Yashuuca 13:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

iyo kulli magaalooyinkii banka oo dhan, iyo boqorkii reer Amor oo Siixon ahaa boqortooyadiisii oo dhan, kaas oo xukumi jiray Xeshboon, oo Muuse la dilay madaxdii reer Midyaan, kuwaasoo ahaa Ewii, iyo Reqem, iyo Suur, iyo Xuur, iyo Rebac, oo ahaa amiirradii Siixon oo dalkaas degganaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 31:8 : 8 Oo boqorradii reer Midyaan ayay la dileen kuwii kaloo la laayay, oo shantii boqor oo reer Midyaan waxay ahaayeen Ewii, iyo Reqem, iyo Suur, iyo Xuur, iyo Rebac; oo Balcaam oo ahaa ina Becoorna seef bay ku dileen.
  • Sharc 3:10 : 10 Waxaynu wada qaadannay magaalooyinkii bannaanka ku yiil oo dhan, iyo dalkii Gilecaad oo dhan, iyo Baashaan oo dhan, iyo tan iyo Salkaah iyo Edrecii kuwaasoo ahaa magaalooyinkii boqortooyadii Coog oo Baashaan ku yiil oo dhan.
  • Tir 21:24-35 : 24 Markaasay reer binu Israa'iil seef ku dileen, oo waxay qabsadeen dalkiisii tan iyo Arnoon iyo ilaa Yabboq, iyo xataa tan iyo reer Cammoon, waayo, soohdintii reer Cammoon wuu xoog badnaa. 25 Oo reer binu Israa'iil magaalooyinkan oo dhan ayay qabsadeen, oo reer binu Israa'iil waxay degeen magaalooyinkii reer Amor oo dhan, xataa Xeshboon iyo magaalooyinkeedii oo dhan. 26 Waayo, Xeshboon waxay ahayd magaaladii Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor, oo la diriray boqorkii hore oo reer Moo'aab, oo dalkiisii oo dhan ka qabsaday, xataa tan iyo Arnoon. 27 Oo sidaas daraaddeed kuwa maahmaahyo ku hadlaa waxay yidhaahdaan, War Xeshboon kaalaya, Magaaladii Siixon ha la dhiso oo ha la xoojiyo, 28 Waayo, dab baa ka soo baxay Xeshboon, Taasoo ah magaaladii Siixon oo olol ka soo baxay. Wuxuu baabbi'iyey Caartii reer Moo'aab, Iyo sayidyadii meelaha sare oo Arnoon. 29 Moo'aabay, waa kuu hoog! Waad baabba'day, dadka reer Khemooshow. Wiilashiisii wuxuu u sii daayay sida laajiyo, Gabdhihiisiina wuxuu maxaabiis ahaan ugu sii daayay Boqorka reer Amor oo Siixon ahaa. 30 Iyaga waannu toogannay; oo Xeshboon waa baabba'day tan iyo Diibon, Oo annagu waxaannu baabbi'innay tan iyo Nofax, Taasoo gaadha tan iyo Meedebaa. 31 Oo sidaasay reer binu Israa'iil u degeen dalkii reer Amor. 32 Markaasaa Muuse diray rag soo basaasa Yacser, oo iyana way qabsadeen magaalooyinkeedii, oo reer Amorkii halkaas degganaana way ka eryeen. 33 Oo intay leexdeen ayay waxay tageen xagga jidka Baashaan loo maro. Markaasaa waxaa ku soo baxay Coog oo ahaa boqorkii Baashaan, isagii iyo dadkiisii oo dhanba, inay kula diriraan Edrecii. 34 Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Ha ka cabsan, waayo, gacantaadaan geliyey isaga iyo dadkiisa oo dhan iyo dalkiisa, oo waxaad isaga ku samayn doontaa sidii aad ku samaysay Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor oo Xeshboon degganaa. 35 Oo iyana waxay dileen isagii, iyo wiilashiisii, iyo dadkiisii oo dhan ilaa ayan isagii waxba u hadhin, oo dalkiisiina way qabsadeen.
  • Sharc 2:30-36 : 30 Laakiinse Siixon oo ahaa boqorkii Xeshboon inooma dayn inaan dalkiisa marno, waayo, Rabbiga Ilaahaaga ah ayaa ruuxiisa qallafiyey oo qalbigiisana wuxuu ka dhigay wax adag, si uu isaga u soo geliyo gacantaada siday maanta tahay. 31 Markaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waxaan bilaabay inaan Siixon iyo dalkiisaba gacantaada soo geliyo, haddaba waxaad bilowdaa inaad hantidid aad dalkiisa dhaxashide. 32 Markaasaa Siixon iyo dadkiisii oo dhammu inagu soo kaceen oo waxay inagula dirireen Yahas. 33 Oo Rabbiga Ilaaheenna ahu isaguu soo geliyey gacanteenna, oo innana waynu dilnay isagii iyo wiilashiisii iyo dadkiisii oo dhanba. 34 Oo waagaasaynu wada qabsannay magaalooyinkiisii oo dhan, oo magaalooyinkii la degganaa oo dhanna waynu wada baabbi'innay, iyo dumarkii iyo dhallaankiiba, cidna kama aynu reebin. 35 Laakiin waxaynu booli ahaan u qaadannay xoolihii iyo alaabtii magaalooyinka aynu qabsannay. 36 Oo magaalo inagu adag laguma arag tan iyo Carooceer oo ku taal dooxada Arnoon qarkeeda, iyo tan iyo magaalada dooxada ku dhex taal iyo tan iyo Gilecaad, maxaa yeelay, Rabbiga Ilaaheenna ah ayaa kulligood gacanta inoo geliyey.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yash 13:9-12
    4 aayado
    79%

