Ishacyaah 9:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, ninka hubka leh ee buuqa ku dhex jira hubkiisa oo dhan iyo dharka dhiigga miidhanna waa la gubi doonaa oo waxaa laga dhigi doonaa wax dabka lagu shido.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Tes 1:8 : 8 oo dab ololaya ku jira, oo ka aargudanaya kuwa aan Ilaah aqoon iyo kuwa aan addeecin injiilka Rabbigeenna Ciise Masiix.
  • Fal 2:19 : 19 Oo waxaan samada sare ka muujin doonaa yaabab, Dhulka hoosena waxaan ka muujin doonaa calaamooyin, Kuwaas oo ah dhiig iyo dab iyo uumiskii qiiqa.
  • Laaw 3:11 : 11 Oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga, waayo, waxaasu waa cuntadii qurbaanka Rabbiga dabka loogu sameeyo.
  • Laaw 3:16 : 16 Oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga, waayo, waxaasu waa cuntadii qurbaankii dabka loogu sameeyo caraf udgoon. Xaydha oo dhan Rabbigaa iska leh.
  • 1 Sam 14:19 : 19 Oo markuu Saa'uul la hadlayay wadaadkii, rabshaddii ku jirtay xerada reer Falastiin ayaa sii adkaatay oo sii badatay; kolkaasaa Saa'uul wuxuu wadaadkii ku yidhi, Gacanta laab.
  • Sab 46:9 : 9 Dagaallada wuu ku joojiyaa tan iyo dunida meesha ugu dambaysa, Qaansada wuu jebiyaa, oo warankana wuu jaraa, Oo gaadhifardoodkana dab buu ku gubaa.
  • Ish 4:4 : 4 markii Sayidku maydho wasakhda dadka Siyoon, oo uu Yeruusaalem dhiiggeeda dhexdeeda kaga nadiifiyo ruuxa caddaaladda, iyo ruuxa wax guba.
  • Ish 10:16-17 : 16 ¶ Haddaba sidaas daraaddeed Sayidka ah Sayidka ciidammadu wuxuu kuwiisa cayilay ku soo diri doonaa macaluul, oo sharaftiisa meesheedana waxaa lagu shidi doonaa olol ah sida olol dabeed. 17 Iftiinka Israa'iilna wuxuu noqon doonaa dab, oo kiisa Quduuska ahuna olol, oo maalin qudha ayuu gubi doonaa oo baabbi'in doonaa qodxantiisa iyo yamaaruggiisba,
  • Ish 13:4 : 4 Waxaa la maqlayaa bulxanka dadka badan oo buuraha ka yeedhaya sida dad fara badan! Waxaana la maqlayaa buuqa boqortooyooyinkii quruumaha isa soo wada urursaday! Rabbiga ciidammadu wuxuu soo ururinayaa ciidanka dagaalka.
  • Ish 30:33 : 33 Waayo, Tofed waa horaa la sii diyaarshay, oo waxaa loo sii hagaajiyey boqorka, oo aad buu u sii qoday oo uu sii ballaadhiyey, oo waxaa ka tuullan dab iyo qoryo faro badan, oo waxaa shidaysa neeftii Rabbiga oo la moodo sida durdur baaruud ah.
  • Ish 37:36 : 36 ¶ Markaasaa malaa'igtii Rabbigu baxday oo waxay xeradii reer Ashuur ka laysay boqol iyo shan iyo siddeetan kun oo nin, oo aroor hore markii la toosay waxay wada ahaayeen meyd.
  • Ish 66:15-16 : 15 Waayo, bal eega, Rabbigu wuxuu la iman doonaa dab, iyo gaadhifardoodyadiisa cirwareenta la moodo, inuu xanaaqiisa cadho ku keeno canaantiisana dab ololkiis. 16 Waayo, Rabbigu wuxuu binu-aadmiga oo dhan ku xukumi doonaa dab iyo seeftiisa, oo kuwa Rabbigu laayana way badan doonaan.
  • Yer 47:3 : 3 Gurdanka qoobabka fardihiisa xoogga badan iyo yaacidda gaadhifardoodyadiisa, iyo xiinka giraangirihiisa aawadood ayaa aabbayaashu ayan dib u dhugan doonin carruurtooda, waayo, gacmahoodu cabsi bay la taag gabeen,
  • Yex 39:8-9 : 8 Bal eega, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Wuu imanayaa oo wuu ahaan doonaa, kaasu waa wakhtigii aan ka sii hadlay. 9 Oo kuwa magaalooyinka reer binu Israa'iil degganu way soo bixi doonaan, oo waxay dab ku shidan doonaan oo ay gubi doonaan hubka dagaalka, kuwaasoo ah gaashaammada yaryar iyo gaashaammada waaweynba, iyo qaansooyinka iyo fallaadhaha, iyo budhadhka iyo warmaha, oo intii toddoba sannadood ah ayay dab ku shidan doonaan. 10 Sidaas daraaddeed iyagu duurka qoryo kama ay soo guran doonaan, oo kayntana waxba kama ay soo goosan doonaan, waayo, waxay dab ku shidan doonaan hubka dagaalka, oo waxay boobi doonaan kuwii iyaga boobay, wayna dhici doonaan kuwii iyaga dhacay, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
  • Yoel 2:5 : 5 Oo sanqadhkoodu waa sida gaadhifardood buuraha dhaladooda boodboodaya, iyo sida olol dab oo bal gubaya, iyo sida dad xoog badan oo dagaal u diyaargaroobay.
  • Nax 3:2 : 2 Oo waxaa ka buuxa dhawaaqa karbaashka, iyo dhawaaqa giraangiraha qablamaya, iyo fardo qoobqaadaya, iyo gaadhifardoodyo boodboodaya,
  • Mal 3:2-3 : 2 Laakiinse bal yaa u adkaysan kara maalinta imaatinkiisa? Bal yaase taagnaan doona markuu muuqdo? Waayo, isagu waa sida dabka lacagmiiraha iyo sida saabuunta dharmaydhaha. 3 Oo wuxuu u fadhiyi doonaa sida kan lacagta miira oo safeeya, oo reer Laawi wuu daahirin doonaa, oo iyaguu u safayn doonaa sida dahabka iyo lacagta loo safeeyo, oo iyana si xaqnimo ah ayay Rabbiga qurbaanno ugu bixin doonaan.
  • Mat 3:11 : 11 Anigu biyo ayaan idinku baabtiisaa ilaa toobadda, laakiin kan iga daba imanayaa waa iga itaal weyn yahay, kan aanan istaahilin inaan kabihiisa u qaado. Isagu wuxuu idinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah iyo dab.
  • Fal 2:3 : 3 Markaasaa carrabbo u kala qaybsamaya sida dab oo kale iyaga u muuqday oo ku dul fadhiistay midkood kasta.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ish 9:6-7
    2 aayado
    75%

