Ayuub 2:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo markay isagii meel fog ka arkeen oo ay aqoon waayeen ayay codkoodii kor u qaadeen oo ooyeen, oo midkood waluba wuxuu jeexjeexay huwiskiisii, oo intay boodh xagga samada u tuureen ayay madaxa isaga shubeen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bar 2:10 : 10 Odayaashii magaalada Siyoon iyagoo aamusan ayay dhulka fadhiyaan, Boodh bay madaxa ku shubteen, oo waxay guntadeen joonyado. Bikradihii Yeruusaalem madaxay dhulka ku foororiyeen.
  • Yex 27:30 : 30 Oo waxaa la maqli doonaa iyagoo kuu barooranaya, oo si qadhaadh ayay u ooyi doonaan, oo madaxooday boodh ku dul shubi doonaan, oo dambaskay ku galgalan doonaan.
  • Nex 9:1 : 1 ¶ Haddaba bisha afar iyo labaatankeedii ayaa reer binu Israa'iil soo shireen iyagoo sooman oo dhar joonyad ah guntan oo ciid isku shubay.
  • Yash 7:6 : 6 Markaasaa Yashuuca intuu dharkiisii jeexjeexay ayuu wejiga dhulka saaray oo wuxuu ku hor sujuuday sanduuqii Rabbiga tan iyo fiidkii, isaga iyo waayeellada reer binu Israa'iilba; oo waxay madaxa iska mariyeen boodh.
  • Ayuub 1:20 : 20 Markaasaa Ayuub sara joogsaday, oo huwiskiisii jeexjeexay, oo madaxiisiina wuu xiiray, oo intuu dhulka ku dhacay ayuu sujuuday,
  • Ayuub 19:14 : 14 Ehelkaygii way i dayriyeen, Oo saaxiibbadaydiina way i illoobeen.
  • Est 4:1 : 1 ¶ Haddaba markii Mordekay ogaaday wixii la sameeyey oo dhan ayuu dharkiisii jeexjeexay, dhar joonyad ahna wuu xidhay oo dambas ismariyey, markaasuu magaalada dhex galay oo oohin dheer oo qadhaadh ku qayliyey.
  • Xaak 2:4 : 4 Oo markay malaa'igtii Rabbigu erayadan kula hadashay reer binu Israa'iil oo dhan ayay dadkii codkoodii kor u qaadeen oo ooyeen.
  • Ruud 1:19-21 : 19 Sidaas daraaddeed labadoodiiba way israaceen ilaa ay yimaadeen Beytlaxam. Oo markay Beytlaxam yimaadeen, magaaladii oo dhammu waa ku soo ururtay, oo dumarkiina waxay yidhaahdeen, Tanu ma Nimco baa? 20 Oo iyana waxay iyagii ku tidhi, Ha iigu yeedhina Nimco, laakiinse waxaad iigu yeedhaan Maara; waayo, Qaadirku wuxuu iila macaamilooday si qadhaadh. 21 Anigoo buuxaan tegey, oo Rabbigu wuxuu i soo celiyey anigoo madhan. Haddaba maxaad iigu yeedhaysaan Nimco? Maxaa yeelay, Rabbigu waa igu marag furay, oo Qaadirku waa i dhibay.
  • 1 Sam 11:4 : 4 Markaasaa wargeeyayaashii waxay yimaadeen Gibecaahdii Saa'uul, oo erayadan ayay dadkii u sheegeen. Kolkaasaa dadkii oo dhammu codkoodii kor u qaadeen oo wada ooyeen.
  • 1 Sam 30:4 : 4 Markaasaa Daa'uud iyo dadkii la jirayba codkoodii kor u qaadeen oo ooyeen, ilaa ay waayeen itaal ay ku sii ooyaan.
  • 2 Sam 13:36 : 36 Oo isla haddiiba markuu hadalkii dhammeeyey ayay wiilashii boqorku yimaadeen, codkoodiina kor bay u qaadeen, oo ooyeen, oo boqorkii iyo addoommadiisiina aad bay u ooyeen.
  • Muj 18:19 : 19 Oo iyana intay madaxa boodh ku shubteen ayay qayliyeen oo ooyeen oo baroorteen, oo waxay yidhaahdeen, Waxaa hoogtay oo hoogtay magaaladii weynayd oo kulli inta badda doonniyaha ku lahu ay dhexdeeda kaga taajireen maalkeedii, waayo, iyadii saacad keliya bay baabba'day.
  • Bar 4:7-8 : 7 Kuweedii ahaa Nadiir Ilaah loo soocay barafka cad way ka sii daahirsanaayeen, oo caanahana way ka sii caddaayeen, Oo jidhkooduna murjaanta cas wuu ka sii guduudnaa, oo midabkooduna wuxuu ahaa sidii safayr oo kale. 8 Jaahoodu dhuxul wuu ka sii madow yahay, oo markay jidadka marayaanna lama garto. Haraggoodii lafuhuu ku dhegaa oo waa engegay, oo wuxuu noqday sidii qori oo kale.
  • Bil 27:34 : 34 Ceesawna markuu maqlay hadalkii aabbihiis ayuu ku dhawaaqay dhawaaq aad iyo aad u weyn oo daran, oo wuxuu aabbihiis ku yidhi, Aabbahayow, anigana ii ducee.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 13Oo toddoba maalmood iyo toddoba habeen ayay isagii dhulka la fadhiyeen, oo midkoodna eray keliya kuma odhan, waayo, waxay arkeen inuu aad iyo aad u xanuunsanayo.

