Yooxanaa 12:24

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Xabbad sarreen ah haddaanay dhulka ku dhicin oo dhiman, keligeed bay iska jiraysaa, laakiin hadday dhimato, midho badan bay dhashaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Kor 15:36-38 : 36 Doqon yahow, waxaad adigu beertid ma noolaado haddaanu dhiman. 37 Oo waxaad beertidba ma beertid jidhka noqonaya, laakiin iniintoo qudha, ha ahaato iniin sarreen ah, ama iniin cayn kale ah. 38 Laakiin Ilaah wuxuu iyada siiyaa jidh siduu u doonayay, iniin kastana jidhkeeda.
  • Cib 2:9-9 : 9 Laakiin waxaynu aragnaa Ciise, kan wax yar malaa'igaha laga hoosaysiiyey, isagoo xanuunka dhimashada aawadiis ammaan iyo murwad taaj loogu geliyey inuu nimcada Ilaah dhimashada ugu dhadhamiyo qof walba. 10 Waayo, waa u ekayd kan wax walba u yihiin, oo wax walba ka yimaadeen, markuu carruur badan ammaan u keeno, inuu bilaabaha badbaadadooda xanuun ku kaamilo.
  • Sab 22:22-31 : 22 Magacaaga waan u sheegi doonaa walaalahay, Oo ururka dhexdiisa ayaan kugu ammaani doonaa. 23 Kuwiinna Rabbiga ka cabsadow, ammaana isaga, Farcanka Yacquubow, sharfa isaga, Oo kuwiinna Israa'iil ka soo farcamayow, isaga ka wada cabsada. 24 Waayo, isagu ma quudhsan, mana karhin kan la dhibay dhibkiisa, Oo wejigiisiina kama uu qarin isagii, Laakiinse markuu u qayshaday ayuu maqlay. 25 Xaggaaga ayaa ammaantaydu kaga imanaysaa shirka weyn dhexdiisa, Oo nidarradayda waxaan ku bixinayaa kuwa isaga ka cabsada hortooda. 26 Oo waxaa wax cuni doona oo ka dhergi doona kuwa camalka qabow, Kuwa Rabbiga doondoonaa isagay ammaani doonaan, Qalbigiinnu weligiis ha noolaado. 27 Dunida darafyadeeda oo dhammu waxay soo xusuusan doonaan oo u soo jeesan doonaan Rabbiga. Oo qolooyinka quruumaha oo dhammu waxay ku sujuudi doonaan hortaada. 28 Waayo, boqortooyada waxaa leh Rabbiga, Oo isagu waa taliyihii quruumaha. 29 Dunida kuweeda buurbuuran oo dhammu wax bay cuni oo Ilaah bay caabudi doonaan, Oo inta ciidda gasha oo dhammuna hortiisay ku sujuudi doonaan, Xataa kii aan naftiisa sii noolayn karin. 30 Farcan baa isaga u adeegi doona, Oo Sayidka waxaa looga sheekayn doonaa qarniga iman doona. 31 Oo iyagu way iman doonaan oo waxay dadka dhalan doona u sheegi doonaan Xaqnimadiisa iyo inuu sameeyeyba.
  • Sab 72:16 : 16 Oo dhulka waxaa jiri doona hadhuudh badan xagga buuraha dushooda, Oo midhihiisuna waxay u soo ruxmi doonaan sida Lubnaan oo kale, Oo kuwa magaalada joogaana waxay u barwaaqoobi doonaan sida doogga dhulka.