    6Waayo, waxaa inoo dhashay ilmo, waxaa layna siiyey wiil, oo boqornimadu garbihiisay saarmi doontaa, oo magiciisana waxaa loo bixin doonaa Ka Yaabkaleh, iyo Lataliye, iyo Ilaaha Xoogga leh, iyo Aabbaha Daa'imka ah, iyo Amiirka Nabadda.

    7Oo boqornimadiisa iyo nabaddu way badnaan doonaan, dhammaadna uma lahaan doonaan carshiga Daa'uud iyo boqortooyadiisa, in la sii adkeeyo, oo caddaalad iyo xaqnimo lagu sii hayo haatan iyo tan iyo weligeedba. Oo tan waxaa samayn doona qiirada Rabbiga ciidammada.

  • Nax 2:3-4
    2 aayado
    72%

    3Oo raggiisa xoogga badan gaashaankoodiina waa la caseeyey, oo ragga dagaalyahanka ahuna waxay xidhaan dhar guduudan, oo maalintii isdiyaarintiisana gaadhifardoodyadu waa bir widhwidha, oo warmihiina waa loo ruxay si cabsi badan.

    4Gaadhifardoodyada ayaa jidadka dhexdooda ka gurdamaya, oo jidadka balballaadhan ayaa midkoodba kan kale ku cidhiidhinaya, oo muuqashadooduna waa sida qori iftiimaya oo kale, waxayna u ordayaan sida hillaaca oo kale.

