Xaakinnadii 7:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo iyana nin waluba wuxuu istaagay meeshiisii iyagoo xerada ku wareegsan; markaasaa ciidankii oo dhammu wada yaacay; wayna qayliyeen oo carareen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 14:13-14 : 13 Markaasaa Muuse wuxuu dadkii ku yidhi, War ha cabsanina, oo iska taagnaada, oo bal arka badbaadada uu Rabbigu maanta idiin samayn doono; waayo, Masriyiinta aad maanta aragteen, weligiin mar dambe ma arki doontaan. 14 Oo Rabbigu aawadiin buu u diriri doonaa, oo idinku waa inaad iska aamusnaataan.
  • Bax 14:25 : 25 Kolkaasuu giringirihii gaadhifardoodkooda xidhay, inay si dhib leh u kexeeyaan; markaasay Masriyiintii waxay yidhaahdeen, Reer binu Israa'iil hortooda aynu ka cararno; waayo, Rabbigu waa u dirirayaa iyaga oo uga hiilinayaa Masriyiinta.
  • 2 Boq 7:6-7 : 6 Maxaa yeelay, Sayidku wuxuu ciidankii Suuriya maqashiiyey gaadhifardood sanqadhood, iyo fardo sanqadhood, iyo xataa ciidan weyn sanqadhiis; oo waxay isku yidhaahdeen, War boqorkii dalka Israa'iil wuxuu inoo soo kiraystay boqorradii reer Xeed, iyo boqorradii Masar inay inagu soo duulaan. 7 Sidaas daraaddeed way kaceen oo carareen intay fiidkii ahayd. Waxayna ka tageen teendhooyinkoodii, iyo fardahoodii, iyo dameerahoodii, iyo xataa xeradiina siday ahayd; naftoodiina way la carareen.
  • 2 Taar 20:17 : 17 Idinku uma baahnaan doontaan inaad dagaalkan gashaan, haddaba dadkii Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalemow, joogsada, oo iska taagnaada, oo eega badbaadada Rabbigu idin badbaadinayo; berrito iyaga u baxa, oo ha cabsanina, hana qalbi jabina, maxaa yeelay, Rabbiga ayaa idinla jira.
  • Ayuub 15:21-22 : 21 Oo sanqadh cabsi leh ayaa dhegihiisa gasha, Oo wakhtiga barwaaqadana baabbi'iyuhu waa u soo iman doonaa. 22 Isagu ma rumaysto inuu gudcurka ka noqon doono, Iyo inay seeftu isaga sugayso.
  • Maah 28:1 : 1 Kuwa sharka lahu waxay cararaan iyadoo aan ciduna eryanayn, Laakiinse kuwa xaqa ahu waxay u dhiirran yihiin sida libaax oo kale.
  • Ish 30:7 : 7 Waayo, caawimaadda Masar waa wax aan waxba tarayn oo aan innaba qasdi lahayn, oo sidaas daraaddeed waxaan magaceedii u bixiyey Rahabta iska fadhida.
  • Ish 30:15 : 15 Waayo, Sayidka Rabbiga ah oo ah kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil wuxuu yidhi, Soo noqosho iyo nasasho ayaad ku badbaadi doontaan, oo xasilloonaan iyo kalsooni ayaad xoog ku yeelan doontaan, laakiinse ma aydaan doonayn.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Xaak 7:22-24
    3 aayado
    84%

    22Oo iyana waxay afuufeen saddexdii boqol oo buun, markaasaa Rabbigu wuxuu nin walba ku kiciyey saaxiibkiis iyo ciidankii oo dhan; oo ciidankiina wuxuu sii cararayay ilaa Beytshitah oo ah xagga Sereeraad, iyo tan iyo xuduudka Aabeel Mehoolaah oo u dhow Tabbaad.

    23Oo raggii reer binu Israa'iilna waxay isaga soo urureen reer Naftaali, iyo reer Aasheer, iyo reer Manaseh oo dhan, oo waxay eryoodeen reer Midyaan.

