Laawiyiintii 27:30
¶ Oo meeltobnaadka waxa dalka ka baxa oo dhan hadday yihiin dhulka iniinihiisa ama hadday yihiin midhaha dhirtaba, Rabbigaa iska leh, oo waa wax Rabbiga quduus u ah.
¶ Oo meeltobnaadka waxa dalka ka baxa oo dhan hadday yihiin dhulka iniinihiisa ama hadday yihiin midhaha dhirtaba, Rabbigaa iska leh, oo waa wax Rabbiga quduus u ah.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
31Oo haddii qof doonayo inuu wax meeltobnaadkiisii ah furto waa inuu ku daraa waxaas oo shan meelood loo dhigay meeshood.
32Oo kulli meeltobnaadka lo'da ah ama kan adhiga ah oo dhan, wax alla wixii lagu tiriyo ee hoos maro usha adhijirka, meeltobnaadku waa inuu Rabbiga quduus u ahaadaa.
35iyo inaynu sannad kasta guriga Rabbiga keenayno midhaha ugu horreeya dhulkeenna iyo midhaha ugu horreeya geedo cayn kasta ah,
37iyo inaynu wadaaddada qolalka guriga Ilaaheenna ugu keenayno inta ugu horraysa cajiinkeenna, iyo qurbaannadeenna, iyo midhaha geedo cayn kasta ah, iyo khamriga, iyo saliidda, iyo inaynu waxa dhulkeenna ka baxa toban meelood meel ka siinayno kuwa reer Laawi, waayo, reer Laawi waxay meeltobnaadyada ka qaadan jireen beeraha magaalooyinkeenna oo dhan.
23Oo markaad dalka gashaan, oo aad cunto u beerataan dhir cayn kasta ah, markaas waa inaad midhahooda ku tirisaan sidii wax buuryoqab ah, oo intii saddex sannadood ah waxay idiin ahaan doonaan sidii wax buuryoqab ah, oo waa inaan midhahaas la cunin.
24Laakiinse sannadda afraad midhahooda oo dhammu quduus bay ahaan doonaan, si Rabbiga loo ammaano aawadeed.
25Oo midhahoodana waxaad cuni doontaan sannadda shanaad, si ay midhahoodu idiinku soo baxaan, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
21laakiin beertu markay wareegto sannadda yubilii ah, waxay quduus u ahaan doontaa Rabbiga sidii beer isaga loo soocay, hantideedana waxaa yeelan doona wadaadka.
22Oo hadduu Rabbiga quduus uga dhigo beer uu soo iibsaday oo aan ahayn beerta hantidiisa ah,
23markaas wadaadku waa inuu xisaabaa qiimihii aad ku qiimaysay tan iyo sannadda yubilii ah, oo isla maalintaas isagu waa inuu wixii aad beerta ku qiimaysay u bixiyaa sida wax Rabbiga quduus u ah.
22¶ Oo waa inaad toban meelood meel ka bixisaa midhaha abuurkaaga oo ah waxa sannad kasta beerta kaaga baxa oo dhan.
23Oo Rabbiga Ilaahaaga ah meesha uu u dooranayo inuu magiciisa dhigo hortiisa waa inaad ku cuntaa meel tobnaadka hadhuudhkaaga, iyo kan khamrigaaga, iyo kan saliiddaada, iyo curadyada lo'daada iyo kuwa adhigaaga, inaad barato inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka cabsato had iyo goorba.
26Waayo, Rabbigaa leh dhulka iyo waxa ku jira oo dhanba.
13Midhaha ugu horreeya oo dalkooda oo dhan, oo ay Rabbiga u keenaan, adigaa iska lahaan doonta; oo mid kasta oo daahir ah oo gurigaaga joogaaba wax ha ka cuno.
14Oo wax kasta oo ay reer binu Israa'iil gooni u soocaan waa inay kuwaaga ahaadaan.
