iil, oo wuxuu had iyo goorba gacanta u gelin jiray Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya, iyo Benhadad ina Xasaa'eel.