Laawiyiintii 26:35

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo dalku intuu cidla yahay oo dhan wuu iska nasan doonaa, nasashadaas oo ah mid uusan sabtiyadiinna helin markaad degganaydeen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 24:5-6 : 5 Oo dhulkiina waxaa nijaaseeyey kuwa deggan, maxaa yeelay, iyagu qaynuunnadii bay ku xadgudbeen, oo amarkiina way beddeleen, oo axdigii daa'imka ahaana way jebiyeen. 6 Sidaas daraaddeed dhulkii waxaa baabbi'iyey habaar, oo kuwii dhex degganaana eed baa laga helay, sidaas daraaddeed kuwii dhulka degganaa way gubteen oo wax yar baa ka hadhay.
  • Room 8:22 : 22 Waayo, waxaynu og nahay in uunka oo dhammu wada taahayo oo wada foolanayo ilaa haatan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 91%

    32Oo weliba dalkana cidla baan ka dhigi doonaa, oo cadaawayaashiinna dalka dhex degganuna taas way la yaabi doonaan.

    33Oo waxaan idinku kala dhex firdhin doonaa quruumaha, oo seef gal la' waan idinla daba geli doonaa, dalkiinnuna cidla buu noqon doonaa, oo magaalooyinkiinnuna baabba' bay noqon doonaan.

    34Oo markaasaa dalku sabtiyadiisa ku raaxaysan doonaa intuu cidla yahay oo idinku aad joogtaan dalka cadaawayaashiinna oo dhan; oo wakhtigaas oo dhan dalku wuu iska nasan doonaa, oo wuxuu ku raaxaysan doonaa sabtiyadiisa.

  • 43Oo iyagu dalka way ka tegi doonaan, oo wuxuu ku raaxaysan doonaa sabtiyadiisa intuu cidla yahay oo iyagu ay ka maqan yihiin oo dhan; oo iyaguna way aqbali doonaan taqsiirta xumaatadooda, maxaa yeelay, way diideen xukummadaydii, oo naftooduna qaynuunnadayday karahday.

  • 36Oo intii idinka hadhana waxaan qalbigooda ku ridi doonaa fulanimo, iyagoo dalalka cadaawayaashooda dhex jooga, oo sanqadha caleen dabaylu kaxaynayso ayaa iyaga eryan doonta, oo waxay uga carari doonaan sida qof seef uga cararo, oo iyadoo aan ninna eryanayn ayay iska daadan doonaan.

  • 2Reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad gashaan dalka aan idin siinayo, waa in dalku sabti Rabbiga u dhawraa.

  • 21si uu ku rumoobo Eraygii Rabbiga ee ka baxay afkii Yeremyaah, ilaa dalkii ku istareexay sabtiyadiisii, waayo, in alla intii uu baabba'sanaa ayuu sabti dhawrayay, si ay u dhammaadaan toddobaatan sannadood.

  • Laaw 25:4-6
    3 aayado
    74%

    4Laakiinse sannadda toddobaad waa inay dhulka u ahaataa sabti nasasho weyn ah, oo taasu waa sabti Rabbiga loo dhawro, oo waa inaadan beertaada beeran, ama aadan beertaada canabka ah baarka ka jarin.

    5Oo sannaddaas wixii beertaada ka baxa iyagoo aan la beerin waa inaadan guran, oo canabkaaga aan la hagaajin midhiihii ka baxana waa inaadan urursan, waayo, sannaddaasu waa inay dhulka u ahaataa nasasho weyn.

    6Oo dhulka sabtidiisu cunto bay idiin ahaan doontaa. Adiga, iyo addoonkaaga, iyo addoontaada, iyo midiidinkaaga aad kiraysatay, iyo kan shisheeye kuu ah oo kula degganba,

  • 13Laakiinse dhulku cidla buu noqon doonaa, waana kuwa dhex deggan daraaddood iyo midhihii falimahooda aawadood.

  • 21Lix maalmood waa inaad shaqaysaan, laakiinse maalinta toddobaad waa inaad nasataan; ha ahaatee xilliga beeraha la falo iyo xilliga beeraha la goostoba waa inaad maalinta toddobaad nasataan.