28¶ Habase yeeshee wixii gooni loo sooco, oo qof waxyaalihiisa oo dhan Rabbiga uga sooco, hadday waxaasu yihiin qof, ama neef, ama beerta hantidiisa ah, waa inaan innaba la iibin ama la furan, waayo, wax kasta oo gooni loo sooco waa wax Rabbiga ugu wada quduusan.
29Oo qof alla qofkii gooni loo sooco oo dadka laga sooco oo dhan waa inaan innaba la soo furan, laakiinse hubaal waa in la dilaa.
9¶ Oo neef Rabbiga qurbaan loogu bixiyo hadduu yahayna, wax alla wixii qofi Rabbiga saas ugu bixiyaa quduus bay ahaan doonaan.
25¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
26Weliba waxaad la hadashaa reer Laawi oo ku tidhaahdaa, Markaad reer binu Israa'iil dhaxal uga qaadataan meeltobnaadka aan idinka siiyey, markaas waa inaad Rabbiga uga bixisaan qurbaan sare loo qaado, oo ah meeltobnaadka meeltobnaadkiisa.
27Oo qurbaankiinna sare loo qaado wuxuu idiin tirsanaan doonaa sidii isagoo ah hadhuudhka meesha lagu tumo, iyo sida buuxsanaanta macsaradda canabka.
12Waayo, sannaddaasu waa wakhti yubilii ah, oo waa inay idiin ahaataa mid quduus ah; oo waxaad cuni doontaan midhaha berrinka iskood uga baxa.
26¶ Laakiinse xayawaanka curadkooda Rabbiga gooni ahaanta loogu soocay ninna waa inuusan quduus ka dhigin, hadduu dibi yahay iyo hadduu ido yahayba, waayo, waxaa iska leh Rabbiga.
10Oo haatan Rabbiyow, waxaan keenay dhulkii aad i siisay midhihiisii u horreeyey. Kolkaas waa inaad midhaha hor dhigtaa Rabbiga Ilaahaaga ah, oo aad ku sujuuddaa Rabbiga Ilaahaaga ah hortiisa.
13Oo haddii dhexdiisa toban meelood meel ku hadho way baabbi'i doontaa, oo sida geedo marka la gooyo jiridu u hadho ayaa farcanka quduuska ahu dadka jirid u yahay.
17Oo beertiisa hadduu quduus ka dhigo oo uu ka bilaabo sannadda yubilii ah, markaas intaad ku qiimaysay ha ahaato.
9Oo qurbaan kasta oo sare loo qaado oo ah waxyaalaha quduuska ah oo dhan ee ay reer binu Israa'iil wadaadka u keenaan waa in isagu lahaadaa.
10Oo nin walba waxyaalihiisa quduuska ah waa in wadaadku lahaadaa, oo wax alla wixii nin wadaadka siiyana isagu waa inuu lahaadaa.
9Rabbiga ku murwee maalkaaga Iyo midhaha ugu horreeya waxa kuu kordha oo dhan;
29Oo hadiyadaha aad heshaan oo dhanba waa inaad ka bixisaan qurbaan kasta oo Rabbiga oo sare loo qaado intooda ugu wanaagsan oo ah inta ugu wada quduusan.
30Oo sidaas daraaddeed waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Markii aad sare uga qaaddaan inta ugu wanaagsan, waxaa reer Laawi loogu tirinayaa sida hadhuudhka meesha wax lagu tumo yaal iyo sida midhaha canabka oo macsaradda yaal.
14Oo iyagu waa inayan innaba iibsan, ama ayan beddelan, ama ayan dalka midhihiisa hore innaba shisheeye u gudbin, waayo, dhulkaasu Rabbiguu quduus u yahay.
1¶ Oo markaad gashid dalkii Rabbiga Ilaahaaga ahu uu dhaxalka kuu siinayo, oo aad hantido ee aad dhex degto,
2waa inaad keentaa midhaha dhulka kuwa ugu horreeya oo dhan, kuwaasoo aad ka guran doonto dalka Rabbiga Ilaahaaga ahu uu ku siinayo, oo waa inaad dambiil ku riddaa oo kolkaas waxaad tagtaa meesha Rabbiga Ilaahaaga ahu uu u dooranayo inuu magiciisa halkaas dhigo.
