Luukos 14:17

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

oo saacaddii cashada ayuu addoonkiisii u diray inuu kuwii loo yeedhay ku yidhaahdo, Kaalaya, waayo, haatan wax waluba waa diyaar.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 10:1-4 : 1 ¶ Markaasuu wuxuu u yeedhay laba-iyo-tobankii xertiisa ahaa oo wuxuu siiyey amar ay jinniyo wasakh leh ku saaraan oo ay bugto walba iyo cudur walba ku bogsiiyaan. 2 ¶ Laba-iyo-tobanka rasuul magacyadoodu waa kuwan, Kan ugu horreeyaa waa Simoon, kan Butros la odhan jiray, iyo walaalkiis Andaros, iyo Yacquub ina Sebedi, iyo walaalkiis Yooxanaa, 3 iyo Filibos, iyo Bartolomayos, iyo Toomas, iyo Matayos oo cashuurqaadaha ahaa, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Tadayos, 4 iyo Simoon reer Kaana, iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyey.
  • Mat 11:27-29 : 27 ¶ Aabbahay wax walbaba waa ii dhiibay; oo ninna Wiilka garan maayo Aabbaha maahee, oo ninna Aabbaha garan maayo Wiilka maahee iyo kii Wiilku doonayo inuu u muujiyo. 28 Ii kaalaya kulligiin kuwiinna hawshaysan oo culaabaysanow, oo anigu waan idin nasin doonaa. 29 Harqoodkayga dushiinna ku qaata oo wax iga barta; waayo, waan qaboobahay, qalbigayguna waa hooseeyaa, oo naftiinna nasashaad u heli doontaan.
  • Mat 22:3-4 : 3 Addoommadiisii ayuu u diray inay u yeedhaan kuwa arooska loogu yeedhay, mana ay doonaynin inay yimaadaan. 4 Haddana addoommo kale ayuu diray oo wuxuu ku yidhi, Kuwii loo yeedhay waxaad ku tidhaahdaan, Bal eega, cuntadaydii waan diyaargareeyey, dibiyadaydii iyo neefafkaygii buurbuurnaana waa la qalay, wax walubana waa diyar, ee arooska kaalaya.
  • Luuk 3:4-6 : 4 siday ugu qoran tahay kitaabkii hadallada Nebi Isayos, Waa codka kan cidlada kaga qaylinaya, Jidka Rabbiga hagaajiya, Waddooyinkiisa toosiya. 5 Dooxo walba waa la buuxin doonaa, Qar iyo buur walbana waa la gaabin doonaa, Wixii qalloocanna waa la toosin doonaa, Jidadka xunxunna waa la simi doonaa, 6 Uunka oo dhammuna badbaadinta Ilaah ayay arki doonaan.
  • Luuk 9:1-5 : 1 ¶ Laba-iyo-tobankii ayuu isugu yeedhay, wuxuuna siiyey xoog iyo amar ay jinniyada oo dhan ku saaraan oo ay cudurro ku bogsiiyaan. 2 Wuuna diray inay boqortooyadii Ilaah ku wacdiyaan dadka oo ay bogsiiyaan kuwa buka. 3 Wuxuuna ku yidhi, Waxba safarka ha u qaadanina, ama ul, ama qandi, ama kibis, ama lacag. Laba khamiisna ha qaadanina. 4 Guri alla gurigaad gashaan jooga, meeshaasna ka baxa. 5 Kuwa alla kuwii aan idin soo dhowayn, markaad magaaladaas ka baxdaan siigada cagihiinna ka dhabaandhaba inay marag ka gees ah ku ahaato.
