Tirintii 21:32

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa Muuse diray rag soo basaasa Yacser, oo iyana way qabsadeen magaalooyinkeedii, oo reer Amorkii halkaas degganaana way ka eryeen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 32:1 : 1 ¶ Haddaba reer Ruubeen iyo reer Gaad waxay lahaayeen xoolo faro badan, oo markay arkeen dalkii Yacser iyo dalkii Gilecaad inay meeshaasu xoolo u wanaagsan tahay,
  • Yer 48:32 : 32 Canabka Sibmaahow, waxaan kuugu ooyi doonaa oohin ka sii daran tii Yacser. Laamahaagii badday dhaafeen, oo waxay gaadheen xataa tan iyo badda Yacser. Baabbi'iyihii wuxuu soo dhacay midhahaagii la hor guray iyo canabkaagii.
  • Tir 32:35 : 35 iyo Catrood Shoofaan, iyo Yacser, iyo Yaagbehaah,
  • Ish 16:8-9 : 8 Waayo, beerihii Xeshboon way qallalan yihiin, quruumaha madaxdoodii ayaa jejebisay geedihii canabka ee Sibmaah oo soo gaadhay xataa tan iyo Yacser oo xagga cidlada u soo baxay. Laamihiisii way fidsanaayeen oo badday dhaafeen. 9 Sidaas daraaddeed waxaan canabka Sibmaah ugu ooyi doonaa oohintii aan Yacser ugu ooyay oo kale. Xeshboon iyo Elecaaleehow, waxaan idinku waraabin doonaa ilmadayda, waayo, midhahaagii la hor guray iyo beergoosadkaagiiba waxaa ku dhacday qayladii dagaalka.
  • Tir 32:3 : 3 Cataarood, iyo Diboon, iyo Yacser, iyo Nimraah, iyo Xeshboon, iyo Elecaaleeh, iyo Sebaam, iyo Neboo, iyo Becon,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 31Oo sidaasay reer binu Israa'iil u degeen dalkii reer Amor.

  • 17Markaasaa Muuse iyagii u diray inay dalkii reer Kancaan soo basaasaan, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Jidkan koonfureed xaggiisa u kaca oo buuraha fuula.

  • 33Oo intay leexdeen ayay waxay tageen xagga jidka Baashaan loo maro. Markaasaa waxaa ku soo baxay Coog oo ahaa boqorkii Baashaan, isagii iyo dadkiisii oo dhanba, inay kula diriraan Edrecii.

  • 21¶ Markaasay reer binu Israa'iil wargeeyayaal u direen Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor, oo waxay ku yidhaahdeen,

  • 72%

    21Markaasuu Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil Siixon iyo dadkiisii oo dhanba ku riday gacantii reer binu Israa'iil oo iyana way laayeen iyagii; oo sidaasay reer binu Israa'iil ku hantiyeen dalkii reer Amor oo dhan iyo dadkii waddankaasba.

    22Oo waxay hantiyeen dalkii reer Amor oo dhan tan iyo Arnoon iyo ilaa Yabboq, iyo tan iyo cidlada iyo ilaa Webi Urdun.

    23Haddaba haatan inta Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil reer Amor dalka kaga qaaday dadkiisa reer binu Israa'iil hortooda, miyaad adigu qabsanaysaa iyaga?

  • 39Oo reer Maakiir oo ahaa Manaseh wiilkiisiina waxay tageen dalkii Gilecaad, oo way qabsadeen, oo dadkii reer Amor oo halkaas degganaa ayay hanti tireen.

  • Tir 21:24-26
    3 aayado
    72%

    24Markaasay reer binu Israa'iil seef ku dileen, oo waxay qabsadeen dalkiisii tan iyo Arnoon iyo ilaa Yabboq, iyo xataa tan iyo reer Cammoon, waayo, soohdintii reer Cammoon wuu xoog badnaa.

