Xaakinnadii 18:17

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasay shantii nin oo dalka soo basaastay yimaadeen oo gudaha galeen, oo waxay soo qaateen sanamkii xardhanaa, iyo eefodkii, iyo teraafiimkii, iyo sanamkii la shubay; oo wadaadkiina wuxuu iridda laga soo galo isla taagay lixdii boqol oo nin ee xidhnayd hubka dagaalka.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Xaak 18:14 : 14 Kolkaasaa shantii nin oo waddanka Layish soo basaastay waxay ku jawaabeen oo walaalahood ku yidhaahdeen, War ma og tihiin inay guryahan ku jiraan eefod iyo teraafiim, iyo sanam xardhan iyo sanam la shubay? Haddaba sidaas daraaddeed ka fiirsada waxaad samayn lahaydeen.
  • Xaak 17:4-5 : 4 Oo markuu lacagtii hooyadiis u soo celiyey ayay hooyadiis qaadatay laba boqol oo xabbadood oo lacag ah, oo waxay u dhiibtay lacagtume, oo isna wuxuu ka sameeyey sanam xardhan iyo sanam la shubay; waxayna yaalleen gurigii Miikaah. 5 Oo ninkii Miikaah ahaana wuxuu lahaa guri ilaahyood, oo wuxuu sameeyey eefod iyo teraafiim, oo wuxuuna quduus ka dhigay wiilashiisii midkood, oo isna wuxuu u noqday wadaadkiisii.
  • Xaak 18:2 : 2 Markaasay reer Daan qabiilkoodii oo dhan ka direen shan nin oo xoog leh, oo waxay ka direen Sorcaah iyo Eshtaa'ool, inay dalka soo basaasaan oo ay soo baadhaan; oo waxay ku yidhaahdeen, Taga oo dalka soo baadha. Markaasay yimaadeen gurigii Miikaah oo ku yiil dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim, oo meeshaasay u hoydeen.
  • Bil 31:19 : 19 Laabaanna wuxuu ku maqnaa inuu idihiisa dhogorta ka soo xiirto; kolkaasay Raaxeel xadday sanamyadii aabbeheed lahaa.
  • Bax 32:20 : 20 Markaasuu weyshii ay samaysteen qaaday, dab buuna ku gubay oo daqiijiyey, oo intuu biyaha ku dul daadiyey ayuu reer binu Israa'iil cabsiiyey.
  • Xaak 6:31 : 31 Markaasaa Yoo'aash wuxuu ku yidhi dadkii ku kacay oo dhan, Ma idinkaa u dagaallamaya Bacal? Oo ma isagaad badbaadinaysaan? Kii u dagaallama ha la dilo subaxda, waayo, hadduu isagu ilaah yahay, de ha isu dagaallamo, maxaa yeelay, waxaa laga jebiyey meeshiisii allabariga.
  • 1 Sam 4:11 : 11 Oo sanduuqii Ilaahna waa la qaatay; oo Ceelii labadiisii wiil oo ahaa Hofnii iyo Fiinexaasna waa la dilay.
  • 1 Sam 6:2-9 : 2 Markaas reer Falastiin waxay u yeedheen wadaaddadii iyo kuwii wax sheegi jiray, oo waxay ku yidhaahdeen, Sanduuqa Rabbiga maxaannu ku samaynaa? Bal noo sheega waxaannu ugu dirno meeshiisii. 3 Kolkaasay iyana waxay yidhaahdeen, Haddaad diraysaan sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil, isagoo madhan ha dirina; laakiinse si walba qurbaan xadgudub u celiya; oo dabadeedna waad bogsan doontaan, oo waxaad ogaan doontaan sababta gacantiisu idinkaga dhaqaaqi weyday. 