  • Luuk 10:1-9 : 1 ¶ Waxaa dabadeed Rabbigu wuxuu soo bixiyey toddobaatan kale, oo laba laba ayuu hortiisa u diray ilaa magaalo walba iyo meel walba oo uu tegi lahaa. 2 Wuxuuna ku yidhi, Waxa beerta laga gooynayaa way badan yihiin, shaqaalayaashuse waa yar yihiin. Sidaa darteed Sayidka beergooyska barya inuu shaqaalayaal beertiisa u soo diro. 3 Socda, oo ogaada, waxaan idiin dirayaa sida baraar oo yeey ku dhex jira. 4 Ha qaadanina kiish, ama qandi, ama kabo, ninnaba jidka ha ku nabdaadinina. 5 Guri alla gurigaad gashaan, horta waxaad ku tidhaahdaan, Gurigan nabad ha u ahaato. 6 Ina nabdeed hadduu halkaas joogo, nabaddiinnu waxay ahaan doontaa dushiisa, haddii kalese way idinku soo noqon doontaa. 7 Gurigaas qudhiisa jooga, idinkoo cunaya oo cabbaya waxay haystaan, waayo, shaqaaluhu waa istaahilaa abaalgudkiisa. Guriba guri ha u dhaafina. 8 Magaalo alla magaaladaad gashaan oo laydinka soo dhoweeya, waxa laydin soo hor dhigo cuna. 9 Bogsiiya kuwa buka oo halkaas jooga, oo ku dhaha, Boqortooyada Ilaah waa idinku soo dhow dahay. 10 Laakiin magaalo alla magaaladaad gashaan, oo aan laydinka soo dhowayn, u soo baxa jidadkeeda, oo dhaha, 11 Xataa siigada magaaladiinna ee cagahayaga soo raacday, waannu idinku tirtiraynaa, laakiin kan ogaada, Boqortooyadii Ilaah waa dhow dahay. 12 Waxaan idinku leeyahay, Maalintaas Sodom ayaa ka xisaab fududaan doonta magaaldaas.
  • Yoox 7:37 : 37 ¶ Maalintii u dambaysay, oo ahayd maalintii weynayd ee iidda, Ciise ayaa istaagay oo qayliyey isagoo leh, Haddii qof uun harraado, ha ii yimaado, hana cabbo.
  • Fal 2:38-39 : 38 Markaasaa Butros iyagii ku yidhi, Toobadkeena, oo midkiin kasta ha lagu baabtiiso magaca Ciise Masiix dembidhaafkiinna aawadiis, oo waxaad heli doontaan hadiyadda ah Ruuxa Quduuska ah. 39 Maxaa yeelay, ballanka waxaa leh idinka iyo carruurtiinna iyo kuwa fog oo dhan in alla intii Rabbiga Ilaaheenna ahu u yeedho.
  • Fal 3:24-26 : 24 Nebiyadii oo dhan tan iyo Samuu'eel iyo kuwii ka dambeeyey, in alla intii hadashay, waxay wada sheegeen maalmahan. 25 Waxaad tihiin wiilashii nebiyada iyo wiilashii axdigii Ilaah la dhigtay awowayaashiin, markuu Ibraahim ku yidhi, Qabiilooyinka dunida oo dhammu farcankaagay ku barakoobi doonaan. 26 Ilaah markuu Midiidinkiisii kiciyey, idinkuu markii hore idiin soo diray inuu idin barakeeyo markuu midkiin kasta dembiyadiisa ka soo jeediyo.
  • Fal 13:26 : 26 ¶ Walaalayaalow, idinkoo ah farcankii Ibraahim iyo kuwa idinku dhex jira oo Ilaah ka cabsadow, innaga ayaa laynoo soo diray ereyga badbaadintan.
  • Fal 13:38-39 : 38 Sidaas darteed, walaalayaalow, garta in ninkan xaggiisa dembidhaafka laydinkaga wacdiyey; 39 nin kasta oo isaga rumaystana xaq baa lagaga dhigay wax walba oo sharciga Muuse uusan xaq idinkaga dhigi karin.