  • 11¶ Haddaba Ayuub saddexdiisii saaxiib markay maqleen xumaantii isaga ku dhacday oo dhan ayuu midkood kastaaba meeshiisii ka yimid. Oo kuwaasu waxay ahaayeen Eliifas oo ahaa reer Teemaan, iyo Bildad oo ahaa reer Shuuxii, iyo Soofar oo ahaa reer Nacamaatii, oo iyana waxay dhammaantood ballan ku dhigteen inay u yimaadaan si ay isaga ugu tacsiyeeyaan oo ay u qalbi qaboojiyaan.

  • 74%

    19oo bal eeg, waxaa cidlada ka timid dabayl weyn, oo gurigii afartiisa rukun bay ku dhufatay, kolkaasuu ku dumay raggii dhallinyarada ahaa, oo dhammaantood way dhinteen, oo anigoo keliya ayaa ka soo baxsaday inaan warka kuu soo sheego.

    20Markaasaa Ayuub sara joogsaday, oo huwiskiisii jeexjeexay, oo madaxiisiina wuu xiiray, oo intuu dhulka ku dhacay ayuu sujuuday,

  • Yex 27:30-31
    2 aayado
    72%

    30Oo waxaa la maqli doonaa iyagoo kuu barooranaya, oo si qadhaadh ayay u ooyi doonaan, oo madaxooday boodh ku dul shubi doonaan, oo dambaskay ku galgalan doonaan.

    31Oo adiga daraaddaa ayay isu xiiri doonaan, oo joonyado bay guntan doonaan, oo waxay kuugu ooyi doonaan qalbi murugaysan iyo baroor qadhaadh.

  • 11Markaasaa Ayuub waxaa u yimid walaalihiis oo dhan, wiilal iyo gabdhoba, iyo kuwii isaga hore u yiqiin oo dhan, oo gurigiisii ayay kibis kula cuneen, wayna u tacsiyeeyeen, oo waxay uga qalbi qaboojiyeen masiibadii Rabbigu isaga ku soo dejiyey oo dhan. Oo nin kastaaba wuxuu isagii siiyey in lacag ah iyo hilqad dahab ah.

  • Ayuub 42:6-9
    4 aayado
    69%

    6Sidaas daraaddeed waan isnacayaa, Waanan toobadkeenayaa anigoo boodh iyo dambas ku fadhiya.

    7¶ Oo markii Rabbigu erayadaas Ayuub kula hadlay dabadeed wuxuu Eliifas oo reer Teemaan ahaa ku yidhi, Cadhadaydii baa ku kululaatay adiga iyo labadaadii saaxiibba, waayo, idinku wixii xaqa ahaa igama aydaan sheegin, sidii addoonkayga Ayuub uu yeelay oo kale.