    9tan iyo Carooceer oo ku taal dooxadii Arnoon darafkeeda, iyo magaalada ku taal dooxada dhexdeeda, iyo banka Meedebaa oo dhan iyo xataa tan iyo Diibon,

    10iyo dhammaan magaalooyinkii Siixon oo boqor u ahaa reer Amor uu ku xukumi jiray Xeshboon, tan iyo soohdinta reer Cammoon,

    11iyo Gilecaad, iyo soohdinta reer Geshuur, iyo reer Macakaad, iyo Buur Xermoon oo dhan, iyo Baashaan oo dhan iyo ilaa Salkaah,

    12iyo boqortooyadii Baashaan ku tiil oo dhan oo Coog ka xukumi jiray Cashtarod iyo Edrecii (Isagu wuxuu ka hadhay reer Rafaa), waayo, kuwaas waxaa laayay Muuse, wuuna eryay.

  • 46iyagoo jooga dooxada Webi Urdun ka shishaysa oo ka soo hor jeedda Beytfecoor oo ku taal dalkii boqorkii reer Amor oo Siixon ahaa oo Xeshboon degganaa oo Muuse iyo reer binu Israa'iil ay dileen waagii ay dalka Masar ka soo baxeen.

  • Tir 31:7-9
    3 aayado
    78%

    7Oo waxay la dirireen reer Midyaan sidii Rabbigu Muuse ugu amray, oo waxay dileen mid kasta oo lab ahaa.

    8Oo boqorradii reer Midyaan ayay la dileen kuwii kaloo la laayay, oo shantii boqor oo reer Midyaan waxay ahaayeen Ewii, iyo Reqem, iyo Suur, iyo Xuur, iyo Rebac; oo Balcaam oo ahaa ina Becoorna seef bay ku dileen.

    9Oo reer binu Israa'iil waxay maxaabiis ahaan u wateen dumarkii reer Midyaan iyo dhallaankoodiiba; oo lo'doodii oo dhan, iyo idahoodii oo dhan, iyo alaabtoodii oo dhanna way wada dheceen.

  • Tir 21:25-27
    3 aayado
    78%

    25Oo reer binu Israa'iil magaalooyinkan oo dhan ayay qabsadeen, oo reer binu Israa'iil waxay degeen magaalooyinkii reer Amor oo dhan, xataa Xeshboon iyo magaalooyinkeedii oo dhan.

    26Waayo, Xeshboon waxay ahayd magaaladii Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor, oo la diriray boqorkii hore oo reer Moo'aab, oo dalkiisii oo dhan ka qabsaday, xataa tan iyo Arnoon.