  • 4Waayo, harqoodkii ku cuslaa, iyo hangoolkii garbaha lagaga dhufan jiray, iyo ushii kii dulmi jiray, ayaad jebisay sidii waagii reer Midyaan.

  • 5Oo sanqadhkoodu waa sida gaadhifardood buuraha dhaladooda boodboodaya, iyo sida olol dab oo bal gubaya, iyo sida dad xoog badan oo dagaal u diyaargaroobay.

  • Ish 9:18-19
    2 aayado
    71%

    18¶ Waayo, xumaantu waxay wax u gubtaa sida dabka oo kale, oo waxay dam ka dhigtaa yamaarugga iyo qodxanta, oo jiqda duuddana way ololisaa, oo waxaa kor uga baxa daruur qiiq ah.

    19Dhulku wuxuu la gubtay Rabbiga ciidammada cadhadiisa, oo dadkuna waxay yihiin sida wax dabka lagu shido, oo ninna walaalkiis ma caymiyo.

  • Sak 10:4-5
    2 aayado
    71%

    4Waxaa isaga ka iman doona dhagaxa rukunka, oo dhidibkuna isaguu ka iman doonaa, qaansada dagaalkuna isagay ka iman doontaa, oo taliye kastaana isaguu ka iman doonaa.

    5Oo iyana waxay ahaan doonaan sida rag xoog badan oo dagaal gala oo cadowgooda kula tunta dhoobada jidadka dhex taal. Wayna diriri doonaan, maxaa yeelay, Rabbiga ayaa iyaga la jira. Oo kuwa fardaha ku joogaana way isku qasmi doonaan.

  • Yex 39:9-10
    2 aayado
    70%

    9Oo kuwa magaalooyinka reer binu Israa'iil degganu way soo bixi doonaan, oo waxay dab ku shidan doonaan oo ay gubi doonaan hubka dagaalka, kuwaasoo ah gaashaammada yaryar iyo gaashaammada waaweynba, iyo qaansooyinka iyo fallaadhaha, iyo budhadhka iyo warmaha, oo intii toddoba sannadood ah ayay dab ku shidan doonaan.

    10Sidaas daraaddeed iyagu duurka qoryo kama ay soo guran doonaan, oo kayntana waxba kama ay soo goosan doonaan, waayo, waxay dab ku shidan doonaan hubka dagaalka, oo waxay boobi doonaan kuwii iyaga boobay, wayna dhici doonaan kuwii iyaga dhacay, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • Ish 31:8-9
    2 aayado
    70%

    8Oo markaas kan reer Ashuur wuxuu ku le'an doonaa seef aan binu-aadmi ka iman, oo seefta aan xagga dadka ka iman ayaa dili doonta, oo seeftuu ka carari doonaa, oo barbaarradiisuna addoommo bay noqon doonaan.

    9Oo cabsi ayuu qalcaddiisa kala sii gudbi doonaa, oo amiirradiisuna cabsi aawadeed bay calanka uga carari doonaan, saas waxaa leh Rabbiga dabkiisu Siyoon ku jiro oo foornadiisuna ay Yeruusaalem taallo.

  • Ish 10:16-18
    3 aayado
    70%

    16¶ Haddaba sidaas daraaddeed Sayidka ah Sayidka ciidammadu wuxuu kuwiisa cayilay ku soo diri doonaa macaluul, oo sharaftiisa meesheedana waxaa lagu shidi doonaa olol ah sida olol dabeed.

    17Iftiinka Israa'iilna wuxuu noqon doonaa dab, oo kiisa Quduuska ahuna olol, oo maalin qudha ayuu gubi doonaa oo baabbi'in doonaa qodxantiisa iyo yamaaruggiisba,

    18oo wuxuu dhammayn doonaa ammaanta duuddiisa iyo beertiisa midhaha badanba, iyo naf iyo jidhba, oo waxay noqon doontaa sidii markii calanqaade taag darnaado.

  • 17Sida laabdhawr oo kale ayuu xaqnimo u soo xidhay, oo madaxana wuxuu saartay koofiyad badbaado ah, oo wuxuu dhar ahaan u guntaday aarsasho, oo qiiro kulul ayuu soo huwaday.