  • Bax 23:10-12
    3 aayado
    74%

    10¶ Lix sannadood waa inaad dhulkaaga wax ku abuurtaa oo midhihiisa urursataa,

    11laakiinse sannadda toddobaad waa inaad iska daysaa ha nasto, oo dhul aan beernayn ha noqdee, inay masaakiinta dadkaagu wax ka cunaan; oo waxay reebaanna dugaagga duurku ha daaqeen. Oo sidaas oo kalena waa inaad u gashaa beertaada canabka ah iyo beertaada saytuunka ah.

    12Lix maalmood waa inaad shuqulkaaga qabsataa, oo maalinta toddobaadna waa inaad nasataa, si ay dibigaaga iyo dameerkaaguna u nastaan, oo ay wiilka addoontaada iyo kan qariibka ahuba nafis u helaan.

  • 34Oo dhulkii cidlada ahaan jirayna waa la beeran doonaa, kaasoo cidlada ku ahaan jiray wax alla wixii soo dhex maraba.

  • 31Maalintaasu waxay idiin tahay sabti nasasho weyn leh, oo waa inaad nafihiinna dhibtaan. Taasu waa qaynuun weligiis jira.

  • 3¶ Lix maalmood waa in shuqul la qabtaa, laakiinse maalinta toddobaad waa sabti nasasho weyn leh oo ah shir quduus ah. Waa inaydaan innaba shuqul qaban cayn kastoo uu yahayba, waayo, waa sabti ay tahay in Rabbiga looga dhawro meel kastoo aad deggan tihiinba.

  • Cib 4:9-10
    2 aayado
    73%

    9Sidaas daraaddeed waxaa dadka Ilaah u hadha nasasho.

    10Waayo, kii nasashadiisa galay, isaga qudhiisuna waa ka nastay shuqulladiisii sidii Ilaah kuwiisii uga nastay.

  • Bax 31:16-17
    2 aayado
    72%

    16Sidaas daraaddeed reer binu Israa'iil waa inay sabtida dhawraan, iyagoo ka ab ka ab sabtida u dhawra axdi weligiis ah aawadiis.

    17Waa calaamo weligeed ina dhex taal aniga iyo reer binu Israa'iil; waayo, Rabbigu lix maalmood buu ku sameeyey samada iyo dhulka, oo maalintii toddobaadna wuu nastay, wuuna qabowsaday.

  • 72%

    31Waa inaydaan innaba shuqul qaban cayn kastoo uu yahayba, oo kaasu weligiinba waa idiin qaynuun tan iyo ab ka ab meel kastoo aad deggan tihiinba.

    32Oo dharaartaasu waxay idiin ahaan doontaa sabti nasasho weyn leh, oo waa inaad nafihiinna dhibtaan. Oo bisha maalinteeda sagaalaad waa inaad dhawrtaan sabtidiinna tan iyo fiid ilaa ka fiid.

  • 30Oo sidaas daraaddeed baa dadkii maalintii toddobaad u nasteen.

  • Laaw 26:5-6
    2 aayado
    72%

    5Tumidda hadhuudhkiinnu waxay gaadhi doontaa guridda canabkiinna, guridda canabkuna waxay gaadhi doontaa ilaa wakhtiga beeridda, oo cuntadiinna ayaad cuni doontaan ilaa aad dheregtaan, oo dalkiinnana ammaan baad ku degganaan doontaan.

    6Oo anigu waxaan dalka idinku siin doonaa nabaadiino, oo idinna waad iska jiifsan doontaan, oo waxba idinma cabsiin doonaan, oo anna dugaagga xun dalkiinna waan ka baabbi'in doonaa, oo seefuna dalkiinna innaba ma dhex mari doonto.

  • 72%

    38Waxaad ku dhex baabbi'i doontaan quruumaha, oo dalka cadaawayaashiinnuna waa idin dhammaysan doonaa.

    39Oo intii idinka hadhana iyagoo dalka cadaawayaashiinna jooga ayay xumaatadooda u dulloobi doonaan, oo weliba xumaatooyinkii awowayaashoodna ayay u dulloobi doonaan.

  • 3¶ Oo maalinta Rabbigu kaa nasiyo murugtaadii, iyo dhibkaagii, iyo addoonsigii adkaa oo lagugu addoonsanayay,

  • 5Meeshatanna mar kale wuxuu yidhi, Iyagu nasashadayda ma geli doonaan.