  • 2 Kor 5:18-6:1 : 18 Laakiin wax waliba waa xagga Ilaah kan inagula heshiiyey Masiix, oo na siiyey adeegidda heshiisnimada, 19 taas waxa weeye, Ilaah duniduu Masiix kula heshiiyey, isagoo aan dembiyadooda ku xisaabaynin, oo noo dhiibay hadalka heshiisnimada. 20 ¶ Sidaas daraaddeed ergo ayaannu u nahay Masiix aawadiis, sidii Ilaah oo idinka baryaya xaggayaga, Masiix aawadiis waxaannu idinku baraynaa, Ilaah la heshiiya. 21 Wuxuu isaga oo aan dembi aqoonin ka dhigay inuu dembi noqdo aawadeen, inaynu noqonno xaqnimada Ilaah ee ku jirta isaga. 1 ¶ Annagoo la shaqaynayna Ilaah waxaannu idinka baryaynaa inaydnaan micnela'aan u qaadan nimcadii Ilaah,
  • Maah 9:1-5 : 1 Xigmaddu gurigeeday dhisatay, Toddobadeedii tiirna way xaradhay. 2 Neefafkeedii ayay qashay, oo waxay isku dartay khamrigeedii; Miiskeediina way diyaarisay. 3 Oo gabdhaheedii midiidinnada ahaa ayay dirtay, oo waxay ka qaylinaysaa Magaalada meelaha ugu sarreeya, iyadoo leh, 4 Ku alla kii garaaddaranu, halkan ha u soo leexdo. Oo kii waxgarasho u baahanna waxay ku leedahay, 5 Kaalaya oo kibistayda wax ka cuna, Oo khamriga aan isku darayna wax ka cabba.
  • Mat 3:1-9 : 1 ¶ Maalmahaas waxaa yimid Yooxanaa Baabtiisaha isagoo cidlada Yahuudiya wax ku wacdiyaya, oo leh, 2 Toobadkeena, waayo, boqortooyadii jannadu waa dhow dahay. 3 Waayo, kan waa kii nebi Isayos ka hadlay kolkuu yidhi, Waa codka kan cidlada kaga qaylinaya, Jidka Rabbiga hagaajiya, Waddooyinkiisa toosiya. 4 ¶ Yooxanaa qudhiisu wuxuu guntanaa dharkiisii dhogorta geel ahaa, oo suun meged ahna dhexduu ku xidhnaa, cuntadiisuna waxay ahayd ayax iyo malab dibadeed. 5 Markaas waxaa u soo baxay dadka Yeruusaalem, iyo kuwa Yahuudiya oo dhan iyo kuwa dalka Urdun ku wareegsan oo dhan, 6 markaasuu Webi Urdun ku baabtiisay iyagoo dembiyadooda qiranaya. 7 ¶ Laakiin goortuu arkay qaar badan oo Farrisiin iyo Sadukiin ah oo baabtiiskiisa yimid wuxuu ku yidhi, Dhal jilbisay, yaa idiinka digay inaad ka carartaan cadhada imanaysa? 8 Haddaba midho toobad istaahila soo bixiya, 9 hana ku fikirina inaad tidhaahdaan, Waxaannu leennahay Ibraahim oo aabbe noo ah. Waayo, waxaan idinku leeyahay, Ilaah waa karaa inuu dhagaxyadan carruur uga kiciyo Ibraahim. 10 Haddeer weliba faaska waxaa la dhigay geedaha guntooda. Sidaa darteed geed walba oo aan midho wanaagsan soo bixin waa la gooyaa oo dabkaa lagu tuuraa. 11 Anigu biyo ayaan idinku baabtiisaa ilaa toobadda, laakiin kan iga daba imanayaa waa iga itaal weyn yahay, kan aanan istaahilin inaan kabihiisa u qaado. Isagu wuxuu idinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah iyo dab. 12 Masaftiisu gacantiisay ku jirtaa, goobta wax lagu tumona aad buu u safayn doonaa, oo sarreenkiisa ayuu maqsinka ku soo ururin doonaa, laakiin buunshaha ayuu dab aan damayn ku gubi doonaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 86%