  • 4Oo isaguna quruumuhuu u kala garsoori doonaa, oo dad badan ayuu canaanan doonaa, oo iyana waxay seefahooda ka tuman doonaan marashiyo, warmahoodana manjooyin, oo quruunina quruun kale seef uma qaadan doonto, oo innaba mar dambe dagaal ma ay baran doonaan.

  • Ish 63:2-3
    2 aayado
    69%

    2Bal maxaa dharkaagu u cas yahay, oo lebbiskaagana maxaa loo moodaa sida dharka kan macsarada canabka ku joogjoogsada?

    3Keligay baan macsarada ku tuntay, oo dadkiina qofna igalama joogin, waxaan iyaga kula tuntay cadhadayda, oo waxaan kula joogjoogsaday xanaaqayga, oo dhiiggooduna lebbiskayguu ku firidhsan yahay, dharkayga oo dhanna waan ku wada wasakheeyey.

  • 32Oo darbad kasta oo usha loo diyaariyeyba, kaasoo Rabbigu saari doono, waxaa la jiri doona daf iyo kataarado, oo wuxuu kula diriri doonaa dagaallo gariir badan.

  • 9¶ Dadyowgow, qayliya, waadna jajabi doontaan, kuwiinna dalalka fogow, dhegaysta, guntiga isku dhuujiya, waadna jajabi doontaan, guntiga isku dhuujiya, waadna jajabi doontaan.

  • 9Dagaallada wuu ku joojiyaa tan iyo dunida meesha ugu dambaysa, Qaansada wuu jebiyaa, oo warankana wuu jaraa, Oo gaadhifardoodkana dab buu ku gubaa.

  • 4Waxaa la maqlayaa bulxanka dadka badan oo buuraha ka yeedhaya sida dad fara badan! Waxaana la maqlayaa buuqa boqortooyooyinkii quruumaha isa soo wada urursaday! Rabbiga ciidammadu wuxuu soo ururinayaa ciidanka dagaalka.

  • Ish 66:15-16
    2 aayado
    69%

    15Waayo, bal eega, Rabbigu wuxuu la iman doonaa dab, iyo gaadhifardoodyadiisa cirwareenta la moodo, inuu xanaaqiisa cadho ku keeno canaantiisana dab ololkiis.

    16Waayo, Rabbigu wuxuu binu-aadmiga oo dhan ku xukumi doonaa dab iyo seeftiisa, oo kuwa Rabbigu laayana way badan doonaan.

  • 20¶ Adigu waxaad ii tahay dubbahaygii iyo hubkaygii dagaalka, oo adigaan quruumaha kugu burburin doonaa, oo adigaan boqortooyooyin kugu baabbi'in doonaa.

  • 4Waayo, Rabbigu wuxuu igu leeyahay, Sida aar libaax iyo libaax yar oo raq ku kor guuxa, oo markii adhijirro badan loogu yeedho aan codkooda ka baqin ama aan qayladooda ka cabsan ayaa Rabbiga ciidammadu u soo degi doonaa inuu Buur Siyoon iyo kurteeda korkood ku diriro.

  • 32oo meelihii webiga laga gudbi jirayna la wada xidhay, oo cawsduurkiina dab lagu gubay, oo raggii dagaalkuna ay wada cabsadeen.

  • 3Oo isaguna dadyow badan buu u kala garsoori doonaa, oo quruumaha xoogga badan oo meel fog joogana wuu canaanan doonaa, oo iyana waxay seefahooda ka tuman doonaan marashiyo, warmahoodana manjooyin, oo quruunina quruun kale seef uma qaadan doonto, oo innaba mar dambe dagaal ma ay baran doonaan.

  • 9¶ Haddaba quruumaha dhexdooda saas ka naadiya, Dagaal isu diyaariya, oo ragga xoogga badan oo dhan soo kiciya. Ragga dagaalyahanka ah oo dhammu ha soo dhowaadeen oo iyagu ha soo baxeen.

  • 25Sidaas daraaddeed wuxuu dadka ku sii daayay cadhadiisii aad u kululayd, iyo xooggii dagaalka, oo hareerahooda oo dhanna dab baa lagu shiday, laakiinse way garan waayeen, waana la gubay, illowse innaba qalbiga ma gelin.

