Ayuub 3:19

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Yar iyo weynba halkaasaa la wada joogaa, Oo addoonkuna sayidkiisa waa ka xor.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 30:23 : 23 Waayo, waan ogahay inaad ii kaxaynaysid dhimasho, Iyo guriga inta nool oo dhammu ku wada kulmayaan.
  • Sab 49:2 : 2 Kuwiinna hoose iyo kuwiinna sare, Taajirrada iyo masaakiintoy, dhammaantiin wada maqla.
  • Sab 49:6-9 : 6 Kuwa maalkooda isku halleeya, Oo ku faana hodantinimadooda faraha badan, 7 Midkoodna walaalkiis ma furan karo, Daraaddiisna Ilaah madaxfurasho uma siin karo, 8 (Waayo, furashada naftoodu waa qaali aad iyo aad, Kumana filna weligeedba,) 9 Inuu isagu weligiis sii noolaado, Oo aanu halligaad arkin weligiis. 10 Waayo, isagu wuxuu arkaa inay dadka xigmadda lahu wada dhintaan, Iyo in nacasyada iyo doqonnaduba ay wada baabba'aan, Oo ay maalkooda kuwa kale uga tagaan.
  • Sab 49:14-20 : 14 Iyagu waxaa weeye adhi She'ool loo wado, Oo waxaa sida adhijir u ahaan doona dhimasho, Oo kuwa qumman ayaa iyaga subaxda u talin doona, Oo quruxdoodana waxaa baabbi'in doona She'ool, inaanay iyagu rug yeelan innaba. 15 Laakiinse Ilaah naftayda wuu ka soo furan doonaa xoogga She'ool, Waayo, wuu i aqbali doonaa. (Selaah) 16 Ha baqin markii mid taajiroobo, Oo ammaanta reerkiisu aad u korodho, 17 Waayo, isagu markuu dhinto waxba sii qaadan maayo, Oo ammaantiisuna ka daba geli mayso. 18 In kastoo uu naftiisa u duceeyey markuu noolaa, Oo dad adiga ku ammaana, kolkaad wax wanaagsan isu samaysid, 19 Isagu wuxuu u tegi doonaa qarniyadii awowayaashiis, Oo iyana weligood iftiinka ma ay arki doonaan. 20 Ninkii sharaf leh oo aan garaad lahaynu Wuxuu la mid yahay sida xayawaanka iska baabba'a.
  • Wacd 8:8 : 8 Ninna amar uma leh inuu nafta ceshado, oo maalinta dhimashadana amar uma leh. Oo wakhtiga dagaalkaasna fasax ma leh, oo sharnimaduna ma samatabbixin doonto kuwa iyada leh.
  • Wacd 12:5 : 5 Waxa sarreeya ayay ka baqi doonaan, oo jidadka dhexdoodana waxyaalo cabsi ah ayaa jiri doona, oo geedka yicibtu waa ubxin doonaa, oo koronkorraduna way isculaysin doonaan, oo damacuna wuu baabbi'i doonaa, maxaa yeelay, binu-aadmigu wuxuu tagaa hoygiisa daa'imka ah, oo kuwa baroortaana jidadkay warwareegaan.
  • Wacd 12:7 : 7 iyo intaan ciiddu dhulka ku noqon siday horeba ahayd, oo ruuxuna ku noqon Ilaahii horeba siiyey.
  • Luuk 16:22-23 : 22 Waxaa dhacay inuu miskiinkii dhintay, oo malaa'igahu waxay u qaadeen laabtii Ibraahim. Ninkii hodanka ahaana waa dhintay, waana la aasay. 23 Intuu Haadees ku jiray ayuu indhihiisa kor u qaaday isagoo aad u silcaya; wuxuuna meel fog ka arkay Ibraahim, iyo Laasaros oo laabtiisa ku tiirsan.
  • Cib 9:27 : 27 Waxaa dadka looga dhigay inay mar dhintaan, taas dabadeedna la xukumo,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 83%

    17Halkaas kuwa sharka ahu cidna kuma sii dhibaan, Oo kuwa daallanuna halkaasay ku nastaan.

    18Maxaabiistuna halkaasay dhammaantood ku wada istareexaan, Mana ay maqlaan kii dulmi jiray codkiisa.

