Ayuub 39:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Bal yaa dameerdibadeedka xoreeyey? Yaase dameerdibadeedka xadhkihiisii ka furay?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 6:5 : 5 Dameerdibadeedku miyuu ciyaa markuu caws haysto? Dibiguse miyuu ciyaa markii cunto la siiyo?
  • Ayuub 11:12 : 12 Laakiinse ninkii waxmatare ahu waxgarasho waa ka madhan yahay, Hubaal dadku wuxuu u dhashaa sida qayl dameerdibadeed,
  • Ayuub 24:5 : 5 Bal eeg, sida dameerdibadeedyo lamadegaanka jooga Ayay shuqulkooda ugu baxaan, iyagoo cunto aad u doonaya; Cidladuna carruurtooda cuntay u soo bixisaa.
  • Sab 104:11 : 11 Waxay waraabiyaan xayawaanka duurka jooga oo dhan, Oo dameerdibadeedyaduna way harraad beelaan.
  • Ish 32:14 : 14 maxaa yeelay, daarta boqornimada waa laga tegi doonaa, oo magaalada dadka badanna waa laga kici doonaa, oo buurta iyo munaaradduna waxay weligood ahaan doonaan godad dugaag, iyo farxad dameer banjoog ah, iyo daaqsin idaad,
  • Yer 2:24 : 24 iyo dameerdibadeed cidlada baratay, oo iyadoo orgoonaysa dabaysha ursanaysa. Yaa damaceeda ka celin kara? Oo kuwa iyada doonaya oo dhammuna isma ay daalin doonaan, waayo, iyaday bisheeda heli doonaan.
  • Yer 14:6 : 6 Oo dameerdibadeedyadana waxay istaagaan meelaha dhaadheer, oo waxay u hinraagaan sida dawacooyin oo kale. Indhahoodii way madoobaanayaan, maxaa yeelay, doog bay waayaan.
  • Daan 5:21 : 21 Markaasaa binu-aadmiga laga eryay, qalbigiisiina waxaa laga dhigay sida kan dugaagga, wuxuuna la joogay dameeraha duurka, oo wuxuu doogga u daaqay sida dibida, jidhkiisana waxaa qoyay dharab samada ka soo dhacay ilaa uu ka ogaaday in Ilaaha ugu Sarreeyaa u taliyo boqortooyada dadka, oo uu madax uga dhigo ku alla kii uu doonayo.
  • Hos 8:9 : 9 Waayo, iyagu waxay u keceen dalka Ashuur, oo waa sidii dameer banjoog ah oo keligiis jooga. Reer Efrayim waxay soo kiraysteen kuwa caashaqa.
  • Bil 16:12 : 12 Oo dadka dhexdiisa wuxuu ku noqon doonaa sida dameer banjoog ah; gacantiisu nin walba gees bay ka noqon doontaa, oo nin walba gacantiisuna gees bay ka noqon doontaa isaga; wuxuuna degganaan doonaa walaalihiis oo dhan hortooda.
  • Bil 49:14 : 14 Isaakaar waa dameer xoog weyn, Oo jiifsada xeryaha idaha dhexdooda.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 80%

    6Kaas gurigiisa waxaan ka dhigay cidlada, Oo rugtiisuna waa dalka cusbada.

    7Magaalada buuqeeda wuu quudhsadaa, Oo kexeeyaha qayladiisana ma maqlo.

    8Xidhiidhka buurahu waa daaqiisa, Oo wuxuu raadiyaa wax kasta oo cagaar ah.

    9Dibidibadeedku miyuu raalli ku noqon doonaa inuu kuu adeego? Miyuuse qabaalka xeradaada ku ag hoyan doonaa?

    10Dibidibadeedka miyaad xadhko ku xidhi kartaa si uu beerta u qodo? Miyuuse dooxooyinka kaa daba hagaajin?

    11Xooggiisa badan daraaddiis miyaad isugu hallaynaysaa? Hawshaadase ma isagaad u daynaysaa?