    24Markaasaa Gidcoon wargeeyayaal u diray dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Dhaadhaca, oo ka hor taga reer Midyaan, oo waxaad ka hor qabsataan biyaha ku jira tan iyo Beytbaaraah, iyo xataa Webi Urdun. Markaasay raggii reer Efrayim oo dhammu soo urureen oo waxay qabsadeen biyihii ku jiray tan iyo Beytbaaraah, iyo xataa Webi Urdun.

  • Xaak 7:14-20
    7 aayado
    80%

    14Markaasaa saaxiibkiis u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Taasu wax kale ma aha, seeftii Gidcoon ina Yoo'aash mooyaane, kaasoo ah nin reer Israa'iil ah. Ilaah baa kaas gacantiisa geliyey reer Midyaan iyo ciidanka oo dhanba.

    15¶ Oo markii Gidcoon maqlay sheegistii riyada iyo micnaynteediiba ayuu Rabbiga caabuday, oo kolkaasuu xeradii reer binu Israa'iil ku noqday, oo wuxuu ku yidhi, Kaca, waayo, Rabbigu gacantuu idiin soo geliyey ciidanka reer Midyaan.

    16Markaasuu saddexdii boqol oo nin u kala qaybiyey saddex guuto, oo kulligoodba gacmahuu u geliyey buunan, iyo jalxado madhan oo ay qoryo ololayaa ku dhex jiraan.

    17Oo wuxuu ku yidhi iyagii, Ii fiirsada, oo yeela sidaan yeelo oo kale; oo bal eega, markii aan gaadho meesha xerada ku wareegsan waa inaad yeeshaan sidaan yeelo oo kale.

    18Markaan buunka afuufo, aniga iyo inta ila jirta oo dhammu, idinkuna buunanka dhinac walba kaga afuufa xerada, oo waxaad tidhaahdaan, Rabbiga aawadiis iyo Gidcoon aawadiis.

    19¶ Haddaba Gidcoon iyo boqolkii nin oo la jiray waxay yimaadeen meeshii xerada ku wareegsanayd, dhankii ugu fogaa, oo markaasna waxay ahayd habeenbadhkii goorta waardiyaha cusub la saaro; oo waxay afuufeen buunankii, jalxadihii gacmahooda ku jirayna way burburiyeen.

    20Markaasay saddexdii guutoba buunankii afuufeen, oo jalxadihiina way burburiyeen, oo qoryihii ololayayna waxay ku wada qabsadeen gacanta bidix, buunankiina gacanta midig inay afuufaan, oo waxay ku wada qayliyeen, Seeftii Rabbiga iyo Gidcoon.

  • Xaak 7:1-9
    9 aayado
    76%

    1¶ Markaasay Yerubbacal oo ah Gidcoon iyo dadkii isaga la jiray oo dhan aroor hore kaceen, oo waxay degeen ishii Xarod dhinaceeda; oo xeradii reer Midyaanna waxay iyaga ka xigtay xagga woqooyi oo u dhow buurta Moreh, oo dooxadii ku dhex tiil.

    2¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Gidcoon ku yidhi, Dadka kula socdaa way igu badan yihiin inaan reer Midyaan gacanta u soo geliyo, waayo, waaba intaasoo ay reer binu Israa'iil ii faanaan, oo ay isyidhaahdaan, Gacantaydaa i badbaadisay.

    3Haddaba tag oo dadka dhegahooda ku naadi, oo waxaad ku tidhaahdaa, Ku alla kii baqaya oo gariirayaa, ha iska noqdo oo ha ka tago Buur Gilecaad. Markaasaa dadkii waxaa dib uga noqday laba iyo labaatan kun oo nin, oo waxaa soo hadhay toban kun.

    4¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Gidcoon ku yidhi, Dadku weli aad buu u badan yahay; bal waxaad geeysaa biyaha, oo halkaasaan iyaga kuugu tijaabinayaa, oo waxay noqon doontaa, kii aan kugu idhaahdo, Kanu ha ku raaco, kaasaa ku raaci doonaa, oo ku alla kii aan kugu idhaahdo, Kanu ku raaci maayo, kaasu waa inaanu ku raacin.

    5Sidaas daraaddeed dadkii wuxuu keenay biyihii; markaasaa Rabbigu Gidcoon ku yidhi, Ku alla kii biyaha carrabkiisa ku leefleefa sida eey oo kale, kaas gooni ahaantiisa u sooc, sidaas oo kalena ku alla kii u jilba joogsada inuu biyaha cabbo isna gooni ahaantiisa u sooc.