  • 22Dalka waxaa dhex yaal dagaal iyo halligaad weyn sanqadhood.

  • 26Oo Rabbiga ciidammaduna wuxuu iyaga ku ciqaabi doonaa karbaash u gala sida layntii reer Midyaan oo ka dhacday dhagixii weynaa ee Xoreeb agtiisa, oo sida ushiisu u kor ahayd badda ayuu kor ugu qaadi doonaa sidii Masar loogu qaaday oo kale.

  • 31Kan xoogga badanu wuxuu noqon doonaa sida shootali oo kale, oo shuqulkiisuna wuxuu noqon doonaa sida dhimbiil oo kale, oo labadooduba way isla guban doonaan, oo lama demin doono iyaga.

  • Nax 3:2-3
    2 aayado
    68%

    2Oo waxaa ka buuxa dhawaaqa karbaashka, iyo dhawaaqa giraangiraha qablamaya, iyo fardo qoobqaadaya, iyo gaadhifardoodyo boodboodaya,

    3iyo fardooley hor u socda, iyo seef dhalaalaysa, iyo waran birbirqaya, iyo dad badan oo la laayay, iyo bakhti faro badan oo iskor tuulsan, oo meydadkuna innaba dhammaad ma leh, oo waa lagu turunturoodaan meydadkooda,

  • 11Kuwiinna dabka shida, oo ololka isku hareereeya oo dhammow, iftiinka dabkiinna iyo ololka aad shidateen ku socda. Waxaas gacantaydaad ka heli doontaan, oo waxaad ku jiifsan doontaan tiiraanyo.

  • 13Oo isna wuxuu qabay dhar dhiig lagu rusheeyey, magiciisana waxaa la odhan jiray ereyga Ilaah.

  • 25Raggaagu wuxuu ku le'an doonaa seefta, oo kuwaaga xoogga badanuna waxay ku le'an doonaan dagaalka.

  • Ish 9:1-2
    2 aayado
    68%

    1¶ Habase ahaatee madow uma ahaan doono tii cidhiidhiga ku jirtay. Waagii hore wuxuu ka dhigay in la quudhsado dhulka Sebulun iyo dhulka Naftaali, laakiinse waagii dambe wuxuu ka dhigay in la sharafo dhulka ah xagga jidka badda, iyo Webi Urdun shishadiisa, iyo Galili quruumaha ka mid ah.

    2Dadkii ku socon jiray gudcurka ayaa iftiin weyn arkay, kuwii fadhiyi jiray dalka hooska dhimashada ahna iftiin baa u baxay.

  • 37Oo xeryihii nabaadiinada waa la wada baabbi'iyey Rabbiga xanaaqiisa kulul aawadiis.

  • 6Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu la iman doonaa onkod, iyo dhulgariir, iyo sanqadh weyn, iyo cirwareen, iyo duufaan, iyo dab ololkiisu wax baabbi'inayo.

  • 5Wuxuu dhexda ku xidhan doonaa xaqnimo, miskihiisana wuxuu ku xidhan doonaa aaminnimo.

  • 10Waayo, taasu waa maalintii Sayidka ah Rabbiga ciidammada, waana maalin aarsasho, oo uu cadaawayaashiisa ka aarsan doono. Seeftuna way wada baabbi'in doontaa, wayna ka dhergi doontaa, oo dhiiggooday ku sakhraami doontaa, waayo, Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu qurbaan ku samaynayaa dalka woqooyi Webi Yufraad agtiisa.

  • 14Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa derbiga Rabbaah, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraheeda waaweyn, oo maalinta dagaalka waa la qaylin doonaa, oo maalinta dabaysha cirwareentana duufaan baa ku dhici doona.

  • 23Oo waxay sitaan qaansooyin iyo warmo, oo waa calool adag yihiin, oo innaba naxariis ma leh. Codkoodana waxaa la moodaa sida bad guuxaysa oo kale, oo farday fuulaan. Siyoonay, mid kastaaba wuxuu kuugu soo safan yahay sida nin dagaal diyaar u ah oo kale.

  • 15Mid kasta oo la helo waa la dooxi doonaa, oo mid kasta oo la qabto seef baa lagu dili doonaa.