Yeremyaah 22:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Kii dhintay ha u ooyina, hana u barooranina, laakiinse waxaad aad ugu ooydaan kii dhoofa, waayo, isagu mar dambe ma soo noqon doono, oo dalkiisii hooyo ee uu ku dhashayna ma uu arki doono.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Wacd 4:2 : 2 Sidaas daraaddeed waxaan ammaanay kuwii dhintay in ka sii badan kuwa haatan jooga ee weli nool.
  • Ish 57:1 : 1 ¶ Kan xaqa ah wuu halligmaa, oo ninna qalbiga ma geliyo. Cibaadalaawayaashana waa la kexeeyey, oo ciduna ma garato in kan xaqa ah belaayada soo socota laga waday.
  • Yer 22:11 : 11 Waayo, Rabbigu wuxuu ka leeyahay Shalluum ina Yoosiyaah oo ahaa boqorkii Yahuudah, kaasoo boqor ka noqday meeshii aabbihiis Yoosiyaah, oo meeshan ka baxay, Isagu mar dambe halkan kuma soo noqon doono,
  • Bar 4:9 : 9 Kuwa seefta lagu laayo waa ka roon yihiin kuwa gaajada u le'da, Waayo, kuwanu way caatoobaan oo abaar bay u bakhtiyayaan iyagoo midhihii beeraha waayay.
  • Yex 19:3-4 : 3 Oo dhasheedii midkood ayay korisay, oo wuxuu noqday libaax aaran ah, oo wuxuu bartay sida ugaadha loo qabsado, dad buuna cunay. 4 Quruumihii baa warkiisii maqlay, oo waxaa isagii lagu qabtay godkoodii, oo dalkii Masar bay qabatooyin ku keeneen.
  • Luuk 23:28 : 28 Laakiin Ciise intuu u soo jeestay, wuxuu ku yidhi, Gabdhaha Yeruusaalemow, ha ii ooyina, laakiin u ooya qudhiinna iyo carruurtiinna,
  • 2 Boq 22:20 : 20 Haddaba waxaan kula ururin doonaa awowayaashaa, oo qabrigaaga nabad baad ugu ururi doontaa, oo indhahaaguna ma ay arki doonaan kulli belaayada aan meeshan ku soo dejin doono. Oo iyana boqorkii ayay mar kale u war keeneen.
  • 2 Boq 23:30-34 : 30 Oo addoommadiisii intay gaadhifaras Megiddoo kaga qaadeen isagoo meyd ah ayay Yeruusaalem keeneen oo qabrigiisii ku aaseen. Markaasay dadkii waddanku soo wateen Yehoo'aaxaas ina Yoosiyaah, oo intay subkeen ayay boqor uga dhigeen meeshii aabbihiis. 31 ¶ Oo Yehoo'aaxaas markuu boqor noqday wuxuu jiray saddex iyo labaatan sannadood, oo intii saddex bilood ah ayuu Yeruusaalem boqor ka ahaa; oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Xamuutal ina Yeremyaah, oo reer Libnaah ahayd. 32 Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah sidii wixii ay awowayaashiis sameeyeen oo dhan. 33 Fircoon Nekoo ayaa isagii ku xidhay Riblaah oo ku taal dalka Xamaad si uusan Yeruusaalem boqor ugu sii ahaan; oo dalkiina wuxuu saaray baad ah boqol talanti oo lacag ah iyo talanti dahab ah. 34 Markaasaa Fircoon Nekoo ayaa Eliyaaqiim ina Yoosiyaah boqor uga dhigay meeshii aabbihiis Yoosiyaah, oo magiciisiina wuxuu u beddelay Yehooyaaqiim, laakiinse isagu Yehoo'aaxaas buu kaxeeyey, oo markuu Masar keenay ayuu halkaas ku dhintay.
  • 2 Taar 35:23-25 : 23 Markaasay qaansaleydii fallaadh ku ganeen Boqor Yoosiyaah, dabadeedna boqorkii wuxuu addoommadiisii ku yidhi, War si xun baan u dhaawacmaye i fogeeya. 24 Sidaas daraaddeed addoommadiisii gaadhifaraskii way ka dejiyeen oo waxay saareen gaadhifaraskii labaad ee uu lahaa, oo waxay isagii keeneen Yeruusaalem, halkaasuuna ku dhintay, oo waxaa lagu aasay qabuurihii awowayaashiis. Oo dadkii Yahuudah iyo Yeruusaalem oo dhan Yoosiyaah way u baroorteen. 25 Oo Yeremyaahna waa u baroortay Yoosiyaah, oo ilaa maantadan la joogo ragga gabya iyo naagaha gabya oo dhanba waxay baroortoodii kaga sheekeeyeen Yoosiyaah, oo taasna dalka Israa'iil qaynuun baa lagaga dhigay, oo bal eeg, waxay ku qoran tahay kitaabka baroorta.
  • Yer 22:18 : 18 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu ka leeyahay Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, Isaga looma barooran doono, iyagoo leh, Hoogay walaalkayow, amase Hoogay walaashayay! Oo isaga looma barooran doono iyagoo leh, Hoogay sayidow, amase Hoogay isagu sharaf badnaaye!