  • 20Bal iftiin maxaa loo siiyaa kan dhibaataysan? Maxaase loo nooleeyaa kan naftiisu la qadhaadhaatay,

  • Ef 6:8-9
    2 aayado
    71%

    8idinkoo garanaya wax kasta oo wanaagsan oo mid kasta sameeyo inuu Rabbiga isla waxaas ka helayo hadduu yahay addoon iyo hadduu yahay xorba.

    9Sayidyadow, idinkuna isla waxaas iyaga u sameeya, oo cabsiinta iska daaya, waayo, waad og tihiin inuu kan ah Sayidkooda iyo kiinnaba jannada ku jiro, oo uusan dadka u kala eexan.

  • 8Addoommaa noo taliya, Oo mid gacantooda naga samatabbixiyaana ma jiro,

  • 2Kuwiinna hoose iyo kuwiinna sare, Taajirrada iyo masaakiintoy, dhammaantiin wada maqla.

  • 3¶ Oo maalinta Rabbigu kaa nasiyo murugtaadii, iyo dhibkaagii, iyo addoonsigii adkaa oo lagugu addoonsanayay,

  • 69%

    21Ma laguu yeedhay adigoo addoon ah? Dan ha u gelin. Laakiin haddaad karayso inaad xorowdid, waa inaad aqbashid.

    22Waayo, kii xagga Rabbiga loogu yeedhay isagoo addoon ah, wuxuu yahay ninka xorta ah ee Rabbiga, sidaas oo kalena kii isagoo xor ah loo yeedhay, wuxuu yahay addoonka Masiix.

  • 1¶ Sayidyadow, addoommadiinna siiya waxa xaqa ah oo u qalma, idinkoo garanaya inaad jannada Sayid ku leedihiin.

  • 20Inuu maqlo taaha maxbuuska, Iyo inuu sii daayo kuwa dilka lagu xukumay,

  • 11Laakiin kan idiinku weyn waa inuu ahaado midiidinkinna.

  • 15Isagu kii dhibban ayuu dhibaatadiisa ku samatabbixiyaa, Oo dhegahana buu u furaa markay dhib la kulmaan.

  • 19Haddaba ma saasaad ku odhan lahayd kan aan amiirrada u eexan, Ama aan taajirka uga roonayn kan miskiinka ah? Waayo, iyagu dhammaantood waa shuqulkii gacmihiisu sameeyeen.

  • 8Oo haddii silsilado lagu xidho, Oo xadhkaha dhibka lagu kaxaysto,

  • Yer 34:9-10
    2 aayado
    68%

    9in nin kastaaba xoreeyo addoonkiisii Cibraaniga ah ama addoontiisii Cibraaniyadda ah, iyo inuusan ninna addoonsan walaalkiisa Yuhuudi ah.

    10Haddaba amiirradii iyo dadkii axdiga galay oo dhammu markay maqleen inay nin kasta waajib ku tahay inuu xoreeyo addoonkiisa iyo addoontiisaba, iyo inaan ninna iyaga mar dambe addoonsan ayay amarkaas addeeceen oo way sii wada daayeen iyagii.

  • 34In maxaabiista dunida oo dhan cagaha hoostooda lagu burburiyo,

  • 19Addoon hadal kuma edeb yeesho, Waayo, in kastoo uu garanayo ka jawaabi maayo.

  • Wacd 5:8-9
    2 aayado
    67%

    8¶ Haddaad gobol ku aragtid masaakiin la dulmayo, iyo garsoorid iyo caddaalad si xoog leh loo qalloocinayo, waxaas ha la yaabin, waayo, kan sare mid ka sii sarreeya ayaa eegaya, oo weliba waxaa jira kuwa ka sii sarreeya iyaga.

    9Dhulka faa'iidadiisu kulli way ka dhexaysaa, waayo, boqorka qudhiisaba waxaa looga adeegaa beerta.

  • 14Maxbuuska la masaafuriyey dhaqso baa loo furi doonaa, oo ma uu dhiman doono, yamayskana ma geli doono, cuntadiisana ma uu waayi doono.

  • 9Dulmiga ku batay daraaddiis ayay u qayliyaan, Oo kan xoogga badan gacantiisa daraaddeed ayay caawimaad ugu qayshadaan.

  • 11Maxbuuska taahiisu hortaada ha yimaado, Xooggaaga weynaantiisa ku badbaadi kuwa dhimashada lagu xukumay.

  • 7Waxaan arkay addoommo fardo fuushan, iyo amiirro sida addoommo oo kale lugaynaya.