    15¶ Kuwa cuntada ula fadhiyey midkood, goortuu waxaas maqlay, wuxuu isaga ku yidhi, Waxaa barakaysan kan kibis ku cuni doona boqortooyada Ilaah.

    16Wuxuuse ku yidhi, Nin baa casho weyn sameeyey, oo dad badan u yeedhay,

  • Mat 22:2-5
    4 aayado
    85%

    2Boqortooyada jannada waxay la mid tahay sidii boqor wiilkiisa aroos u dhigay.

    3Addoommadiisii ayuu u diray inay u yeedhaan kuwa arooska loogu yeedhay, mana ay doonaynin inay yimaadaan.

    4Haddana addoommo kale ayuu diray oo wuxuu ku yidhi, Kuwii loo yeedhay waxaad ku tidhaahdaan, Bal eega, cuntadaydii waan diyaargareeyey, dibiyadaydii iyo neefafkaygii buurbuurnaana waa la qalay, wax walubana waa diyar, ee arooska kaalaya.

    5Laakiin way fududaysteen, oo iska tageen, mid beertiisuu aaday, mid kalena wuxuu aaday baayacmushtarigiisii.

  • 82%

    18Markaasay kulligood waxay bilaabeen inay fikir keliya ku marmarsiiyoodaan. Kii u horreeyey ayaa ku yidhi, Beer baan iibsaday, oo waa inaan tago oo aan soo arko. Waxaan kaa baryayaa inaad iga raalli ahaato.

    19Mid kale ayaa yidhi, Waxaan iibsaday shan qindi oo dibi ah, oo waan tegayaa inaan imtixaamo. Waxaan kaa baryayaa inaad iga raalli ahaato.

    20Mid kale ayaa yidhi, Naag baan guursaday, sidaa darteed ma iman karo.

    21Markaasaa addoonkii yimid, oo waxaas ayuu sayidkiisii u sheegay. Kolkaasaa sayidkii gurigu cadhooday, oo wuxuu addoonkiisii ku yidhi, Dhaqso jidadka iyo surimmada magaalada u bax oo soo kaxee masaakiinta iyo kuwa laxaadka la' iyo indhoolayaasha iyo curyaannada.

    22Kolkaasaa addoonkii ku yidhi, Sayidow, waxaad amartay waa la yeelay, oo weli meel baa bannaan.

    23Markaasaa sayidkii wuxuu addoonkii ku yidhi, Jidadka iyo wadiiqooyinka oodaha u bax, oo dadka ku qasab inay soo galaan, si uu gurigaygu u buuxsamo.

    24Waayo, waxaan idinku leeyahay, Nimankaas loo yeedhay midkoodna cashadayda dhadhamin maayo.

  • Mat 22:8-11
    4 aayado
    81%

    8Markaasuu addoommadiisii ku yidhi, Arooskii waa diyaar, kuwii loo yeedhayse ma ay istaahilin.

    9Haddaba taga meesha jidadka ku kala leexdaan, oo in alla intaad heshaan arooska ugu yeedha.

    10Markaasaa addoommadaas jidadkay u baxeen, oo ay soo ururiyeen kuwii ay heleen oo dhan, kuwii sharka lahaa iyo kuwii wanaagsanaaba; gurigii arooskana waxaa laga buuxiyey marti.

    11Laakiin boqorkii kolkuu soo galay inuu martida eego, wuxuu meesha ku arkay nin aan dharkii arooska qabin,

  • Luuk 14:7-10
    4 aayado
    78%

    7¶ Goortuu arkay kuwii loo yeedhay siday kursiyada hore u doorteen, ayuu masaal kula hadlay oo ku yidhi,

    8Markii nin kuugu yeedho aroos, kursiga hore ha fadhiisan, waaba intaasoo isagu nin kaa murwad weyn ugu yeedho,

    9oo kii isaga iyo adiga idiin yeedhay uu yimaado oo kugu yidhaahdo, Kan meel sii, oo markaasaad bilaabaysaa inaad meesha dambe ceeb ku fadhiisato.

    10Laakiin goortii laguu yeedho, tag oo meesha u hoosaysa fadhiiso, si kii kuu yeedhay kolkuu yimaado uu kuugu yidhaahdo, Saaxiibow, sare u soco. Markaasaad ammaan ku lahaan doontaa kuwa cuntada kula fadhiya oo dhan hortooda.

  • Luuk 17:7-8
    2 aayado
    75%

    7Laakiin kiinnee baa leh addoon dhulka jaraya ama adhi jiraya, oo ku odhan doona goortuu beerta ka yimaado, Dhaqso u kaalay oo cunto u fadhiiso?

    8Laakiin miyaanu ku odhan doonin, Diyaari waxaan ku casheeyo, oo gunto, oo ii adeeg intaan wax cunayo oo cabbayo, kolkaa dabadeed ayaad wax cuni oo cabbi?

  • 74%

    36Idinkuna ahaada sida niman sayidkooda sugaya, goortuu arooska ka soo noqdo, inay markiiba ka furaan markuu yimaado oo garaaco.

    37Waxaa barakaysan addoommadaas, kuwa sayidku goortuu yimaado, uu helo iyagoo soo jeeda. Runtii waxaan idinku leeyahay, Isagu waa guntan doonaa, oo cunto ayuu u fadhiisan doonaa, oo intuu iyaga u dhowaado ayuu u adeegi doonaa.

  • 10Markay tageen inay soo iibsadaan, ninkii arooska ahaa ayaa yimid, oo kuwii diyaarka ahaa ayaa la galay guriga arooska, albaabkiina waa la xidhay.