4 Oo markaasay yidhaahdeen, Qurbaanka xadgudubka ee aannu u celin doonaa muxuu noqon doonaa? Oo iyana waxay yidhaahdeen, Madaxda reer Falastiin inta tiradoodu tahay oo dhammu ha bixiyeen shan kasoobax oo dahab ah, iyo shan jiir oo dahab ah; waayo, idinka iyo madaxdiinnaba isku belaayaa idinku wada dhacday. 5 Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad samaysaan kasoobaxyadiinnii taswiirtooda, iyo jiirarkii dalkiinna kharribay taswiirtood; oo waa inaad ammaantaan Ilaaha reer binu Israa'iil; waayo, waxaa suurtowda inuu gacantiisa idinka qaado, idinka, iyo ilaahyadiinna, iyo dalkiinnaba. 6 Haddaba maxaad qalbiyadiinna ugu adkaynaysaan sidii Masriyiintii iyo Fircoon qalbiyadooda u adkeeyeen oo kale? Oo markii uu cajaa'ibka weyn dhexdooda ku sameeyey, miyaanay dadkii sii dayn inay tagaan oo miyaanay ambabbixin? 7 Haddaba sidaas daraaddeed qaata oo diyaariya gaadhi cusub, iyo laba sac oo irmaan ee aan weligood harqood la saarin, oo sacaha gaadhiga ku xidha, weylahoodana ka soo celiya oo guriga keena; 8 markaas qaada sanduuqa Rabbiga oo saara gaadhiga, oo dahabka aad ugu celinaysaan qurbaankii xadgudubka aawadiisna intaad sanduuq ku riddaan dhinaciisa saara, oo markaas iska dira ha tagee. 9 Oo bal eega, haddii uu aado xagga xuduudkiisa iyo ilaa Beytshemesh, de markaas isagaa xumaantan weyn inagu sameeyey; haddii kalese waxaannu ogaanaynaa inaanay gacantiisii ahayn waxa ina laayay, ee uu ahaa wax iskaga keen dhacay.
  • 2 Boq 19:18-19 : 18 oo ilaahyadoodiina dab bay ku dhex tuureen, waayo, iyagu ilaahyo ma ay ahayn, laakiinse waxay ahaayeen wax gacanta lagu sameeyey, oo ahaa qoryo iyo dhagaxyo, oo sidaas daraaddeed iyagu way baabbi'iyeen. 19 Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiyow Ilaahayagow, waan ku baryayaaye gacantiisa naga badbaadi, in boqortooyooyinka dunida oo dhammu ay ogaadaan inaad adiga keliyahu tahay Rabbiga Ilaaha ah.
  • Ish 46:1-2 : 1 ¶ Beel baa foororsada, Nebona wuu dhacaa, sanamyadoodu waxay kor saarnaadaan xayawaanka iyo lo'da. Waxyaalihii aad sidan jirteen waxaa laga dhigay rar la saaray neefkii daallanaa. 2 Way foororsadaan, oo dhammaantood way wada dhacaan, iyagu rarka ma ay samatabbixin karaan, laakiinse xataa iyaga qudhooda maxaabbiisahaan baa loo kaxaystaa.
  • Ish 46:7 : 7 Garbahooday ku qaadaan, oo way xambaaraan, oo meeshiisay qotomiyaan. Isna wuu iska taagnaadaa, oo meeshiisana innaba kama dhaqaaqo. Oo dadku way u qayshan doonaa, laakiinse isagu uma uu jawaabi karo, oo dhibkoodana kama uu badbaadin karo.
  • Miik 5:13 : 13 Oo waxaan dhexdiinna ka baabbi'in doonaa taswiirahiinna xardhan iyo tiirarkiinna, oo mar dambe ma aad caabudi doontaan sancada gacmihiinna.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 89%

