Baroorashadii 3:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Tan uun baan garwaaqsan ahay, sidaas daraaddeed rajaan leeyahay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 130:7 : 7 Reer binu Israa'iilow, Rabbiga rajo ku qaba, Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay naxariis Iyo weliba furasho aad iyo aad u badan.
  • Bar 3:24-29 : 24 Naftaydu waxay tidhaahdaa, Rabbigu waa qaybtaydii, sidaas daraaddeed isagaan rajo ku qabi doonaa. 25 Rabbigu waa u roon yahay kuwa isaga rajo ku suga iyo naftii isaga doondoontaba. 26 Waxaa wanaagsan in badbaadinta Rabbiga rajo iyo aamusnaan lagu sugo. 27 Waxaa wanaagsan in nin harqoodka qaato intuu dhallinyar yahay. 28 Keligiis ha fadhiisto isagoo aamusan, maxaa yeelay, isagaa kor saaray. 29 Afkiisa ciidda ha daro, waxaa suurtowda inay rajo jirto.
  • Xab 2:3 : 3 Waayo, wixii lagu tusay waa weli, oo waxay iman doonaan wakhtigii la yidhi, wayna u degdegaan ugudambaysta, oo innaba been ma sheegi doonaan. In kastoo ay raagaan waa inaad sugtaa, maxaa yeelay, sida xaqiiqada ah way noqon doonaan, oo innaba ma raagi doonaan.
  • Sab 77:7-9 : 7 Sayidku weligiisba ma i xoorayaa? Oo miyaanu mar dambe raalli iga ahaanaynin? 8 Naxariistiisii miyey wada dhammaatay weligeedba? Ballankiisiina miyuu baaqanayaa ka ab ka ab? 9 Ilaah miyuu illoobay inuu ahaado mid raxmad badan? Naxariistiisiina ma isagoo cadhaysan buu xidhay? (Selaah) 10 Oo weliba waxaan idhi, Tanu waa itaaldarradayda, Laakiinse waxaan xusuusan doonaa sannadihii gacanta midig oo Ilaaha ugu sarreeya. 11 Waxaan ka soo sheekayn doonaa Rabbiga falimihiisa, Waayo, waxaan soo xusuusan doonaa cajaa'ibyadaadii hore.
  • Sab 119:81 : 81 Naftaydu waa u taag darnaataa badbaadintaada aan u xiisoodo aawadeed, Laakiinse eraygaagaan rajo ku qabaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bar 3:17-20
    4 aayado
    82%

    17Naftaydii nabad waad ka fogaysay, oo barwaaqo iyo wanaag waan illoobay.

    18Waxaan is-idhi, Xooggaygii iyo rajadaydiiba xagga Rabbiga way ka baabbe'een.

    19Xusuuso dhibkaygii iyo wareeggaygii, iyo dacartii iyo xammeetidii.

    20Naftaydu iyagay weli soo xusuusataa, oo ceeb bay la foororsatay.

  • Bar 3:22-24
    3 aayado
    77%

    22Rabbiga naxariistiisa aawadeed ayaan laynoo baabbi'in, maxaa yeelay, raxmaddiisu ma dhammaato.

    23Subax walba way cusub yihiin, daacadnimadaaduna way weyn tahay.

    24Naftaydu waxay tidhaahdaa, Rabbigu waa qaybtaydii, sidaas daraaddeed isagaan rajo ku qabi doonaa.

  • 75%

    49Xusuuso eraygii aad anoo addoonkaaga ah igula hadashay, Oo aad igu rajo gelisay.

    50Oo taasu waa i qalbi qaboojisaa markii aan dhibaataysnahay, Waayo, eraygaagaa i soo nooleeyey.

  • 7Haddaba Sayidow, bal maxaan sugaa? Waayo, rajadaydu adigay kugu xidhan tahay.

  • 5Waxaan sugaa Rabbiga, Naftayduna way sugtaa, oo eraygiisa ayaan rajo ku qabaa.

  • Sab 77:9-11
    3 aayado
    73%

    9Ilaah miyuu illoobay inuu ahaado mid raxmad badan? Naxariistiisiina ma isagoo cadhaysan buu xidhay? (Selaah)

    10Oo weliba waxaan idhi, Tanu waa itaaldarradayda, Laakiinse waxaan xusuusan doonaa sannadihii gacanta midig oo Ilaaha ugu sarreeya.

    11Waxaan ka soo sheekayn doonaa Rabbiga falimihiisa, Waayo, waxaan soo xusuusan doonaa cajaa'ibyadaadii hore.

  • 7Markii naftaydu itaal darnaatay ayaan ku xusuustay, Rabbiyow; Oo baryadaydii adigay kuu timid, oo waxay kuugu soo gashay macbudkaaga quduuskaa.

  • 52Rabbiyow, tan iyo mar hore waxaan soo xusuusnaa xukummadaada, Waanan isqalbi qaboojiyey.

  • Sab 33:21-22
    2 aayado
    72%

    21Haddaba qalbigeennu isaguu ku rayrayn doonaa, Maxaa yeelay, innagu waxaynu isku halleeynay magiciisa quduuska ah.

    22Rabbiyow, naxariistaadu ha noogu soo degto, Sidii aannu kaa rajaynay.