    27Oo sidaas daraaddeed kuwa maahmaahyo ku hadlaa waxay yidhaahdaan, War Xeshboon kaalaya, Magaaladii Siixon ha la dhiso oo ha la xoojiyo,

  • 11Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor, Iyo Coog oo ahaa boqorkii Baashaan, Iyo boqortooyooyinkii reer Kancaan oo dhan,

  • Yash 12:1-2
    2 aayado
    76%

    1¶ Haddaba kuwanu waa boqorradii dalka, oo ay reer binu Israa'iil laayeen oo ay dalkoodii ka qaateen meel Webi Urdun ka shishaysa oo qorrax ka soo baxa ka xigta, markii laga bilaabo dooxadii Arnoon iyo tan iyo Buur Xermoon, iyo inta banka Caraabaah xagga bari ka xigta oo dhan:

    2oo waxay ahaayeen boqorkii reer Amor oo ahaa Siixon, oo degganaa Xeshboon, oo xukumi jiray Carooceer oo ku tiil dooxadii Arnoon darafteeda, iyo magaaladii ku tiil dooxadii dhexdeeda, iyo Gilecaad badhkeed, iyo tan iyo Webi Yabboq, kaasoo ku yiil soohdintii reer Cammoon,

  • 4Taasuna waa ka dambaysay diliddii uu dilay Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor oo degganaa Xeshboon, iyo Coog oo ahaa boqorkii reer Baashaan oo degganaa Cashtarod ee Edrecii ku taal.

  • 74%

    19iyo Qiryatayim, iyo Sibmaah, iyo Sered Shahar oo ku taal buurta dooxada,

    20iyo Beytfecoor, iyo dhaadhacyadii Fisgaah, iyo Beytyeshimood,

  • 74%

    16Oo xuduudkoodu wuxuu ka bilaaban jiray Carooceer taas oo ku taal dooxada Arnoon darafkeeda, iyo magaalada ku taal dooxada dhexdeeda, iyo kulli banka Meedebaa u dhow oo dhan,

    17iyo Xeshboon, iyo kulli magaalooyinkeeda banka ku yaal oo dhan, kuwaasoo ah, Diibon iyo Baamood Bacal, iyo Beyd Bacal Mecoon,

  • 10iyo kulli wixii uu ku sameeyey labadii boqor oo reer Amor oo ka shisheeyey Webi Urdun, kuwaas oo ahaa Siixon oo boqor ka ahaa Xeshboon, iyo Coog oo boqor ka ahaa Baashaan, oo degganaa Cashtarod.

  • 30Iyaga waannu toogannay; oo Xeshboon waa baabba'day tan iyo Diibon, Oo annagu waxaannu baabbi'innay tan iyo Nofax, Taasoo gaadha tan iyo Meedebaa.

  • 21¶ Markaasay reer binu Israa'iil wargeeyayaal u direen Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor, oo waxay ku yidhaahdeen,

  • 21Markaasuu Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil Siixon iyo dadkiisii oo dhanba ku riday gacantii reer binu Israa'iil oo iyana way laayeen iyagii; oo sidaasay reer binu Israa'iil ku hantiyeen dalkii reer Amor oo dhan iyo dadkii waddankaasba.

  • 72%

    26iyo ilaa Xeshboon iyo tan iyo Raamad-misfaah, iyo Betoniim, iyo tan iyo Maxanayim iyo ilaa soohdinta Debiir,

    27iyo kuwii dooxadii ku dhex yiil oo ahaa Beytaaraam, iyo Beytnimraah, iyo Sukod, iyo Saafoon oo ahaa boqorkii Xeshboon oo Siixon ahaa boqortooyadiisii intii ka hadhay, iyo Urdun iyo soohdintiisii, iyo meesha ugu fog badda Kinnered ee ka shishaysa Webi Urdun ee xagga bari ka xigta.

  • Yash 12:5-6
    2 aayado
    72%

    5Kaasu wuxuu xukumi jiray Buur Xermoon, iyo Salkaah, iyo Baashaan oo dhan, iyo tan iyo soohdinta reer Geshuur iyo kan reer Macakaad iyo Gilecaad badhkeed, iyo xuduudka Siixon oo boqor u ahaa Xeshboon.

    6Addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa iyo reer binu Israa'iil baa laayay iyagii, oo addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa ayaa reer Ruubeen iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkood hanti ahaan u siiyey.

  • 22Weliba faaliyaha Balcaam oo ahaa ina Becoor ayay reer binu Israa'iil seef kula dileen dadkii kaloo ay laayeen.