    6Oo kuwii leefleefay oo calaacalahooda afka saaray tiradoodii waxay noqotay saddex boqol oo nin; laakiinse dadka intiisii kale way wada jilba joogsadeen inay biyihii cabbaan.

    7Markaasaa Rabbigu wuxuu Gidcoon ku yidhi, Saddexda boqol oo nin oo calaacalahooda biyo ka leefleefay ayaan idinku badbaadinayaa, oo reer Midyaanna gacantaadaan soo gelinayaa; laakiinse dadka intiisa kale oo dhammu ha iska tageen, oo nin waluba ha ku noqdo meeshiisii.

    8Sidaas daraaddeed dadkii waxay gacmahoodii ku qaateen sahay iyo buunankoodii, oo kulli dadkii reer binu Israa'iil wuu iska diray, oo nin waluba wuxuu tegey teendhadiisii, laakiin wuxuu la hadhay saddexdii boqol oo nin. Oo xeradii reer Midyaanna waxay ku tiil dooxadii isaga ka hoosaysay.

    9¶ Oo isla habeenkaas Rabbigu wuxuu Gidcoon ku yidhi, Kac, oo xerada ku dhaadhac, waayo, iyada gacantaan kuu geliyey.

  • 7Sidaas daraaddeed way kaceen oo carareen intay fiidkii ahayd. Waxayna ka tageen teendhooyinkoodii, iyo fardahoodii, iyo dameerahoodii, iyo xataa xeradiina siday ahayd; naftoodiina way la carareen.

  • Xaak 6:33-35
    3 aayado
    73%

    33¶ Markaasaa waxaa is-urursaday reer Midyaan, iyo reer Camaaleq, iyo reer barigii oo dhan, oo intay Webi Urdun ka gudbeen ayay dooxadii Yesreceel degeen.

    34Laakiinse Ruuxii Rabbigu wuxuu ku soo degay Gidcoon, markaasuu buun ku dhuftay, oo waxaa ku soo ururay reer Abiiceser.

    35Oo wuxuu wargeeyayaal u diray reer Manaseh oo dhan, oo iyana markaasay ku soo urureen; oo haddana wuxuu wargeeyayaal u diray reer Aasheer, iyo reer Sebulun, iyo reer Naftaali, oo iyana way u yimaadeen inay la kulmaan iyagii.

  • Xaak 8:10-12
    3 aayado
    72%

    10¶ Haddaba Sebah iyo Salmunnac waxay joogeen Qarqor, iyaga iyo ciidammadoodii, oo waxay ku dhowaayeen shan iyo toban kun oo nin, oo intaasuna waxay ahayd intii ka hadhay ciidankii reer bariga oo dhan; waayo, waxaa ka la'day boqol iyo labaatan kun oo nin oo seefqaad ah.

    11Kolkaasaa Gidcoon u kacay xagga kuwii teendhooyinka degganaa oo ku jiray meel bari ka xigta Nobax iyo Yaagbehaah, oo wuxuu laayay ciidankii, maxaa yeelay, ciidanku nabad buu u fadhiyey.

    12Oo Sebah iyo Salmunnac way carareen, oo isna wuu eryooday, wuuna soo qabsaday labadii boqor oo reer Midyaan oo ahaa Sebah iyo Salmunnac, oo ciidankii oo dhanna wuu ka nixiyey.

  • 15Markaasaa Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay iska dhigeen sidii iyagoo laga adkaaday, oo waxay ku carareen xaggii jidka cidlada.

  • 7Iyagu waxay hore ugu ordayaan sida rag xoog badan, oo waxay derbiga u fuulayaan sida rag dagaalyahan ah, oo midkood waluba halkiisuu marayaa, oo kala leexan maayaan.

  • 24Oo raggii reer binu Israa'iil oo dhammu markii ay ninkii arkeen ayay ka carareen, aad bayna uga cabsadeen.

  • 4Markaasay Gidcoon iyo saddexdii boqol oo nin ee la socotay isaga yimaadeen Webi Urdun, wayna ka gudbeen, oo in kastoo ay daalanaayeen weliba wax bay eryoonayeen.

