Yashuuca 21:19

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo wadaadkii Haaruun ahaa reerkiisii magaalooyinkoodii oo dhammu waxay ahaayeen saddex iyo toban magaalo iyo agagaarkoodii.

Ilo Dheeraad ah

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yash 21:3-10
    8 aayado
    82%

    3Markaasaa reer binu Israa'iil waxay dhaxalkoodii reer Laawi ka siiyeen magaalooyinkaas iyo agagaarkooda sidii amarka Rabbigu ahaa.

    4¶ Markaasaa saami u soo baxay qolooyinkii reer Qohaad; oo reerkii wadaadkii Haaruun ahaa, kuwaasoo reer Laawi ka mid ahaa, waxay saami kaga heleen reer Yahuudah iyo reer Simecoon, iyo reer Benyaamiin saddex iyo toban magaalo.

    5¶ Oo reer Qohaad intoodii hadhay waxay saami kaga heleen qolooyinkii reer Efrayim, iyo reer Daan, iyo reer Manaseh badhkood toban magaalo.

    6¶ Oo reer Gershoonna waxay saami kaga heleen qolooyinkii reer Isaakaar, iyo reer Aasheer, iyo reer Naftaali, iyo reer Manaseh badhkoodii degganaa Baashaan saddex iyo toban magaalo.

    7¶ Oo reer Meraariina sidii ay reerahoodii ahaayeen waxay ka heleen reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Sebulun laba iyo toban magaalo.

    8¶ Oo reer binu Israa'iil magaalooyinkaas iyo agagaarkoodiiba waxay saami ku siiyeen reer Laawi sidii Rabbigu ku amray Muuse.

    9Oo waxaa laga siiyey qabiilkii reer Yahuudah iyo qabiilkii reer Simecoon magaalooyinkan magacooda halkan lagu sheegayo.

    10Oo waxaa iska lahaa reerkii Haaruun ee ahaa qolooyinkii reer Qohaad, kuwaasoo ka mid ahaa reer Laawi; maxaa yeelay, iyagaa saamiga hore lahaa.

  • 81%

    16iyo Cayn iyo agagaarkeedii, iyo Yutaah iyo agagaarkeedii, iyo Beytshemesh iyo agagaarkeedii, oo labadaas qabiil waxay ka heleen sagaal magaalo.

    17Oo qabiilkii reer Benyaamiinna waxay ka heleen Gibecoon iyo agagaarkeedii, iyo Geeraa iyo agagaarkeedii,

    18iyo Canaatood iyo agagaarkeedii, intaasu waxay ahayd afar magaalo.

  • 20¶ Oo qolooyinkii reer Qohaad oo ahaa reer Laawi, xataa reer Qohaad intoodii hadhay, waxay magaalooyin saami uga heleen qabiilkii reer Efrayim.

  • 78%

    31iyo Xelqad iyo agagaarkeedii, iyo Rexob iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd afar magaalo.

    32Oo waxay qabiilkii reer Naftaalina ka heleen Qedesh oo ku taal Galili iyo agagaarkeedii, oo taasu waxay ahayd magaaladii magangalka u ahayd gacankudhiiglaha, iyo Xammod Door iyo agagaarkeedii, iyo Qartaan iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd saddex magaalo.

    33Oo magaalooyinkii reer Gershoon oo dhan, sidii qolooyinkoodu ahaayeen, saddex iyo toban magaalo iyo agagaarkoodii bay ahaayeen.

  • 78%

    24iyo Ayaaloon iyo agagaarkeedii, iyo Gad Rimmoon iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd afar magaalo.

    25Oo qabiilkii reer Manaseh badhkiisna waxay ka heleen Tacanaag iyo agagaarkeedii, iyo Gad Rimmoon iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd laba magaalo.

    26Oo qolooyinkii reer Qohaad intoodii hadhay magaalooyinkoodii oo dhammu waxay ahaayeen toban iyo agagaarkoodii.

  • 77%

    39iyo Xeshboon iyo agagaarkeedii, iyo Yaser iyo agagaarkeedii, oo intaasu dhammaantood waxay ahaayeen afar magaalo.

    40Oo kulli intaas oo dhammu waxay ahaayeen magaalooyinkii qolooyinkii reer Meraarii iyo xataa reer Laawi intoodii hadhay, oo qaybtoodii waxay ahayd laba iyo toban magaalo.

    41Oo reer Laawi magaalooyinkoodii ay qaybta u heleen ee ku dhex yiil dalkii hantida u ahaa reer binu Israa'iil kulligood waxay ahaayeen siddeed iyo afartan magaalo iyo agagaarkoodii.

    42Magaalooyinkaas mid waluba waxay lahayd agagaarkeedii ku wareegsanaa; oo magaalooyinku dhammaantood sidaasay ahaayeen.

  • 19Oo weliba wadaaddadii ahaa farcanka Haaruun oo joogay beeraha magaalooyinkooda agagaarkoodii, magaalo kasta waxaa ugu jiray niman loo magacaabay inay qayb siiyaan wadaaddada inta lab ku jira oo dhan iyo kuwii reer Laawi oo abtiriskooda lagu tiriyey oo dhan.