  • 33Markaasaa Muuse reer Gaad iyo reer Ruubeen iyo qabiilkii reer Manaseh oo ahaa wiilkii Yuusuf badhkood wuxuu siiyey boqorkii reer Amor oo ahaa Siixon boqortooyadiisii, iyo boqorkii Baashaan oo ahaa Coog boqortooyadiisii, oo wuxuu waddankii ugu qaybshay sidii ay ahaayeen magaalooyinka iyo soohdintoodii, xataa magaalooyinkii dalka iyaga ku wareegsan oo dhan.

  • 7Oo markaad meeshan timaadeen waxaa inagu soo baxay Siixon oo ahaa boqorkii Xeshboon iyo Coog oo ahaa boqorkii Baashaan, oo innana waynu laynay.

  • Tir 21:32-34
    3 aayado
    71%

    32Markaasaa Muuse diray rag soo basaasa Yacser, oo iyana way qabsadeen magaalooyinkeedii, oo reer Amorkii halkaas degganaana way ka eryeen.

    33Oo intay leexdeen ayay waxay tageen xagga jidka Baashaan loo maro. Markaasaa waxaa ku soo baxay Coog oo ahaa boqorkii Baashaan, isagii iyo dadkiisii oo dhanba, inay kula diriraan Edrecii.

    34Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Ha ka cabsan, waayo, gacantaadaan geliyey isaga iyo dadkiisa oo dhan iyo dalkiisa, oo waxaad isaga ku samayn doontaa sidii aad ku samaysay Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor oo Xeshboon degganaa.

  • 2iyo boqorradii jiray xagga woqooyi, kaas oo ahaa dalka buuraha leh, iyo kuwii joogay xagga ban Caraabaah oo koonfur ka xigta Kinnered, iyo xagga dooxooyinka, iyo dalka sare oo Door ee xagga galbeed jira,

  • 3Cataarood, iyo Diboon, iyo Yacser, iyo Nimraah, iyo Xeshboon, iyo Elecaaleeh, iyo Sebaam, iyo Neboo, iyo Becon,

  • 24¶ Haddaba kaca oo guura, oo waxaad ka gudubtaan dooxada Arnoon. Bal eeg, waxaan gacantaada soo geliyey boqorka Xeshboon oo Siixon ah oo reer Amor iyo dalkiisaba. Haddaba waxaad bilowdaa inaad dalka hantidid oo aad isaga la dagaallantaa.

  • 33Oo Rabbiga Ilaaheenna ahu isaguu soo geliyey gacanteenna, oo innana waynu dilnay isagii iyo wiilashiisii iyo dadkiisii oo dhanba.

  • 23Siixonse uma uu oggolaan in reer binu Israa'iil soohdintiisa soo dhex maraan; laakiinse Siixon dadkiisii oo dhan ayuu soo urursaday oo ku soo baxay reer binu Israa'iil oo cidlada jooga, oo wuxuu yimid Yahas, oo uu reer binu Israa'iil la diriray.

  • 6Oo dhammaantood waynu wada duminnay, oo waxaynu ku samaynay sidii aynu Siixon oo boqorkii Xeshboon ahaa ku samaynay oo kale, waynu wada baabbi'innay magaalo kasta oo la degganaa, iyo dumarkii iyo dhallaankiiba.

  • 4Oo Rabbigu wuxuu quruumahaas ku samayn doonaa siduu ugu sameeyey Siixon iyo Coog iyo dalkoodiiba, kuwaas oo ahaa boqorradii reer Amor ee uu baabbi'iyey.

  • 10Waayo, waxaannu maqalnay sidii Rabbigu hortiinna uga engejiyey biyihii Badda Cas, markii aad Masar ka soo baxdeen, iyo wixii aad ku samayseen labadii boqor oo Siixon iyo Coog oo ahaa reer Amor, ee joogay Webi Urdun shishadiisa, oo aad wada baabbi'iseen.

  • 12Oo Yashuuca wuxuu wada qabsaday boqorradaas magaalooyinkoodii oo dhan, iyo boqorradoodii oo dhan, oo wuxuu ku wada laayay seef, oo wuu wada baabbi'iyey; sidii uu addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa ku amray.

  • 2Oo Baalaaq ina Sifoor wuxuu arkay kulli wixii ay reer binu Israa'iil ku sameeyeen reer Amor.

  • 17Reer Midyaan dhib oo laa iyaga,

  • 15Oo naagtii reer Midyaan oo la dilay magaceedu wuxuu ahaa Kaasbii ina Suur, oo aabbeheed wuxuu madax u ahaa qolo ka mid ah reer Midyaan.