  • 73%

    14Meeshuu galo waxaad ninkii guriga lahaa ku tidhaahdaan, Macallinkii wuxuu leeyahay, Meeday qolladdaydii martidu oo aan xertayda kula cuni doono cashada Iidda Kormaridda?

    15Wuxuu idin tusayaa qollad weyn oo sare oo goglan oo diyaar ah; halkaa inoogu diyaargareeya.

    16Xertiisii ayaa baxday oo magaalada gashay, wayna heleen siduu u sheegay, oo cashada Iidda Kormaridda ayay diyaargareeyeen.

    17¶ Goortii makhribkii la gaadhay ayuu laba-iyo-tobankii la yimid.

  • 26Markaasuu midiidinyada midkood u yeedhay oo weyddiiyey, Waa maxay waxaas?

  • 72%

    12¶ Wuxuuna ku yidhi kii u yeedhay, Goortaad qado ama casho samayso, ha u yeedhin saaxiibbadaada ama walaalahaa ama xigaalkaa ama derisyadaada hodanka ah, waaba intaasoo iyaguna ay markooda kuu yeedhaan, oo ay abaalgud kugu noqotaa.

    13Laakiin goortaad diyaafad samayso waxaad u yeedhaa masaakiinta iyo kuwa laxaadka la' iyo curyaannada iyo indhoolayaasha,

  • Luuk 22:8-9
    2 aayado
    72%

    8Markaasaa Ciise wuxuu diray Butros iyo Yooxanaa isagoo ku leh, Taga oo Kormaridda inoo soo diyaargareeya aan cunnee.

    9Waxay ku yidhaahdeen, Xaggee baad doonaysaa inaannu ku diyaargarayno?

  • 14Waayo, kuwo badan baa loo yeedhay, laakiin kuwo yar baa la doortay.

  • 71%

    11Waxaad ninka guriga leh ku tidhaahdaan, Macallinkii wuxuu kugu leeyahay, Meeday qooladdii martidu oo aan xertayda kula cuni doono cashada Iidda Kormaridda?

    12Wuxuu idin tusayaa qoolad weyn oo sare oo goglan, halkaa ku diyaargareeya.

    13Markaasay tageen, oo waxay heleen siduu u sheegay, oo cashada Iidda Kormaridda way diyaargareeyeen.

    14¶ Goortii saacaddii timid ayuu fadhiistay, isaga iyo rasuulladiiba.

  • 34Oo goortii xilligii midhahu soo dhowaaday ayuu addoommadiisii u soo diray beerreydii inay midhihiisii u soo qaadaan.

  • 40Idinkuna diyaar ahaada, waayo, saacad aydnaan u malaynaynin ayaa Wiilka Aadanahu imanayaa.

  • 5Markaasuu u yeedhay mid walba oo sayidkiisu dayn ku lahaa. Kii hore ayuu ku yidhi, Sayidkaygu immisuu kugu leeyahay?

  • 22Laakiin aabbihii ayaa addoommadiisii ku yidhi, Dhaqso u soo bixiya khamiiska ugu wanaagsan oo u geliya, kaatunna gacanta u geliya, kabona cagaha u geliya.

  • 2Goortii xilligii yimid, ayuu addoon u soo diray beerreydii inuu beerreydii midhihii beerta ka soo qaado.

  • 18Wuxuu yidhi, Magaalada gala oo hebel u taga oo waxaad ku tidhaahdaan, Macallinkii wuxuu leeyahay, Wakhtigaygii waa dhow yahay, gurigaaga ayaan cashada Iidda Kormaridda kula samaysanayaa xertayda.

  • 6Habeenbadhkiise qaylo ayaa yeedhay, Arooskii waa soo socdaaye, soo baxa oo ka hor taga.

  • 44Sidaa darteed idinkuna diyaar ahaada, waayo, saacad aydnaan u malaynaynin ayaa Wiilka Aadanahu imanayaa.

  • 45Laakiin haddii addoonkaas qalbigiisa ka yidhaahdo, Sayidkayga imaatinkiisii waa raagay, oo uu bilaabo inuu garaaco midiidinyada ragga iyo dumarka ahaa, iyo inuu wax cuno oo wax cabbo oo sakhraamo,

  • 23Sidaa darteed boqortooyada jannada waxaa loo ekaysiiyaa nin boqor ah oo doonayay inuu addoommadiisa ka xisaab qaato.