    10Markaad tagtaan waxaad u tegi doontaan dad ammaan ah, oo dalkuna waa ballaadhan yahay; waayo, Ilaah gacantuu idiin geliyey, oo waa meel aan waxba looga baahnayn waxa dhulka laga helo oo dhan.

    11¶ Markaas reer Daan waxaa halkaas kaga bixitimay oo Sorcaah iyo Eshtaa'ool ka tegey lix boqol oo nin oo hubkii dagaalka xidhan.

    12Markaasay baxeen oo degeen Qiryad Yecaariim oo ku taal Yahuudah; sidaas daraaddeed meeshaas waxay u bixiyeen Maxaneh Daan, oo ilaa maanta waa la yidhaahdaa; oo waxay ka dambaysaa Qiryad Yecaariim.

    13Oo halkaasna way ka tageen oo waxay u kaceen dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim, markaasay yimaadeen gurigii Miikaah.

    14Kolkaasaa shantii nin oo waddanka Layish soo basaastay waxay ku jawaabeen oo walaalahood ku yidhaahdeen, War ma og tihiin inay guryahan ku jiraan eefod iyo teraafiim, iyo sanam xardhan iyo sanam la shubay? Haddaba sidaas daraaddeed ka fiirsada waxaad samayn lahaydeen.

    15Oo intay halkaas ku soo leexdeen ayay yimaadeen gurigii ninkii dhallinyarada ahaa oo reer Laawi, kaasoo ahaa gurigii Miikaah, wayna nabdaadiyeen.

    16Markaasay lixdii boqol oo nin ee hubka dagaalka xidhnayd ee ahaa reer Daan ag istaageen iridda laga soo galo.

  • Xaak 18:18-27
    10 aayado
    86%

    18Oo kuwaasu markay galeen gurigii Miikaah, oo ay soo qaateen sanamkii xardhanaa, iyo eefodkii, iyo teraafiimkii, iyo sanamkii la shubay, ayuu wadaadkii ku yidhi, War maxaad samaynaysaan?

    19Oo iyana waxay isagii ku yidhaahdeen, Iska aamus, oo gacanta afka saar, ee haddaba na soo raac, oo noo noqo aabbe iyo wadaad; bal kee baa kuu roon, inaad nin keliya reerkiis wadaad u ahaatid, iyo inaad wadaad u ahaatid qabiil iyo jilib reer binu Israa'iil ka mid ah?

    20Markaasuu wadaadkii qalbiga ka farxay, oo qaaday eefodkii iyo teraafiimkii, iyo sanamkii xardhanaa, oo wuxuu dhex galay dadka.

    21Markaasay noqdeen oo tageen, oo waxay iska horraysiiyeen dhallaankii, iyo xoolihii iyo alaabtii.

    22Oo markay ka fogaadeen gurigii Miikaah ayaa raggii joogay guryihii u dhowaa gurigii Miikaah soo wada ururay, oo waxay gaadheen reer Daan.

    23Oo waxay u dhawaaqeen reer Daan. Iyana intay ku soo jeesteen ayay Miikaah ku yidhaahdeen, War maxaa kaa qaylisiinaya oo aad guutada caynkan ah u soo kaxaysatay?

    24Isna wuxuu yidhi, Waxaad iga qaadateen ilaahyadaydii aan sameeyey, iyo wadaadkaygii, oo waad tagteen, haddaba maxaan kaloo haystaa? Haddaba sidee baad ii leedihiin, War maxaa kaa qaylisiinaya?

    25Markaasay reer Daan ku yidhaahdeen, War hoy, codkaaga yaan dhexdayada laga maqlin, waaba intaasoo ay ragga cadhaysanu ku dilaan, oo aad weydaa naftaada iyo nafta reerkaagaba.

    26Markaasay reer Daan iska tageen. Oo Miikaahna markuu arkay inay aad uga xoog badan yihiin ayuu iska noqday oo gurigiisii tegey.

    27Oo iyana waxay la tageen wixii Miikaah sameeyey, iyo wadaadkiisii, markaasay yimaadeen Layish, iyo dad xasilloon oo ammaan u fadhiya, oo waxay ku laayeen seef; oo magaaladiina dab bay ku gubeen.

  • Xaak 18:1-5
    5 aayado
    81%

    1¶ Waagaas reer binu Israa'iil boqor ma ay lahayn; oo qabiilkii reer Daan waxay wakhtigaas doonayeen dal dhaxal u ah oo ay degaan; waayo, ilaa maalintaas dhaxal kama ay helin qabiilooyinka reer binu Israa'iil.