    8Haddaba sidaas daraaddeed waxaad soo wadataan toddoba dibi iyo toddoba wan, oo waxaad u tagtaan addoonkayga Ayuub, oo waxaad nafsaddiinna daraaddeed u bixisaan qurbaan la gubo; oo addoonkayga Ayuub wuu idiin ducaynayaa, waayo, isagaan ka aqbalayaa, si aanan idinkula macaamiloon sidii nacasnimadiinnii ahayd, waayo, idinku wixii xaqa ahaa igama aydaan sheegin sidii addoonkayga Ayuub uu yeelay oo kale.

    9Sidaas daraaddeed Eliifas oo ahaa reer Teemaan, iyo Bildad oo ahaa reer Shuuxii, iyo Soofar oo ahaa reer Nacamaatii way tageen oo waxay u sameeyeen sidii Rabbigu ku amray, oo Rabbiguna Ayuub wuu aqbalay.

  • 12Oo Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu maalintaas dadka ugu yeedhay oohin, iyo madax-xiirnaan, iyo dhar joonyad ah guntashadiisa.

  • 69%

    11Markaasaa Daa'uud dharkiisii jeexjeexay; oo raggii isaga la jiray oo dhammuna saasoo kalay wada yeeleen,

    12wayna u baroorteen, oo u ooyeen, oo u soomeen ilaa fiidkii Saa'uul, iyo wiilkiisii Yoonaataan, iyo dadkii Rabbiga, iyo reer binu Israa'iil aawadood; maxaa yeelay, seef bay ku le'deen.

  • 12Oo Eliishaana taas wuu arkay, oo wuxuu ku qayliyey, Aabbow, Aabbow, gaadhifardoodkii dadkii Israa'iil iyo raggoodii fardooleyda ahaa! Oo isna mar dambe uma uu jeedin; oo dharkiisii buu intuu ku dhegay laba inood u kala jeexay.

  • 3Jidadkooda waxaa lagu guntadaa dhar joonyad ah, oo guryahooda dushooda iyo jidadkooda ayaa mid kastaaba ka baroortaa isagoo aad u ooyaya.

  • Sab 35:14-15
    2 aayado
    69%

    14Anigu waxaan u qaatay sidii isagoo ah saaxiibkay ama walaalkay, Oo waxaan la foororsaday baroorasho sida mid hooyadiis u baroorta.

    15Laakiinse anigu markaan turunturooday ayay reyreeyeen, oo way isa soo wada urursadeen, Oo waxmatarayaashii ayaa dhammaantood ii wada shiray, oo anna ma aan ogayn innaba, Way i dildillaacsadeen oo imana ay dayn.

  • 18Oo iyagu ha soo dhaqsadeen, oo aad ha noogu baroorteen, si ay indhahayaga ilmo uga soo daadato oo ay biyona uga soo butaacaan.

  • 31Markaasaa boqorkii kacay, oo dharkiisii jeexjeexay, oo dhulkuu ku jiifsaday, oo addoommadiisii oo dhammuna agtiisa soo istaageen iyagoo dharkoodii jeexjeexay.

  • 12Miyaydaan dan iga lahayn, kuwiinna i ag marayow? Bal eega, oo fiiriya hadday jirto murug murugtayda la mid ah ee laygu riday, Oo uu Rabbigu igu dhibay maalintii ay cadhadiisa kululu timid.

  • 3Oo kolkaan waxaas maqlay ayaan dharkaygii iyo go'aygii jeexjeexay, oo timihii ku yiil madaxayga iyo gadhkaygana waan iska rifay, oo waxaan fadhiistay anigoo wareersan.

  • 13Walaalahay wuu iga fogeeyey, Oo kuwii aan iqiinna way iga wada shisheeyoobeen.

  • 25Oo ninka dhibaataysan anigu sow uma ooyi jirin? Naftayduse sow masaakiinta uma murugoon jirin?

  • 36Oo isla haddiiba markuu hadalkii dhammeeyey ayay wiilashii boqorku yimaadeen, codkoodiina kor bay u qaadeen, oo ooyeen, oo boqorkii iyo addoommadiisiina aad bay u ooyeen.

  • 34Markaasaa Yacquub dharkiisii dildillaaciyey, oo joonyad buu dhexda ku xidhay, wiilkiisiina maalmo badan ayuu u barooranayay.

  • 30¶ Oo Daa'uudna wuxuu fuulay jiirtii Buur Saytuun oo intuu sii socdayna wuu ooyayay, isagoo hagoogan, oo caga cad, oo dadkii la jiray oo dhammuna midkood waluba wuu hagoogtay, oo kor bay tageen, iyagoo ooyaya intay kor u sii socdeen.