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yer 22:11-12
    2 aayado
    83%

    11Waayo, Rabbigu wuxuu ka leeyahay Shalluum ina Yoosiyaah oo ahaa boqorkii Yahuudah, kaasoo boqor ka noqday meeshii aabbihiis Yoosiyaah, oo meeshan ka baxay, Isagu mar dambe halkan kuma soo noqon doono,

    12laakiinse wuxuu ku dhiman doonaa meeshii ay isaga maxaabiis ahaan ugu kaxaysteen, oo dalkan mar dambe ma uu arki doono.

  • Ayuub 7:9-10
    2 aayado
    78%

    9Sida daruurtu ay u libidho oo ay u baabba'do, Sidaasoo kale ayaa kii She'ool hoos u galaa uusan mar dambe kor uga soo noqonayn.

    10Isagu mar dambe gurigiisii kuma soo noqon doono, Oo meeshiisiina mar dambe ma ay aqoon doonto.

  • Yer 16:5-7
    3 aayado
    78%

    5Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Gurigii tacsiyu taal ha gelin, iyaga ha u barooran, hana u tacsiyayn, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadkan nabaddaydii waan ka fogeeyey iyo xataa raxmad iyo naxariisba.

    6Oo kuwa waaweyn iyo kuwa yaryaruba dalkanay ku dhex dhiman doonaan. Lama xabaali doono, loomana barooran doono, laysumana googooyn doono, oo iyaga aawadoodna laysuma xiiri doono.

    7Oo ciduna iyaga uma jejebin doonto kibistii axanka inay uga tacsiyeeyaan kii dhintay, oo ciduna iyaga ma siin doonto koobkii tacsida inay aabbahood ama hooyadood u cabbaan.

  • Yer 22:18-19
    2 aayado
    78%

    18Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu ka leeyahay Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, Isaga looma barooran doono, iyagoo leh, Hoogay walaalkayow, amase Hoogay walaashayay! Oo isaga looma barooran doono iyagoo leh, Hoogay sayidow, amase Hoogay isagu sharaf badnaaye!

    19Isaga waxaa loo xabaali doonaa sida dameer loo xabaalo oo kale, oo inta la jiido ayaa irdaha Yeruusaalem dibadda looga bixin doonaa.

  • 27Laakiinse dalka ay u xiisoonayaan inay ku noqdaan, halkaas innaba kuma ay soo noqon doonaan.

  • 16Rabbigu wuxuu leeyahay, Codkaaga oohinta ka jooji, oo indhahaagana ilmada ka celi, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Shuqulkaaga waa lagaaga abaalgudi doonaa, oo iyagu mar kalay ka iman doonaan dalkii cadowga.

  • 9Ishii isaga aragtay mar dambe ma ay arki doonto, Oo meeshiisiina mar dambe uma ay jeedi doonto.

  • Yex 24:16-17
    2 aayado
    71%

    16Wiilka Aadamow, bal ogow, waxaan darbad qudha kaaga qaadayaa tii ay indhahaagu jecel yihiin, laakiinse ha u barooran, hana u ooyin, oo ilmadaaduna innaba yaanay u daadan.

    17Taah, laakiin si aamusan u taah, oo baroorasho kuwii dhintay loo baroorto ha u barooran. Duubkaaga madaxa ku duubo, oo kabaha gasho, oo bushimahaagana ha daboolin, oo kibista dadkana innaba ha cunin.

  • 23Laakiinse haatan wuu dhintay, haddaba bal maxaan u soomaa? Miyaan isagii soo celin karaa? Anigaa u tegi doona, laakiinse isagu iima soo noqon doono.