    2Markaasay reer Daan qabiilkoodii oo dhan ka direen shan nin oo xoog leh, oo waxay ka direen Sorcaah iyo Eshtaa'ool, inay dalka soo basaasaan oo ay soo baadhaan; oo waxay ku yidhaahdeen, Taga oo dalka soo baadha. Markaasay yimaadeen gurigii Miikaah oo ku yiil dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim, oo meeshaasay u hoydeen.

    3Oo markay gurigii Miikaah ag joogeen ayay garteen codkii ninkii dhallinyarada ahaa oo reer Laawi. Markaasay halkaas ku leexdeen, oo waxay ku yidhaahdeen, War yaa halkan ku keenay? Oo maxaad ka samaysaa meeshan? Maxaadse ku haysataa halkan?

    4Oo isna wuxuu ku yidhi iyagii, Sidan iyo sidaas ayaa Miikaah ii sameeyey, wuuna i kiraystay, oo anna waxaan noqday wadaadkiisii.

    5Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, bal Ilaah talo noo weyddii, inaannu ogaanno bal inaannu jidkayaga aan ku soconno ku soo liibaanayno iyo in kale.

  • 75%

    30Markaasay reer Daan qotonsadeen sanamkii xardhanaa; oo Yoonaataan oo ahaa ina Gershoom oo ina Muuse ahaa iyo wiilashiisiiba waxay wadaaddo u ahaayeen qabiilkii reer Daan ilaa wakhtigii dalka la qabsaday.

    31Oo waxay qotonsadeen sanamkii xardhanaa oo Miikaah sameeyey, oo intii guriga Ilaah Shiiloh ku yiil oo dhan ayuu oolli jiray.

  • Xaak 17:4-5
    2 aayado
    74%

    4Oo markuu lacagtii hooyadiis u soo celiyey ayay hooyadiis qaadatay laba boqol oo xabbadood oo lacag ah, oo waxay u dhiibtay lacagtume, oo isna wuxuu ka sameeyey sanam xardhan iyo sanam la shubay; waxayna yaalleen gurigii Miikaah.

    5Oo ninkii Miikaah ahaana wuxuu lahaa guri ilaahyood, oo wuxuu sameeyey eefod iyo teraafiim, oo wuxuuna quduus ka dhigay wiilashiisii midkood, oo isna wuxuu u noqday wadaadkiisii.

  • 2Oo bal eeg, lix nin baa waxay ka yimaadeen iriddii sare xaggeeda taasoo xagga woqooyi u sii jeedda, oo midkood kastaaba wuxuu gacanta ku haystay hubka uu wax ku laayo, oo waxaa dhexdooda joogay mid dhar wanaagsan qaba, oo dhinacana waxaa ugu xidhnaa geeskii khadka kan wax qora. Markaasay galeen oo waxay ag istaageen meeshii allabariga ee naxaasta ahayd.

  • 8Waxay doorteen ilaahyo cusub; Oo markaasaa dagaal irdaha ka dhacay. Afartan kun oo reer binu Israa'iil Ma lagu arkay gaashaan ama waran?

  • 7¶ Markaasay shantii nin tageen, oo yimaadeen Layish oo waxay arkeen dadkii halkaa joogay oo ammaan ku deggan siday reer Siidoon u xasilloonaayeen oo ammaan u ahaayeen oo kale; waayo, dalka laguma arag wax amar haysta, oo ka xishoodsiinaya, oo reer Siidoonna way ka fogaayeen, oo ninnaba lama ay macaamiloon jirin.

  • 18Oo sirkaalkii askartu wuxuu kaloo kaxaystay Seraayaah oo ahaa wadaadkii sare, iyo Sefanyaah oo ahaa wadaadkii labaad, iyo saddexdii iridjoog;

  • 10Qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan boqolkiiba toban nin baannu kala baxaynaa, kunkiina waxaannu kala baxaynaa boqol nin, tobankii kunna waxaannu kala baxaynaa kun nin, inay dadka sahay u keenaan si markii ay tagaan Gibecaahda reer Benyaamiin ay wax ugu sameeyaan xumaantii ay ku dhex sameeyeen reer binu Israa'iil aawadeed.