  • 2Anigu waan maqlay waxyaalo badan oo caynkaas ah. Idinku dhammaantiin waxaad tihiin qalbiqabowjiyayaal qalqalloocan.

  • 20Saaxiibbaday way igu qoslaan, Laakiinse indhahaygu ilmo bay u daadiyaan xag Ilaah.

  • 18Oo weliba iyagu waxay guntan doonaan dhar joonyad ah, oo naxdin baa liqi doonta, oo wejiyada oo dhammuna way ceeboobi doonaan, oo madaxyada oo dhammuna way xiirnaan doonaan.

  • 19Oo iyana intay madaxa boodh ku shubteen ayay qayliyeen oo ooyeen oo baroorteen, oo waxay yidhaahdeen, Waxaa hoogtay oo hoogtay magaaladii weynayd oo kulli inta badda doonniyaha ku lahu ay dhexdeeda kaga taajireen maalkeedii, waayo, iyadii saacad keliya bay baabba'day.

  • 5Oo maalmihii ay diyaafaddii hayn jireen markay dhammaadaan ayaa Ayuub carruurtiisii u cid diri jiray oo daahirin jiray, oo intuu aroor hore kaco ayuu intay ahaayeen oo dhan u bixin jiray qurbaanno la gubo, waayo, Ayuub wuxuu isyidhi, Waaba intaasoo wiilashaydu ay dembaabeen, oo ay qalbigooda Ilaah wax xun kaga sheegeen. Oo Ayuubna sidaasuu yeeli jiray had iyo goorba.

  • 22Laakiinse xanuunka jidhkiisa oo keliya buu gartaa, Oo nafsaddiisa oo keliya ayuu u baroortaa.

  • 7¶ Bal eega, kuwoodii xoogga badnaa dibadday ka qaylinayaan, oo ergooyinkii nabadduna si qadhaadh bay u ooyayaan.

  • 21Saaxiibbadayow, ii naxa, oo ii naxa, Waayo, gacantii Ilaah baa i taabatay.

  • 23Oo markay qaylinayeen oo dharka iska xoorayeen oo siigo hawada ku tuurayeen,

  • 14Kii diyaar u ah inuu qalbi jabo waa in saaxiibkiis u naxariisto Waaba intaasoo uu ka tago cabsida Ilaaha Qaadirka ahe.

  • 8Haddaba u musannaaba sidii gabadh joonyad xidhatay oo u barooranaysa arooskeedii ka dhintay.

  • 25Dadka oo dhammu way wada fiiriyeen, Oo binu-aadmiguna meel fog buu ka arkaa.

  • 1¶ Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

  • 13Kolkaasay dharkoodii jeexjeexeen, oo nin waluba dameerkiisii buu rartay, oo magaaladii bay ku noqdeen.

  • 21Markaasay waxay isku yidhaahdeen, Runtii walaalkeen eed baan ka galnay, maxaa yeelay, waxaynu aragnay naftiisii dhibaatada ku jirtay, markuu ina baryay, mana aynu maqlin, sidaas daraaddeed ayay dhibaatadanu inoogu dhacday.

  • 4Sidaas daraaddeed ayaan idhi, Aniga iga sii jeesta. Si qadhaadh baan u ooyi doonaa, ha isku daalinnina inaad dadkayga iiga qalbi qabowjisaan.

  • 13Oo weliba waxaa kaloo aad samaysaan tan: Meesha allabariga ee Rabbiga ayaad ku dul badisaan ilmo, iyo oohin, iyo taahid, sababtuna waa qurbaanka uusan innaba mar dambe dan ka lahayn, oo uusan raalli ka ahayn inuu gacantiinna ka aqbalo.

  • 15Korkayga waxaan ku tolay joonyad, Oo xooggaygiina ciiddaan ku riday.

  • 16Waxyaalahan daraaddood ayaan la ooyayaa, oo indhahayga ilmaa ka daadanaysa, Maxaa yeelay, kii i qalbi qaboojin lahaa oo naftayda u raaxayn lahaa waa iga fog yahay. Carruurtaydii way cidloobeen, maxaa yeelay, cadowgii baa iga adkaaday.

  • 1Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu yidhi,