    25Oo reer binu Israa'iil magaalooyinkan oo dhan ayay qabsadeen, oo reer binu Israa'iil waxay degeen magaalooyinkii reer Amor oo dhan, xataa Xeshboon iyo magaalooyinkeedii oo dhan.

    26Waayo, Xeshboon waxay ahayd magaaladii Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor, oo la diriray boqorkii hore oo reer Moo'aab, oo dalkiisii oo dhan ka qabsaday, xataa tan iyo Arnoon.

  • 4Taasuna waa ka dambaysay diliddii uu dilay Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor oo degganaa Xeshboon, iyo Coog oo ahaa boqorkii reer Baashaan oo degganaa Cashtarod ee Edrecii ku taal.

  • 8Oo markaasaan idin keenay dalkii reer Amor, kuwaasoo degganaa Webi Urdun shishadiisa, oo iyana way idinla dirireen; kolkaasaan gacanta idiin geliyey, oo dalkoodiina waad hantideen, iyagiina hortiinna waan ka baabbi'iyey.

  • 71%

    46iyagoo jooga dooxada Webi Urdun ka shishaysa oo ka soo hor jeedda Beytfecoor oo ku taal dalkii boqorkii reer Amor oo Siixon ahaa oo Xeshboon degganaa oo Muuse iyo reer binu Israa'iil ay dileen waagii ay dalka Masar ka soo baxeen.

    47Oo dalkiisii bay hanti u qaateen iyo dalkii boqorkii Baashaan oo Coog ahaa, kuwaasoo ahaa labadii boqor oo reer Amor oo joogay Webi Urdun shishadiisa xagga qorrax ka soo baxa.

  • Tir 31:11-12
    2 aayado
    71%

    11Oo dad iyo duunyaba way dheceen oo booli bay u qaateen.

    12Oo maxaabiistii iyo boolidii iyo wixii la soo dhacay waxay u keeneen Muuse iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan oo joogay xeradii ku tiil bannaankii Moo'aab oo Webi Urdun u dhowaa oo Yerixoo ka soo hor jeeday.

  • 7Oo way soo noqdeen, oo waxay yimaadeen Ceyn Mishfaad (oo iyana ahayd Qaadeesh), oo waxay dileen dadkii dalkii reer Camaaleq oo dhan, waxaa kale oo ay dileen reer Amor oo degganaa Hasason Tamar.

  • Tir 21:12-13
    2 aayado
    71%

    12Oo halkaasna way ka guureen, oo waxay degeen dooxadii Sered,

    13Halkaasna way ka guureen, oo waxay deggeen Webi Arnoon dhankiisa kale, kaasoo cidlada ku yaal oo soohdinta reer Amor ka soo baxa, waayo, Webi Arnoon waa soohdinta reer Moo'aab oo wuxuu u dhexeeyaa reer Moo'aab iyo reer Amor.

  • 41Oo reer Yaa'iir ina Manasehna wuu tegey Gilecaad, oo magaalooyinkeedii qabsaday, oo wuxuu magacyadoodii u bixiyey Hawood Yaa'iir.

  • 3Markaasaa Muuse iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa iyagii kula hadleen bannaankii Moo'aab oo Webi Urdun ku ag yaal oo Yerixoo ka soo hor jeeda.

  • Tir 32:20-21
    2 aayado
    70%

    20Kolkaasaa Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Haddaad waxan samaynaysaan, oo aad Rabbiga hortiisa hub ugu qaadanaysaan dagaalka,

    21oo aad raggiinna hubka leh oo dhammu Webi Urdun ku dhaafaysaan Rabbiga hortiisa ilamaa uu isagu cadaawayaashiisa ka wada eryo hortiisa,

  • 1¶ Markaasaa reer binu Israa'iil guureen, oo waxay degeen bannaanka Moo'aab oo Webi Urdun ka shisheeya oo Yerixoo ka soo hor jeeda.

  • 1¶ Oo boqorkii Caraad, oo reer Kancaan, oo xagga koonfureed degganaa ayaa maqlay in reer binu Israa'iil ka yimaadeen xagga jidka Ataariim, markaasuu la diriray reer binu Israa'iil oo qaarkood qabsaday.