  • 75%

    60Oo dalkii qabiilka reer Benyaamiinna waxaa laga siiyey Gebac iyo agagaarkeedii, iyo Calemed iyo agagaarkeedii, iyo Canaatood iyo agagaarkeedii. Oo kulli magaalooyinkoodii oo qolooyinkooda oo dhan ku dhex yiil waxay ahaayeen saddex iyo toban magaalo.

    61Oo reer Qohaad intiisii hadhayna waxaa saami loo siiyey toban magaalo oo ay ka dhex heleen reerka qabiilka iyo qabiilka badhkiisii, kaasoo ah qabiilkii reer Manaseh badhkiis.

  • 74%

    13¶ Oo wadaadkii Haaruun ahaa reerkiisii waxay siiyeen Xebroon iyo agagaarkeedii, oo taasu waxay ahayd magaaladii magangalka u ahayd gacankudhiiglaha, iyo Libnaah iyo agagaarkeedii,

    14iyo Yatiir iyo agagaarkeedii, iyo Eshtemooca iyo agagaarkeedii,

  • Yash 19:6-7
    2 aayado
    74%

    6iyo Beytlebaa'ood, iyo Shaaruuhen, oo intaasu waa saddex iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii,

    7Cayn, iyo Rimmon, iyo Ceter, iyo Caashaan, oo intaasu waa afar magaalo iyo tuulooyinkoodii,

  • 72%

    37iyo Qedesh, iyo Edrecii, iyo Ceyn Xaasoor,

    38iyo Yiroon, iyo Migdal Eel, iyo Xoreem, iyo Beytcanaad iyo Beytshemesh, waxay ahaayeen sagaal iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.

    39Oo intaasu waa dhaxalkii ay qabiilkii reer Naftaali u heleen sidii reerahoodii ahaayeen, iyo xataa magaalooyinka iyo tuulooyinkooduba

  • 37iyo Qedemood iyo agagaarkeedii, iyo Mefacad iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd afar magaalo.

  • 71%

    30iyo Cummaah, iyo Afeeq, iyo Rexob, oo intaasu waa laba iyo labaatan magaalo iyo tuulooyinkoodii.

    31Oo intaasu waa dhaxalkii ay qabiilkii reer Aasheer u heleen sidii reerahoodii ahaayeen, iyo xataa magaalooyinkan iyo tuulooyinkooduba

  • 29iyo Yarmuud iyo agagaarkeedii, iyo Ceyn Ganniim iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd afar magaalo.

  • 7Oo magaalooyinka aad reer Laawi siin doontaan oo dhammu waxay ahaan doonaan siddeed iyo afartan magaalo, oo waxaad siin doontaan iyaga iyo agagaarkoodaba.

  • 35iyo Dimnaah iyo agagaarkeedii, iyo Nahalaal iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd afar magaalo.

  • 22iyo Qibsayim iyo agagaarkeedii, iyo Beytxooroon iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd afar magaalo.

  • 20Oo intii ka hadhay reer binu Israa'iil oo ahaa wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi waxay joogeen magaalooyinka dalka Yahuudah oo dhan, oo mid waluba wuxuu degganaa dhulkii uu dhaxalka u helay.

  • 32iyo Lebaa'ood, iyo Shilxiim, iyo Cayn, iyo Rimmon, oo magaalooyinka oo dhan iyo tuulooyinkooduba waa sagaal iyo labaatan.

  • 64Oo reer binu Israa'iilna waxay reer Laawi siiyeen magaalooyinkii iyo agagaarkoodii oo dhan.

  • 57Reer Haaruunna waxaa la siiyey magaalooyinkii magangalka oo ah Xebroon, iyo Libnaah iyo weliba agagaarkeed, iyo Yatiir, iyo Eshtemooca iyo agagaarkeedii,

  • 21iyo Remed, iyo Ceyn Ganniim, iyo Ceyn Xaddaah, iyo Beytfasees,

  • 51iyo Goshen, iyo Xolon, iyo Giloh, iyana waa koob iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.

  • 59iyo Macaraad, iyo Beytcanood, iyo Elteqon, iyana waa lix magaalo iyo tuulooyinkoodii.

  • 23Oo intaasu waa dhaxalkii ay qabiilkii reer Isaakaar u heleen sidii reerahoodii ahaayeen, iyo xataa magaalooyinkan iyo tuulooyinkooduba.

  • 54¶ Haddaba kuwanu waa meelahoodii ay degi jireen iyo sidii degmooyinkoodu ahaayeen kuwaasoo ku dhex yiil soohdimahooda. Reer Haaruun oo ah qolooyinka reer Qohaad, oo saamiga kowaad lahaa,

  • 41iyo Gedeerood, iyo Beytdagoon, iyo Nacamaah, iyo Maqeedaah, iyana waa lix iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.

  • 15iyo Qataad, iyo Nahalaal, iyo Shimroon, iyo Idalaah, iyo Beytlaxam, intaasu waa laba iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.