Baroorashadii 3:41

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Qalbigeenna iyo gacmaheenna aynu kor ugu taagno Ilaaha samooyinka ku jira.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 25:1 : 1 Rabbiyow, naftayda xaggaagaan kor ugu qaadaa.
  • Sab 28:2 : 2 Maqal codka baryootankayga markaan kuu qayshado, Oo aan gacmahayga u soo taago xagga meeshaada quduuska ah.
  • Sab 141:2 : 2 Baryootankaygu ha noqdo sida foox hortaada la dhigay, Oo gacma-koruqaadiddayduna ha noqoto sida allabariga fiidnimo.
  • Sab 143:6-8 : 6 Gacmahaygaan kuu hoorsadaa, Oo naftaydu adigay kuu harraaddaa sida dhul oommane ah. (Selaah) 7 Rabbiyow, dhaqso iigu soo jawaab, waayo, naftaydu way itaal darnaataa. Wejigaaga ha iga qarin, Waaba intaasoo aan noqdaa sida kuwa godka ku dhaca oo kale. 8 Aroorta naxariistaada i maqashii, Waayo, adigaan isku kaa halleeyaa, I garansii sidii aan u socon lahaa, Waayo, naftaydaan kor kuugu qaadaa.
  • 1 Tes 2:8 : 8 Sidaas daraaddeed, annagoo aad idiin jecel, ayaannu ku faraxnay inaannu wax idin siinno, mana aha injiilka Ilaah oo keliya, laakiinse xataa naftayada, maxaa yeelay, waxaad noo noqoteen kuwo aan jecel nahay.
  • Sab 63:4 : 4 Sidaas daraaddeed waan kugu mahadnaqayaa intaan noolahay, Oo gacmahaygana kor baan ugu qaadi doonaa magacaaga aawadiis.
  • Sab 86:4 : 4 Sayidow, addoonkaaga naftiisa ka farxi, Waayo, naftayda adigaan kor kuugu soo qaadaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 40Jidadkeenna aynu baadhno, oo aynu tijaabinno, oo aynu mar kale Rabbiga u soo noqonno.

  • 42Annagu waannu xadgudubnay oo waannu caasiyownay, oo adiguna nama aad saamixin.

  • 2Gacmaha u taaga macbudka xaggiisa, Oo Rabbiga ammaana.

  • 1Kaaga samooyinka dhex fadhiyow, Adigaan indhahayga kor kuugu taagaa.

  • 13Haddaad qalbigaaga hagaajisid, Oo aad isaga gacmaha u fidsatid,

  • 20Haddii aannu illownay magicii Ilaahayaga, Ama aannu gacmahayaga u kala bixinnay ilaah qalaad,

  • 2Maqal codka baryootankayga markaan kuu qayshado, Oo aan gacmahayga u soo taago xagga meeshaada quduuska ah.

  • 20Rabbiyow, annagu waannu aqoonsannaa sharnimadayada iyo xumaantii awowayaashayoba, waayo, waannu kugu dembaabnay.

  • 2Baryootankaygu ha noqdo sida foox hortaada la dhigay, Oo gacma-koruqaadiddayduna ha noqoto sida allabariga fiidnimo.

  • 6kolkaasaan idhi, Ilaahayow, waan ka xishoonayaa oo waan ka yaxyaxayaa inaan wejigayga xaggaaga u soo jeedsho, waayo, Ilaahayow, xumaatooyinkayagii ayaa nagu batay, oo dembilahaanshahayagiina wuxuu kor ugu baxay samooyinka.

  • 3Rabbiga ila weyneeya, Oo aynu magiciisa wada sarraysiinno.

  • Daan 9:13-15
    3 aayado
    72%

    13Sida ku qoran sharciga Muuse, xumaantan oo dhammu annagay nagu dhacday, welise Rabbiga Ilaahayaga ah raallinimo kama aannu baryin, si aannu uga soo jeesanno dembiyadayada, oo aannu runtaada uga fikirno.

    14Haddaba sidaas daraaddeed baa Rabbigu xumaanta u fiiriyey, oo uu noogu soo dejiyey, waayo, Ilaaha Rabbigayaga ahu wax alla wuxuu sameeyo oo dhan waa ku xaq, oo annana ma aannu addeecin codkiisii.

    15Haddaba Ilaahayaga ahow, oo dadkiisa gacanta xoogga leh Masar kaga soo bixiyayow, oo maanta ammaan isu soo jiidayow, waannu dembaabnay, oo wax shar ah baannu falnay.

  • 21Haddaba qalbigeennu isaguu ku rayrayn doonaa, Maxaa yeelay, innagu waxaynu isku halleeynay magiciisa quduuska ah.

  • 12¶ Sidaas daraaddeed xoogeeya gacmaha taagta daran iyo jilbaha tabarta yar.

  • 21Rabbiyow, xaggaaga noo soo celi, oo waannu soo noqon doonnaa. Maalmahayagana sida kuwii hore oo kale nooga dhig.

  • 9Sayidka Ilaahayaga ahu wuxuu leeyahay naxariis iyo dembidhaaf, waayo, waannu ku caasiyownay;

  • 18Markaas dib kaaga noqon mayno, Na noolee, oo markaasaannu magacaaga ku baryootamaynaa.

  • 12Rabbiyow, Ilaahow, sara joogso, oo gacantaada kor u qaad, Oo masaakiinta ha illoobin.

  • 21Tan uun baan garwaaqsan ahay, sidaas daraaddeed rajaan leeyahay.

  • 3Rabbiyow, noo naxariiso, annaga noo naxariiso, Waayo, waxaa aad nooga buuxda quudhsasho.