  • 24iyo dameerdibadeed cidlada baratay, oo iyadoo orgoonaysa dabaysha ursanaysa. Yaa damaceeda ka celin kara? Oo kuwa iyada doonaya oo dhammuna isma ay daalin doonaan, waayo, iyaday bisheeda heli doonaan.

  • 5Dameerdibadeedku miyuu ciyaa markuu caws haysto? Dibiguse miyuu ciyaa markii cunto la siiyo?

  • 5Bal eeg, sida dameerdibadeedyo lamadegaanka jooga Ayay shuqulkooda ugu baxaan, iyagoo cunto aad u doonaya; Cidladuna carruurtooda cuntay u soo bixisaa.

  • 11Waxay waraabiyaan xayawaanka duurka jooga oo dhan, Oo dameerdibadeedyaduna way harraad beelaan.

  • 4Oo ubadkooda yaryaruna way kobcaan, oo waxay ku koraan berrin bannaan, Oo intay baxaan ayaanay mar dambe soo noqon.

  • Ayuub 39:1-2
    2 aayado
    72%

    1War miyaad taqaan markay ri'dibadeedda qarka joogta dhasho? Miyaadse arki kartaa markay deerooyinku dhalaan?

    2Miyaad tirin kartaa bilaha sidkoodu ku buuxsamo? Miyaadse taqaan wakhtiga ay dhalaan?

  • 72%

    19War ma adigaa faraska xooggiisa siiyey? Surkiisase ma adigaa guudka ruxma huwiyey?

    20War ma adigaa ka dhigay inuu sida ayaxa u boodo? Haybadda bururufta sankiisu way cabsi badan tahay.

    21Dooxaduu qoobka ku garaacaa, oo xooggiisuu ku reyreeyaa, Oo intuu baxo ayuu ka hor tagaa ragga hubka sita.

  • Yer 14:5-6
    2 aayado
    71%

    5Oo xataa deeradii duurkay ku dhashaa, oo ilmaheedana way dayrisaa, maxaa yeelay, meeshaasu caws ma leh innaba.

    6Oo dameerdibadeedyadana waxay istaagaan meelaha dhaadheer, oo waxay u hinraagaan sida dawacooyin oo kale. Indhahoodii way madoobaanayaan, maxaa yeelay, doog bay waayaan.

  • 12Laakiinse ninkii waxmatare ahu waxgarasho waa ka madhan yahay, Hubaal dadku wuxuu u dhashaa sida qayl dameerdibadeed,

  • 11Ilaah baa xadhiggaygii debciyey, wuuna i dhibay, Oo taas aawadeed iyagu hortayda iskuma celiyaan.

  • 20Markaasaa boqorkii u cid diray oo furay, Kaas oo ahaa taliyihii dadyowga, wuuna sii daayay.

  • 39Miyaad karaysaa inaad gool libaax u ugaadhid? Miyaadse dhal libaax dherjin kartaa,

  • 20Waxaa barakaysan kuwiinna biyo dhinacyadooda oo dhan wax ku abuura oo dibiga iyo dameerka u sii daaya inay daaqaan.

  • 16Laakiinse isaga waxaa loo canaantay xadgudubkiisii aawadiis. Dameer carrab la' ayaa ku hadlay dad codkiis, oo wuxuu joojiyey waallidii nebiga.

  • 27Markaasuu wiilashiisii la hadlay oo ku yidhi, War dameerka ii kooreeya. Oo iyana way u kooreeyeen.

  • 3Oo markii waagii beryay ayaa nimankii la diray, iyagii iyo dameerradoodiiba.

  • 9Waayo, iyagu waxay u keceen dalka Ashuur, oo waa sidii dameer banjoog ah oo keligiis jooga. Reer Efrayim waxay soo kiraysteen kuwa caashaqa.