  • 15Bal markaas meeday rajadaydu? Oo bal yaase rajadayda arki doona?

  • 7Naxariistaada waan ku farxi doonaa, waanan ku rayrayn doonaa, Waayo, dhibaatadii igu dhacday waad aragtay, Waanad ogayd qaxarka naftaydu ku jirtay,

  • 14Laakiinse anigu had iyo goorba wax baan rajaynayaa, Oo weliba waan kuu sii ammaanayaa aad iyo aad.

  • Sab 42:4-5
    2 aayado
    72%

    4Haddaba waan qarracmaa markaan soo xusuusto waxyaalahan, Sidaan guutada u raaci jiray, oo aan iyaga ugu hor kici jiray guriga Ilaah, Annagoo ku heesayna cod farxad ah iyo ammaan, oo ah dad fara badan oo iidaya.

    5Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay? Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay? Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan isaga u ammaanayaa caawimaadda wejigiisa.

  • 3Reer binu Israa'iilow, Rabbiga rajo ku qaba, Haddeer intii laga bilaabo iyo tan iyo weligiinba.

  • Sab 25:6-7
    2 aayado
    72%

    6Rabbiyow, xusuuso naxariistaada iyo raxmaddaada, Waayo, weligoodba way jireen.

    7Ha xusuusan dembiyadii dhallinyaranimadayda iyo xadgudubyadaydii, Laakiinse ii xusuuso sida raxmaddaadu tahay, Iyo wanaaggaaga aawadiis, Rabbiyow.

  • 15Waayo, Rabbiyow, adaan wax kaa rajaynayaa, Oo adna waad ii jawaabi doontaa, Sayidow Ilaahaygiiyow.

  • 81Naftaydu waa u taag darnaataa badbaadintaada aan u xiisoodo aawadeed, Laakiinse eraygaagaan rajo ku qabaa.

  • 26Waxaa wanaagsan in badbaadinta Rabbiga rajo iyo aamusnaan lagu sugo.

  • 5Waxaan soo xusuustaa wakhtigii hore, Falimahaaga oo dhanna waan ka fikiraa, Oo waxaan fiiro u yeeshaa shuqulkii gacmahaaga.

  • 26Taas aawadeed qalbigaygu waa farxay, carrabkayguna waa reyreeyey; Weliba jidhkaygu rajuu ku nasan doonaa.

  • 23Kan ina soo xusuustay markaan gunta ahayn, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

  • 3Waxaan soo xusuustaa Ilaah, markaasaan welwelaa, Waan cawdaa, markaasay naftaydu taag darnaataa. (Selaah)

  • 6Habeenka waxaan soo xusuustaa gabaygayga, Oo waxaan la sheekaystaa qalbigayga, Oo ruuxaygiina aad buu wax u doondoonay.

  • 41Qalbigeenna iyo gacmaheenna aynu kor ugu taagno Ilaaha samooyinka ku jira.

  • 21Waayo, qalbigaygu wuu murugooday, Oo waxaa layga muday kelyaha,

  • 7Inay rajadooda Ilaah ku xidhaan, Oo aanay illoobin Ilaah shuqulladiisii, Laakiinse ay xajiyaan amarradiisa,

  • 7Reer binu Israa'iilow, Rabbiga rajo ku qaba, Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay naxariis Iyo weliba furasho aad iyo aad u badan.

  • 27Haddaan odhan lahaa, Cabatinkayga waan illoobi doonaa, Oo tiiraanyada jaaha iga saaran waan iska tuuri doonaa, oo waan faraxsanaan doonaa,

  • 24Kuwiinna Rabbiga wax ka rajaynaya oo dhammow, Adkaysta, oo qalbigiinnu ha dhiirranaado.

  • 5Laakiinse anigu waxaan isku halleeyey naxariistaada, Oo qalbigayguna wuxuu ku rayrayn doonaa badbaadintaada.

  • 17Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Ugudambaystaadana rajaa kuu jirta, oo carruurtaaduna mar kalay waddankooda ku soo noqon doonaan.

  • 18¶ Murugtaydu waa mid aan la fududayn karin, oo qalbigaygiina waa igu dhex taag darnaaday.

  • 11Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay? Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay? Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan ammaanayaa Isagoo ah caawimaadda wejigayga iyo Ilaahay.

  • 9Taas aawadeed qalbigaygu waa faraxsan yahay oo naftayduna way rayraysaa, Oo weliba jidhkayguna ammaan buu ku jiri doonaa.

  • 166Rabbiyow, badbaadintaada waan u xiisooday, Oo amarradaadiina waan oofiyey.

  • 21Waayo, anigu waan xajiyey jidadkii Rabbiga, Oo Ilaahayna si caasinimo ah ugama tegin.

  • 6War kalsoonidaadu sow ma aha cabsida aad Ilaahaaga ka cabsato, Rajadaaduse sow ma aha daacadnimada jidadkaaga?

  • 5Waayo, Sayidow Ilaahow, waxaad tahay rajadayda, Oo waxaad tahay kii aan isku hallaynayay tan iyo yaraantaydii.

  • 56Taasu waa ii ahaatay, Maxaa yeelay, amarradaadii baan xajiyey.