  • 2Waa inaad iidahayga dhawrtaan, oo aad meeshayda quduuska ah maamuustaan, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 10Waayo, magaaladii deyrka lahayd way cidlowday, waxayna tahay hoy laga kacay, oo waxaa looga tegey sida cidlada oo kale. Halkaas waxaa daaqi doona weylka, wuuna jiifsan doonaa, oo wuxuu dhammayn doonaa laamaheeda oo dhan.

  • 24Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad aad ii maqashaan, oo aydaan maalinta sabtida innaba rar soo gelin irdaha magaaladan, laakiinse aad maalinta sabtida quduus ka dhigtaan, oo aydaan maalintaas innaba wax shuqul ah samayn,

  • 12uu markii hore ku yidhi, Tanu waa nasasho, ee kuwa daallan ku nasiya, oo tanuna waa isqabowjintii. Laakiinse inay maqlaan way diideen.

  • 22oo maalinta sabtidana guryihiinna rar ha ka bixinina, oo innaba wax shuqul ah ha samaynina, laakiinse maalinta sabtida waxaad quduus uga dhigtaan sidaan awowayaashiin ku amray.

  • 15Waayo, Sayidka Rabbiga ah oo ah kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil wuxuu yidhi, Soo noqosho iyo nasasho ayaad ku badbaadi doontaan, oo xasilloonaan iyo kalsooni ayaad xoog ku yeelan doontaan, laakiinse ma aydaan doonayn.

  • 7oo isaga ha nasinina jeeruu Yeruusaalem dhiso oo ammaan dhulka kaga dhigo,

  • Yex 35:14-15
    2 aayado
    70%

    14Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Iyadoo dunida oo dhammu ay rayraynayso ayaan cidla kaa dhigi doonaa.

    15Sidaad dhaxalka reer binu Israa'iil ugu rayraysay markuu cidlada noqday sidaas oo kalaan kaa dhigi doonaa. Buur Seciiray, cidla baad noqon doontaa, dhammaantiin adiga iyo reer Edom oo dhammuba, oo markaasay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 18Oo dadkayguna waxay joogi doonaan rug nabaadiino, iyo hoyaal ammaan ah, iyo meelo xasilloon oo lagu nasto.

  • 9waayo, idinku weli ma aydaan gaadhin nasashada iyo dhaxalka uu Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siinayo.

  • 26Waxay illoobi doonaan ceebtoodii iyo xadgudubyadii ay igu xadgudbeen oo dhan markay si ammaan ah dalkooda u degganaan doonaan, oo aan ciduna ka cabsiin doonin,

  • 15ilaa Rabbigu walaalihiin nasiyo, siduu idinkaba idiin nasiyey, oo ay iyana hantiyaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga siinayo; oo markaasaad ku soo noqon doontaan dalkii hantidiinna, oo waad hantiyi doontaan dalkii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinka siiyey Webi Urdun shishadiisa oo ah xagga qorrax ka soo baxa.

  • 13Haddaad sabtida cagtaada ula hadhid si aadan maalintayda quduuska ah damacaaga u samayn, aadse sabtida ugu yeedhid farxad, iyo tan quduuska ah ee Rabbiga, oo sharafta badan, iyo haddaad sabtida sharaftid, adigoo aan siyaalahaaga samaynayn, ama aan damacaaga daba galayn, ama aan hadalkaaga ku hadlayn,

  • 2Lix maalmood waa in la shaqeeyaa, laakiinse maalinta toddobaad waa inay maalin quduus ah idiin ahaataa oo waa sabti nasasho oo Rabbiga loo nasto, oo ku alla kii maalintaas shuqul qabta waa in nafta laga qaadaa.

  • 65Oo quruumahaas dhexdooda istareex kama heli doontaan, oo cagtiinnuna ma nasan doonto, laakiinse Rabbigu wuxuu halkaas idinku siin doonaa qalbigariir, iyo indhabbeel, iyo naf dulloobid.

  • 2Rabbigu wuxuu leeyahay, Markaan u soo kacay inaan isaga nasiyo ayay dadkii seefta ka baxsaday naxariis ka heleen cidladii, waana reer binu Israa'iil.

  • 37Oo xeryihii nabaadiinada waa la wada baabbi'iyey Rabbiga xanaaqiisa kulul aawadiis.