  • 21Iyana halkaasay sanamyadoodii kaga tageen, waxaana qaaday Daa'uud iyo raggiisii.

  • 15Markaasay kuwii reer Laawi soo dejiyeen sanduuqii Rabbiga, iyo sanduuqii isaga la jirayba ee alaabta dahabka ahu ku jirtay, oo waxay kor saareen dhagaxii weynaa; oo isla maalintaas ayaa dadkii reer Beytshemesh Rabbiga u bixiyeen qurbaanno la gubo iyo allabaryo.

  • 23Oo markaasay ka bixiyeen teendhadii dhexdeedii, oo waxay u keeneen Yashuuca, iyo reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxay hor dhigeen Rabbiga.

  • 6oo haddana waxay yimaadeen Gilecaad, iyo ilaa dalkii Taxtiim Xodshii; oo waxay yimaadeen Daan Yacan, iyo Siidoon hareeraheeda,

  • 2Markaasay reer Falastiin sanduuqii Ilaah qaateen, oo intay geliyeen gurigii Daagoon ayay ag qotomiyeen Daagoon.

  • 2 Taar 5:4-5
    2 aayado
    68%

    4Oo odayaashii reer binu Israa'iil oo dhammu way yimaadeen, markaasay kuwii reer Laawi sanduuqii axdiga soo qaadeen.

    5Oo way keeneen sanduuqii axdiga, iyo teendhadii shirka, iyo kulli weelashii quduuska ahaa oo teendhada ku jiray oo dhan; oo intaas oo dhan waxaa soo qaaday wadaaddadii reer Laawi.

  • 10Oo dadkiina sidii bay yeeleen, oo waxay soo wateen laba sac oo irmaan, oo waxay ku xidheen gaadhigii, oo weylahoodiina waxay ku xereeyeen guriga;

  • Tir 31:26-27
    2 aayado
    67%

    26Soo tiriya boolida la soo dhacay, dad iyo duunyaba, adiga iyo wadaadka Elecaasaar ah iyo madaxda qabiilooyinka shirka,

    27oo boolida laba meelood u kala qaybi, oo kala sii ragga dagaalyahanka ah ee dagaalka u baxay, iyo intii kale ee shirka oo dhan;

  • 18oo jiirarkii dahabka ahaana waxay tiro le'ekaayeen magaalooyinkii reer Falastiin oo shantii madaxda ahayd lahaayeen oo dhan, oo waa laga wada bixiyey magaalooyinkii deyrka lahaa iyo tuulooyinkii duurka ku yiilba iyo ilaa xataa dhagaxii weynaa ee ay dul saareen sanduuqii Rabbiga, kaasoo xataa ilaa maantadan la joogo dhex yaal beertii Yashuuca kii reer Beytshemesh.

  • 25Oo waxay ugu jawaabeen, Annagoo raalli ka ah ayaannu ku siinaynaa. Kolkaasay maro gogleen, oo nin kastaaba wuxuu ku tuuray hilqadihii uu boolida u helay.

  • 30Haddaba taasu waxay noqotay dembi, maxaa yeelay, dadkii waxay u tegi jireen inay middood caabudaan xataa ilaa Daan.

  • 10Markaasaa wadaadkii wuxuu boqol u taliyayaashii siiyey warmihii iyo gaashaammadii Boqor Daa'uud lahaa oo guriga Rabbiga yiil.

  • 17¶ Oo raggii reer binu Israa'iil oo reer Benyaamiin aanay ku jirinna tiradoodii waxay ahayd afar boqol oo kun oo nin oo wada seefqaad ah; oo kulligoodna waxay ahaayeen rag dagaalgal ah.

  • 53Oo reer binu Israa'iilna way ka noqdeen reer Falastiinkii ay eryanayeen, oo xeradoodiina way dhaceen.

  • 2Markaasaa dadka madaxdiisii oo dhan ee ka socda qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan ayaa isa soo dhex taagay dadka Ilaah shirkiisii, kuwaasoo ahaa afar boqol oo kun oo nin oo lug ah oo wada seefqaad ah.

  • 38¶ Oo reer Daanna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,