  • 2Erayo ula taga Rabbiga, oo waxaad ku tidhaahdaan, Xumaanta oo dhan naga fogee oo si wanaagsan noo aqbal, oo annaguna waxaan sidii dibi qurbaan ah kuu siin doonnaa caabudidda bushimahayaga.

  • 3Laakiinse Ilaahayagu samooyinkuu ku jiraa, Oo wax alla wixii uu doonayayna wuu sameeyey.

  • Sab 24:3-4
    2 aayado
    70%

    3Bal yaa fuuli doona Rabbiga buurtiisa? Oo bal yaa dhex istaagi doona meeshiisa quduuska ah?

    4Waa kii gacmihiisu nadiifsan yihiin, oo qalbigiisu daahir yahay, Oo aan naftiisa hawo been ah kor ugu qaadin, Oo aan si khiyaano leh u dhaaran.

  • 3Noo ducee si Rabbiga Ilaahaaga ahu uu noo tuso jidkii aannu ku socon lahayn iyo wixii aannu samayn lahayn.

  • 1Rabbiyow, bal xusuuso wixii nagu soo degay. Ka fiirso oo bal eeg caydii nalagu caayay.

  • 25Waayo, naftayadu ciidday ku foororsatay, Oo calooshayaduna dhulkay ku dhegtaa.

  • 38kolkaas haddii nin kastaaba amase dadka reer binu Israa'iil oo dhammu ay tukadaan oo baryootamaan oo nin kastaaba ogaado belaayada qalbigiisa ku jirta, oo uu gacmaha u soo fidiyo gurigan xaggiisa,

  • 3Rabbiyow, Ilaahayow, haddii aan waxan sameeyey, Haddii xumaanu gacmahayga ku jirto,

  • 1Rabbiyow, naftayda xaggaagaan kor ugu qaadaa.

  • 5waannu dembaabnay, oo wax baannu si qalloocan u samaynay, oo shar baannu falnay, oo waannu caasiyownay, oo xataa waannu ka baydhnay amarradaadii iyo xukummadaadii,

  • 3Ilaahow, mar kale na soo celi, Oo wejigaaga noo iftiimi, oo waannu badbaadi doonnaa.

  • 13Haddaba sidaas daraaddeed, Ilaahayagiiyow, waannu kugu mahadnaqaynaa, oo magacaaga haybadda badanna waannu ammaanaynaa.

  • 10Haddaba waxaa qalbigayga ku jirta inaan axdi la dhigto Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, si ay cadhadiisa kululu inooga noqoto.

  • 17Oo Rabbiga Ilaahayaga ah nicmadiisu ha na dul joogto, Oo korkayaga ku adkee shuqulka gacmahayaga, Haah, shuqulka gacmahayaga adkee.

  • 27Markaasaa wadaaddadii reer Laawi ahaa kaceen oo dadkii u duceeyeen, oo codkoodiina waa la maqlay, oo baryootankoodii wuxuu soo gaadhay samada ee ah Rabbiga rugtiisa quduuska ah.

  • 21Cod baa ka yeedhaya meelaha dhaadheer dushooda, waana oohin iyo baryootankii dadka Israa'iil, waayo, jidkooday qalloociyeen, oo waxay iska illoobeen Rabbigii Ilaahooda ahaa.

  • 16Haddaba aynu carshiga nimcada dhiirranaan ugu soo dhowaanno si aynu naxariis u qaadanno oo aynu u helno nimco ina caawisa wakhtiga baahida.

  • 8Ha noo xusuusnaan dembiyadii awowayaashayo, Naxariistaadu dhaqsiyo ha noogu timaado, Waayo, aad baa lanoo dhibay.

  • 1Rabbiga ammaana. Rabbiga samooyinka ka ammaana, Meelaha sarsarena ka ammaana.

  • 15Haddaba xaggiisa aynu had iyo goor Ilaah ugu bixinno allabariga ammaanta, kaas waxaa weeye dibnaha magiciisa qirta midhahooda.

  • 1¶ Ina keena aan Rabbiga ku noqonnee, waayo, isagaa ina dillacshay, oo isagaa ina bogsiin doona, isagaa wax inagu dhuftay, oo isagaa nabraheenna inoo duubi doona.

  • 18Qalbigayagu dib uma noqon, Oo tallaabooyinkayaguna jidkaaga kama baydhin,

  • 13Oo tanu waxay noogu soo degtay falimahayagii sharka ahaa aawadood, iyo xujadayadii weynayd aawadeed, maxaa yeelay, Ilaahayagiiyow, waxaad nagu taqsiirtay wax ka yar intii xumaatooyinkayagu mudnaayeen, oo weliba waxaad na siisay dad caynkan ah oo noo hadha,

  • 4Sidaas daraaddeed waan kugu mahadnaqayaa intaan noolahay, Oo gacmahaygana kor baan ugu qaadi doonaa magacaaga aawadiis.

  • 12¶ Waayo, Rabbiyow, xadgudubyadayadii hortaaday ku bateen, oo waxaa nagu marag fura dembiyadayada, waayo, xadgudubyadayadu way nala jiraan, oo xumaatooyinkayagana waannu og nahay.

  • 17Taas darteed qalbigayagu wuu itaal darnaaday. Oo waxyaalahaas aawadoodna indhahayagii way arag darnaayeen.

  • 47Rabbiyow Ilaahayagow, na badbaadi, Oo quruumaha naga soo dhex ururi, Si aannu magacaaga quduuska ah ugu mahadnaqno, Oo aannu ammaantaada ugu guulaysanno.