  • 6¶ Kanu waa warka culus ee xayawaanka koonfureed ku saabsan. Waxay maalkooda dameerro dhabarkooda ugu raraan oo ay khasnadahoodana awr kuruskeed ugu qaataan dad aan iyaga waxba u tari doonin, oo waxay dhex maraan dalka dhibka iyo cidhiidhiga oo ay goosha iyo aarka, iyo jilbiska iyo masduulaaga dabka lahu ka yimaadaan.

  • 45iyo soddon kun iyo shan boqol oo dameerro ah,

  • 5Ma waxaad isaga ula cayaari doontaa sidaad shimbir ula cayaartid oo kale? Miyaadse gabdhahaaga u xidhi doontaa?

  • 13Bal yaa isaga ku amray inuu dhulka u taliyo? Yaase isaga dusha ka saaray dunida oo dhan?

  • 9Ha noqonina sida faraska ama baqalka aan garaadka lahayn, Kuwaasoo hoggaankoodu yahay xakame iyo birtiisa in lagu hayo, Haddii kalese innaba kuu soo dhowaan maayaan.

  • 13Gorayada garabkeedu farxad buu la ruxmadaa, Laakiinse garbaheeda iyo baalasheedu ma wax bay u roon yihiin?

  • 15Oo waxay illowdaa inay cagtu burburinayso, Iyo inuu dugaaggu ku tumanayo.

  • 3Oo waxay iska kaxaystaan dameerka agoonta, Oo waxay rahaamad u qaataan naag carmal ah dibigeed.

  • 28Markaasaa Rabbigu afka dameerta furay oo waxay Balcaam ku tidhi, War maxaan kugu sameeyey oo aad saddexdan jeer ii dishay?

  • 3Jeedal faras buu ku habboon yahay, dacayna dameer, Ulina dhabarka nacaska.

  • 30Markaasaa dameertii Balcaam ku tidhi, War sow ma ahi dameertaadii aad cimrigaaga oo dhan fuuli jirtay ilaa maantadan? Oo miyaan hore sidan oo kale weligay kugu sameeyey? Oo isna wuxuu ku yidhi, Maya.

  • 9iyo inaad kuwa xidhan ku tidhaahdid, Soo baxa, oo kuwa gudcurka ku jirana aad ku tidhaahdid, Ismuujiya. Waxay daaqi doonaan jidadka, oo daaqsintoodana waxay ka heli doonaan meelaha sare oo dhan.

  • 5Kuwa halkaa taagnaa qaarkood waxay ku yidhaahdeen, Maxaad samaynaysaan oo u furaysaan qaylka?

  • 34iyo kow iyo lixdan kun oo dameer,

  • 15iyo soddon halaad oo irmaan iyo nirgahoodii, iyo afartan sac iyo toban dibi, iyo labaatan dameerood iyo toban qayl.

  • 33Oo dameertuna anay i aragtay oo saddexdan jeerba hortayday ka leexatay. Oo haddaanay iga leexan, hubaal waan ku dili lahaa, iyadase waan badbaadin lahaa.

  • 3Dibigu kan isaga leh wuu yaqaan, oo dameerkuna waa yaqaan meeshuu wax ka cuno ee sayidkiisa, laakiinse reer binu Israa'iil waxba ma yaqaaniin, oo dadkayguna waxba garan maayaan.

  • 13Haddaba bal yaa dharkiisa kore ka furan kara? Oo bal yaa gowsihiisa soo geli kara?

  • 13Meeh kii moolka dhexdiisa ku soo hor kacay sidii faras cidlada dhex maraya si ayan u turunturoon?

  • 31Diiqa xarragoonaya, iyo orgiga; Iyo boqorka aanay dadku gees ka ahayn.

  • 11Bal meeday bohoshii libaaxyadu, oo meeday meeshii lagu quudin jiray libaaxyada qayrabka ah, taasoo ah meeshii ay ku socon jireen aarka iyo goosha iyo dhasha libaaxu, iyagoo aan ciduna cabsiin?