  • 21Haddaba iyagii way tageen oo waxay soo basaaseen dalkii tan iyo cidlada Sin iyo ilaa Rexob oo ku taal meesha Xamaad laga galo.

  • 24Oo markay yimaadeen xeradii dadka Israa'iil ayaa dadka Israa'iil ku kaceen oo laayeen reer Moo'aab; iyana way ka carareen hortooda, oo dadka Israa'iilna dhulkii bay hore u galeen iyagoo reer Moo'aab laynaya.

  • 32¶ Kuwanu waa dhaxalkii Muuse ku qaybiyey banaankii Moo'aab, oo ka shisheeya Webi Urdun, meel u dhow Yerixoo, oo xagga bari ka xigta.

  • 48Oo haddana buurihii Cabaariim way ka guureen, oo waxay degeen bannaanka dalka Moo'aab oo Webi Urdun u dhow ee Yerixoo ka soo hor jeeda.

  • 44Oo reer Amorkii buurta degganaa ayaa idinku soo baxay oo idiin soo eryaday sida shinnida, oo waxay idinku jebiyeen Seciir iyo tan iyo Xormaah.

  • 70%

    11Oo idinku waxaad ka soo gudubteen Webi Urdun oo aad timaadeen Yerixoo, oo dadkii reer Yerixoo way idinla dagaallameen, kuwaasu waxay ahaayeen reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Girgaash, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, oo anna dhammaantood gacantaan idiin geliyey.

    12Oo waxaan idinka hor mariyey xoonkii hortiinna ka eryay iyagii oo ahaa xataa labadii boqor oo reer Amor, oo kuwaas kuma aadan eryin seeftaada iyo qaansadaada toona.

  • 33Markaasaa Muuse reer Gaad iyo reer Ruubeen iyo qabiilkii reer Manaseh oo ahaa wiilkii Yuusuf badhkood wuxuu siiyey boqorkii reer Amor oo ahaa Siixon boqortooyadiisii, iyo boqorkii Baashaan oo ahaa Coog boqortooyadiisii, oo wuxuu waddankii ugu qaybshay sidii ay ahaayeen magaalooyinka iyo soohdintoodii, xataa magaalooyinkii dalka iyaga ku wareegsan oo dhan.

  • 8Oo waagaas ayaynu dalka kala baxnay farihii labadii boqor oo reer Amor oo degganaa Webi Urdun shishadiisa tan iyo dooxada Arnoon iyo ilaa Buur Xermoon.

  • 10Waayo, waxaannu maqalnay sidii Rabbigu hortiinna uga engejiyey biyihii Badda Cas, markii aad Masar ka soo baxdeen, iyo wixii aad ku samayseen labadii boqor oo Siixon iyo Coog oo ahaa reer Amor, ee joogay Webi Urdun shishadiisa, oo aad wada baabbi'iseen.

  • 19¶ Markaasaynu ka soo guurnay Xoreeb oo waxaynu dhex marnay cidladaas weyn oo aad looga cabsado ee aad soo aragteen ee ku taal jidka loo maro dalka buuraha leh oo reer Amor, siduu inagu amray Rabbiga Ilaaheenna ahu, oo waxaynu nimid Qaadeesh Barneeca.

  • 21iyo kulli magaalooyinkii banka oo dhan, iyo boqorkii reer Amor oo Siixon ahaa boqortooyadiisii oo dhan, kaas oo xukumi jiray Xeshboon, oo Muuse la dilay madaxdii reer Midyaan, kuwaasoo ahaa Ewii, iyo Reqem, iyo Suur, iyo Xuur, iyo Rebac, oo ahaa amiirradii Siixon oo dalkaas degganaa.

  • 50¶ Markaasaa Rabbigu Muuse kula hadlay bannaankii dalka Moo'aab oo Webi Urdun u dhowaa ee Yerixoo ka soo hor jeeday, oo wuxuu ku yidhi,