  • 22Oo dadka Israa'iil way ka adkaadeen dadka Yahuudah, oo nin waluba wuxuu u cararay teendhadiisii.

  • Yash 8:5-6
    2 aayado
    70%

    5oo aniga iyo dadka ila jira oo dhammuba waxaannu u dhowaan doonnaa magaalada, oo markay dibadda noogu soo baxaan sida kolkii ugu horraysay, waannu ka carari doonnaa hortooda.

    6Markaasay na soo eryan doonaan ilaa aannu iyaga magaalada ka fogayno; waayo, waxay is-odhan doonaan, Sidii markii ugu horraysay bay naga cararayaan, oo sidaasaannu uga hor carari doonnaa iyaga.

  • 52Oo reer binu Israa'iilna markay teendhooyinkooda dhistaan, nin waluba tiisa xeradiisa ha ka dhisto, oo nin waluba calankiisa ha uga ag dhisto sida ciidammadoodu yihiin.

  • 15Waayo, iyagu seef bay ka carareen, taas oo ahayd seef gal la', iyo qaanso xodan iyo dagaal aad u kulul.

  • 21Markaasaa Sebah iyo Salmunnac waxay ku yidhaahdeen, War adigu kac oo na laa; waayo, nin waluba siduu yahay ayaa xooggiisuna yahay. Markaasaa Gidcoon kacay oo laayay Sebah iyo Salmunnac, oo wuxuu qaatay bilihii ku xidhnaa qoorta awrtooda.

  • 14Oo dadkii Yahuudah markay gadaashooda eegeen waxay arkeen in hore iyo gadaalba laga soo weeraray, markaasay Rabbiga u qayshadeen, oo wadaaddadiina waxay ka dhawaajiyeen turumbooyinkii.

  • 27Markaasaa Gidcoon wuxuu soo kaxaystay toban nin oo addoommadiisii ahaa, oo wuxuu sameeyey wixii Rabbigu u sheegay, oo shuqulkii habeennimuu sameeyey, maxaa yeelay, wuxuu ka cabsanayay reerkii aabbihiis iyo dadkii magaalada, oo taas darteed maalinnimo ma uu samayn karin.

  • 12Oo dadka Israa'iil way ka adkaadeen dadka Yahuudah, oo nin waluba wuxuu u cararay teendhadiisii.

  • 5Oo markaad turumbada digtoonaanta afuuftaan, xerooyinka xagga bari degganu waa inay guuraan.

  • 20Sidaas daraaddeed dadkii way qayliyeen, oo wadaaddadiina buunankii bay afuufeen, oo markii dadkii maqleen dhawaaqii buunka ayaa dadkii ku qayliyey qaylo dheer, oo markaasaa derbigii meeshiisii ku dhacay, oo sidaasay dadkiina ku galeen magaaladii, oo nin waluba hortiisuu qummaati ugu socday, oo magaaladii bay qaateen.

  • 14Sidaas daraaddeed Yoo'aab iyo dadkii la jirayba waxay ugu soo dhowaadeen inay la dagaallamaan reer Suuriya, oo iyana markaasay hortiisa ka carareen.

  • 22Oo sidaas oo kalena kulli raggii reer binu Israa'iil oo mar hore ku dhuuntay dalka buuraha leh oo reer Efrayim, iyana markii ay maqleen in reer Falastiin carareen ayay soo raacdaysteen oo dagaalkii soo galeen.

  • 33Markaasay raggii reer binu Israa'iil oo dhammu ka kaceen meeshoodii, oo waxay dagaal isugu diyaariyeen Bacal Taamaar; oo raggii gaadmada ahaa oo reer binu Israa'iilna waxay ka soo yaaceen meeshoodii, taasoo ahayd duurka Gibecaah.

  • 7Oo reer Falastiinna markay maqleen in reer binu Israa'iil Misfaah ku urursan yihiin ayaa madaxdii reer Falastiin u kaceen inay ku soo duulaan reer binu Israa'iil. Oo reer binu Israa'iilna markay taas maqleen ayay aad uga cabsadeen reer Falastiin.