  • Ish 53:10-12 : 10 ¶ Habase ahaatee waxaa Rabbigu raalli ka noqday inuu isaga nabareeyo. Wuxuu isaga ku riday xanuun. Markaad naftiisa qurbaan dembi ka dhigtid ayuu arki doonaa farcankiisii, cimrigiisuna waa dheeraan doonaa, oo Rabbiga doonistiisuna gacantiisay ku liibaani doontaa. 11 Wuxuu arki doonaa waxay naftiisu ku dhibtootay, wuuna u riyaaqi doonaa. Addoonkayga xaqa ahuna aqoontiisa ayuu kuwa badan xaq kaga dhigi doonaa, wuxuuna xambaari doonaa xumaatooyinkooda. 12 Sidaas daraaddeed waxaan isaga wax ula qaybin doonaa kuwa waaweyn, isna wuxuu boolida la qaybsan doonaa kuwa xoogga badan, maxaa yeelay, isagu naftiisuu geeri u huray, waxaana lagu tiriyey kuwa xadgudbay, weliba wuxuu xambaartay kuwa badan dembigood, wuuna u duceeyey kuwa xadgudbay.
  • Yoox 12:32-33 : 32 Aniguna haddii kor layga qaado dhulka, dhammaan xaggaygaan u soo jiidi doonaa. 33 Wuxuu waxaas u yidhi inuu tuso siduu u dhiman doono.
  • Muj 7:9-9 : 9 ¶ Oo bal eeg, waxyaalahaas ka dib waxaan arkay dad faro badan, oo aan ninna tirin karin, oo lagala soo baxay quruun kasta, iyo qabiil kasta, iyo dad kasta, iyo af kasta, oo taagan carshiga hortiisa iyo Wanka hortiisa, iyagoo qaba khamiisyo cadcad, gacmahana ku haysta caleemo timireed. 10 Oo iyana waxay ku dhawaaqeen cod weyn, iyagoo leh, Badbaado waxaa leh Ilaahayaga carshiga ku fadhiya iyo Wanka. 11 Oo malaa'igihii oo dhammuna waxay taagnaayeen carshiga hareerihiisa iyo odayaashii iyo afartii xayawaan hareerahooda; oo carshiga hortiisii ayay ku dhaceen oo intay wejigooda dhulka saareen ayay Ilaah caabudeen, 12 iyagoo leh, Aamiin; Ilaahayagu weligiis iyo weligiis ha lahaado barako, iyo ammaan, iyo xigmad, iyo mahad, iyo ciso, iyo xoog, iyo itaal. Aamiin. 13 ¶ Oo odayaashii midkood baa jawaabay oo wuxuu igu yidhi, Kuwan khamiisyada cadcad qabaa yay yihiin, xaggee bayse ka yimaadeen? 14 Oo waxaan ku idhi, Sayidkaygiiyow, waad taqaan. Markaasuu wuxuu igu yidhi, Kuwanu waa kuwii ka soo baxay dhibaatadii weynayd, oo waxay khamiisyadoodii ku maydheen oo ku caddeeyeen dhiiggii Wanka. 15 Sidaas daraaddeed waxay joogaan carshiga Ilaah hortiisa; oo waxay isaga ugu adeegaan macbudkiisa habeen iyo maalinba; oo kan carshiga ku fadhiyaana wuxuu dushooda ka dhisan doonaa taambuuggiisa. 16 Oo iyana mar dambe ma ay gaajoon doonaan, mana ay harraadi doonaan mar dambe, qorraxda iyo kulaylkuna kuma ay dhici doonaan; 17 waayo, Wanka carshiga badhtankiisa jooga ayaa wuxuu ahaan doonaa adhijirkooda, oo wuxuu iyaga u hoggaamin doonaa ilaha biyaha nolosha; oo Ilaahna indhahooda ilmo kastuu ka tirtiri doonaa.
  • Sab 22:15 : 15 Xooggaygii wuxuu u engegay sidii dheri burburkiisa oo kale, Oo carrabkaygiina daamankayguu ku dhegay, Oo waxaad i gelisay ciiddii dhimashada.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 78%