14Bal eega, Rabbiga Ilaahiinna ah ayaa iska leh samada, iyo samada samooyinka, iyo dhulka, iyo waxa ku jira oo dhanba.
19Oo kii beerta quduus ka dhigay hadduu doonayo inuu soo furto markaas waa inuu ku sii daraa lacagtii aad ku qiimaysay oo shan meelood loo dhigay meesheed, oo dabadeedna mar labaad buu mulkin doonaa.
15Oo wuxuu idinka qaadan doonaa iniinihiinna toban meelood oo meel iyo beerihiinna canabka ah, markaasuu siin doonaa saraakiishiisa, iyo midiidinnadiisa.
10Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeltobnaadyada oo dhan khasnadda soo geliya in gurigayga cunto ku jirto aawadeed, oo haddaba taas igu tijaabiya, haddii aan idiin furi waayo daaqadaha samada, oo aan idinkaga soo shubi waayo barako aan meel qaadi karta la arag.
21¶ Oo bal eeg, reer Laawina waxaan dhaxal u siiyey meeltobnaadka ay reer binu Israa'iil oo dhan bixiyaan; taasu waa hawshooda ay qabtaan abaalgudkeedii, taasoo ah hawsha teendhada shirka.
1Rabbigaa iska leh dhulka iyo waxa ka buuxa oo dhan, Iyo dunida iyo kuwa degganba.
3Reer binu Israa'iil wuxuu Rabbiga u ahaa quduus, iyo midhihii ugu horreeyey ee beergooyskiisii, oo kuwii isaga cunay oo dhammu eed bay lahaayeen, oo masiibo baa iyaga ku soo degtay, ayaa Rabbigu leeyahay.
5Oo haddiiba mar alla markii amarkii soo baxay ayaa dadkii Israa'iil bixiyeen wax faro badan oo ah midhihii dhulka ugu horreeyey, oo ah hadhuudh, iyo khamri, iyo saliid, iyo malab, iyo wixii dhulka ka baxay oo dhan, oo wax kasta toban meelood meel ayay si badan u keeneen.
6Oo dadkii Israa'iil iyo dadkii Yahuudah oo degganaa magaalooyinkii dalka Yahuudah, iyaguna waxay toban meelood meel ka keeneen lo'da iyo idaha, iyo weliba alaabtii la soocay oo quduuska looga dhigay Rabbiga Ilaahooda ah, wayna iskor tuuleen.
28¶ Oo saddex sannadood oo kasta markay dhammaadaanba waa inaad soo bixisaa meeltobnaadka waxa sannaddaas kuu baxay, oo waxaad ku kaydsataa irdahaaga gudahooda.
7iyo xoolahaaga, iyo xayawaanka dalkaaga jooga oo dhan waxaa cunto u ahaan doona midhaha dalka iska baxa oo idil.
10Dadka reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Dalka aan idin siinaya markaad gashaan oo aad midhaha goosataan, markaas waxaad wadaadka u keentaan xidhmo ah beergooyska midhihiisa ugu horreeya.
10Oo beertiinna canabka ahna waa inaydaan xaaxaabin, oo midhaha beertiinna canabka ah oo dhacayna waa inaydaan soo urursan, laakiinse waa inaad u daysaan miskiinka iyo shisheeyaha, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
24Oo dalka aad hantida u leedihiin oo dhan waxaad dhulka uga oggolaataan furasho.
2Curadyada oo dhan quduus iiga dhig; wax alla wixii maxal fura oo ku dhex jira reer binu Israa'iil, dad iyo duunyoba, anigaa iska leh.
30Oo wax kasta oo midhaha ugu horreeya cayn kastaba, iyo qurbaannadiinna oo dhan cayn kasta oo ay yihiinba waxaa iska leh wadaaddada. Oo cajiinkiinna cadka ugu horreeyana waa inaad wadaadka siisaan si ay barako reerkiinna ugu soo degto.