  • Yer 9:17-18
    2 aayado
    71%

    17¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Aad u fiirsada, oo u yeedha naagaha baroorta ha yimaadeene, waxaad u cid dirtaan naagaha aad baroorta u yaqaan ha yimaadeene.

    18Oo iyagu ha soo dhaqsadeen, oo aad ha noogu baroorteen, si ay indhahayaga ilmo uga soo daadato oo ay biyona uga soo butaacaan.

  • 15Kuwii isaga ka hadhana dhimashaa xabaali doonta, Oo carmalladiisuna uma ay barooran doonaan.

  • 4Sidaas daraaddeed ayaan idhi, Aniga iga sii jeesta. Si qadhaadh baan u ooyi doonaa, ha isku daalinnina inaad dadkayga iiga qalbi qabowjisaan.

  • 16Haddaba Rabbiga ah Ilaaha ciidammada oo ah Sayidku wuxuu leeyahay, Dariiqyada oo dhan waxaa ka yeedhi doonta baroor, oo jidadka oo dhan waxaa laga odhan doonaa, Hoogay! Hoogay! Oo ninka beerreyda ah waxaa loogu yeedhi doonaa tacsi, oo kuwa baroorta aad u yaqaanna waxaa loogu yeedhi doonaa baroorasho.

  • 5Waayo, Yeruusaalemay, bal yaa kuu tudhi doona? Yaase kuu barooran doona? Yaase u soo leexan doona inuu sidaad tahay weyddiiyo?

  • 20Haddaba waxaan kula ururin doonaa awowayaashaa, oo qabrigaaga nabad baad ugu ururi doontaa, oo indhahaaguna ma ay arki doonaan kulli belaayada aan meeshan ku soo dejin doono. Oo iyana boqorkii ayay mar kale u war keeneen.

  • 30Oo xabaashiisii uu isagu lahaa ayuu meydkiisii geliyey, wayna u baroorteen, oo yidhaahdeen, Hoognay, walaalkayow!

  • 4¶ Weliba waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa dhacaa miyeyan soo kicin? Kii leexdaase miyuusan soo noqon?

  • Miik 1:10-11
    2 aayado
    69%

    10Gad ha ku dhex sheegina, hana ooyina, oo Beytlecafraah dhexdeeda boodhka ku galgasha.

    11Kaaga Shaafiir degganow, bax adoo qaawan oo ceebaysan. Kan Sa'anaan degganu soo ma bixin. Baroorta Beytesel waxay idinka qaadan doontaa meesha aad ku tiirsato.

  • 13Waayo, kan wax iibiyey uma uu soo noqon doono wixii uu iibiyey in kastoo uu weli kuwa noolnool ku dhex jiro, waayo, waxyaalihii la tusay waxay ku saabsan yihiin dadkooda badan oo dhan, oo midkoodna innaba sooma noqon doono, xumaanta noloshiisana kuma xoogaysan doono.

  • 35Kolkaasaa wiilashiisii oo dhan iyo gabdhihiisii oo dhammu u kaceen inay isaga qalbi qaboojiyaan, laakiinse wuu diiday inuu qalbi qaboobo, oo wuxuu yidhi, Anigoo barooranaya ayaan qabriga geli doonaa oo wiilkaygii u tegi doonaa. Aabbihiisna wuu u ooyay isagii.

  • 11Wakhtigaas Yeruusaalem waxaa jiri doonta baroorasho weyn oo ah sidii baroorashadii Hadad-Rimmoon taasoo ku dhex tiil dooxada Megiddoo.

  • 24Sidaas daraaddeed addoommadiisii gaadhifaraskii way ka dejiyeen oo waxay saareen gaadhifaraskii labaad ee uu lahaa, oo waxay isagii keeneen Yeruusaalem, halkaasuuna ku dhintay, oo waxaa lagu aasay qabuurihii awowayaashiis. Oo dadkii Yahuudah iyo Yeruusaalem oo dhan Yoosiyaah way u baroorteen.

  • 2Dadka dalka Yahuudah way barooranayaan, irdahoodii way jilceen, oo iyagoo ooyaya ayay dhulka fadhiyaan, oo Yeruusaalem qayladeeduna kor bay u kacaysaa.