    25Kan naftiisa jecel, waa lumiyaa, kan dunidan naftiisa ku nebcaadaase, wuu hayn doonaa tan iyo nolosha weligeed ah.

    26Qof uun hadduu ii adeego, ha i soo raaco, meeshaan joogona, midiidinkayguna wuu joogi doonaa. Qof uun hadduu ii adeego, Aabbuhu waa murwayn doonaa isaga.

  • 76%

    36Doqon yahow, waxaad adigu beertid ma noolaado haddaanu dhiman.

    37Oo waxaad beertidba ma beertid jidhka noqonaya, laakiin iniintoo qudha, ha ahaato iniin sarreen ah, ama iniin cayn kale ah.

  • 23Kolkaasaa Ciise u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi, Saacaddii way timid uu Wiilka Aadanahu ammaanmi lahaa.

  • Yoox 15:4-8
    5 aayado
    75%

    4Igu jira, anna aan idinku jiree. Sida laantu keligeed aanay midho u dhali karin haddaanay geedka canabka ah ku oollin, sidaas oo kale idinkuna ma dhali kartaan haddaydnan igu jirin.

    5Anaa ah geedka canabka ah, idinna waxaad tihiin laamihii. Kii igu jira oo anna aan ku jiro, kaasaa midho badan dhala, maxaa yeelay, la'aantay waxba ma samayn kartaan.

    6Qof uun hadduusan igu jirin waxaa loo tuuraa sida laan oo kale, waana qallalaa, markaasaa la ururiyaa, oo dabka lagu tuuraa, oo la gubaa.

    7Haddaad igu jirtaan, oo ay erayadayduna idinku jiraan, weyddiista waxaad doonaysaanba, waana laydiin yeeli doonaa.

    8Waxaa Aabbahay ku ammaanmaa inaad midho badan dhashaan, waxaadna noqon doontaan xertayda.

  • Mat 13:22-24
    3 aayado
    72%

    22Kii qodxanta lagu dhex beerayna waa kan hadalka maqla oo kawelwelidda dunidan iyo sasabidda maalka ayaa hadalka ceejiya, oo wuxuu noqdaa midhola'aan.

    23Kii dhulka wanaagsan lagu beeray waa kan erayga maqla oo garta, oo isagu waa kan midho dhala, mid boqol, midna lixdan, midna soddon.

    24¶ Masaal kale ayuu u saaray, oo wuxuu yidhi, Boqortooyada jannada waxaa loo ekaysiiyaa nin beertiisa abuur wanaagsan ku abuuray.

  • Mark 4:28-29
    2 aayado
    71%

    28Dhulka keligiis ayaa midhaha bixiya, horta jirridda, dabadeed sabuulka, dabadeedna sabuulka midho ka buuxsama.

    29Laakiin goortii midhuhu soo bislaadaan, kolkiiba ayuu mindi la galaa, waayo, wakhtigii beergooyska ayaa yimid.

  • Mat 13:7-8
    2 aayado
    71%

    7Qaar kalena waxay ku dhaceen qodxan, qodxantiina waa soo baxday oo ceejisay.

    8Qaar kalena dhul wanaagsan bay ku dhaceen oo ay midho dhaleen, mid boqol, midna lixdan, midna soddon.

  • 9Dabadeed hadduu midhaysto, wanaag; haddii kalese waad jari doontaa.

  • Yoox 4:36-37
    2 aayado
    71%

    36Kii gooyaa mushahaaruu helaa, wuxuuna midho u ururiyaa nolosha weligeed ah, inay kii beera iyo kii gooyaaba isla farxaan.

    37Hadalku waa ku run kan, Mid baa beera, mid kalena waa gooyaa.

  • 24Waayo, kan doonaya inuu naftiisa badbaadiyo, waa lumin doonaa, laakiin kan naftiisa u lumiya aawaday, kaasaa badbaadin doona.

  • Mark 4:6-8
    3 aayado
    70%

    6laakiin qorraxdu goortay soo baxday way gubteen, waana engegeen, waayo, xidid ma lahayn.

    7Qaar kalena waxay ku dhex dhaceen qodxan, qodxantiina waa soo baxday oo ceejisay, oo midho ma ay dhalin.

    8Qaar kalena dhul wanaagsan bay ku dhaceen, oo intay baxeen ayay koreen oo midho dhaleen. Mid wuxuu dhalay soddon, midna lixdan, midna boqol.

  • 20Kuwanna waa kuwii dhulka wanaagsan lagu beeray, kuwa hadalka maqla, oo aqbala, oo midho soo dhala, mid soddon, midna lixdan, midna boqol.

  • 51Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Haddii qof uun ereygayga xajiyo, weligiis dhimasho ma arki doono.

  • 16Markaasuu masaal kula hadlay oo ku yidhi, Nin hodan ah dhulkiisa ayaa wax badan bixiyey.

  • 33Wuxuu waxaas u yidhi inuu tuso siduu u dhiman doono.