  • 20Markaasaa Yuusuf sayidkiisii qabtay isagii, oo wuxuu geliyey xabsigii ahaa meeshii maxaabiista boqorku ku xidhnaayeen; oo isna halkaasuu ku jiray xabsigii gudihiisa.

  • 21Kii addoonkiisa si wanaagsan u soo koriya tan iyo yaraantiisa, Ugu dambaysta wiil buu u noqon doonaa.

  • 14Waayo, xabsi buu uga soo baxay inuu boqor noqdo, oo boqortooyadiisuu ku dhex dhashay isagoo miskiin ah.

  • 2Taajirka iyo miskiinku way wada kulmaan, Oo Rabbigu waa kii kulligood sameeyey.

  • 7Taajirku masaakiintuu u taliyaa Oo kii wax amaahdaana midiidin buu u yahay kii wax amaahiya.

  • 2¶ Haddaad addoon Cibraani ah iibsatid, ha kuu adeego lix sannadood, oo tan toddobaadna ha iska tago isagoo xor ah oo aan waxba bixin.

  • 13Haddaan addoonkayga ama addoontayda dacwadooda quudhsaday, Markay ila mudacayeen,

  • Bax 21:4-5
    2 aayado
    66%

    4Haddii sayidkiisu naag siiyona, oo ay wiilal iyo gabdho u dhasho, de markaas naagta iyo carruurteedaba waxaa iska lahaanaya sayidkeedii, oo waa inuu isagu keligiis iska baxaa.

    5Laakiinse haddii addoonku bayaan u yidhaahdo, Anigu waan jeclahay sayidkayga, iyo naagtayda, iyo carruurtayda, oo anigoo xor ah bixi maayo,

  • Bax 21:26-27
    2 aayado
    66%

    26¶ Oo haddii nin isha addoonkiisa ama isha addoontiisa wax ku dhufto, oo ka rido, de markaas waa inuu iska sii daayaa isagoo xor ah, ishiisa aawadeed.

    27Oo hadduu iligga addoonkiisa ama iligga addoontiisa wax ku dhufto oo ka rido, de markaas waa inuu iska sii daayaa isagoo xor ah iliggiisa aawadiis.

  • 29Markii hoos laguu tuuro, waxaad odhan doontaa, Waa lay sarraysiinayaa, Oo qofkii hooseeyana isagaa badbaadin doona.

  • 39Oo haddana way sii dhinmaan, oo waxay la foororsadaan Dulmi iyo dhib iyo murug.

  • 16Rabbiyow, sida runta ah waxaan ahay addoonkaaga, Waxaan ahay addoonkaaga, oo ah wiilka addoontaada, Silsiladahaygii waad iga furtay.

  • 36Bal eeg, annagu maanta waxaannu nahay addoommo, oo dalkii aad awowayaashayo u siisay inay midhihiisa iyo wanaaggiisa cunaan, bal eeg, annagu dhexdiisaannu addoommo ku nahaye.

  • 5¶ Markaasaa cod baa ka soo baxay carshigii, oo wuxuu yidhi, Ilaaheenna ammaana, addoommadiisa oo dhammow, kuwiinna isaga ka cabsadow, yar iyo weynba.

  • 10Kuwii dhex fadhiyey gudcurkii iyo hooskii dhimashada, Oo ku xidhnaa dhibaatada iyo birta,

  • 8Laakiinse ninkii xoog badnaa isagaa dhulka haystay; Oo ninkii sharaf lahaana isagaa dalka degganaa.

  • 22Kuwaasoo aad u reyreeya, Oo farxa hadday qabriga heli karaan?

  • 11Boqorrada dhulka iyo dadyowga oo dhammow, Amiirrada iyo xaakinnada dhulka oo dhammow,

  • 19Farxadda jidkiisu waa sidaas, Oo waxaa dhulka ka soo bixi doona kuwa kaleto.

  • 33Waayo, Rabbigu wuu maqlaa kuwa baahan, Oo maxaabiistiisana ma uu quudhsado.

  • 9iyo inaad kuwa xidhan ku tidhaahdid, Soo baxa, oo kuwa gudcurka ku jirana aad ku tidhaahdid, Ismuujiya. Waxay daaqi doonaan jidadka, oo daaqsintoodana waxay ka heli doonaan meelaha sare oo dhan.

  • 9Kii la fudaydsado oo midiidin lahu Waa ka wanaagsan yahay kii isweyneeya oo cunto u baahan.