  • 14Waayo, kolleyba dhammaanteen waan dhimanaynaa, oo waxaannu la mid nahay sidii biyo dhulka ku daatay, oo aan mar dambe la soo ururin karin; oo Ilaahna nafta ma qaado, laakiinse si fiican buu u talaggalaa, si uusan kii xaggiisa laga eryay u noqonin ku isaga ka go'ay.

  • 16Waxyaalahan daraaddood ayaan la ooyayaa, oo indhahayga ilmaa ka daadanaysa, Maxaa yeelay, kii i qalbi qaboojin lahaa oo naftayda u raaxayn lahaa waa iga fog yahay. Carruurtaydii way cidloobeen, maxaa yeelay, cadowgii baa iga adkaaday.

  • 12In kastoo ay carruurtooda koriyaan haddana waan gablamin doonaa si aan ninna u hadhin aawadeed, oo weliba iyagaa iska hoogay markii aan ka tago!

  • 10¶ Waxaan oohin iyo baroor kor ugu qaadi doonaa buuraha aawadood, oo daaqsimaha cidladana waan u barooran doonaa, maxaa yeelay, way gubteen si aan ciduna u dhex marin. Oo ninna codkii lo'da kama maqli karo, haaddii samada iyo dugaaggiiba way carareen oo way tageen.

  • 17Waxaad iyaga ku tidhaahdaa erayadan, Habeen iyo maalinba indhahayga ilmo ha ka hoorto, oo yaanay marnaba joogsan, waayo, dadkayga oo ah sida gabadh bikrad ah nabar weyn baa ku dhacay iyo dhaawac aad iyo aad u xun.

  • 8Taas aawadeed dhar joonyad ah guntada, oo baroorta, oo qayliya, waayo, cadhadii Rabbiga oo kululayd nagama noqon.

  • 4Jidadkii Siyoon way baroortaan, maxaa yeelay, ninna iidaha uma yimaado. Irdaheedii oo dhammu waa cidla, wadaaddadeeduna way wada taahaan, Hablaheeda bikradaha ahuna way dhibaataysan yihiin, oo iyada qudheedana dhib qadhaadh baa haya.

  • 1¶ Markaasaa Yoo'aab waxaa loo soo sheegay oo lagu yidhi, Bal eeg, boqorkii wuu u ooyayaa oo u barooranayaa Absaaloom.

  • 8Haddaba u musannaaba sidii gabadh joonyad xidhatay oo u barooranaysa arooskeedii ka dhintay.

  • 28Haddaba waxaan kula ururin doonaa awowayaashaa, oo qabrigaaga nabad baad ugu ururi doontaa, oo indhahaaguna ma ay arki doonaan kulli belaayada aan ku soo dejin doono meeshan iyo dadka degganba. Oo iyana boqorkii ayay mar kale u war keeneen.

  • 7¶ Bal eega, kuwoodii xoogga badnaa dibadday ka qaylinayaan, oo ergooyinkii nabadduna si qadhaadh bay u ooyayaan.

  • 5Iyagu kuma noqon doonaan dalkii Masar, laakiinse waxaa boqor u noqon doona kii reer Ashuur, maxaa yeelay, iyagu way diideen inay noqdaan.

  • 22laakiinse waad soo noqotay oo kibis baad ku cuntay, biyona waad ku cabtay meeshii uu kugu yidhi, Kibis ha ku cunin, biyona ha ku cabbin. Sidaas daraaddeed meydkaagu gaadhi maayo xabaashii awowayaashaa.

  • 20Oo iyaga kuma darsami doontid, lagumana aasi doono, maxaa yeelay, dalkaagii waad baabbi'isay, dadkaagiina waad laysay. Farcanka xumaanfalayaasha weligood mar dambe lama magacaabi doono.

  • 34Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Jidkuu ku yimid ayuu ku noqon doonaa, oo magaaladan iman maayo.

  • 16¶ Sidaas daraaddeed dadkan ha u ducayn, oo baryootan iyo salaad midna iyaga aawadood ha u samayn, oo hana ii baryin iyaga aawadood, waayo, innaba ku maqli maayo.

  • 12Oo Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu maalintaas dadka ugu yeedhay oohin, iyo madax-xiirnaan, iyo dhar joonyad ah guntashadiisa.

  • 12Haddaba kac, oo gurigaaga tag, oo mar alla markay cagahaagu magaalada galaan ayuu wiilkii dhiman doonaa.