  • Mat 16:24-25
    2 aayado
    69%

    24¶ Markaasaa Ciise wuxuu xertiisii ku yidhi, Mid uun hadduu doonayo inuu iga daba yimaado, ha dayriyo doonistiisa, iskutallaabtiisana ha soo qaato oo ha i soo raaco.

    25Kan doonaya inuu naftiisa badbaadiyo, waa lumin doonaa, oo kan naftiisa u lumiya aawaday wuu heli doonaa.

  • 24¶ Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii ereygayga maqla oo rumaysta kii i soo diray, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, xukunna geli maayo, laakiin dhimashadii ayuu ka soo gudbay oo nolosha u soo gudbay.

  • Yoox 15:1-2
    2 aayado
    69%

    1¶ Anigu waxaan ahay geedka canabka ah oo runta ah; Aabbahayna waa beerfalaha.

    2Laan walba oo igu taal oo aan midho dhalin, wuu gooyaa, oo mid kasta oo midho dhasha ayuu nadiifiyaa si ay midho ka sii badan u dhasho.

  • 24Haddaba waxaan idinku idhi, Dembiyadiinna waad ku dhiman doontaan, waayo, haddaydnan rumaysan inaan isagii ahay, dembiyadiinna ayaad ku dhiman doontaan.

  • 50Tanu waa kibistii samada ka soo degtay, in qof kasta cuno oo uusan dhiman.

  • 8Qaar kalena dhul wanaagsan bay ku dhaceen oo soo baxeen, waxayna midho dhaleen boqol jibbaar. Goortuu waxan yidhi, ayuu qayliyey oo yidhi, Kan dhego wax lagu maqlo lahu ha maqlo.

  • Luuk 8:14-15
    2 aayado
    69%

    14Kuwii qodxanta ku dhex dhacayna waa kuwan maqla oo intay socdaan waxaa ceejiya welwelidda iyo hodantinimada iyo farxadda ifkan, midho bisilna ma dhalaan.

    15Kuwa dhulka wanaagsanna waxay yihiin kuwa, intay maqlaan, qalbi wanaagsan oo fiican hadalka ku haysta, oo dulqaadasho ayay midho ku dhalaan.

  • 5Beerrey baa baxay inuu abuurkiisa beero, oo intuu beerayay, qaar baa jidka geestiisa ku dhacay, oo waa lagu tuntay, oo shimbirrihii cirka ayaa cunay.

  • 26¶ Wuxuuna yidhi, Sidaa weeye boqortooyadii Ilaah, sida nin abuur dhulka ku daadsha.

  • 53Ciise haddaba wuxuu ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Haddaydnan jidhkii Wiilka Aadanaha cunin oo dhiiggiisa cabbin nolosha kuma lihidin gudihiinna.

  • 8Waayo, kii jidhkiisa wax ku beertaa wuxuu jidhka ka goosan doonaa qudhun, laakiin kii Ruuxa wax ku beertaa, wuxuu Ruuxa ka goosan doonaa nolol weligeed ah.

  • 11Masaalku waa kan: Abuurku waa ereygii Ilaah.

  • 35Kan doonaya inuu naftiisa badbaadiyo, waa lumin doonaa, laakiin kan naftiisa u lumiya aawaday iyo injiilka aawadii, kaasaa badbaadin doona.

  • 31Wuxuu yahay sida iniin khardal oo kale, tan goortii dhulka lagu beero waa ka wada yar tahay iniinaha dhulka ku jira oo dhan.

  • 21¶ Sidaas aawadeed wuxuu haddana ku yidhi iyaga, Waan tegayaa, waadna i doondooni doontaan, waadna ku dhiman doontaan dembigiinna. Meeshaan tegayo iman kari maysaan.

  • 31¶ Masaal kale ayuu u saaray oo wuxuu yidhi, Boqortooyada jannada waxay u eg tahay iniin khardal, tan uu nin qaaday oo beertiisa ku beeray.

  • 5Waxaan idinku leeyahay, Maya, laakiin haddaydnan toobadkeenin, kulligiin sidaas oo kale ayaad u lumi doontaan.

  • 13Ninna ma leh jacayl kan ka weyn inuu nin naftiisa u bixiyo saaxiibbadiis.

  • 39Kan naftiisa helaa waa lumin doonaa, oo kan naftiisa u lumiya aawaday waa heli doonaa.